Home » Author Archives: Admin (page 3)

Author Archives: Admin

Tobanka Gabdhood Ee Ugu Quruxda Badan Gabdhaha Madaxweynayaasha Afrika + Sawirro

Gabdhaha ay dhaleen Madaxweynayaasha xilligan ka taliya dalalka Afrika ayaa waxaa lagu sameeyey qiimeyn, iyadoo laga soo xulay tobanka ugu quruxda badan.

Waxyna kala yihiin:-

 

Kaalimaha Magaca Gabadha Madaxweynaha  dhalay
01 Bona Mugabe Robert Mugabe (Zimbabwe)
02 Sabel Dos Santos Jose Edwardo Do Santos (Angola)
03 Elizabeth Faith Johanthan Goodluck Jonatham (Nigeria)
04 Thuthukile Zuma Jacob Zuma (South Africa)
05 Sikhanyiso Dlamini King Mswati III (Swaziland) 
06 Aya A/fatah Abdifatah Alsisi
07 Brenda Biya Paul Biya (Cameroun)
08 Ngina Kenyetta Uhuru Kenyatta (Kenya)
09 Malika Bongo Ondimba Ali Omar Bongo (Gabon)
10 Ange Kagame Paul Kigambe (Rwanda)

 

Ads-resp

Xulashadda tobanka gabdhood ee ugu quruxda badan Madaxweynayaasha Afrika ayaa ah Xulis Cajiib ah oo ku soo jiidan karta.

Waana hubaal inuu qof kasta isweydiin karo halka ay gabdhaha Madaxweynaha dalkaaga kaga jiraan Qiimeyntaasi.

Bono Mungabe:- Waa gabar uu dhalay Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe. Wxaay ku faraxsan tahay guurkeeda. Marwadan quruxda badan waxay maalin kasta u muuqata waxa ay Soomaalida u taqaano Indho-u-roon.

Waxay ka qalin jebisay Jamaacadda City University ee Hong Kong, iyadoo baratay Cilmiga Xisaabaadka iyo Maaliyadda.

Waxay kaloo ka soo qalin jebisay Machadka Singapore Institute of Management.

Haatan waxay ka shaqeysaa Shirkadda Alpha & Omega Dairy oo xarun ku leh Degmadda Mazowe ee dalka Zimbabwe.

 

Sabel Dos Santos:- Waxaa dhalay Madaxweynaha dalka Angola, Jose Eduardo Dos Santos, Waa Maaliye (Investor).

Isabel waxaa lagu tiriyaa inay tahay Haweeneyda ugu taajirsan Qaaradda Afrika, sida lagu soo daabacay Wargeyska FORBES ee dabagalka ku sameeya Taajiriinta Caalamka.

Waxay leedahay kayd dhaqaale oo dhan $3.7 Billion oo Dollar).

Elizabeth Faith Jonathan:  Waa gabadh uu dhalay Madaxweynaha xilka ka sii degayo ee dalka Nigeria, Goodluck Jonathan.

Waa Marwo qurux badan oo aad u faraxsan.

Wararku waxay sheegaan inay tahay qof aad u shaqo badan.

Thuthukite Zuma:- Waa Madaxa Shaqaalaha ee Waxada Isgaarsiinta iyo Adeegga Boostadad ee dalka Koonfurta Afrika.

Waana gabadha ugu yar ee afarta gabdhood ee Madaxweyne Jocob Zuma u dhashay Xaaskiisa hore, Nkosazana Dlamini-Zuma oo haatan ah Guddoomiyaha Ururka Afrika.

Thuthukile Zuma waxaa loo aqoonsaday mid aad u qurux badan, tan iyo markii ay timiaha iska xiirtay.

Sikhanyiso Dlamini:- Waa gabadha ugu weyn 30-ka carruur ee uu dhalay  Boqorka dalka Swaziland, King Mswati III.

Hooyadeeda, Inkhosikati La Mbizkiza waa boqoradii ugu horreysay ee tobanka boqorad ee uu qabay Boqorka dalkaasi.

Aya Abdifatah:- Waa gabadha keliya ee uu dhalay Madaxweynaha haatan ka taliya dalka Masar, Abdifatah Alsisi.

Waa xaasle aad u jecel Siyaasadd.

Brenmda Biya:- Waa gabadha Madaxweynaha dalka Cameroon,  Paul Biya.

Waxa ay ku nooshahay caasimadda dalka Cameroon ee Yaounde.

Ngina Kenyatta:- Waxa dhalay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Waxaana la sheegay inay quruxda ka dhaxashay Ayeeydeeda, Mama Ngina Kenyatta.

Wa Marwo Bulshaale ah, waxa inta badan la sheegaa inay qurux badan tahay, marka ay fagaarayaasha timaado.

Malika Bongo Ondimba:- Waa gabadha keliya ee uu dhalay Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Bongo Ondimba.

Waa Dhaqdhaqaaqyahanad difaacda Xuquuqda Haweenka, waxayna  inta badan taageertaa Bulshadda, gaar ahaan Haweenka lagu tacadiyo.

Ange Kagame:- Waxaa dhalay Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kigambe, waana ilmihiisa labaaD. Waa Samafale ka qalin jebisay Smith’s College in Massachusetts ee dalka Maraykanka.

Waa 21 jir qurux badan oo Cilmiga Sayniska  iyo Takhasusyo kooban ee dhinaca Barashadda Afrika.

