Home » Author Archives: Admin (page 2)

Author Archives: Admin

81-jir haysata PhD oo qashinka gurta

Haweeney 81-jir ah oo sameysay koox haween kaliya ah oo qashinka ka uruuriya tuulada ay ka deggan tahay dalka Lubnaan ayaa haatan waxaa ku soo qulqulaya dad fara badan oo waydiinaya qaabka ay howshan u qabatay.

Sagaal bilood oo ka mid aheyd sannadihii 2015 iyo 2016 ayaa waxaa waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Bayruut buuxiyay qashin, ilaa iyo haatanna malahan goobo lagu qubo qashinka taas oo ka dhigtay in qashinka qaybo ka mid ah magaalada lagu qubo badda.

Saynab Muqallid ayaa la timid qaab cusub oo ay isticmaali karaan dadka caadiga ah kaddib markii ay dowladdu ku guuldaraysatay inay arrinta wax ka qabato.

“Meelkasta qashin ayaa daadsanaan jiray carruurtuna waa ay ku wasakhoobi jireen,” ayay tiri Saynab Muqallid.

Waxay xasuusataa 1980-tamaadkii ilaa 90-meeyadii, markii Israa’iil ay 15 sano haysatay qeybo ka mid ah koonfurta dalka, markaas oo qashin uu xiray tuuladeeda, Carabsaalim.

Sannado badan ayaa la soo maray, qashinkuna wuu sii bataa uun, kaddib ayey Muqallid u tagtay barasaabka gobolka si uu gacan uga gaysto arrintan.

“Maxaad u danaynaysaa? Paris ma joogno,” ayuu ku yiri.

“Waan ogaa maalinkaas waxaa qasab igu aheyd inaan aniga qabto howshaas,” ayey tiri.

Muqallid ayaa isugu yeertay haweenka tuulada si ay gacan u siiyaan, raggiina faraha ayey ka qaadday – sababtoo ah waxay doonaysay inay iyaga xoojiso, malaha waxay moodaysay inay tahay inay qabtaan shaqo middaas ka wanaagsan.

Khadiija Farxaat ayaa keentay loori si loogu qaado qashinka dib loo habeynayo
Image captionKhadiija Farxaat ayaa keentay loori si loogu qaado qashinka dib loo habeynayo

Haweenka ayey sidoo kale aheyd inay kala soocaan qashinka dib loo habeynayo iyo midka la tuurayaba.

Marka Saynab ayaa u baahneyd dad mutadawiciin ah oo albaab albaab fariinta ugu gaarsiiya haweenka guri-kasta. Shaqada noocaasi ah bulshada Muslimiinta ah ee Lubnaan barmaha 1990-meeyadii waxay aheyd mid aan ragga ku haboonayn.

Ma aanay haysan qalab iyo kaabayaal dhaqaale toona. Marka sidey arrintan ku bilaabatay?

Khadiija Farxaat oo ay saaxiibo yihiin Saynab Muqallid ayaa jeebkeeda ka soo iibisay loori. Muqallid laf ahaanteedana beer ay laheyd ayay ka dhigtay meel lagu kaydiyo qashinka la habeyn karo.

Suuragal ma aanay ahayn in 10,000 ee qof ee tuulada deggan inay bixiyaan qarash looga qaado qashinka, marka dadka iskood isku xilqaamay ayaa howsha waday.

Sagaal iyo toban sano kaddib weli howshu waa ay socotaa oo 46-da xubnood ayaa qofkiiba sanadkii waxa uu bixiyaa $40.

Toban sano kaddib ayaa waxay dhaqaale ay ku dhisaan guri weyn ka heleen safaaradda Talyaaniga, halkaas oo haatan ah meesha ay dadku ku booqdaan Muqallid, kuwaas oo ay ka mid yihiin carruur iskuuley ah, arday waa weyn iyo dadka u ololeeya arrimaha bulshada, kuwaas oo halkaa u taga inay soo bartaan sida ay halkaa wax uga socdaan.

Tiraduse waa ay sii badatay tan iyo markii 2015-kii la xiray goobtii ugu wayneyd ee lagu qubi jiray qashinka Bayruut, iyo buuraha ku xeeran magaalada.

