Home » Author Archives: Admin (page 20)

Author Archives: Admin

WAR CUSUB: Malxiisadii ninka noqotay oo la shaaciyey Halka ay kasoo jeedo

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in nin iska dhigay gabar malxiisad oo kiis la yaab leh ka dhigay magaalada Hargeysa ayaa waxaa kasoo baxaya faahfaahin dheeraad ah.

Gabadhan ninka isu bedeshay oo magacii ay malxiisada ku ahayd uu ahaa ASMA CODEY, ayaa magaca ninka rasmiga ah uu yahay C/raxmaan, waxaana uu hadda ku xiran yahay magaalada Hargeysa o dacwad lagu soo oogi doono.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Kiiskan oo fajac ku noqday bulshada Soomaalida iyo dadka Hargeysa ayaa yimid kadib markii qoys 21 maalmood is qabay ay kasoo shaac baxday in gabadha la joogtay aroosada ay ahayd nin iska dhigay gabar, isagoo guri ku yaala xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa kula noolaa qoyska cusub.

Saxaafadda Hargeysa qaarkeed ayaa sheegtay in ninkan uu kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya, kadib markii xukun lagu ridana loo masaafurin doono magaalada Muqdisho.

QISO CAJIIB AH OO MURUGO & FARXAD LEH:”Waxuu iga tagay 30 sano baa jirtaa oo caruur ma dhaleysid Balse Maxaa Dhacay

Waxay tiri, waxaan ahaa gabadh dhalinyaro ah waxaan Ku soo barbaarey guri diin leh waxaan gaadhey 32 jir, wiil ayaa isoo dooney markaanu heshiiney ayaa lagu yiri waa Qof wayn oo wakhtigii guurka way dhaaftey caruur badanna dhali Maysee Faraha ka qaad.

Waxaa noo yimid nin xagga wiilka Ka socda wuxuuna noo sheegey in arintii ay ka noqdeen, waxay igu noqotey arin adag hase ahaatee waan iska samrey.

Waxaan aadey Cimro xaramka barakaysan ayaan Ku soo Ducaystey oo Ilaahay soo baryey, kolkii aan Ku noqonayey wadankaygii waxaan diyaaradda isku aragney saaxiibtey iyo ninkeedii oo isla socda iyo wiil kale oo saaxiibtey ninkeeda ay saaxiib yihiin.

Kolkii aan nabadnimid wadankii dhawr casho kadib waxaa isoo wacdey saaxiibtey waxay igu tiri wiilkii diyaaradda inala saarnaa ayaa doonaya inuu Ku soo doono, “”aad baan ugu farxay waanuna heshiiney kadibna waan is guursanney.

Markiiba waxaan Qaadey Uur Dhakhtar kana waan diidey inaan u tako si aanan u ogaan waxa calooshayda Ku jira waxa uu yahay, habeenkii umulidda markii la gaadhey waxaa ii yimid hooyadey iyo walaashey waxaan kala qaadey indhaha waxanna waydiiyey ma wiil baa mise waa gabadh, iyagoo ilmaynaya ayeey Dhaheen waxaad umushey laba wiil iyo Gabadh.

Wuxuu ninkii hore iiga tagey inaanan ilmo badan u dhalayn ilaahayna waxa uu i siiyey markiiba saddex ilmood oo mataano ah.

Qof kasta oo ilaahay isku xidha ilaahay madayacayo wuxuuna ka arsaaqi meel uusan ka filanayn.

W/D:Mohamed Amoore
Email:Maxamedcc7@gmail.com
London-uk
Fadlan inoo soo dir Qisooyinka iyo Sheekooyinka Aad Rabto in aan dadka la wadaagto anaka oo qarineyna Magacaaga iyo Halka aad joogto.
 
Facebook: https://www.facebook.com/Mohamedcc7

In Badan Ka Ogoow, Waa Kuwee 10 Jaamacaddood Ee Ugu Fiican Caalamku?

