Home » Author Archives: Admin (page 10)

Author Archives: Admin

RAGGOW Sidaan ula Dhaqma Xaasaskiina Ee ah Xillahaaga Xalaasha !! ?

Ragga qaarkii ayaa u haysta in ka qoslinta iyo farxad gilinta haweenkooda tahay arin adag ama mustaxiil ah ee ninyahoow ogoow arimo yar ayaa farxadda haweeneyda kor u qaadaya, waa muhiim in aad tijaabiso liiskaas waana hubaal in aan dareemi doontid is bedel .

1- Marka ay dood idin dhexeyso oo aad dareento in wajigeeda wel wel soo saarmay ninyahoow ha iska taagnaan u dhawaaw oo madaxa ka dhunko.

2- Marka aad banaanka u wada baxeysaan oo aad dareento in is diyaarinta dhibka ku tahay oo ay ku daahday adiga u diyaari labiskeeda .

3- Mar waliba oo aad fursad u hesho waxaad u keentaa hadiyad , munaasabad iyo bilaa munaasabad .

4- Marka ay seexanayso adna xoogaa aad ka dambeyneyso fariin qoraaleed ugu sii dir telka adiga oo u rajeynaya in ay nabad ku soo toosto .

5- Marka ay shaqada guriga ku mashquulsan tahay , u soo deg deg oo caawi taasina waxa ay muujineysa in aad uga mahad celineysid dadaalka ay bixineyso .

6- Marka aad u baxdaan kulan qoyskeeda ama kaaga ah oo ay kaaga mashquusho la sheekeysiga dhanka kale kaga yaabi SMS gaaban oo aad ugu sheegeyso in aad weysan tahay , kuna dheh daqiiqadaha aad iga sii jeeday waxa ay iila mid tahay sanad.

7- U Muuji in aad ku faraxsan tahay maxaa yeelay waxa ay kuu doortay nin .

8- Maalin maalin kaga yaabi in aad quraacda adiga diyaarisid , markaa aad u keeneysidna haka tagin dhoola cadeynta loo baahan yahay .

9-Haddii aad ku qasbanaanto in aad shaqada aado iyada oo hurdeysa u soo dir markaa aad shaqada gaarto SMS aad ku leedahay subax wanaagsan waan ku xiisay .

9- Ku dheh waad qurxoon tahay xitaa haddii aysan xerneyn dhar qurxoon , ogoow uma baahnid munaasabad gaar ah oo aad ku tiraahdo waad qurxoon tahay.

10- Haddii ay murageysan tahay gacmaha ka qabo una sheeg in arinta wanaag ku dhamaaneyso kullamaa aad wada joogtaan .

11- Haddii aad asxaabtiin aad la joogtaan ama qoyskaada aa keeda Allshukaansi.com waxa ay ku leedahay haka laba labeyn in aad u sheegto tilmaamaheeda wanaagsan ama fal wanagsan oo qalbigeeda giliyay jaceylkeeda oo aadan waligaa iloobi doonin.

12- Haddii ay dhacdo in goobta shaqada ku soo daahdo maalintaas u soo dir fariin kuna dheh wan ku xumahy maxaa yeelay kulama joogi , waxaan rajeynayaa in daqiiqadaha soo socda kula joogo , waa i dhibeysaa maqnaashaahada .

13- Haddi ay dhacdo in ay ooyso si wacan u fiiri ka dib ku dheh waad qurxoon tahay markaa aad ooyneyso , balse waxaad ka sii qurux badan tahay marka aad doola cadeyneyso .

Daawo Naxdin:Caruurta qaba cudurka Albino “baraska” ee jirkooda laga ganacsado

Dalka Tanzania waxaa gambasho ku jira dadka daba cudurka Albino “baraska”, kuwaasi oo xubnaha jirkooda lacag aan caadi aheyn lagu iibiyo, waxayna taasi keentay in la ugaarsado dadka qaba cudurkaan rabbaaniga ah.