Webi qashin ah oo Bayruut ka dilaacay kahor inta aanan bishii Maarso ee 2016 loo wareejin goob qashinka lagu quboLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionWebi qashin ah oo Bayruut ka dilaacay kahor inta aanan bishii Maarso ee 2016 loo wareejin goob qashinka lagu qubo

Iskudayo la sameeyay oo lagu doonayay in goob cusub oo qashinka lagu qubo loogu helo ayaa durbadiiba guuldarreystay.

Dhammaan dadka haysta mad-habaha kala gadisan ee Islaamka ee Suniyiinta iyo Shiicada, iyo kirishtaankuba waa ay diideen in loo soo dhaweeyo qashinka qubka.

Kaddibna dowladda ayaa sheegtay inay dhoofinayso qashinka go’aankaas oo ay bilo kaddib ka laabatay.

Waxaa la arkay gawaari qaadaysa qashinka kuna qubaysa badda Mediterranean
Image captionWaxaa la arkay gawaari qaadaysa qashinka kuna qubaysa badda Mediterranean

Waqtiga fog dowladda ayaa sheegtay inay doonayso inay gubto qashinka oo ay koronto ka dhaliso.

Hasayeeshee dadka naqdiya arrimahan ayaa sheegaya in ay ka cabsi qabaan in howshaas ay u shaqeyso sidii loogu talagalay, iyadoo bacaha iyo waxyaabaha kale ay keeni karaan qiiq sun ah oo ku dhexmilma amaba ka bata hawada nadiifka ah.

Dad deggan tuulooyin kale ayaa Saynab kaga dayday qaabka ay u nadiifisay tuuladeeda.

Marka malaha la yaab ma leh in qaabka cusub ee qashinka lagu kala soocayo oo qaarna loogu habeynayo qaarna lagu tuurayo ee ay bilowday Saynab Muqallib in ay dad badan jeclaysteen.

Dhul si ku meel gaar ah qashinka loogu qubo ayaa u dhaw garoonka diyaaradaha ee Bayruut
Image captionDhul si ku meel gaar ah qashinka loogu qubo ayaa u dhaw garoonka diyaaradaha ee Bayruut

Laba carab oo is haaysta Maxaan midna u gumeyn Midna guusha u siin

Maxaa xidhiidhka looga goostay Qatar? Waxaa isku dhacay U.S.A iyo Qatar dhanka siyaasada ayay isku khilaafeen , Qatar waxay u yara dabacsantahay dhanka caalamul Islam , Muslimiin farabadan oo caalamul Islam ah ayay sooryeeysay , waxaa lagu heystaa maxaad caalamul Islam u soo dhaweysay maad iska fogeysid sida ay u fogeeyeen imaraadka , sucuudiga , baxrain , masar ,yemen ,waxa kale oo qadar ledahay Television all jaziira ee ku baxa dhowrka luqadood, xogaha Iyo siraah dunida ka dhaca kuwa ugu khatarsan so ban dhiga kaas oo ka af dheer kuwa reer galbeedka Iyo mareykanka.
Maraykanku wuxuu ku amray khaliijka carabta in ay xidhiidhka u jaraan , amarkaas ka soo baxay maraykanka wey aqbaleen khaliijku iyo carabtii kaleba , runtii hogaamiyayaashi carabtu waxay noqdeen in ay gaalo ka cabsadaan , halkaa waxaa ka muuqda cadho Ilaahay , waxay qarka u saaran yihiin in ay si yaro fudud u burburaan maalin aan dheereeyn , waayo cabsidii Ilaahay ayaa meesha ka baxday , waxaan wada aragnay markii cabsidii Ilaahay laga cabsan lahaa yaraatay , in wadamo farabadan oo carabta ka mida iyo soomaalia ay si fudud u burbureen , khaliijku wadadii burburka ayuu qarka u saaran yahay , Qatar hadii xidhiidhka laga goosto dhaqaalaheedu waxba noqon maayo , xitaa waxaa la awoodiwaayay in cunaqabateyn caalami ah lasaaro maadaama shidaalkeedu uu istraatiiji yahay oo aan caalamku ka maarmeynin, khaliijku iyagaa caalamul Islam dib u dhigay oo duleeyay,sidaas darteed markeynu eegno qodobadan.
1. Hadeynu nahay Somaliland waxaynu nahay dal muslina oo waliba calankodu ku qoran yahay tawxiidku
2. Dawlada sucidiga Iyo dhamaan khaliijkuba wakhtigi aynu qaxoontiga Ku ahayn dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia 1988 ilaa 1991.dowladaha carabtu wax kalmo islaamnimo Iyo wax bili aadminimo oo ay ina taren mey jiriin,ee Rajiimki siyad bare ayeyba so hubwyn jiren si la ino gumado.
3. Waxa la yidhi (meyd ya u danbeyay? ka la sii sido)Abaarti halista ahayd sanadkan aynu Ku jiro inagu dhacday waxay ina taran iska daayo xoolihi ay inaga iibsan jiren ayey joojiyen, khalijkana sucidiga hogamiya ( kulu fidma cinda geel) wa sucuudiga.
Hadaba Marka aynu eegno qodobada kooban oo aan tusaale ahan u so qaatay iyo hagardaamoyinka aan tirada lahayn ee ay inagu hayn wadamada khaliijku, waxaay ahaayd inaga somaliland ahaan ineeynu ka aamusno oo aynaan kala raacin, hadey noqoto ineynu kala racno wa ineynu inaguna danteena ku badalana ugu yaran aqoonsi aynu Ku helna,ama Ku kala raacna keba labadan is haya islaamka u roon, hadii kale “‘maxan laba carab oo islayey midna aan ugumeyn,midna guusha u siin,oo maxa iga gidhiisha””
Ilaahay dhagarta gaalada Iyo sharkoda haynaga xijaabo , amiin ya rabil calamiin.
W/Q: KH.KAARIYE