Waxa dhowaan lasoo saaray kala saraynta jaamacaddaha caalamka iyo siday ugu kala wanaagsan yihiin dhanka aqoonta , waxaana baadhitaan dhanka aqoonta ah lagu sameeyey sannadkii ina dhaafay ilaa bishii kowaad ee sannadkan jaamacaddo aad u badan, iyada oo ay kaalmaha kowaad galeen jaamacaddo aan meeshaba laga filayn , sida uu daabacay Wargeyska World Education oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay warbixintan.

Jaamacaddo ka dhisan wadamada Maraykanka, Yurub ayaa ahaa kuwo markii hore kaalmaha kowaad geli jiray  halka ay iminka cidhiidhsadeen jaamacaddo laga lee yahay wadamada Chine , Ruushka iyo India.

Waxaanay jaamacaddahaasi u kala sareeyeen sidan soo socota:-

1:Beijing University: jaamacaddan oo kamid ah jaamacaddaha wadanka Chine kuwooda ugu tayada badan ayaa gashay sannadkan kaalinta kowaad, iyada oo noqotay jaamacadda ugu wanaagsan caalamka, waxaana dhigta arday gaadhaysa ilaa 32,000 oo arday, kuwaas oo ka barta culuum kala duwan oo ay bixiso.

2:Tsinghua University : jaamacadda kaalinta labad gashay ayaa ah jaamacadda Tsinghua , waxaanay  heshay dhibco dhan 77.0, iyada oo dhanka cilmi baadhistana ka heshay 89.6 degree.

3:Moscow State University  ( Lomonosov ) :kaalinta saddexaad waxa gashay jaamacadda dawlada Ruushka ee Moscow , iyada oo noqotay jaamacaddii ugu wanaagsanayd ee Ruush ah, waxaana aas aasay nin la odhan jiray Mikhail Lomonosov, isaga oo College kii ugu horeeyey ka bilaabay sannadkii 1755 kii, waxaana hadda dhigta oo ay hoy u tahay arday gaadhaysa ilaa 47,000 oo arday, kuwaas oo dhigta 39 kuuliyadood oo kala duwan.

4:Cape Town University: jaamacadda Capetown oo ku taala wadanka Koonfur Afrika ayaa iyaduna noqotay jaamacadda Afraad ee caalamka ugu wanaagsan, waxaana dhigta arday gaadhaysa ilaa 26,000 oo arday, kuwaas ka kala yimaada wadamo kala duwan.

Jaamacaddan ayaa sidoo kalena kamid ah jaamacaddaha ugu wanaagsan qaaradda Afrika, iyada oo sannad walba kaalmaha kowaad iyo kuwa kale kazoo gasha jaamacaddaha ugu wanaagsan caalamka iyo qaaradda Afrika.

5:University of Science and Technology: waa mid kamid ah jaamacaddaha ku yaala wadanka Chine , waana jaamacad inta badan lagu barto Technology-ga iyo Sayniska, iyada oo aqoonta looga soo doonto meelo kala duwan oo caalamka ah.

Jaamacaddan ayaa hore ugu ooli jirtay magaalada Hefei oo ku taala Barriga wadankaasi Chine, waxaana dhowaan loo soo raray magaalada Beijing, waxaanay u gaar tahay Science ka iyo Technology-ga.

Waxa kale oo ay dhowaan ku guulaysatay  abaal marin dhanka Bani’aadanimada ah.

6:Fudan University: jaamacaddan waa jaamacadda ugu weyn ee lagu barto cilmiga Saxaafadda , waxaanay gashay kaalinta lixaad, waxay ku taalaa wadanka Chine ama Shiinaha, iyada oo ku taala magaalo dhaqaaleedka Shanghai , waxaanay noqotay jaamacadda lixaad ee ugu wanaagsan sannadkii ina dhaafay.