Akhristayaal, bal idinkana qiimeyn kale ku sameeya Aragti ahaan gabadhaja aad Kalaimaha 1-aad ilaa 5-aad siin lahayd.

Qiimeyntiina oo muhiim inoo ah, Fadlan noogu soo hagaajiya E-mailkan:

1. Princess Sikhanyiso Dlamini (Swaziland 3. Malika Bongo Ondimba (Gabon) 4. Ngina Kenyatta (Kenya) 5. Aya al-Sisi (Egypt) 6. Thuthukile Zuma (South Africa) 7. Brenda Biya (Cameroon) 8. Isabel Dos Santos (Angola) 9. Elizabeth Faith Sakwe (Nigeria) 10. Bona Mugabe (Zimbabwe) GABADHA PAUL KIGAMBE

Labada Haweeney Ee Warshadleyd Soomaalida Ugu Caansan.

Maxaad Kala Socotaa Labada Haweeney Ee Warshadleyda Soomaalida Ugu Caansan Oo Reer Tanadland?

Marwo (Drs. Farxiya Xirsi Warsame) waa haweeneyda warshadleyda dumarka ah ee Soomaalida ugu warshadaha badan. Docda kalana waa qofka labaad oo ugu warshaddaha badan ganacsatada Soomaalida oo dhan. Shakhsiga keliya ee ka warshadaha badanna waa (Eng. Maxamed Xaaji Ciise “Maxamed Dheere”). Marwo (Drs. Farxiya Xirsi) waa mulkiilaha shirkadda caanka ah ee (Lasar Industries Limited) iska leh. Xirfadda (Drs. Farxiya Xirsi) waxa weeye dhaqqleyahanad. Ganacsato (Drs. Farxiya) waxay modo dheer ay ahaanjirtey ku xigeenka maamulaha guud ee bangiga (Barclay Bank) ee dalka Tazania. Ganacsato (Drs. Farxiya) aabaheed (Xirsi Warsame) waa nin maalqabeen ah. Waana ninkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo wadanka Tansazania ka sameeyey shirkadii ugu horeysey ee gaadiika xamuulka qaada
1960 -kii.

Walaalkkeed (Dr. C/raxmaan Xirsi Warsame) waa mulkiilaha shirkadda caanka ah ee (Petro Africa Ltd) oo ah shirkad shidaal shirkadii ugu horeysey oo ay Soomaaliyi leedahay, oo bilowday inay maraakiibta waaweyn shidaalka ku keento wadanka Tanzaaniya sanadkii 2002 -ka. Laguna tiriyo inay tahay shirkadda ugu shidaaleyaasha badan shirkaddaha shidaalka ee Soomaalida oo dhan. Sidoo kale marwo (Drs. Farxiya Xirsi) waxay walaalo yihiin mulkiilaha iyo CEO-ga shirkadda caanka ah ee (Dhow Financial Ltd) prof. Mohamed Hersi Warsame. Shirkad daas oo ah shirkadda keliya ee bangiyada iyo dowladda Tanzaniya u tababarta shaqaalaha, kalana talisa maaraynta bangiyada islaamka. Warshadley (Drs. Farxiya Xirsi) da’da ka yar (AVV. Faadumo Xirsi Warsame) xirfad deedu waa qareenada shirkadaha waaweyn u dooda “Corporate Lawyer”. Waxayna ay shirkad qareen ah ay ku leedahay magaaalada ay Soomaalidu ku badantahay ee (Columbus) ee gobalka Ohio.

Arar :-

Aqristow bal isweydii haweeney Soomaaliyeed oo wershad leh. Hubaal waxaa ah in badan oo idinka mid ahi inaysan sheeko ku maqal shaahidna aysan ku arag haweeney soomaaliyeed oo warshadley ah. Sidaad ogsoontihiin meheradda mushtarka warshaduhu waa wax ku cusub Soomaalida. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa hadana waxaan qiyaasayaa, in inbadan oo idinka mid ahi aad shaqsiyan u taqaanaan labada haween ee u maqaalkaani ku saabsanyahay.

Maqaalo dhowr ah ayaan waxaan horay uga qoray ganacsatada reer Tanadland, inay ganacsatada kale ee Soomaalida ay uga horeeyaan shirkadaha dhismaha iyo bangiyada. Iyadoo ay saas tahay ayaa hadana waxaa jirta in ganacsatada reer Tanadland ay yihiin ganacsatada beecmushteriga soomaaliyeed ugu warshadaha badan. Maqaal kaanina wuxuu ku saabsanyahay labo gabdhood oo reer Tanadland ah oo warshadley ah, islamarkaasna ah labada haweeney ee ugu caansan dumarka Soomaaliyeed ee warshadleyda ah.

Gogol Dhig :-

Waeshedleyda raga ah ee reer Tanadland waxaa aabe u ah (Cabdulaahi Yuusuf Indhocaad), oo ah mulkiilaha iska leh wershadda hargaha iyo saamaha ee ugu weyn Soomaaliya. Waxaana ugu xariifsan raga warshadleyda ah ee reer Tanadland (Eng. Maxamed Xaaji Ciise “Maxamed Dheere”). Ganacsade (Eng. “Maxamed Dheere”) ilaa iyo hada waa ninka ganacsatada reer Tanadland ugu warshadaha badan. Ganacsade (Eng. “Maxamed Dheere”) waa mulkiilaha shirkadda (Victoria Juice Company Ltd). Shirkadda (Victoria Juice Company Ltd) waxay ka koobantahay 3 warshadood oo sameeya 10 nooc oo cabitaano kala duwan ah. Oo ah noocyada la yiraahdo (Tamu Fruit Juice). Shirkadda (Victoria Juice Company Ltd) waxay kaloo leedahay 2 warshaddood oo yar-yar oo sameeya cabitaanada budada ah ee la qaso iyo biyaha caagadeysan.