Daawo Muuqaalkan aad la il Meyn doonto: Hooyo Gil gishay Quluubta Umada Soomaaliyeed..

Hooyo Soomaaliyeed oo kunool Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab gaar ahaan xerada IFO ayaa damqisay dareenka Umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qalbiyada jilicsan naxariistanta ay ku dambeyso, waxaana Hooyadan halis ku jirta gabar yar ay dhashay uu heesto Magafaha dalka Liibiya.

Nimco Suldaan C/Raxmaan ayaa sheegtay in gabar yar ay dhashay oo lagu magacaabo Sumayo Jaamac Keynadiid ay heestaan Magafayaasha dalka Libiiya, waxa ayna tilmaantay in loogu hanjabay in gabdheeda la dili doono hadii aysan ka bixin lacag gaareysa 8,500 Kun oo Dollar.

Hooyadan Soomaaliyeed oon waxba heysan ayaa isla ilmeysay waxa ayna Umada Soomaaliyeed ka codsadatay in ay garab siiyaan ayna wax ka bad baadiyaan nolosha gabdheeda agoonta ah oo halis ku jirta hadii aan laga bixin lacagta laga rabo.

Waxii Faah Faahin ah Hooyo Nimco Suldaan kala Xariir
+254704858072
Ama sii Faafi Muuqaalkaan

VIDEO:Hooyo Soomaali ah oo nin cunsuri ah ilkaha ka daadiyay iyo lacag badan oo loo uruuriyay…

Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Rahma Warsame ayaa nin caddaan ah ilkaha ka daadiyay, kadib markii ay isku dayday in ay kala dhex gasho haweeney Soomaaliyeed iyo nin caddaan ah oo is haystay, hase ahaatee maslaxadii ay ku jirtay ninkaasi ugu badalay inuu wajiga ka dhaawaco ilkahana ka daadiyo, taasoo cunsurinimo lagu macneeyay, waxayna heshay in ka badan 60 kun dollar oo qaaaraan internet-ka looga aruuriyay.

Ragga Bidaarta leh oo la sheegay in madaxooda dahab ku jiro iyo ugaarsi ka bilowday dalka Mozambique

Sida ay qortay BBC Ragga Bidaarta leh ee  ku nool dalka Mozambique ayaa bar tilmaameed u noqday weeraro dhaqameed, waxayna booliska  digniin u direyn ragga bidaarta leh inay si weyn isku ilaaliyaan.

 Waxaa dalka Mozambique lagu dilay ilaa seddex nin oo bidaar leh si loo qaato qeybo kamid ah madaxooda.

