Home » Author Archives: Admin

Author Archives: Admin

DAAWO: Gabar 10 sano jir ah oo dhashay ilmo nool taasoo la kufsaday 7-bil ka hor…

Gabar toban jir ah oo 7 bilood kahor lagu kufsaday dalka Hindiya ayaa ku dhashay isbitaal ku yaal dalka Hindiya ilmo nool oo caafimaad qaba.

ilmaha dhalay ayaa la sheegay in qalliin looga soo saaray gabar miisaankeeda lagu sheegay labo kilo iyo bar balse caafimaad qabta.

Gabadhan oo aan magaceeda iyo sawirkeedaba saxaafada loo soo bandhigin ayaan ogeyn inay ilmo dhashay,waayo waxaa loo sheegay markii ay ilmaha uurka ku sidey in caloosha uu dhagax ugu jiro.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gabadhan uu faro xumeyn kula kacay nin adeer u ahaa oo guriga kula noolaa kaasoo ay ciidamada Boolisku gacanta ku hayaan.

Waalidka dhalay gabadhan yar ayaa sheegay inaysan xitaa fiirineyn muuqaalka gabadha lagu soo qalay gabadhooda, waxaana gabadha yar oo lagu haynayo muddo toddobaadyo ah kadib la wareegi doono ururada carruurta xanaaneeya inta laga helayo qof damaanad qaada nolosheeda.

Dalka Hindiya ayaa waxaa ku badan falka kufsiga ah,balse waxaa ay haweenka la faraxumeeyay ay iska soo ridi karaan ilmaha labada bile e ugu horeysa. Hase yeeshee sharciga dalka Hindiya ayaa diidaya in la soo rido ilmo uurka hooyada ku koray illaa uu dhakhtar fasaxo.

Dhambaal Qiiro Badan: I Jecelow Ama I Necbow Labaduba Dhiiggeyga Ayaa Ku Shaqeeya!!

Fariimaha la qoro waxay ka mid yihin waxaayabaha ugu badan ee uu qofka adeegsado dunidan casriga ah.Gaar ahaan, marka uu qofka ku Jiro jewi farxadeed ama mid colaadeed waxaa uu aad ugu baahdaa inuu dareenkiisa ku muujiyo qoraal.

Haddaba, sida caadada aheydba, Doorkahaweenka.coma oo aad wax uga qorta arrimaha bulshada ayaa markan idiin soo qabaneysa qoraallo gaa-gaaban oo aad u adeegsan karo dadka uu xiriirka kaala dhaxeeyo.

# Ii xiis ama i necbow,labaduba waa dooqeyga.

# Haddii aad ii xiisto waxaan mar walibo ahaan doonaa Qalbigaaga dhexdiisa.

# Haddii aad i nacdana waxaan xilli walbo ku Jiri doonaa niyadaada.


# Ma hayo waqti aan ku naco dadka i neceb aniga.Sababtoo ah,waxaan mashquul ku yahay Jaceylka kuwa aadka ii jecel.

# Waan oggahay waxaa Jira dad badan oo i neceb,sababtoo ah waxay la tahay inaan aad u xumahay balse hubaashii waxaa sidookale jira dad aad ii jecel,waayo waxay ogyihiin in wanaaggeyga yar uu yahay mid aan been abuur aheyn.

TOP-Naasaha iyo Qaabka ugu sahlan ee Lagu Adkeyn karo markii aay kaa jilcaan

Mawduuceenu maanta wuxuu ku saabsan yahay faahfaahin iyo warbixin ku saabsan arrin maalmahaan la isla dhex marayay baraha bulshada taasoo ku saabsan in naasaha dumarka lagu adkeeyo ama lagu xoojiyo ku daliigista kareemka vasilin-ta iyo daawada ilkaha “Toothpaste”.

Inta aan arintaas u gudbin marka hore aan waxyar ka tilmaamo waxa ay naasuhu ka samaysan yihiin iyo waxyaabaha kale ee jirka qeybihiisa kale kaga duwan yihiin.