Beesha (Reer Axmed) walow ay tahay laf hoose oo (Ugaas Cismaan Ugaas Yuusuf) afar oday hoos uga dhaadhaca, hadana waxaa lagu tiriyaa beesha (Reer Axmed) inay yihiin hormuud ku dayasho leh. Oo beelaha reer Tanadland ugu fir-fircoon. Tusaaale ahaan beesha (Reer Axme) waxaa ka dhashay (Dr. Cabdinaasir Aadan Ibraahim “Dabcasar”) oo ah ninka labaad ee ugu taajirsan beecmushteriga reer Tanadland. Ganacsade (Eng. “Maxamed Dheere”) oo ilaa iyo hada ah ninka tujaarta reer Tanadland ugu warshadaha badan. Oo isaguna ah nin beesha (Reer Axmed) ah. Beesha (Reer Axmed) waxaa kaloo ka dhashay (Dr.Maxamuud Yuusuf Xaashi “Maxanuud Gabal”) oo lagu tiriyo in uu ka midyahay 10 -ka nin ee ugu taajirsan tujaarta reer Tanadland.

Dhanka xirfadleyaasha reer Tanadland marka ay noqoto, kaalinta ganacsatada (Reer Axmed) ay uga jiraan beecmushteriga reer Tanadland. Waxaadba moodaa inay dhanka xirfadaha ay buro dheeryihiin.

1) Sida (Col/Sh/Prof. Maxamed Calidaahir Cabdi) oo ah ninkii ugu horeeyey ee duuliye diyaaradeed noqda oo Soomaalia ah.
2) (Prof. yuusuf Maxamed Cabdi) xisaabyahanka ugu weyn xisaabyahaniinta Soomaalida.
3) (Prof. faadumo Calidaahir Cabdi) oo ah haweeneydii ugu horeysey ee bare sare ka noqota jaamacadii umadda.

Haweenka Reer Tanadland Iyo Doorka Ay Kaga Jiraan Beecmushteriga Reer Tanadland :-

Habdhaqanka dumarka reer Tanadlad iyo doorka fir-fircoon ee ay weligood ku lahaayeen bulshada reer Tanadland, waxay leedahay asal iyo taariikh sugan. Sidaad ogtihiin Daarood markuu qoyska ahaa curadkii reerka ayaa kaalintiisii gabay. Odaygana waxaa loo baahday nin xilka reerka hogaamintiisa kala wareega. Taas oo ah in Tanade uu aabihiis wixii gar ah uu ugu garaabo, Marka odayga taladiisa talo reeka uga door-roon uu hayana uu reerka u soo bandhigo. Waxaynu ognahay in qof walba uu yaqaan debeeca waalidkiis iyo fekerkiisa. Uuna odorosikaro marka ay talo noqoto sida uu wax u rabo. Daarood wuxuu ahaa nin dabeecad kulul. Taas waxaa inoo cadaynaya Daarood markii ay soo foodsaartay marxaladdii ugu qalafsanayd. In wiilashiisa kuwii kula taliyey sidii uu rabey xataa waa u canaantay. Odayga markaas Da’aadiisu waxay ahayd 80 ilaa 90 sano jir hadysanba intaas ka weyneyn. Taas waxaa inoo cadaynaya nin baa wuxuu ku taliyey in odayga 4 dhoomood dhexdood loo gureeyo oo rati la saaro.

Reerku markaas wuxuu ahaa 3 qoys waxaana reer iyo barbaar lahaa Tanade iyo Sade. Daarood iyo wiilashiisii kale markay go’aan iskumid ah ay gaareen. Tanade arinkaas waa u ka soo horjeestey. Wuxuuna ku taliyey in talada iyo hawsha reerka la wadaago. Dumarkuna inta ay ka imaanayaan la sugo. Markaasna qof walba uu ra’yigiisa dhiibto oo go’aan midaysanna la qaato. Taladii uu Tanade soo jeediyey ayaana markii laysuyimid la qaatay oo laysku raacay. Aakhirkiina reerku uu hadafkiisii ku gaarey oo lagu tanaaday.

Dadka reer Tanadlad dhacdodaas waa’ay ku faanaan waxayna muujinaysaa in hal’adaygu uu yahay sinji ay dhaxal u heleen. Qofka bini’aadanka ah waxaa wanaagsan marka uu go’aan qaadanayo in uu meel dheer wax ka fiirsho oo uusan talada ku deg-degin. Marka uu go’aan gaarana uu ku adkaysto go’aankiisa oo uusan marna ka tanaasulin.

Qorshe kasta iyo hadaf kasta oo u qofu rabo in uu ka jibogaaro waxay ku xirantahay qofka hal’adayggiisa. Aalaa waxaa dhacda in aad aragoto qof ganacsade ah oo mashruuc ganacsi bilaabaya dhismihiisa, hadana waxaad arkaysaa qofkii oo isagoon mashruucii weli ebyin ay wax kale u hilaaceen. Oo mashruuc kale oo ganacsi hadana bilaabay. Dadka noocaas ahi ganacsiga kuma ay wanaagsana. Sababta oo ay tahay waxaa ka maqan xasiloonidii ay uga gungaarilahaayeen hadafkooda.