Waxaa Magaalada ku taal Bartamaha Mozambique ee lagu magacaabo Milange lagu xiray laba qof oo looga shakiyey inay kamid yihiin dadka dilalkaan sameeynayo, waxaana loo gudbiyey xabsiga si loo soo taago Maxkamad.

“ Waxay aaminsan yihiin kuwa ragga bidaarta leh dilayo inay bidaartooda ku jirto dahab” sidaas waxaa yiri Afonso Dias oo ah sarkaal ka tirsan booliska Gobolka Zambezia.

 Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay dadka ku nool dalkaas iyo kuwa caalamka, waxaana is waydiin mudan sababta keentay in dadka Bidaarta leh la sheego in madaxooda ay ku jirto dahab iyadoo xusid mudan in arrintaan ay farxad gelisay rag badan oo bidaarta la dhuuman jiray.

DHACDO ARGAGAX LEH: Hooyo Soomaaliyeed oo Gowracday Gabadheeda

Ciidamada Booliiska magaalada Melbourne ayaa xabsiga u taxaabay hooyo soomaaliyeed oo lagu magacaabo Umal Sharif Abdurahman taasi oo gowracday gabar 13-bilood jirta oo iyada ay dhashay.

 Umul shariif ayaa Dilka waxa ay u adeegsatay mindi iyadoo markii danbana wacday saygeeda oo shaqo ku maqan una sheegtay in ay dishay gabadhooda.

Intaasi kidib ayuu seygeeda waxa uu kasoo tagay shaqada si uu dhacdadaan u arko waxa uuna guriga tagay iyadoo gabadha yari ay nafta ku jirto, isagoo wacay Ambalaas balse nasiib daro cunugtii ayaa naf baxday inta aysan ambalaasta imaan, intaasi kidib ayaa hoyga ay ka deganaayeen xaafada Resivor ee magaalada Melbourne waxaa gaaray ciidamo Police ah oo xabsiga dhigay hooyadaasi soomaaliyeed.

Dhacdadaan ayaa waxa ay argagax ku abuurtay soomaalida ku nool magaalada Melbourne ee dalkan Australia. Umul shariif ayaa dhashay sedex caruur ah oo kale, Baaritaan la sameeyay ayaana la sheegay in hooyadaasi soomaaliyeed maskaxda looga jiray xiliga ay geysaneysay falka.

Ciidamada booliiska ayaa sheegay in umul shariif la maxkamadeyn doono iyada oo aan la ogeyn waxa uu xukunkeeda noqon doono maadaama ay tahay qof maskaxda looga jiro.

 Falkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa saacado kidib markii wiil soomaali ah uu fal afduub ah ka geystay magaalada Mlebourne ee dalka Australia balse markii danbe ay ciidamada Booliiska ay toogteen, waxa ayna arimahani ay walaac ku abuureen soomaalida ku nool dalka Australia.

Ardaydu Maxay U Illoobaan Maadooyinkooda Waxbarasho Isla Marka uu Dhamaado Xilli Dugsiyeedku

Qof kasta oo naga mid ah waxa uu soo maray xilli uu ilaaway wixii uu soo qaatay sanad ka hor amaba uu lumiyay 90% daraasaddii xilli dugsiyeedkii tagay, arrinkani maaha mid ku goonni ah ardayda Afrikaanka oo kaliya ee waa arrin caalami ah oo iskuulaadka iyo jaamacadaha dunidu ay ka wada siman yihiin.

Hadaba, si aan u ogaanno sababa illowgaa keena iyo saameyntiisu inta ay le’eg tahay, ayaa culumo dhanka barbaarinta ah  ay cilibaaris ka sameysay , sababa illowga keenay waxay ku sheegeen.

1- Hamiga Ardayda oo Yar

Waxaa aad u yar xiisaha ardaygu uu u hayo macluumaadka loosoo gudbinayo, waxaa dhici karta inuu ardaygaasi ay ka hortimaaddo duruufta uu wax ku baranayo, amaba uu aanuu si gaar ah u xiisanayn macallinka maadada, arrimahaa iyo kuwo kale oo is biirsada ayaa keenaya in si fudud ardaygii uu ku illoowo maadadii uu soo dhigtay.