Naasaha wuxuu Alle ka sameeyay afar waxyaabood oo kala ah:

  • Qanjirro naasaha u gaar ah loona yaqaano “lobules” ama “Glandular Tissue”, kuwaasoo howshoodu tahay inay caanaha soo saaraan.
  • Tubooyin caanaha ka soo qaada qanjirradaas oo soo gaarsiiya ibta loona yaqaano “Ducts”
  • Unugyo iyo nudo gaar ah oo naasaha Alle ka sameeyay kuwaasoo kala ah “Fibrous Tissue iyo Connective tissue”
  • Dufan ama baruur naasaha ku dhex jirto “Adipose tissue”.

Marka labada qeyb ee ugu dambayso waa kuwa qaabilsan cufnaanta iyo muuqaalka naasaha, waana labada uu isbadalka ku dhaco markay naasuhu jilcayaan ama dhacayaan. Qaab dhismeedka naasaha ee kor ku cad waxaa laga faa’idaysanayaa in naas nuujintu aysan sabab u noqon karin in naasuhu jilcaan, waana arrin ay cilmibaarayaashu isku waafaqsan yihiin in naas-nuujintu aysan naasaha jilcin, laakiin uurku uu yahay.

Midda kale oo muhiimka ah oo iyadane la isku waafaqsan yahay waa in wax murqo ah aysan naasaha ku jirin, marka dadka aaminsan ama sheegayo in jimicsi lagu xoojiyo naasaha ama lagu adkeeyo wax ka jiro malahan, maadaama wax muruq ah uusan Alle ku dhex abuurin naasaha.

Intaa ka dib, su’aashu waxay tahay maxaa keeno in naasuhu ay jilcaan? qaabkeene u jilcaan, haweenkuna ma ku kala duwan yihiin?
Waxaa jiro dhowr sabab oo cilmibaaris lagu xaqiijiyay inay naasuhu dabciyaan, waxaana ka mid ah:

  • Sigaarka: haweenku sigaarka cabo ama lagu ag cabo, waxaa la xaqiijiyay in sigaarka uu burburiyo borotiin ku jira maqaarka naasaha xoojiyo loona yaqaano “Elastin”
  • Tirada uurka: kullamaa hooyadu ay uur yeelato, waxaa isbadal ku dhaca naasaha, uur walbo midkuu ka dambeeyane naasuhu way ku dabcaan khaasatan markuu uurku isku dhaw dhaw yahay.
  • Da’da: kullamaa da’da haweentu ay weyn tahay kullamaa naasuhu ay jilcaan, kullamaa naasuhu ay wayn yihiin, kullamaa ay la jilcaan da’da.
  • Miisaanka jirka: qofka oo si dhakhso ah miisaan ku fuulo ama si dhakhso ah uga dhaco weliba markuu miisaanka dhacayo ama korayo uu ka weyn yahay 20 kiilo.
  • Jimicsiga: Orodka, rucelynta iyo gaardinta waa jimicsiga ugu badan ee naasaha jilciyo.

Markuu caaafimaadka ka hadlayo naaso jileeca wuxuu adeegsadaa erayga “Ptosis” kaasoo leh heerar lagu qiyaaso jileeca naasaha iyadoo heerkulbeegu yahay meesha ay ibtu kaga aadan tahay naaska.

Arrinta kale oo haweenku badanaa qaladka ka fahansan yihin waa in keeshaliga ama rajabeetadu ay naasaha ka ilaaliyaan jileeca iyo dhicintaanka ama xoojiyaan naasaha, taasina waa fikir qaldan oo haweenka qaar ku kallifa inay habeen iyo maalin ku joogaan xirashada naaso-gashiga.

Vaseline-ta & Daawada Ilkaha:
Vidoe-ga maalmahaan ay bulshadu isla dhex marayso kaasoo lagu sheegayo in vaselin-ta iyo macjuunta ay naasuhu adkeeyaan, waa arrin aan sal iyo raad caafimaadka ku lahayn, khaasatan daawada ilkaha waxaa laga qaadi karaa dhibaatooyin halis ku ah caafimaadka markii loo isticmaalo meelo aan ilkaha ahayn, Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mid ah dadka fikradaan faafinayo inay dhaheen in daawada ilkaha la marinayo ibta naaska, waana halis sababtoo ah daawadaasi waxay u sii gudbi kartaa naasha iyadoo ka gudbayso tubooyinka caanaha soo qaado ee ibta ku furan, waana arrin laga qaadi karo cudurro halis ah.
Dhakhaatiirta ilkaha waxay ka digaan in daawada ilkaha aan loo isticmaalin maqaarka maadaama ay keento kor qallayl iyo dildillaac, iskaba daa in la mariyo ama lagu daliigo xubin xasaas ah sida naasaha oo kale.