Lasoco……

BY Amoore
    Facebook/Mohamed

Xikmado Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Shaqada Iyo Nolol Maalmeedka Bini’aadamka..

Sida ugu wanaagsan ee aad shaqada ku jeclaan karto waa inaad qiimayso adigoo shaqo la’.

Ha shaqaalayn qof shaqada u qabanaya lacag, shaqaalee qof shaqada u qabanaya jacayl.

Si aad u horumarto, marka hore horimar ku samee maskaxdaada.

Shaqadu waa raaxo ama waa dhibaato laakiin waxay ku xidhan tahay dhaqankaaga.

Way kala duwan yihiin inaad shaqada joogto iyo inaad shaqaynayso.

Shaqo si xun loo qabtay macnaheedu waa in laba jeer la qabtaa.

Daah furku waxa la yidhi waa lama filaan la kulmay maskax furan oo daadashay.

Weliga ogow caqabadaha ku hortaagan iyo fursadaha aad haysato si aad u guulaysato.

Guushu waa macaan marka aad garanayso guul darada.

Xikmadaha aan ka baranay guuldarada ayaa ka badan kuwa aan ka naqaano guusha.

Dadku Waxey umaleyn Jireen Ninkaan Qamri Cab oo Dumarka Jirkooda iibiya Ka Ganacsada (Balse Maxaa Dhacay)

Suldaankii Cusmaaniyiintiiinta u dhaxaysay 1623 ilaa 1640. Waxa uu jeclaa inta badan in uu aaddo dhanka dadka noloshoodu liidato, uuna soo eeggo xaaladdahooda.

Xilli fiid ah ayuu dareemay walaac, waxaana uu go’aansaday inuu baxo, waxa uu u yeedhay ilaaladiisa gaarka ah wayna baxeen. Waxay soo gaadheen nawaaxi mashquul ah waxayna arkeen nin dhulka yaalay.

Suldaanka ayaa soo dul istaaggay balse ninku mayd ayuu ahaa, mana jirrin cid danaynaysa arrimaha ninka dhulka yaal, qof kastana howllihiisa gaarka ah ayuu ku mashquullay. Suldaankii ayaa qaar kamid ah dadkii wadada marayey waydiiyay:”Muxuu ahaa ninkaan dhulka yaalla oo aanay jirrin cid arrimahiisa ka murugoonaysa?,

Meeye reerkiisa?
“Waxay ku yidhaahdeen:”Ninkaan aad iyo aad ayuu sarkhaan u ahaan jirray waana uu sinnaysan jirray”Suldaankii waxa uu yiri:”Kama mid ahan umadda Nabi Muxamed (NNKH), hadda igu caawiya inaan gurigiisa u qaadno”

Dadkii waxay suldaanka ku caawiyeen qaadista maydka, markii gurigiisii la keennay ayey suldaanka iyo ilaaladiisa ay ku hadheen guriga.

Markii ay xaaskiisa aragtay iyadoo ku kor barooranaysa maydiisa waxay tiri:”Ilaahay ha kuu naxariisto, Saaxiibkii ilaahayoow, waxaan marag ka ahay inaad kamid ahayd kuwa dhowrsan”Suldaanka oo la yaabban hadalka haweennayda ayaa yiri:”Sidee buu uga mid ahaa kuwa dhowrsan, iyadoo dadku ay ka sheegayeen wax aan wanaagsannayn, oo xataa aanay jirrin cidKa fikirraysa maydkiisa.

