Home » Author Archives: Admin (page 30)

Author Archives: Admin

AKHRISO:Xiisihii naga dhexeeyey ayaa yaraaday Aniga iyo Ninkeyga

Magaca: Gabar xaasa.

Su’aasha:

Abaayo waa mahdsantahay marka hore. Aniga iyo ninkayga oo mudo 8sano wada nool, waxaan hada dareemaa in xiiso dhan ii hayn, anigana caruura ku mashquulsanahy, isna shaqo. Guurkeyga inaan badbaadiyo waa rabaa, maxaan samayaa abaayo, aad iayaan ugu baahnahay caawidaan.

 

Jawaab: Doorkahaweenka

Walaal marka hore waaad ku mahadsan tahay su’aashaada.

Walaal noloshu waxay noqotaa wax cidhiidhiya oo aan dhadhan lahayn hadii aan kolba qaab cusub loo cusboonaysiin, guriga aad degan tahay hadii aadan kolba gees u dhigin oo aadan ka tuurin alaabada indhuhu ka daaleen, waxaad ogtahay inuu gurigu kaa hor imanayo. Sidaa waxaa la mida walaal nolosha guud. Nolosha guurkuna walaal waa mid ka dhaxaysa laba dhinac, hadii aad dareensantahay in noloshiinu ay noqotay mid isu eekaatay oo aan wax xiiso ah lahayn, walaal waxaad u baahan tihiin inaad wada fadhiisataan labadiinu oo aad ka wada hadashaan maxaa idinka maqan. Ogowna nolohsu waa sidii aan hore kuuugu soo sheegay guriga aad kolba cusboonaysiinayso. Waxaan hubaa hadii si caqli iyo xikmadleh aad u wada hadashaan oo aad isa su’aashaan maxaa idiin wanaagsan qoyskiina, inaad gaadhaysaan meel fiican. Hadii aad u baahan thiin gacan dheeraadana u sheegta qofka idiinku dhow ee aad ogtihiin inuu maslaxadiina raba labadiinaba.

 

Maqaaladan inaad akhrisato Ayaan kugula talinataa walaal.

Aan Dhawaan kuu soo diri doona ama Webka ku Soo daabici doono in shaa Allaah

AKHRISO: Guri aan gabar Soomaaliyeed joogin waa guri madow

Gabar ku howlan howlmeedka guriga, waxa ay mindi yar oo faraha lugaha ay dhex geshatay ku jar jareysaa hilib ay ku gureyso digsi lagu karin doono qadada ama cashada qoyska.

Waa Hinqaastii : Ali Abdi Ali Hoshow
Twitter : @AliHoshow
Email : alihoshow@gmail.com

Haddii aan dib u xusuusanno, nolosha qoysaska Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku nool waa mid qurux badan oo aan la siisan karin midda Soomaalida qurba jooga ee cunnada iyo quutka u doonta maqaaxida iyo goobaha bulshada.

Gabadha Soomaalida ah ha noqoto inan aan guur galin, ama marwo xaas ah , ama marwo la furay/ laga dhintay waxa ay intooda badan halbowle u yihiin nolosha qoysaska Soomaaliyeed, waxa ay diyaariyaan cunnada, nadaafadda guriga, dhar dhaqidda, alaab meyridda, sariira goglidda, udgoonka guriga, daryeelka seygeeda, barbaarinta caruurteeda, marti soorka iyo u roonaanshaha deriska.

Waa nolol qurux badan oo aan la dhayalsan karin, qof waliba oo dal joog ah uu dareemayo wanaagaas.

Soomaalida qaxootiga ah, kuwa dibad jooga ama qurba jooga ah intooda badan kuma baraarugsana wanaaga nolosha ceynkani ah ay u leedahay dhaqanka bulsho ee Soomaalida.

Guri aan gabar Soomaaliyeed joogin waa guri madow oo leerku ka maqan yahay.

Allah noo xifdiyo oo noo ilaaliyo hablaheena Soomaaliyeed ee maanta dalka iyo dibadda ku nool.

Gabar kasta oo Soomaali ah oo dhib dareenta, waxa ay la micna tahay in gurigaas oo dhan dhibaato ku habsatay ama dalka qeyba ka mid ah korontadu ka maqantahay.

Koley idin bari maayo qiimaha iyo milgaha ay leeyihiin dumarkeena, balse intaad hareerahaaga fiiriso, awoodooda ilaah haku tuso.

Hal maalin ay guriga kamaqnaato, gurigaasi waxaa la moodayaa qashin qubkii Magaalada.

Sababta guriga marwaliba u qurux badanyahay ma is weydiisay, wax kale ma ahan ee waa dadaalka iyo dareenka gabadha Soomaaliyeed ku jira.