Vaselin-ta sidoo kale waa maqaar-subkiye, loo adeegsado kaga hortagga kor qallaylka iyo dildillaaca maqaarka, laakiin uma gudbo waxna uma tarto jirka gudihiisa.

Ma jirtaa qaab naasaha loo adkeeyo:
Qaabka kaliya ee naasaha lagu adkeeyo waa in qalliin lagu sameeyo iyadoo xeyr lagu tallaalo ama la geliyo qalab sida buufinka oo kale ah, kaasoo dhowr nuuc u kala baxo, mana ahan waxyaabo loogu talagalay naas la damcsan yahay in ilmo la nuujiyo kaasoo ah hadafka uu Alle dumarka ugu abuuray naasaha. Ogow isbadalka ku dhaca naasaha waa arrin dabiici ah, mana ahan arrin la isku ceebeeyo ama u gaar ah qof gooni ah, waxayna la mid tahay isbadallada kale ee jirka ku dhaco.

Talo & Digniin:
Internetka waxaa lagu soo daabacaa qoraallo iyo video-yo been abuur ah oo hadafkoodu yahay kaliya in la daawado ama la akhristo, qaarkoodne ay xambaarsan yahay fariimo halis ku ah bulshada, marka waxaan ku talinayaa in wax walba oo internetka la soo geliyo aan la rumaysanin ama la dabbaqin, waxaa wax laga naxo ah in arrintaan ay tijaabiyeen haweenka qaar ka mid ah, kuwaasoo noo sheegay inay ku xanuusadeen, qaar waxay ka qaadeen infekshanka loo yaqaano “Mastitis”, qaar kale xasaasiyad iyo naasaha oo bararay, qaarne maqaarka naasaha oo isbadalay.

Ogow wax walba oo aad akhriso ama daawato in aad iska hubiso adigoo weydiinayo dadka aqoonta u leh inta aadan ku tijaabin jirkaaga, ogow jirkaagu waa amaano Alle kuu dhiibtay sidaa rabtid kama yeeli kartid. Caafimaad baan idiin rajaynayaa.


Qoraallo xiriir la leh:


Haddii aad u baahan tahay inaad dhakhtarka si toos ah ula xiriirtid, massage ugu soo dir bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/

Sidee U Raali Gilineysaa Gacalisadaada Ama Gacaliyahaaga Oo Ka Xanaaqsan , Farsamooyinkaan Raac

Haddii aad qalad ka gashay gacaliyahaaga ama gacalisadaada hadana aad dooneyso in aad raali giliso ,waxa ay Alcarabiya.com ku siineysaa habab sahal ah oo arintaas ka caawinaya

* Marka aad raali gilineyso isku day in aad diiradda saarto xaqiiqda dhibka jira ,is weydii waxa kugu qasbay in aad sameyso ama tiraahdo waxa ka xanaajiyay lamaanahaaga ,u sheeg qaladkaadkaan ookale uusan mar kale ka dhaceyn

* U Sheeg In Aad Ka Xun Tahay Waxii Dhacay : haka bakhiilin in aad qaab toos ah ugu muujiso in aad ka xun tahay waxii dhacay

* Haddii Lamaanahaaga kaa codsado in aad ka hor leexato maadaam careysan yahay /careysan tahay u sheeg in aad dooneyso in aad raali giliso ,u sheeg in aad dooneyso in xaliso dhibka dhacay , haddii weli careysan yahay/careysan tahay fadlan ixtiraam go`aankaas oo bax ka dibna kala soo hadal taleefan ama baraha bulshada

* Si Deggan Ugu Sheeg Sababaha Kugu Qasbay Qaladkaas ,waxa ay taasi kaa caawineysaa in aad ka fogaato in mar kale ay dhacdo