Waatuma (Drs. Farxiya Xirsi Warsame)?

Marwo (Drs. Farxiya Xirsi Warsame) waa haweeneyda warshadleyda dumarka ah ee Soomaalida ugu warshadaha badan. Docda kalana waa qofka labaad oo ugu warshadaha badan ganacsatada Soomaalida oo dhan. Shakhsiga keliya ee ka warshaddaha badanna waa (Eng. Maxamed Xaaji Ciise “Maxamed Dheere”). Marwo (Drs. Farxiya Xirsi warsame) waa mulkiilaha shirkadda caanka ah ee (Lasar Industries Limited) iska leh. Xirfadda (Drs. Farxiya Xirsi) waxa weeye dhaqaaleyahanad. Ganacsato (Drs. Farxiya) waxay modo dheer ay ahaanjirtey ku xigeenka maamulaha guud ee bangiga (Barclay Bank) ee dalka Tanzania. Ganacsato (Drs. Farxiya) aabaheed (Xisi Warsame) waa nin maalqabeen ah. Waana ninkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo wadanka Tansazania ka sameeyey shirkadd gaadiika xamuulka 1960 -kii.

Walaalkkeed (Dr. C/raxmaan Xirsi Warsame) waa mulkiilaha shirkadda caanka ah ee (Petro Africa Ltd). Shirkad daas oo ah shirkad shidaal shirkaddii ugu horeysey oo ay Soomaaliyi leedahay, oo bilowday inay maraakiibta waaweyn shidaalka ku keento wadanka Tanzaaniya sanadkii 2002 -ka. Laguna tiriyo inay tahay shirkadda ugu shidaaleyaasha badan shirkaddaha shidaalka
ee Soomaalida. Sidoo kale marwo (Drs. Farxiya Xirsi) waxay walaalo yihiin mulkiilaha iyo CEO-ga shirkadda caanka ah ee (Dhow Financial Ltd) prof. mohamed Hersi warsame. Shirkad daas oo ah shirkadda keliya ee bangiyada iyo dowladda Tanzania u tababarta kalana talisa maaraynta bangiyada islaamka. Warshadley (Drs. Farxiya Xirsi) da’da ka yar (AVV. Faadumo Xirsi Warsame) xirfad deedu waa qareenada shirkadaha waaweyn u dooda “Corporate Lawyer”. Waxayna ay shirkad qareen ah ay ku leedahay magaaalada ay Soomaalidu ku badantahay (Columbus) ee gobalka Ohio.

Marwo (Drs. Farxiya) mudo haatan laga joogo labo sanaddood waxay magaalada Nairobi ay ku booqatay (Eng. “Maxamed Dheere”). Waxayna ugu tagtay xarunta warshadihiisu ay ku yaalaan si ay ula soo tashato. Khaasatan, jaalaley (Drs. Farxiya Xirsi) waxay ugu tagtay jaale (Eng. “Maxamed Dheere”) inuu kala taliyo qaabka ugu haboon ee dhismaha 4 warshadood oo is feer yaala.

Sida:
1. Warshad samaysa xafaayadaha caruurta (Baby Diapers), 2. Warshad samaysa suufka dumarka (Women’s Tampons), 3. Warshad samaysa xaashiyaha musqulaha (Toilet Papers), 4. Warshad samaysa xaashiyaha duufka iyo dufanka la isaga tiro ee loo yaqaan (Tissue Paper).

Hadaba sida igu maqaalo ah, sanadkaan aynu ku jirno ee 2015 -ka horaantiisii waxaa la ebyay 4 afarta warshadood ee aan kor ku soo sheegay. Warshadahaas oo ku yaala kuligood xarunta shirkadda (Lasar Industries Limited) ee magaalada Daarasalaam. Wadanka Tanzania shirkadda (Lasar Industries Limited) shirkadda ugu weyn ee tartanka kula jirta waa shirkadda (Saba Industries Limited). Shirkadda (Saba Industries Limited) waxaa leh nin eeshiyaan ah oo leh warshad soo saarta xaashiyaha musqulaha iyo xaashiyaha diifka iyo dufanka la isaga tiro.

Waa Tuma Iyaduna Marwo (Safiyo Maxamed Xirsi)?

Marwo (Safiyo Maxamed Xirsi) beel ahaan waa beesha reer (Xaaji Cali Muumin), waxayna ka sii tahay beesha (Reer Xaaji Xuseen).

Hantiiley (Safiyo) waa dumarka Soomaaliyeed intaan arkay qofka ugu hawlkarsan. Sidoo kale intaan ogahay Marwo (Safiyo) waa haweeneyda labaad ee ugu caansan dumarka Soomaaliyeed oo warshadleyd ah. Si kale hadaan u iraahdana, marwo (Safiyo) waa nooca ay u badanyihiin beecmushteriga dumarka Soomaaliyeed oo ah qardojeex iyo qararaf.

Anigu markaan iska hadlo ganacsiga yaraan baan ku bilaabay, ardayga markaan ahaa gelinna waxbaan baranjirey gelinka kalana wiil mushtara oo wax tabcada ayaan ahaa. Markii aan kayd-hayaha ahaa oo an wakaaladda daawada joogeyna ganacsigaygu gobolada dalka intooda badan ayuu ku xiraa. Waagaas waxaan ogaadey in dumarka soomaaliyeed ay raga beecmushteriga uga faro dhuu-dhuubanyihiin. Suuqa ugu muhiimsan suuqyada Soomaaliya ku yaala berigaas wuxuu ahaa suuqii bacadlaha aa ee magaalada xamar ku gubtey. Dhawr nin oo farokutiris ah maahane suuqa waxaa iska lahaa dumarka beecmushteriga ah ee Soomaaliyeed.