Ninka ama gabadha Soomaaliyeed ee shisheeye/ ajnabi guursataa, sanad kadib waxaa la arkaa iyadoo Ciil iyo caro ka muuqato, oohintana ay celin la’dahay ayey soo noqotaa, sababta wax kale ma ahan markaad gurigaaga ka baxeyso waxaad ogtahay inaad soo noqoneyso, laakiin marka aad Soomalinimada ka dul tillaabsato, waxaad ogsoon tahay, dareensan tahay inaadan meel ama waji aad kusoo laabato aanad haysan, qoomameyn iyo uur ku taallo mooyee.

Sidaas oo ay tahay dadkeenu wey soo dhoweeyaan, mana sii xumeeyaan, qof khaldmay bey ka dhigaan oo khaladkii ka soo noqday, hayeeshee niyad ahaan qofkaas wuu dilanyahay.

Marka wiiloow ama gabareey, marwaliba dadkaaga iyo dalkaaga wax kuu dhaama malahan.

Waxaan ku soo Gaba-gabeynayaa, Soomaaliya waxa uu Allah ku galladay nimcooyin badan oo ay habluhu ka mid yihiin ee hala dhowro, yaan la xumeyn, yaan la cadaabin, yaan la takoorin, yaan la ciilin, inay faraxsanaanto oo qosasho mooyee yaan laga oysiin.

Guul iyo gabonnimo dhammaan Ummada Soomaaliyeed.

KU SOCOTA WAALIDKA “AKHRISOD”aryeelka Waalidka oo Keena in Caruurtu Kala Caqli Bataan

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday daryeelka waalidku uu keeno in ilmaha curadka ah uu ka caqli bato caruurta ka yaryar ee walaalihii ah.

Khubarada jaamacadda Edinburgh ayaa waxay dib u fureen dood horey u jirtay oo ahayd caruurta walaalaha ah ee wadadhasha keebaa ugu caqli badan?, waxayna cilmibaaris ay sameeyeen ku ogaadeen in canugga curadka ah ee ilmaha ugu weyn uu ka caqili badan yahay sanad, marka loo eego caruurta kale ee walaalihiisa ah ee ka yar da’ahaan.

Cilmibaarayaashan ayaa sheegay in sababtu tahay markasta ilmaha horreeya waxaa ku badan koolkoolinta iyo dhiirigelinta dhanka waalidka iyo iney helaan kobciyo fikirkooda ah oo dhanka labadiisa waalid ah, sanadaha hore ee da’diisa.

Cilmibaaristan ayaa waxaa iska kaashaday shirakadda “Onalaziz Group” iyo jaamacadda Sydney, iyagoo dib u eegay shaxda ubad korinta Mareykanka ee ka soo baxday xafiiska tirakoobka shaqada Mareykanka.

Cilmibaaristan ayaa lagu baaray illaa 5 kun oo caruur ah oo la eegayay inta aaney dhalan ka hor illaa 14 sano, iyadoo la sii tixraacayo faylka qoysaskooda ee hore iyo xaaladooda dhaqaale, hibooyinka caruurtaasi ay leeyihiin ayaa lagu qiimeeyay qiyaasta caqligooda, sida wax akhrintoodu tahay, kala soocidda sawirrada iyo xarfaha qoraalka.

Waxay culumadu si gaar ah u eegeen kaalinta habdhaqanka waalidka, sida iney leeyihiin balwad xilliga uurka iyagoo ka eegay saameynta ay ku yeelato caqliga caruurta dhalneysa iyo hibooyinka ay yeeshaan.

Culimadan cilmibaarista sameysay ayaa waxaa u soo baxay in caruurta hore ay ka nasiib fiican yihiin kuwa kale ee ka da’da yar, dhanka daryeelka waalid iyo kala qeybqaadashadiisa shaqooyinka arday ee dhanka iskuulka, waxayna ogaadeen in mar kasta waalidku uu ka sii caajisayo daryeelka ubadka kolba marka uu ilmo cusubi dhasho, taasina ay keenayso in ay kala maskax badnaadaan.

Dr. Anna Nuevo Chuquiro oo ka tirsan jaamacadda Edinburgh ee dhaqaalaha ayaa sheegtay in natiijada cilmibaarista ay tilmaameyso “isbedelka ku yimaadda dhaqanka waalidka ee caruurtiisa ay saameyn ku yeelato maskaxdiisa”.
Si kastaba, daraasaddani waxya meesha ka saareysaa cilmibaarisyo hore oo tilmaamay in caruurta yari ay ka maskaxbadan yihiin kuwa ka weyn, Soomaalidii hore waxay oranjireen “Nin gu’ kaa weyni gu’ baas kaa weyn”, iyagoo markaa tilmaamayay in qof kaa weyn sanad markasta uu kaa caqli badan yahay.