Burcad ka ganacsada jirka ayaa jira, kuwaasi oo ku hubeysan mindiyo iyo baangado, waxayna qofkii qaba cudurkaan oo fursad ay ku helaan kaxeystaan ama baangad ugu goosta gacanta ama lugta si looga iibiyo sixiroolayaasha dalkaasi oo u arka in qofka baraska qaba hilibkiisa qofkii lagu daweeyo uu caafimaadayo iyo in xubin ka mid ah dadkaasi in haddii la haysto la noqonaayo taajir.

Caruur fara badan ayaa xubnahooda jirka ah ku waayay, oo burcada manaxayaasha ah ay baangado ugu jarteen gacmaha iyo lugaha, kuwaasi oo hadda qaarkood daryeel caafimaad ka helay dalka Mareykanka, gaar ahaan hay’adda Global Medical Relief Fund, halkaasi oo gacmo iyo lugo macmal ah looga sameeyay.

Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 3-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Hayeeshee Darawalkii isaga oo indhaha Miriq Miriq Kasiinaya Afkuna Qalalay Aadna moodid Ruux Bil Barkeed oomana ayaa Gabadhii oo Miir Daboolantay Soo Dul istaagay Waxa uuna Hadal Ka Bilaabay Manooshahay inanta.

Waasuge oo Markii intaas Dhagahiisu Soo Gaareen ishiisana Marqaati u Noqotay

Ayaa isagoon Darawalka u Jawaab Celin Waxa uu Mar Labaad Fiira u Celiayay Shaqsiyadda Dhulka Taal isaga oo Si Dhaba usii Xaqiiqsanayay ineey Tahay Ramladii Duudka Aaadisay ee Ereyada Loo Qaateenka ahaa Huwisay…. Waa Qalbi Dhibane ehe Waxa uu iskula Halday Sidan:-

=Waan ogahay in Qofka Dhibanaha ah ee Dhulka Taal ineey Tahay Tii Dhagaheyga Huwisay Ereyada Xanuunka Badan Taa oo ay Adag Tahay in Dhibane uu Si Sahal ah Ku iloobo, Taa Badalkeeda Waxaa ii Dhaantay iyada oo i Gowracdo ina Dhaafsiisa Dunida aan Martida Ku Nahay.

= Waan ogahay ineey Tahay Tan igu ijaafeysay Qadarta Eebe, Laakin iyadu Ma oga Halka Loo Soo Joogo.

=Wali Waxa Qalbigeyga Sida Birlabta ugu Go,i La,a Ereyga ah:-” ADIGAAN LUGAHA GO,AN HALKEEN KU GEYNAYAA KUWII LUGAHA LAHAA AYAAN MEELAAN KALA GEEYA LA,AHAY OO KALA QARINTOODA KU DAALEE” .

= Waan ogahay in Dadka Lixdooda Lixaad ay Dhameystiran Tahay ay Nayasaan, Laakin iyagu Ma oga in Alle Xagiisa Laga Siman Yahay.

=Waan ogahay in Marka Aan Wajahno Rabitaan Guur Nagulo Colaadiyo Halku Dhiga ah:- SHIMBIRBA SHIMBIRKIISUU LA DUULA.

=Ma Jirto Dunidan Maxkamad Cadaalad ah oo Qaadda Kiisaska Nuucan ah, Laakiin Waxaan Sugeynaa Maalinta Qiyaamo iyo Maxkamadda Alle.

= Waan ogahay in Dadka Badankii Marka aan Wadooyinka Mareyno in ay Naxantaan iyaga oo Socodkeena Wax Ka Sheegaya Waxa ayna Noo Adeegsadaan Hal ku Dhigga ah ALIHII ABUURAY EED MALEH AADANIHII ARKAASA AYAAN DARAN!!!.