Berigaas isaga ah, waxaa naga yaabiyey anagoo daawooyinkii aduunka ugu tayada fiicnaa haysana. Oo dhakhaatiirtii ay nala shaqaynayaan oo ay dadka u qorayaan daawooyinkii aanu iibineyney, ayaa waxaa suuqii naga qabsaday dumar qararaf ah. Dumarkaas oo magaalada (Buulo-xaawo) ka soo gelinjirey daawooyin aan waxtar lahayn dalka. Daawooyinkaas oo ahaa daawooyin dalka keenya lagu sameeyey oo aad u liita.

Mideeda kale dumarka Soomaaliyeed ee beecmushteriga ah waxay u badanyihiin hooyooyin ubad koriya oo bar-baariya. Marwo (Safiyo Maxamed Xirsi) na hormadaas ayey ku jirtaa walow intii badnayd ay u koreen, oo jaamacado iyo kolejyo ay ku jiraan. Intii u dhexaysey sideetamaadkii iyo todobaatameeyadii, magaalooyinka ay soomaalidu ku badanyihiin ee waqooyiga amerika dadka reer Tanadland waxaa lagu xifaalaynjirey inay hilibleyaal yihiin. Arintaas waxaa u sabab ahaa labo arimood.

1) Dadka reer Tanadland oo todobaatameeyadii iyo sideetamaadkii aad u galay waqooyiga america soomaalida kalana uga horeeyey.

2) Ganacsiga hilib xalaalka oo ka mid ah ganacsiyada ugu muhiimsan ganacsiyada yar-yar, ganacsatada reer Tanadland na ay u badnaayeen lahaanshaha suuqyada hilib xalaalka.

Xaajiyo (Safiyo Maxamed Xirsi) waxay ka mid ahayd dadkii sideetamaadka bilowgiisii ku galay wadanka maraykanka isboonsarka, oo ay dowladda maraykanku qaaday. In mudaa xaajiyo (Safiyo) waxay lahaanjirtey dhawr ganacsi oo kala ah (Hilib Xalaal) ku dhexyaal dukaan weyn oo suuq ah iyo shirkad taksiile ah.

Wadanka imaraadka carabta (UAE) dhowr goor baan cagta mariyey, runtiina aad baan ula yaabay dadaalka iyo waxqabadka ganacsatada Soomaaliyeed. Waxaana la orankaraa shirkaddaha meeldhexaadka ah iyo kuwa waaweyn ee Soomaalidu waxay deganyihiin imaraadka. Siiba magaalooyinka (Dubai) (Cujmaan) iyo (Emirates City). Magaalada Dubai dumarka Soomaalida ganacsigoodu sida magaalooyinka kale, wuxuu u badanyahay dukaamo bacadleyaal iyo dahableyaal ah. Weliba gabadha dukaamada dahableyaasha ah ee ugubadan dukaamada Soomaalida leh waa gabar reer Tanadland ah. Dukaamadaas oo ah dukaamada ay leedahay shirkadda (AL SADAD JEWELLERY L.L.C). Laakiin intii afar sanaddood ah waxaa ku soo biiray magaalada Dubai gabar reer Tanadland ah oo maalqabeen ah. Oo leh warshad samaysa dharka iyo shirkad gaadiidka xamuulka qaada ah. Haweeney daasina waa xaajiyo (Safiyo Maxamed Xirsi).

Xaajiyo (Safiyo) warshaddeedu dharka ay samayso waxaa ka mid ah nooca dumarka muslimiintu ay aadka u jecelyihiin, ee loo yaqaano Cabaayadaha. Shirkadda gaadiidka ee ay leedahay xaajiyo (Safiyo) badankoodu waxay daabulaan dharka warshadda. Inta kalana ganacsatada kale ayey rarka u qaadaan oo kireysta. Shirkadda dharka ee xaajiyo (Safiyo) waa shirkad caanbaxday oo dharka ay samayso u dhoofisa wadamada Khaliijka, Yurub, Waqooyiga Amerika iyo Australia. Qaasatan suuqyada iyo dukaamada dharka gada ee ay Soomaalidu leeyihiin.

Gabagabo :-

Dunida horukaca beecmushteriga wadan uu leeyahay waxaa jira halbeeg looga qiyaas qaato. Halbeeg gaas oo ah Ganacsi abuur + Karti = Koboc Dhaqaale. Ama si kale hadaan u dhigo (Business Start Up + Perseverance = Economic Growth). Wax ay dunidu isku dhaaftayna waxa weeye cadadka dadka sanadkiiba ganacsiga bilaaba. Wadamada reer galbeedka qofka ganacsiga bilaabaya tasiilaad badan ayaa loo sameeyaa si loo dhiiri geliyo.

1) Dhawrka sano oo hore canshuur lagama qaado.

2) Dadka ganacsiga bilaabaya qareenka ganacsiga qarashka ku baxaya waa laga bixiyaa.

3) Dadka ganacsiga bilaaba waxay leeyihiim lataliyeyaal bilaash ah oo kala taliya horumarinta ganacsigooda.