Lamaane Kenyan ah oo arooskoodii hore ku baxay 1 doolar ayaa xalfad qaali ah loo dhigay

Lamaane Kenyan ah oo kharashka arooskoodu ku kacay hal doolar ayaa xalfad qaali ah loo dhigay mar kale maalinta Jacaylka Adduunka, iyadoo ay hawshaas soo abaabuleen dad samofaleyaal ah.

In kharashka arooskooda ku kacay uu ahaa hal doolar ayaa aad caan u noqotay iyadoo baraha bulshada la iskula wadaagay dad badan oo Kenyan ahna ay sheegeen in ay caawin doonaan.

Arooskii koobaad ee Wilson iyo Ann Mutura waxay qabeen jiinis, funaanado iyo labo faraanti oo macdan ka samaysan.

Warbaahinta Kenya ayaase kharashka xaflada labaad ee arooskooda ku tilmaamay 35,000 oo doolar, taas oo ka dhacday magaalada Nairobi.

Wilson iyo Ann Mutura xalfadda arooskoodii koobaad lama keenin keek, ubaxyo, iyo waxyaabaha kale ee qurqurxinta loo adeegsado midna
Image captionWilson iyo Ann Mutura xalfadda arooskoodii koobaad lama keenin keek, ubaxyo, iyo waxyaabaha kale ee qurqurxinta loo adeegsado midna

Weriyaha BBC Peter Mwai oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in inkastoo ay si rasmi ah horay isu nikaaxsadeen haddana ay faraanti isu xireen markii ay socotay xafladdan loogu beegay maalinta Jacaylka.

Weriyuhu wuxuu sheegay in dadka Kenya-ka ah qaarkood ay su’aalo ka keeneen kharashka xalfadda iyaga oo Online adeegsanaya ayayna su’aal galiyeen sababta ay dadka soo abaabulay xafladan waxaas oo lacag ah ugu adeegsadeen badalkii ay wax kale ugu qaban lahaayeen kharasha intaas la eg.

Laakiin Aaltonen Jumba, oo ka tirsan shirkadda Slique Events Planner Ltd oo ka mid ah dadkii kaalinta wayn ku lahaa abaabulka xalfadan ayaa BBC-da u sheegay in dad badan oo Kenyan ah ay waxyaabo badan u qabteen lamaanaha oo xataa la siiyay beer casri ah iyo waxyaaabo badan oo kala qiimo ah ayna u baahnaayeen xalfaddan oo kale.

Laakiin markan gaari, ubaxyo iyo madadaalo ayay heleenLahaanshaha sawirkaAALTONEN JUMBA
Image captionLaakiin markan gaari, ubaxyo iyo madadaalo ayay heleen

Weligaa ma maqashay warqad jacayl oo sida imtixaanka loo saxay?

Ardey dhigta Jaamacad oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa saaxiibtiisii ku celiyay warqad raali gelin ah oo ay usoo dirtay ka dib markii uu u saxay sida mid imtaxaan.

Ardeyga ayaa siiyay natiijo ka dib markii uu saxay qaladaadkii asiga uga muuqday warqadda.

Wuxuu ardeygaasi sheegay inuusan ka xumeyn in warqadda ay baraha bulshada ku faaftay.

Nick Lutz ayaa qalin gaduudan ku saxan warqadda oo ahayd raali gelin loosoo diray.

Wuxuu taxliilin ku sameeyay sida ay u qorneyd warqadda oo afar bog ahayd oo ay u soo dirtay gabar jecleyd.

Wuxuu BBC Newsbeat u sheegay: “Waxaan saaxiibo ahayn sideed bilood”.

“Afar bilood ka dib waxay bilowday inay telefoonkeeda iga qariso. Waxaan maqlay inay rag kale saaxiib la ahayd,” ayuu yiri.

Nick oo dhigta jaamacadda Central Florida, wuxuu sheegay in warqadda lasoo gaarsiiyay waxyar ka dib markii ay saaxiibtii isku dheceen.

Waatan warqadda uu Nick saxay

Sixitaanka wuxuu ku billaabay, “hordhaca wuu dheeryahay, waadna ku soo celcelisay”.

Ardeyga oo 20-sano jir ah wuxuu doonayay in saaxiibtiisii hore ay sabab u yeesha sadarka ah: “Waxaad ku guuldareystay inaan ilaaliyo xireerkeena”.

Wuxuu kale oo ku dul qoray warqadda inuu u baahan yahay inay cadeyso marka ay leedahay “weligey kuma khayaamin”.

“Maalin ayey ii sheegtay inay gabar u raaceyso dalxiis, balse wiil kale ayey raacday”, ayuu u sheegay BBC Newsbeat.