* Sii Fursad Ay Wax Waliba Kugu Weyiiso/Weydiiyo oo ku aadan qaladkii dhacay , xittaa qaladka haddii uu yahay mid labadiina ka mas`uul tihiin eedda ha saarin waayo xaal ayaad dooneysaa

* Haddii Qodobada Hore Xal Ku Wayso , Haka Xishoon In Dadka Hortooda Ku raali Giliso , haddii arintaas sameyso welina is adkeynayo/is adkeyneyso waxa aad caawin ka heleysaa saaxibadiina uu oranaya iska cafi
Hadaba si raali gilinta u noqoto mid guuleysata fadlan Al c a rabiya wax ay ku leedahay daacad ka ahoow talaabdadaas .
Sidoo kale kaftan haku soo darin watqiga raali gilinta taasi xaaladda ayay cakiran kartaa

4 HAB Oo Loola Qabsado Gabdhaha Shidan Ee Aad Kula Kullanto JIIMKA

Sidee loola qabsadaa gabadh joogta JIIMKA??????Haddii aad tegto goobaha Jimicsiga,waxay u badan tahay inaad halkaasi kula kullanto gabdho shidan oo aad la dhacdo muuqaalkooda.JIIMKA waxaa caadiyan issugu yimaada dhammaan dadka doonaya inay is-qurxiyaan,rajo-badana ka leh nolosha.:-

Haddaba qaababkan ayaad ula qabsan kartaa Gabarta jooga JIIMKA

U LAQABSO SI AY KALSOONI KU JIRTO

Tani waa talo yar oo muhiim kuu ah xilli walbo kahor inta aadan hadalka ku bilaabin gabdhaha.Si walba,gaar ahaan, marka la joogo JIIMKA”goobta jimicsiga”.

Waxaa kugu hareereysan RAG isku kalsoon ama kuwoo matelaya inay ka dhameystiran yihiin dhan walbo oo nolosha ah,sidaas awgeed,waxaa waajib kugu ah inaad ka mid noqoto kooxdan,si aad u gaarto hadafkaaga.

Xilliga la qabsiga Dumarka,kalsoonidu waxay ku dareensiisaa degaan iyo fir-fircooni dheeraad ah.

SHID NALKA

Marka aad la qabsaneyso gabadha,waxa ugu wanaagsan ee la isticmaali karo waa nal shiditaanka.

Billow,kaftan iyo ciyaar wada-jira,laakiin is-xakamey oo ha tarax teggin,waayo khallad ayay kuu fahmi kartaa Qalanjada.

Habkan ayuu ku billwodaa wada-sheekeysiga,waayo waxay gabadhu kuu arkeysaa nin soo jiidasho leh oo aan qarda-jeex wadin.

DIYAAR GAROWGA IYO IYO FEEJIGNAANTU WAA MUHIIM

Marka laga hadlayo qaabka loola qabsado gabdha joogta goobta Jimicsiga”JIIMKA”heegan ahaanshiyaha iyo il-dheeridu waa muhiim.

Ma ahan inaad la qabsiga billowdo xilli ay waxyaabo kale ku mashquulsan tahay,sababtoo markaas kama heleysid jawaabaha aad u baahan tahay,waxayna kuula hadleysaa si maahsanaan ah.

Sidookale,ka taxadar inaad JIIMKA ka dhigto sida goob loo shukaansi teggo,waxaa haboon inaad si kooban ula hadasho gabadha oo aad ka tegto iyadoo ku xiiseyneysa.

AMMAAN GABADHA LAAKIIN HAKA HADLIN JIRKEEDA

Ammaantu waa wax caadi ah,balse waxaa habboon in siyaabo aan jireedka ku jirin aad ugu gudbiso ammaanta. JIIMKU waa goob xasaasi ah.Isku kalsoonaan dheeraad ah oo ka badan marka ay joogto meelaha kale ayay qabtaa gabadha.

Marka, u sheeg inay tahay qof dabacsan oo aad xiiseyneyso adigoo u jeedadaadu tahay xog raadin.Haka bad-badanin ammaanta,hana kala hadlin howsha ay markaasi ku guda jirto.