Ganacsigu wuxuu leeyahay qaacido la raaco oo caam ah. Qofka ganacsiga bilaabaya waxa ugu horeeya oo looga baahanyahay in uu sameeyo, waa inuu baaritaan cilmiyaysan ku sameeyo waxa uu rabo in uu ka ganacsado. Hantida uu maalgelinta ku samaynayana faa’iido u qalanta ay ka soo bixikarto. Dabeedna uu sameeyo qorshe ganacsi iyo hadaf sanadle ah oo u ku xisaabtamo. Waxa ugu daran ee qofka beecmushteriga ah ganacsigiisa in uu ku guuldaraysto u sabab noqonkara waxa weeye “Salfudayd”.

Dadka reer Tanadland ee beecmushteriga gala waxay noqdaan intooda badan dad ganacsiga ku wanaagsan, oo hadafkooda ka jibo gaara. Sababtuna waxa weeye waa dad hal’adayg leh oo dabeecoodu uu xasiloonyahay.

Halkani Waa Codka Wadaniga Xalaasha Ah Ee Umadda Karaamaysan Ee Qaranka Tanadland, By: Saxardiid Xareed Bulxan

XOG QARSOON: Afar Waxyaabood Oo Aad Ugu Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Atariishada Caanka Ah Ee Kareena Kapoor(Inay La Dagaashay Bipasha Iyo Atariishooyin Kale…..

Bollywoodka waxaa laga helayaa jilaayaal caan ah kuwaas oo marka ay shaashada kasoo muuqanaya taxadir badan lasoo istaaga , balse jilaa walba waxaa uu leeyahay xog u gaar ah , waxaana ay sheekadaan ka hadleeysaa aktarada caanka ah ee Kareena Kapoor taas oo inta badan kamid ah atariishooyinka wax badan ka bedelay nolosha Bollywood-ka.

1-Maxaad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Magaca Kareena?

Related image

Kareena Kapoor awooweheeda , Raj Kapoor ayaa gabadhaan markii ay yareeyd ugu magac daray Siddhima. Balse magaca Kareena waxaa uu ku yimid in hooyada dhashay Kareena Kapoor ay aad u xiiseyneysey aqriska bug lagu magacaabo Anna Karenina gaar ahaan markii ay uurka lahayd.

Sidoo kale asxaabteda iyo qooyskeeda waxay ugu magac dari jireen Beboo. Sidoo kale waxaa ay lahayd naaneeys gaar ah , waxaana naaneeystaas u yaqaaney aabeheeda wuxuuna dhihi jiray Randhir Kapoor.

2-Kareena Kapoor Waxay Ahaan Jirtay Dagaal –yahanad.

Aktaradaan ayaa loogu bartay inay la dagaalanto asxaabteeda mararka qaar ,waxaana ay la dagaalantay shaqsiyaad caanka ah waxaana kamid ah.

Bipasha Basu sababta dagaalkaan ayaa ahaa in labadaan shaqsi ay ku kulmeen filimka Ajnabeen oo la sameeeyey 2001, wararka waxaa ay sheegayaan in Kareena Kpoor inta duubista filimkaas socotay ay Bipasha ku dheheysey ‘’Mukulaasha Madow’’

Priyanka Chopra: Sida aan la wada socono Priyanka waxaa ay ahayd gabar inta badan soo jiidasho leh sidoo kale hore usocod sameeysa , sababtoo ah waxaa ay mar walba gabadhaan sameeyneysey filimaanta dareenka leh.

Sidaasi darteeda Priyanka ayaa si toos u weerartay Kareena Kapoor iyadoo TV fadhisa waxaana ay sheegtay inaysan ka helin gabdhaha camanka waa weeyn oo hadana isku dayaya inay Fashion sameeyaan.

3-Xiriirka Jaceyla Ee Kareena Kapoor.

Image result for shahid kareena

Kareena xiriirka jaceyl ee ugu weeyn waxaa ay la sameeysey jilaaga caanka ah ee Shahid Kapoor kaasi oo ay iscalfan waayeen , sababtoo ah waxaa soo kala dhexgalay dagaal xoogan.

Sidoo kale Kareena ka hor inta aysan Saif xiriir la sameeyn waxaa ay isku dayday Hrithik Roshan, balse ugu dambeeyn waxaa gacanta ku dhigay Saif Ali Khan.

4-Guurkeeda.

Kareena with Saif Birthday Pics

Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor ayaa xiriir bilaabay 2007, kadib markii Kareena Kapoor ay  soo gaba gabeysey xiriirka kala dhexeeyey Shahid Kapoor , waxaana ay shan sano xiriir la sameeynsey Saif Ali Khan ka hor inta aan la shaacin faraanti geliskooda oo dhacay 2012.

Aktaradaan ayaa ilaa iyo hada lanool jilaaga caanka ah ee Saif Ali Khan , dhawaan ayeyna wiil u dhashay.

TOP 10-DAAWO – 10 KA DAL EE UGU DUMARKA QURUX BADAN QAARADA AFRIKA —TOP 10 AFRICAN COUNTRIES WITH THE MOST BEAUTIFUL WOMEN AS AT JULY, 2017!!

TOP 10-DAAWO – 10 KA DAL EE UGU DUMARKA QURUX BADAN QAARADA AFRIKA —–                                   Top 10 African Countries With The Most Beautiful Women As At July, 2017!!