= intaasi Dhan oo aan Soo Sheegay Ma Jiro Qareen u Diyaar ah inuu naga Caawiyo difaacideeda…….una Doodo Xuquuqdeena Sida Qabka iyo Kibirka Ku Jiro loo lunsaday………………intaas Markii uu …La Soco Qeybta 4-aad

Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 2-aad )

Waasuge Waxa ay indhihiisu Sii Qabanayeen inantii uurkutaalada Ku Reebtay oo Meel Konton Talaabo u Jirta Kasii Buskicinayso Sida Qof uu Cadow ku Daba Jira oo Kale, Hayeeshee Xawaaraha Socodkeeda Waxa uu Dhaliyay ineey Madaxa La Gasho Gaari isna Xowli Kusocday oo Wadada Marayay.

inantii inta Gaarigii uu Kor u Qaaday ayeey Hadana Sara Jugle Dhulka ugu Soo Dhacday iyada oo Miir Daboolantay,…………… Darawalkiina Naxdin Darteed Waxa usuuro Gali Weysay inuu Fariinka Haleelo Balse Waxa uu Madaxa la galay Guri Hortiisa ahaa, Deetana Telefoon uu Ku Hadlayay Xiliga Shilku Dhacayay ayuu Garan Waayay Goor uu Jaray.

Dadkii Agagaarkaa Ka Dhawaa ayaa Goobta Shilku Ka Dhacay isugu Soo Xoomay , Waasuga oo Ka Fogaa Halka Gabadhu Kasii Buskicineysa ayaa ishiisu La Socotay, Waxa uuna Meel Dheer Ka Arkayay Ruux Bini,adan ah oo Gaari inta Kor uun u Qaaday Dhulka Kusii Dhaceysa, Minityo Gudohood Dareen ayaa Ku Dhashay Waxa uuna Horey usii Raacay Dad usii Yaacayay Halka Shilku Ka Dhacay, Dadka in Cabaar ah ayeey Ka Horeeyeen oo isaga Waxa Gadaal u Dhigayay Lugaha Macmalka ah ee u Xiraa, Balse Daqiiqada Gudahood ayeey Ku Gaareen Goobta Shilka.

Hayeeshee Darawalkii isaga oo indhaha Miriq Miriq Kasiinaya Afkuna Qalalay Aadna moodid Ruux Bil Barkeed oomana ayaa Gabadhii oo Miir Daboolantay Soo Dul istaagay Waxa uuna Hadal Ka Bilaabay Manooshahay inanta, Waasuge oo Markii intaas Dhagahiisu Soo Gaareen Ishiisana Mar…….

La Soco Qeybta 3-aad

Qoraaga Sheekadaan Xaaji Tahriib Halkaan Kala Xariir  Facebook Ahaan 

Fanaan Caan ah oo Bisha Ramadaan Darteed Isaga Baxay Fankii & Fariin uu diray (Magaciisa)

Fannaanka caanka ah ee Axmed C/kariin Maxamd (Axmed Biif) ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan ka baxay Fanka, Fannaanka hore oo Cumro u jooga Xaramka barakeysay ayaa farriin uu soo diray ku sheegay inuu gebi ahaan ka baxay fanka isagoo dembi dhaaf Alle weydiisay, isla markaanna ballantan aanu ka bixi doonin.

 “Asc dhamaan Asxaabta iyo ehelkaba aad baan idiin salamaya salaan kadib waxa la galay tobankii ramadanta ugu khayrka badna waxa kujira hal habeen oo ka khayr badan 83 sanadood walalayaal si ilaahay habeenka inoo waafajiyo laylatul qadriga aynu is cafino dhamaan ummadda muslimiinta agtayda cafis baad ka tihiin idinkuna ilaahay dartii isoo cafiya ii nasoo duceeya aniguna ka daalimaayo ducadiina maadaama aan joogo meeshii aduunka ugu khayrka badnayd EE HARAMKA MAKA ALMUKARAMA.. Waxaan kaloo idiin cadeynayaaa inaan fankii gabi ahaanba ka baxay .balan cadna aan alle lagaley inuuu danbigayga dhaafo iina naxatiisto hadii aan kabixi jirey balan aan bani adam lagaley walalayaal balantan ALLE ayaan lagaley cafis baan weydiisayaa rabbigey iyo janno cidina igama xigto yaa raxiim yaa raxmaan yaa qafuur aaamiin aamiiin Aamiiin”

VIDEO: Mahad Egal Oo Ka Badbaaday Dabkii London Oo Taageero Dhaqaale Helay

Mahad Egal oo ka mid ahaa dadkii argagaxa iyo dareenka ka bixiyay dabkii weynaa ee dhismaha Grenfell Tower ayaa soo jiitay dareenka bulshada kala duwan ee UK ku nool iyo guud ahaan caalamka, isagoo telefishinka BBC baahiyay muuqaalka Mahad Egal oo sharxay wixii uu indhahiisa ku arkay.