“Lama hadlin tan iyo markii arrinta ay dhacday, mana qorsheynaayi inaan la hadlo”, ayuu yiri.

Bogga koobaad ee warqadda raali gelintaLahaanshaha sawirkaTWITTER/NICK LUTZ
Image captionBogga koobaad ee warqadda raali gelinta

Bogga labaad, wuxuu saaxiibtiisii hore ka codsaday inay faafaahiso sadarkan: “Waan ilaaliyay dhammaan ballanqaadyadii, waanna ka baxay”.

Sidoo kale wuxuu u sheegay inay iska ilaaliso qaladaadka higaada xuruufta, sida ereyadan “loose” iyo “lose”.

Bogga labaad ee warqaddaLahaanshaha sawirkaTWITTER/NICK LUTZ
Image captionBogga labaad ee warqadda

Nick ayaa saaxiibtii ka dalbaday inay cadeyso waxa ay ula jeedo “ma jirto sabab aan wax kaaga qariyo, ama been kugu sheego”.

Wuxuu dhinac kaga qoray: “Haddii aysan jirin sabab aad been u sheegto, maxaad runta u sheegi la’dahay?”

  • 65 sano ka dib ayay is heleen oo is guursadeen:

Warqadda uu saxay oo uu boggiisa Twitter-ka geliyay waxaa la wadaagay in ka badan 100 kun oo jeer.

“Ayada kuma faraxsana, anna ma fileyn inay heer intaa la eg gaarto warqadda. Hooyadey ayey la hadashay, aniguse lama hadlin, mana u maleynaayo in aan la hadli doono”, ayuu yiri.

Nick LutzLahaanshaha sawirkaTWITTER/NICK LUTZ
Image captionNick Lutz

Xittaa wuxuu u sheegay saaxiibtii in nooca farta qoraalka ee ay isticmaashay ay tahay mid isku dhex yaacsan.

Bogga sedaxaad ee warqaddaLahaanshaha sawirkaTWITTER/NICK LUTZ
Image captionBogga sedaxaad ee warqadda

Bogga ugu dambeeyay ee warqadda waxay gabadha ku dhameysay “wan ku jeclahay”, balse Nick calaamadda su’aasha ayuu saaray.

“Haddii aad dooneyso in lagu aamino, cadeyn ku taageer sheegashadaada”, ayuu ugu qoray warqadda dusheeda markii uu saxaayay.

Bogga ugu dambeeya ee warqaddaLahaanshaha sawirkaTWITTER/NICK LUTZ
Image captionBogga ugu dambeeya ee warqadda

“Sheegasho khiyaanada ah weligeed ma dhicin, naftaada eedee, maxaa kale? ayuu u sheegay saaxiibtiisii hore.

“Sheekadaada way is burineysaa ee dhinac qaado. waxaan jeclahay faafaahin in laga bixiyo waxyaabaha la sheeganayo”.

Macmacaankaan ma cunsuri baa?

Foorno ku taala koonfurta Sweden ayaa waxaa la soo daristay fadeexad ku saabsan macmacaan ay sameeyeen iyadoo dadka qaar ay ka eedsheegteen in ay yihiin cunsuriyiin. Milkiilayaasha foornada ayaa sheegay in aysan wax cunsuriyad ah ka wadin macmacaanka ee ay doonayeen in ay muujiyaan midabka shukulaatada.

Inkastoo midadka macmacaanka uu yahay dhowr nuuc oo kala ah madoow, baroown iyo cadaan ayaa waxaa dooda dhaliyay kan madoow oo keliya. Afhayeenka ururka dadka Afrikaanka ah ee Sweden (Afrosvenskarnas riksförbund) Kitimbwa Sabuni ayaa sheegay in ay iska cadahay cunsuriyada macmacaanka isagoo sheegay in ay qeyb ka tahay cunsuriyada dadka cad ee Sweden ay ku sameeyaan dadka madoow.

Hadaba su’aashu waxay tahay waa maxay sababta ay cunsuriga ku noqdeen macmacaankaan? Su’aashaas ayuusan si cad uga jawaabin Kitimbwa Sabuni. Qaar kale oo ka mid ah dadka madoow ayaa qilaafsan fikradiisa oo aaminsan in aysan cunsuriyad la taaban karo ka muuqan meeshaan.

Anigu qaasatan waxaan aaminsanahay in aysan cunsuri ahayn macmacaankaan isla markaana ay indhaha ka leexinayso cunsuriyada dhabta ah ee ka jirta Sweden. Haddii aan waxkasta cunsuri ku tilmaamno taasi waxay keenaysaa in naloo arko kuwo aan si dhab ah u hadlayn isla markaana doonaya ka dhex muuqashada saxaafada oo keliya.

Adiga sidoo kale kula tahay? Fikradaada ku darso…

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com