10. South SUDAN

Qof walba waa ogyahay in dumarka madow ay yihiin haweenka ugu quruxda badan dhulka, haweenka cayn u fiican oo qurux. Marka aan ka hadlo quruxdiisa, waxa aynu u jeednaa labada sifooyin gudaha iyo dibadda looks oo qof dumar ah oo Afrika u dhan leedahay. Dhammaan daafaha dunida, haweenka Afrika ayaa mar walba taagnaa soo baxay ka mid ah dumarka kale. Waxay aad u caqli badan la characters aad u xoog badan oo wanaagsan yihiin, oo ay leeyihiin qaab-dhismeedka jirka u qurux badan oo quruxda wajiga ay u dhan taaj. Halkan waxaan ku soo wada fogeeyeen top 10 dal oo Afrikaan ah oo uu leeyahay dumarka madow ay ugu quruxda badan. 10. South Sudan Haweenka Sudan waa ciyaar saaxiibtinimo oo soo jiidasho leh, oo lagu daray Ingiriisi waxaa si balaadhan looga hadlay.

09. RWANDA

Rwanda faanka kharashka cajiib hooseeyo ee ku nool daray ogaaaday haweenka qurux badan uu ka soo xusho

08. MORROCO

Morocco waxaa ka buuxa Carabi quruxda kuwaas oo doonaya in ay helaan in aad ogtahay hadlayay. Waxay ku saabsan tahay wakhti aad ku bilaabay barashada Carabi!

07. KENYA

Kenya, ku dhashay ee Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama aabihiis, waa jawharad barar cadu ku yaal Africa. Ingiriisi waxaa si balaadhan looga hadlay, oo lagu daray caasimadda ah ee Nairobi waxa loo arkaa mid ka mid ah xarumaha technology ee dunida ugu weyn. Waa ay “Silicon Valley” of Africa.

06. EGYPT

Booqo Masar Korka qolada la qurux ah Carabi halka en wadada si aad u aragto Silanyo ee

05. ERITREA

Eritrea, oo ku yaalla xaq u socda si ay Itoobiya, waa wadan yar laakiin firfircoon full of Mudanayaal qurux badan. langage maxalliga ah waa Tigrinya.

04. GHANA

Ghana waxaa loo arkaa "Africa bilowga ah" sababo badan. Ghanians waa mid aad u saaxiibka 
nala ah inay dalxiisayaal / khubarro iyo Ingiriisi waxaa si balaadhan looga hadlay. Haddii 
aad soo booqato si Accra iyo kulmaan gabadh Ghanian, waxaad laga yaabaa in marna guriga
 haddana ku sii socdaan!

03. ETHIOPIA

gabdhaha Ethiopian waxaa lagu yaqaan waayo, indhahoodu lulmay ballaaran oo nimco qurux badan. Baro Amharic iyo safar riyo in ay Addis Ababa ku raadinaya aad Boqorad Itoobiya

Ethiopian Women

Ethiopian Women
Ethiopian Girls

02. DJIBOUTI

Jabuuti waa dal yar oo dadka ka yar 1 million, laakiin weli ku faantaa qaar ka mid ah haweenka ugu fiican raadinaya in Africa. Baro Faransiis oo la kulmi naagtaada mustaqbalka .

01. SOMALIA

gabdhaha Soomaaliyeed ku nool yihiin oo ku saabsan “Horn of Africa” ​​iyo xaqiiqdii ay ka qiimo safarka. Qaado ee Badweynta Hindiya qurux badan iyadoo la wadaago boos raaxo leh quruxdaada Soomaaliya la. Kor u qaad afka Soomaaliga ee maxalliga ah iyo kuwa aad tahay dahabka.

 

Iyadoo in ka badan 50 dal oo kala duwan ee Africa, waxaan ogahay in ay wax aan macquul aheyn in ay iyaga oo dhan ku qor. Sidaas waxaan aad weydiisanaya aad caawimo samaynta liiska ugu wanaagsan ee internetka. Waa maxay waxa aad top 10 dal iyo dumarkii ugu quruxda badan ee Africa?

Fadlan nala wadaag Fikirkaaga Ku Aadan  liiska top 10 Ee la  Soo Xuley

Fariin Jaceyl : Kuma Fiicni Wax Barashada Balse Waxaan Hubaa In Aan %101 Ku Baasayo Jaceylka Aan Ku Qabo.

Shumaca waa uu dhalaalaa,dabkana waa damaa balse jaceylka aan ku hayo mar waliba wuu nool yahay .

* Ha igu hayn indhahaaga maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in aan sida illinta u soo dhaco , balse igu xafid wadnahaaga si garaaca waliba oo uu sameeyo kuu xasuusiyo in qof ku jecel uu kaa wel weliyo

* Magaacaada ayaan ku qoray dhulka balse duufaanta ayaa qaadday , ka dib waxaan ku qoray cirka balse dabeesha ayaa tir tirtay markaas ayaan ku qoray wadnaheyga waana meesha uu weligiis uu ku jirayo .

* Waan ku liitaa xisaabta balse waxaan awoodaa in aan xisaabiyo daqiiqadaha aan kula qaatay ,kuma wacni taariikhada balse waligeey ma arag qof aan u jeclaaday sida aan ku jeclahay

*Kuma wacni Geography-ga balse waxaan xasuustaa meeshii wacneyd ee aan ku kullanay markii ugu horeeysay

*Kuma wacni wax barashada balse waxaan hubaa in aan %101 aan ku baasayo jaceylka aanku qabo

Haddii Aad 8-daan Arin Ku Aragto Gacaliyahaaga , Wallee Waxaa Tahay Gabarta Ugu Nasiibka Badan Dunida Oo Ducada Waalidkaa Ayaad Qabtaa

Haween badan ayaa is weydiiya sida ay ku ogaan karaan in uu maqsuud u yahay gacaliyahooda oo uu ku faraxsan yahay .