Mahad ayaa dabaqa afaraad ee dabka uu ka kacay deganaa, isagoo la ilmeeyay dhacdooyinkii naxdinta badnaa ee uu arkay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen aabo labadiisa caruur ah dhismaha dabaqa afaraad ka tuuray, hooyadoodna ay ku dhimatay, dad waayeelo ah oo guryaha kasoo bixi waayay iyo dhacdooyin kale.

 Aabahaan Soomaaliyeed oo haysta labo caruur ah ayaa wariyihii wareysaneysay ee telefishinka BBC iyaduna dareenkeeda uu kiciyay Mahad taasoo sii wadi weysay wareysiga. Waxaana dad British ah oo is xil qaamay ay taageero u fidiyeen, iyadoo barta Internet-ka looga aruuriyay 10 kun oo giniga lacagta Ingiriiska.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA VIDEO

DAAWO LAYAAB: Xildhibaankii 17 Xaas Guursaday, Gabadhii uu Halka Habeen Qabay & Guurkiisii Malxiisadiisa

Xildhibaan Nuur Cabdi Kariin oo kamid ah xubnaha Barlamaanka Somaliland ayaa ka hadlay Arimo dhif ah oo ka dhaca gudaha Soomaaliya taas oo ah inuu hal mar isla guursaday Gabar iyo Malxiisadii arooskiisa.

 Nuur Cabdi Kariin ayaa soo guursaday 17 haween ah isagoo Allah uu ka siiyay caruur ka badan 50, laakiin arimaha yaabka leh ee uu ka sheekeeyay waxaa kamid ah inuu hal habeen labo xaas oo mid malxiisadiisii aheyd isla guursaday.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Gabar uu ka guursaday Muqdisho uu kaliya qabay hal habeen, halka uu sedex sano oo xabsi ah uu muteystay xiligii dowladii militeriga kadib markii uu ku xad gudbay Xeerka Qoyska.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGIISA

Mar la weydiiyay in haatan uu sii wadayo guurka iyo hadii uu ku ekeyn doono sedex xaas oo uu haatan qabo ayaa yiri “Bahalka Libaaxa la yiraahdo hadii xataa uu duqoobo oo uu ilka beelo ciridka ayuu mar-marsiiyaa, marka aniga inta aan awood leeyahay guurka ma joojinayo”

Laakiin dumarka Soomaaliyeed ee dhalinyarada ubadan maanta laguma soo hadal qaadi karo in lala guursado, hadii ay taas dhacdana waxaa badan inuu dumo reerkaas ama dhibaato kale dhacdo…..

Fariin Jaceyl Oo Ku Haboon In Loo Diro Qof Aad Kala Fog Tihiin , Sabarku Waa Tiirka Adkeyn Kara Xariirkeena

Sabarku waa tiirka adkeyn kara waxa dhexdeena yaal, Waa wadada aan ku gaari garno mustaqbalka aan hiigsaneyno, Waa rajada kaliya xoojin kara inaan noqono qoys ka bilowda aniga iyo adiga

Aaminsanaan…. Waa in aad iska dhaadhicisaa marxalada aad ku jirto inay waqtigeedu laga bixi doono, sababtoo ah cidlada waa tan qofka kukalifto in ay kala irdhoban Lamaanaha sidaas ay tahay waa cadawga koowaad cidladu lknse waxa kaliya looga gudbi karaa in qofku Aaminsaado kala fogaanshiyaha in laga bixi doono.