KA QORO NAMBARKEEDA.

Sida aan horey ku soo sheegnayba,noqo mid diyaarsan oo islamarkiiba ka faa’ideysta fursadda,aadna u ilaaliya waqtiga.Wax walbo oo aad u sheegeyso Gabadha waa inay noqdaan qaab deg-deg ah.

U dhiib oo gacanta u geli Mobile-kaaga” telefoonkaaga gacanta” una sheeg inaad la soo xiriiri doonto oo aad xiiseyneyso sheekadeeda.

Marka ay kuu qorto nambarkeeda,isla markiiba u dir farriin qoraalleed,si aad u muujiso farxadaadda.

Ha illoobin inaad ugu mahad-celiso waqtiga aad wada qaadateen,nabad-gelina adigoo dhoola-caddeynaya.

Guul ayay kuu rajeyneysaa DOORKAHAWEENKA.COM Joogi cabsida oo la hadal Gabdhaha.

TOP-Lamaanaha is qaba ee Sariirta Wadaaga iyo Caafimaadka

Bismillah,….Cashirkaan waxaan kaga jawaabi doonaa su’aashii ku saabsanayd lamaanaha isqaba oo aan wadaagin sariirta jiifka iyagoo aaminsan in caafimaad darro laga qaado dumarka lala seexdo.!!

Marka hore, Ilaahay ayaa bini’aadanka u abuuray lab iyo dhedig, Isagaane ka dhigay kuwa isku baahan oo aan kala maarmin, wuxuuna quraankiisa iyo xadiithka rasuulkiisa ku sheegay in guurka iyo isutagga lamaanaha ka qaadaan kalgacal, naxariis iyo daganaansho lamaanaha dhex dhigay.

Arrinta ku saabsan in haweenku ay neefsadaan ama soo daayaan hawo xambaarsan walxo caafimaadka u daran waa khuraafaad ku dhisan dhaqan qallafsan oo lagu qarinayo dhaqamo horay u jiri jiray oo laga guuray. wax salne kuma lahan diinta iyo caafimaadka labadaba.
Rasuulkeena suuban NNKH wuxuu noo sheegay in xitaa xaasaskeena la wadaagno sariirta xilliga ay caadada qabaan, weliba aan wax walba isdhaafsiisan karno markii laga reebo jamaaca. Wuxuu kaloo rasuulkeena NNKH ka digay in laga hijroodo ama laga guuro firaashka haweentaada iyadoo lagu xiray shuruudo adag in looga hijroon karo weliba iyadoo ah muddo gaaban.

Taariikhdii hore iyo la dhaqanka dumarka:
Waagii hore, dumarka waa la yasi / quursan jiray, caruurta ayaa lala mid dhigi jiray, talo iyo tusaale lama waydiin jirin, waxaana loo arkay balaayo loo baahan yahay, waxaana taariikhdaas ka dheehan kartaa maahmaahyada soomaalida ee dumarka ku saabsan kuwaasoo qaarkood illaa iyo hadda la adeegsado iyadoo ka tarjumayso xaaladii ay ku noolaan jireen iyo qaabka loola dhaqmi jiray, taasoo u muuqato in laga sii gdubayo.

Maxaa keenay in lamaanaha waagii hore aysan isku meel seexan?

  • Waagii hore ma jirin sariir laba qof iskula seexan karto, guryahane waxay ahaayeen kuwo yaryar oo aan la dhigi jirin sariir laba qof iskula seexan karto.
  • Waxaa kaloo la aaminsanaa inay ceeb tahay in ninka ragga ah iyo xaaskiisa ay hal sariir ka soo wada toosaan subaxii iyadoo la dacaayadayn jiray qofkii ragga ku dhex sheega war dumar, ragguna way ka faani jireen arrimahaas. Soomaalidu waxay tiraahdaa “rag loogama sheekeeyo waxay dumar ku maahmaahdee…”
  • Iyadoo caruurta yaryari ay hooyada la wadaagi jireen sariirta, odaygane uu jiifsan jiray dibadda kore.