Hadaba Maandeeq.net ayaa ku siineysaa hab sahal ah oo aad ku ogaan karto arintaas ee haddii aad ku aragto ogoow noloshaada guur aad ayuu ugu faraxsan yahay

* Joogto ayuu kuu dhunkadaa oo uu ku xabad giliyaa mar waliba oo uu xaafadda ku soo laabto, waxa ay taasi kuu muujineysaa in uu ku faraxsan yahay in uu ku arkay mar kale

* Joogto ayuu kuula soo xariiraa gaar ahaan marka uu shaqada ku maqan yahay waxa uuna ku sheegaa mar waliba oo uu ku soo waco in uu ku xiisay , lambarkaagana uguma diiwaan gashna kaliya magacaada ee tilmaamo ay ka mid yihiin nolosheyda , xabiibi iyo kuwo la mid ah ayaa ugu qoran

* Waxa uu mar waliba kuu sheegaa in uu ku jecalahay , haddii arintaas aad aragto ninkii riyada ayaad haystaa waayo ragga qaarkii eraygaas waxa uu ka soo go`aa xilliga haasawaha iyo biloowga guurka balse haddii weli uu sidaas uu ku leeyahay waxa ay Maandeeq.net ku leedahay ninkii nolosha ayaad heshay .

* Haddii uu u taagan yahay caawintaada nolosha guriga iyo banaankeedaba iyadana waa tilmaan xooggan oo muujineysa in uu ku jecel yahay waxa ayna taasi tahay cadeyn in noloshaada guurka ay tahay mid ay farxad ku dheehan tahay.

* Waxa uu mar waliba jecel yahay in aad nasato oo waxa uu heegan u yahay in uu kaa qabto howsha guriga iyo midda caruurta la xariirta waxa uu diyaar u yahay in dhib waliba uu isaga kaaga sokeeyo wallee haddii gacaliyaaga sidaas yahay Maandeeq.net waxa ay ku leedahay ducada waalidkaa ayaa kugu dhacday

* Mar waliba qalbigiisa wuu kuu furan yahay ,waxa uu kaala qeyb qaataa farxad iyo murago middii kula soo gudboonaata , waa nin dareensan in aad tahay hoygiisa iyo meesha uu soo magan galo ,waxa ayna tani marqaati ka tahay in noloshaada ay tahay mid farxad ay ku dheehan tahay

* Arayada amaanta kaama xasdo iyo mahad celinta , kulamaa uu isha kula raaco wax auu ku sheegaa in aad tahay gabadha ugu qurxoon xittaa haddii ay kaa jajaban tahay mana ka laba labeyeo in uu ku mahad celiyo mar waliba oo aad arin u sameeyso.

* Ugu dambeyn waxa uu ku siiyaa ihmtimaam(daryeel) weyn, jaceyl aan daryeel laheyn dhadhan malaha waxa ayna tani muujineysaa in guurkaada yahay mid farxad wehel la ah .

Waxa ay Manadeeq.net ka afeefaneysaa in warbxintaan aynu uga dan laheyn in aan isku dirno qoyayska Somaliyed balse waa xaalad guud oo gabartii dooneysa in ay imtixaan ka qaado nolosheeda guurka ku ogaaneyso si ay u saxdo haddoo ay wax ka qaldan yihiin

Aqriste haddii aad warbxintaan ku qanacday hanaga bakhiillin in aad u soo gudbiso asxaabtaa Facebook , Whats App iyo Twiter-ka

DHACDO CAJIIB AH: Muwaadiniin Chiness Ah Oo Laga Diiday Passbor-ka Ay Wateen Inay Kaga Soo Baxaan South Korea (Isbedelka Muuqaalkooda Ayaana U Sabab Ah)

Seddex Gabdhood oo u dhasheen wadanka Chine ayaa awoodi waayeen inay ka gudbaan Airpor-ka waqooyiga Korea , sababtoo ah muuqaalka jirkooda iyo midka u saaran passports ayaan isku mid ahayn.

Gabdhahaan ayaa qaliin ku sameeyey wajogooda waxaana ay taasi keentay inuu bedelmo muuqaalka wajogooda , sababtoo ah waxaa la fahmi waayey cidda ay yihiin.

Inta badan dumarka kunool wadamada qaar ee Asia sida China iyo Japan ayaa mararka qaar waxay aadaan South Korea si ay halkaas uga soo sameeystaan qaliin wajiga ah balse waxaa ku adkeeneysa inay soo laabtaan marka ay qaliinka wajiga isqurxinta ay soo dhameeystaan.

Dhibaatada ugu weeyn ee qaliinka lagu qabo ayaa ah inay bedelaan muuqaalka jirkooda gaar ahaan sanka , wajiga , bishimaha , camanka iyo meelo kale  arintaas oo dhibaato xoogan ku noqonkarto.

Dhamaan warbaahinada Korea ayaa laga hadal haayaa sheekadaan sababtoo ah waxaa mar walba leeys weydiinayaa inay dadkaan yihiin dadkii saxada ahaa ee dalka ku galay Pasbordka ay wataan.

Ugu dambeeyn dadkaan ayaa bad baaday sababtoo ah waxaa la helay warqadii cadeeyneysey inay qaliin mareen(plastic surgery certificates).

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com