Xakameyn…… alcarabiya.com , Dhaldhalaalka dunida waxa ay dadka qaar ku horseeedaa hog waayo naftu kolna diyaar uma ahan dhibaatada iyo silica lknse waa in aan xakameynaa nafteena oo silic weliba ha maro jaceylkeena waa kan guuleysta

Rajo gelin nafeed…..sida beeraleydu ay u beertaan beeruhu waxa ay salka ku haysaa rajo gelin nafeed waayo kolna kuma xisaabtamaan bahal baa ka cuni doona, roobku armuu baaqdaa iyo iyo su’aalo la xiriira rajo xumo Marka rajo geli naftaada oo riyo maalmeedka meel iska dhig Qaali in jaceylkeenu aan u dadaalno waxa ay gogol xaar u noqoneysaa dhisid guri ay ku lamaansan yihiin Aabe iyo Hooyo Jaceyl Wadaag Daacad isu ah iskuna doortay dunida guudkeeda

Qoraalkaada aad ku muujineysid taageerada dhambaalkeyga waan sugayaa weliba dharaar iyo habeenba waxaan kuu dhaafay caafimaad qab iyo cimri dheer oo aad ku laasinto cibaadada Alle
Waxaa qortay

Fardowsa Maxamd Abdullle

U Gaar Ragga : Arimahaan U Saamey Xaaskaada Waxa Ay Ka Qaadeysaaa Jaceyl Aan Dhamaad Laheyn

1- Marka ay dood idin dhexeyso oo aad dareento in wajigeeda wel wel soo saarmay ninyahoow ha iska taagnaan u dhawaaw oo madaxa ka dhunko.

2- Marka aad banaanka u wada baxeysaan oo aad dareento in is diyaarinta dhibka ku tahay oo ay ku daahday adiga u diyaari labiskeeda .

3- Mar waliba oo aad fursad u hesho waxaad u keentaa hadiyad , munaasabad iyo bilaa munaasabad .

4- Marka ay seexanayso adna xoogaa aad ka dambeyneyso fariin qoraaleed ugu sii dir telka adiga oo u rajeynaya in ay nabad ku soo toosto .

5- Marka ay shaqada guriga ku mashquulsan tahay , u soo deg deg oo caawi taasina waxa ay muujineysa in aad uga mahad celineysid dadaalka ay bixineyso .

6- Marka aad u baxdaan kulan qoyskeeda ama kaaga ah oo ay kaaga mashquusho la sheekeysiga dhanka kale kaga yaabi SMS gaaban oo aad ugu sheegeyso in aad weysan tahay , kuna dheh daqiiqadaha aad iga sii jeeday waxa ay iila mid tahay sanad.

7- U Muuji in aad ku faraxsan tahay maxaa yeelay waxa ay kuu doortay nin .

8- Maalin maalin kaga yaabi in aad quraacda adiga diyaarisid , markaa aad u keeneysidna haka tagin dhoola cadeynta loo baahan yahay .

9-Haddii aad ku qasbanaanto in aad shaqada aado iyada oo hurdeysa u soo dir markaa aad shaqada gaarto SMS aad ku leedahay subax wanaagsan waan ku xiisay .

9- Ku dheh waad qurxoon tahay xitaa haddii aysan xerneyn dhar qurxoon , ogoow uma baahnid munaasabad gaar ah oo aad ku tiraahdo waad qurxoon tahay.

10- Haddii ay murageysan tahay gacmaha ka qabo una sheeg in arinta wanaag ku dhamaaneyso kullamaa aad wada joogtaan .

11- Haddii aad asxaabtiin aad la joogtaan ama qoyskaada aa keeda Allshukaansi.com waxa ay ku leedahay haka laba labeyn in aad u sheegto tilmaamaheeda wanaagsan ama fal wanagsan oo qalbigeeda giliyay jaceylkeeda oo aadan waligaa iloobi doonin.

12- Haddii ay dhacdo in goobta shaqada ku soo daahdo maalintaas u soo dir fariin kuna dheh wan ku xumahy maxaa yeelay kulama joogi , waxaan rajeynayaa in daqiiqadaha soo socda kula joogo , waa i dhibeysaa maqnaashaahada .

13- Haddi ay dhacdo in ay ooyso si wacan u fiiri ka dib ku dheh waad qurxoon tahay markaa aad ooyneyso , balse waxaad ka sii qurux badan tahay marka aad doola cadeyneyso .

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com