Maanta iyadoo aysan jirin baahi banaan loo jiifsado ama sariir kale ama qol kale iyo iyadoo laga sii ilbaxayo yasiddii iyo quusigii hore ee dumarka lagu hayay, caafimaad ahaan iyo diin ahaanba ma haboona in raggu ay ka guuraan sariirtooda.

Caafimaadka iyo Isla Jiifadka Lamaanaha:
Dhowr diraasadood oo lagu sameeyay lamaanaha isla jiifsada, waxay isku waafaqeen dhowr arrimood oo kala ah:

  • Isla jiifadka wuxuu xoojiyaa jacaylka lamaanaha, wuxuuna siyaadiyaa isu soo dhawaanshaha labada qofood taasoo dheerayso xiriirka iyo isla joogga lamaanaha – waxaa lagu arkay diraasadaan in lamaanaha kala seexda ama markay isku baahdaan kaliya isa soo raadsadasada in xiriirkooda badanaa u ekaado mid ku dhisan danaysi, una sahlan tahay labadaas qof inay kala tagaan.
  • Lamaanaha isla jiifsada waxaa kordha hormoonka farxadda “Happy hormone” oo caafimaad ahaanne loo yaqaano “Oxytocin”, lamaanaha waxay helaan farxad iyo raynrayn, taasoo qofka dabcigiisa saamayn ku reebto.
  • Lamaanaha sariirta wadaago waxaa la arkay inay ka hurdo fiican yihiin, ayna ku yar tahay qarawga iyo ka soo argagaxa hurdada markii lagu fiiriyo dadka kaligood jiifsada, waxay kaloo diraasadda sheegtay inay dhakhso hurdada helaan.
  • Isfahanka iyo xallinta umuuraha nolosha waxay u fududahay lamaanaha isla seexdo markii la barbar dhigo qolooyinka kala jiifsado, diraasad lagu sameeyay dalka Australia ayaa arintaan hoosta ka xariiqday.
  • Diraasad ka mid ah diraasadaha laga sameeyay arintaan waxay sheegtay in cimri degdeg laga qaado kala jiifsashada, akhriso qoraal hore oo aan kaga hadalnay waxyaabaha keeno cimri degdegga oo loola jeedo in qofka faciisa ka muuuqaal duqoobo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7911.0
  • Lamaanaha isla jiifsada waxay dareemaan ammaan iyo nabadgalyo, taasoo lagu arkay baaritaanno la sameeyay in heerarka hormoonka loo yaqaano “Cortisol” oo u sabab ah “stress-ka” iyo diiqada uu aad ugu hooseyso lamaanaha isla jiifsada.
  • Sidoo kale diraasad lagu sameeyay dad ka badan 1,000 qof oo u dhashay dalka ingiriiska waxaa lagu xaqiijiyay in lamaanaha jiifsada iyagoo isku dheggan “Cuddlers” weliba aan dhar qabin / qaawan inay ka heli og yihiin faa’idooyinka kore markii loo fiiriyo dadka sariirta uun wadaaga iyagoo dharkooda gashan – arintaan istaabsiinta jirka qaawan wa mid caafimaad ahaan jirta laguna xaqiijiyay diraasado badan oo lagu sameeyay lamaanaha isqaba iyo hooyada heysata caruurta yaryar, waxayna arrintaan kordhisaa waxa loo yaqaano “Bonding” oo ah xoojinta xiriirka jirka iyo nafsiga ee ka dhaxeeya labada qof.

Talada SomaliDoc:
Waxaan casharkaan ku soo gabagabaynayaa in raggu aysan u baran seexashada meel aan ahayn sariirta jiifka, dumarkana sidoo kale, weliba waa in sariirta jiifka ay hooyadu ka ilaalisaa inay la jiifsadaan caruurta khaasatan kuwood yaryar, taasoo ragga qaar ku kallifta inay meel kale jiifsadaan, kadibne ay la qabsadaan in la kala seexdo.!


Haddii aad u baahan tahay la talin khaas ah oo ku saabsan dhaqidda guriga iyo tacaamulka lamaanaha, fadlan igala soo xiriir boggeena Facebook:

Caafimaad buuxa iyo qoys is-jecel, mahadsanidiin.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com