Waxay ku jawaabtay:”Taas waa mida aan filanaayay, ninkaygu habeen kasta wuxuu u bixi jirray makhaayaddaha lagu caweeyo, wuxuu soo iibsan jirray qamriga in badan inta uu awooddo, guriga ayuu keeni jirray waana uu daadin jirray, wuxuuna igu odhan jiray ‘Muslimiin ayaan badbaadiyay maanta’, sidoo kale wuxuu aadi jirray goobbaha lagu dumarku ay ka ganacsadan jidhkooda, lacag ayuu siin jirray mid kamid ah naagaha si ay u xirrato albaabkeeda ilaa waaga uu ka baryo,
guriga ayuu ku soo noqon jirray wuxuuna igu dhihi jirray ‘Maanta waxaan ka badbaadiyay haweenay da’ yar iyo dhalinyarro xaqa-rumeysay dambi'”.

Dadku waxay arkeen isagoo iibsanaayo qamri iyo isagoo gallaayo goobbaha lagu zinaysto sidaas awgeed ayay dadku uga hadli waayen arrimahiisa.

Maalin ayaan ku yidhi”Marka aad dhimato, ma jirto cid maydkaaga maydhayso, ma jirto cid maydkaaga ku tukan doonta mana jirto cid maydkaaga aasi doonta”Wuu igu qoslay wuxuuna igu yidhi:” Gacaliso Ha cabsan, kuwa xaq-rumeeyay suldaankooda oo ka mid ah kuwa dhowrsaday ayaa maydkayga ku tukan doonna”Suldaankii ayaa bilaabay inuu ooyo,

wuxuuna yidhi:”Ilaahay baan ku dhaartaye run buu sheeggay, aniga oo ah Suldaan ayaan barito maydhi doonnaa, ku tukan doonnaa waana xabaalli doonnaa”Way dhacday sidaas, Suldaankii, Culimadii, dadkii dhowrsannaa iyo dad kale oo aaska ka soo qayb-gallay ayaa kutukaday maydka.
قال الله تعالي ( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيرًا مِّنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيم).
سوره الحجرات 12

Ilaahay ( سبحانه و تعالى ) Wuxuu yidhi “Kuwa xaqa rumeeyoow ka dhowrada wax badan oo mala ah, maxaa yeellay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaasuusina, qaarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecelyahay midkiinna inuu cunno hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad necebtihiin arrintaas, eebana ka dhowrsada waa tawbad aqballe naxariistee”.
Suuradda Al-xujuraat,
Aayadda 12aad.

Daawo-Dhibaatada laga Soo Maro DAHABKA ay Dumarka isku Xardhaan Ee Qaarada Afrika Laga keeno

Dalka Ghana ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka laga qodo dahabka ee ku yaal qaaradda Afrika. Dad danyar ah ayaa dahabkaasi u mara qaxar si ay usoo saaraan, iyagoona dabadeed lacag yar uga iibiya ganacsato meel ku sugeysa.

Artisanal miners dig for gold in an open-pit concession near Dunkwa, western Ghana February 15, 2011. Picture taken February 15, 2011. REUTERS/Hereward Holland (GHANA – Tags: EMPLOYMENT BUSINESS SOCIETY) – RTR2ISE1

LAYAAB:Ayada oo uur-leh Ayuu Guursaday Balse Maxaa Dhacay

Ninkani wuxuu yidhi Waxaan guursaday gabadh markii aan guri geystay waxaan arkay inay leedahay uur dhowr bilood ah oo aanan anigu laheyn runtii aadban u naxay waxayna igu noqotay argagax iyo af kala qaad.

Ilaahay ceebteena ha astuure anigana waan u ceeb qariyay ehelkeeda iyo ehelkeygaba waan u diiday in xaaskeyga booqasho loogu imaado si aan ceebteeda loo ogaanin.

Waxaa la gaaray xiligeedii foosha waxan ugu yeeray umuliso waa la umuliyay, markii aay umushay canugii ayaan soo qaaday waxey aheyd aroor hore oo aay soo dhawdahay salaada subax canugii ayaan dhigay irida masjidka anigana gudaha masjidka ayaan u gudbay waxaan tukaday salaad suno ah.