2-  Falgal la’aanta Ardayga Waxa uu Dhiganayo iyo Baraatikada oo Yar

Ardaygu inuu la falgalo waxa uu dhiganayo waxay keentaa inuu si wanaagsan u xasiisto muddo dheerna ay maskaxdiisa ku sii jirto, laakiin marka uu ardaygu waxa uu dhiganayo uu ka waayo wax la falgalaya nolol maalmeedkiisa, haddii uu si kasta u fahmo, maalmo ka dib waxaa dhacaysa inuu illaabo oo uu lumiyo wixii uu bartay.

3- Manhajka Waxbarasho oo aad u Weyn

Ardayga inuu si fudud wax ku illaawo waxay ka dhalataa, falgal la’aanta ardayga ee dhanka maaddada iyo wixii la qaatay oo faa’idadooda aan laga helayn nolol maalmeedka ardayda, mushkiladahaa inta badan waxaa keena macallinka oo ku mashquula manhaj farabadan oo loo dhiibay sidii uu ku soo gabagabeyn lahaa xilligii loogu talogalay, taas oo keenaysa inaanuu fursadba u helay in ardayga uu tuso waxyaabo badan oo ay ahayd inuu ardaygu wax ka  ogaado.

4- Akhrin Yarida Dhanka Ardayga

Xilliga maanta lagu jiro ee xilliga tiknoloojiyadda casiriga ah, waxaa dhacaysa in ardayga uu ka gaabiyo maadadii ay ahayd inuu akhriyo oo xilliyo badan uu dib u dhigo, taas oo keenaysa in maadadu ay isku uruurto faham badanna uu sidaa ardayga uu ku dhaafo, xasuusta maada oo luntana ay soo dadajiso, isla marka uu imtixaankeeda galo.

Si kastaba, ardaydeenna mushkilada haysata ee dhanka illowga ah waxa ugu weyn in xoogga la saaro xasuusta xilliga dhaw amaba wax uu ardaygii u akhriyo baasidda imtixaan oo kaliya, ardaydu iskuwada mid maaha, waxaa jirta arday badan oo dadaala xusuubadanna ka haysta maadaayinka ay qaataan, gaar ahaan kuwa sida weyn wax u akhriyo xooggana saaray kobcinta xasuusta ee mudada fog.

Maxaa Keena Inuu Kordho Miisaanka Qofka Bisha Ramadaan

In kasta oo la sooman yahay inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan saacado dheer, hadana waxaa jira dad badan oo ka cabanayo inuu kordho miisaankooda inta lagu gudo jiro bisha soon ee fadliga badan.

Hadaba waxaa jirta waxyaabo badan oo sabab u ah inuu kordho miisaanka qofka inta lagu gudo jiro bisha ramadaan waxaana ka mida wax yaaba kordhiya miisaanka int lagu gudo jiro ramadaanka waxaana ka mida:

  1. Qof oo cuno cunto fara badan taasi oo uu cunayo afurka ilمaa iyo saxuurta isagoo oo aan sameyneynin wax aala miito ah ama socod arrintaasi waxay keenaysaa inuu kordho miisaanka qofka oo uu cayilo.
  2. Qofka oo cuno ama qaato waxyaabaha macmacaanka badan kuwaas oo ay ka buuxaan buritiino badan, waxayna kula taliyaan qubarad dhanka cuntada inuu marka hore qofka uu ku afuro dhowr xabo oo timir ah.
  3. Caloosha oo aan diyaar u aheyn inay qaadato cunto badan maadaama qofka uu soo manyahay saacado ka badan 12 saacadood, arrintaani ayaa qubarada dhanka cuntada waxay kula taliyaan dadka in marka hore uu qofka uu ku afuro koob biyo ah oo casiir ah kaasi oo aan laheyn wax sonkor ah, ka dibna uu usugo cuntada kale ee weyn muddo dhan 10- 20 daqiiqo.
  4. Qofka oo aan sameynin jir dhis ama aalamiito waxay keentaa inuu kordho miisaanka qofka.
  5. Qofka oo seexdo marka uu afuro waxay keentaa inuu kordho miisaanka qofka ama uu cayilo.

Waxay ku talinayaan qubarada cuntada iyo dhaqaatiirta inuusan qofka uusan iska badin raashinka afurka, sidoo kale waxay ku talinayaa inuu qofka uu socdo marka uu afuro halsaac ilaa iyo sodon daqiiqo afurka ka dib.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com