Waxaan usoo baxay banaankii waxaan arkay canugii yaraa oo dadkii xaafada ku xoonsan yihiin, isna weeydiinayaan cida soo dhigtay, waan soo qabtay dadkii ayan ku dhahay wiilkaan hooyadiis ceeb dartiis iskaga soo fogeysay anigaa qaadanayo oo kafaalo qaadayo gurigeygana ku korsanayo, waxaan ku markhaatiyeeyay dadkii goob jooga ahaaa.

Kadib xaaskeyga ayaan tuulo kale u waday marqaatiyaal cusub iyo sheikh cusub ayan ula tagay oo leygu mehriyay mar kale.

Hada waa xaaskeyga waxey ii dhashay ilmo badan naxariistii aan ayada u sameyay waxey igu abaal guday inay igu nooleyso jano aduun aakhirana illaah waxaan ka baryayaa in uu Janadiisa nagu kulmiyo aniga iyo xaaskeyga.

Alxamdulilah Hadana waxan ku jirnaa nolol wanagsan ilaahayna waxan ka baryeyna in uu cimriga noo siyaadiyo anagoo caafimad qabna.

Nin sheikh caalim ah oo weliba iimaam ah ayaa riyo wuxuu ku arkay ninka Qisadani ku dha dhacday isaga oo janada dhex joogo, waagii markuu baryay ayuu imaamkii wuxuu soo baadi goobay ninkii uu xalay ku riyoooday asagoo janada ku jiro.
Qisadana waxaa ka waramaya ninka uu imaam ku ku riyooday.

Ugu Dambaynti Qisadan waxaan ka fahmaynaa in marka aad asturto ceeb qofkale leeyahy adiga ilaahay astuurayo 10ceebood oo aad leedahay

AKHRISO:Xiisihii naga dhexeeyey ayaa yaraaday Aniga iyo Ninkeyga

Magaca: Gabar xaasa.

Su’aasha:

Abaayo waa mahdsantahay marka hore. Aniga iyo ninkayga oo mudo 8sano wada nool, waxaan hada dareemaa in xiiso dhan ii hayn, anigana caruura ku mashquulsanahy, isna shaqo. Guurkeyga inaan badbaadiyo waa rabaa, maxaan samayaa abaayo, aad iayaan ugu baahnahay caawidaan.

 

Jawaab: Doorkahaweenka

Walaal marka hore waaad ku mahadsan tahay su’aashaada.

Walaal noloshu waxay noqotaa wax cidhiidhiya oo aan dhadhan lahayn hadii aan kolba qaab cusub loo cusboonaysiin, guriga aad degan tahay hadii aadan kolba gees u dhigin oo aadan ka tuurin alaabada indhuhu ka daaleen, waxaad ogtahay inuu gurigu kaa hor imanayo. Sidaa waxaa la mida walaal nolosha guud. Nolosha guurkuna walaal waa mid ka dhaxaysa laba dhinac, hadii aad dareensantahay in noloshiinu ay noqotay mid isu eekaatay oo aan wax xiiso ah lahayn, walaal waxaad u baahan tihiin inaad wada fadhiisataan labadiinu oo aad ka wada hadashaan maxaa idinka maqan. Ogowna nolohsu waa sidii aan hore kuuugu soo sheegay guriga aad kolba cusboonaysiinayso. Waxaan hubaa hadii si caqli iyo xikmadleh aad u wada hadashaan oo aad isa su’aashaan maxaa idiin wanaagsan qoyskiina, inaad gaadhaysaan meel fiican. Hadii aad u baahan thiin gacan dheeraadana u sheegta qofka idiinku dhow ee aad ogtihiin inuu maslaxadiina raba labadiinaba.

 

Maqaaladan inaad akhrisato Ayaan kugula talinataa walaal.

Aan Dhawaan kuu soo diri doona ama Webka ku Soo daabici doono in shaa Allaah

AKHRISO: Guri aan gabar Soomaaliyeed joogin waa guri madow

Gabar ku howlan howlmeedka guriga, waxa ay mindi yar oo faraha lugaha ay dhex geshatay ku jar jareysaa hilib ay ku gureyso digsi lagu karin doono qadada ama cashada qoyska.

Waa Hinqaastii : Ali Abdi Ali Hoshow
Twitter : @AliHoshow
Email : alihoshow@gmail.com

Haddii aan dib u xusuusanno, nolosha qoysaska Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku nool waa mid qurux badan oo aan la siisan karin midda Soomaalida qurba jooga ee cunnada iyo quutka u doonta maqaaxida iyo goobaha bulshada.

Gabadha Soomaalida ah ha noqoto inan aan guur galin, ama marwo xaas ah , ama marwo la furay/ laga dhintay waxa ay intooda badan halbowle u yihiin nolosha qoysaska Soomaaliyeed, waxa ay diyaariyaan cunnada, nadaafadda guriga, dhar dhaqidda, alaab meyridda, sariira goglidda, udgoonka guriga, daryeelka seygeeda, barbaarinta caruurteeda, marti soorka iyo u roonaanshaha deriska.

Waa nolol qurux badan oo aan la dhayalsan karin, qof waliba oo dal joog ah uu dareemayo wanaagaas.

Soomaalida qaxootiga ah, kuwa dibad jooga ama qurba jooga ah intooda badan kuma baraarugsana wanaaga nolosha ceynkani ah ay u leedahay dhaqanka bulsho ee Soomaalida.

Guri aan gabar Soomaaliyeed joogin waa guri madow oo leerku ka maqan yahay.

Allah noo xifdiyo oo noo ilaaliyo hablaheena Soomaaliyeed ee maanta dalka iyo dibadda ku nool.

Gabar kasta oo Soomaali ah oo dhib dareenta, waxa ay la micna tahay in gurigaas oo dhan dhibaato ku habsatay ama dalka qeyba ka mid ah korontadu ka maqantahay.

Koley idin bari maayo qiimaha iyo milgaha ay leeyihiin dumarkeena, balse intaad hareerahaaga fiiriso, awoodooda ilaah haku tuso.

Hal maalin ay guriga kamaqnaato, gurigaasi waxaa la moodayaa qashin qubkii Magaalada.

Sababta guriga marwaliba u qurux badanyahay ma is weydiisay, wax kale ma ahan ee waa dadaalka iyo dareenka gabadha Soomaaliyeed ku jira.

Ninka ama gabadha Soomaaliyeed ee shisheeye/ ajnabi guursataa, sanad kadib waxaa la arkaa iyadoo Ciil iyo caro ka muuqato, oohintana ay celin la’dahay ayey soo noqotaa, sababta wax kale ma ahan markaad gurigaaga ka baxeyso waxaad ogtahay inaad soo noqoneyso, laakiin marka aad Soomalinimada ka dul tillaabsato, waxaad ogsoon tahay, dareensan tahay inaadan meel ama waji aad kusoo laabato aanad haysan, qoomameyn iyo uur ku taallo mooyee.

Sidaas oo ay tahay dadkeenu wey soo dhoweeyaan, mana sii xumeeyaan, qof khaldmay bey ka dhigaan oo khaladkii ka soo noqday, hayeeshee niyad ahaan qofkaas wuu dilanyahay.

Marka wiiloow ama gabareey, marwaliba dadkaaga iyo dalkaaga wax kuu dhaama malahan.

Waxaan ku soo Gaba-gabeynayaa, Soomaaliya waxa uu Allah ku galladay nimcooyin badan oo ay habluhu ka mid yihiin ee hala dhowro, yaan la xumeyn, yaan la cadaabin, yaan la takoorin, yaan la ciilin, inay faraxsanaanto oo qosasho mooyee yaan laga oysiin.

Guul iyo gabonnimo dhammaan Ummada Soomaaliyeed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com