Home » Author Archives: Admin (page 4)

Author Archives: Admin

“Anigoo 23 jir ah godkii la igiu xidhay, baa anigoo 50 jir ah la iga soo saaray”.

Magacaygu waa Cabdiraxmaan Dhoodaan Cabdi Maysar, waxaan ku dhashay Muqdisho, waxaan ka baxay dugsiga sare ee Banaadir 80 maad kii, Anigoo ku jira kuliyadda cilmiga dhaqaalaha ee Jaamacadii Gahayr iigana harsantahay wax ka ka yar sanad, da`dayduna tahay 23 jir ayay dawladdii burburtay.  Aabahay waxuu ka shaqayn jiray guryo uu bankigii dhexe lahaa oo loo yaqiin Bangaariyada oo ku yiil degmada Hodan.  Ciddeenna waxay ku noolaayeen degmada Xamarweyne.
Bilowgii 1991 maalin ka mid ah anoo jooga Jaamacada ayaan hal mar maqlay hugunka madaafiicda iyo daryaanka rasaasta ee qoryaha fudud waxaan dareemay in Xamar la soo galay xabaduna kusoco madaxtooyada, suurto galne ahayn inaan aado xaafadayda maadama aan la mari karin jidka Makka Al Mukarama oo ah marinka xaafadayda, waxaan go`ansaday inaan la qaxo dad cararyay ilaa aan gaarno Ethiopia.

6 bilood oon kusii hakanaynay hadba meel,  dhaxbartamahii 1991kii ayaan waxaan gaarnay Iimeey oon uga sii gudubnay Raaso ilaa aan gaarno Dirir Dhawa,.
Xilligaas waddanka Ethiopia aad buu u kacsanaa waxaana xukunka laga tuuray kaligii taliyii Mingiste waxaana ka socday raaf dadka loogu tuurayo xabsiyada,. 7 habeen markii aan seexday Dirir dhawa habeenkii ku xigay xilli maqrib ah ayaa la i dafay waxaana i kaxaystay ciidan wata gaari Jiib ah waxaana la i geeyay degmo 200km aan u maleeynayo inay u jirto Dirir Dhawa oo la yiraah Hawaash (Awash),  waa godkii iga lumiyay mustaqbalkayga waa kii I nacsiiyay adduunyada,  waa midkii 27 sano aan ku jiray, waa kii aan galay anoo 23 jir ah kana soo baxay anoo 50 jir ah.

Xabsigaas waxaa ku xirnaa maxaabiis aan ku qiyaasay 4,600, dadka ugu badan ee xabsiga ku jiray waxay ahaayeen Amhaaro iyo Oromo oo dowladda ku kacsanaa, Somalida waxaan ahayn 300 qiyaastii marka laga reebo 280 loo soo qabtay inay taageeraan ONLF,  inteenna kale waxaan ahayn reer Soomaaliya.

Runtii ma qiyaasi karo nooca uu u yaalay xabsigaas,  waxuu ahaa god hoostiisa oo aay adagtahay sida aad ku aragto qoraxda ama iftiin, Naxariista kaliya ee xabsigaas ka heli karto waa inaad cuntaa hal waqti oo Cambuulo galeey ah.
Waxaa iigu murug badnayd markii xabsiga la iga soo sii daayay anoo xiran 27 sano maxaa yeelay ma aanan aqoon meel aan u raadiyo aabahay, hooyadey iyo lix walaaladey ahaa oo ila dhashay.  Alla muruga badnaaa,  wallaahi waxaa la ii qaatay inaan iska dhinto.

Markaan xamar ka soo dagay hadda oon kula hadlayo waan ooyay waana farxay, waxaan ku ooyay farxad aan u qabo dhulkayga iyo aragtida ra`isul wasaaraha I soo daayay oo ah nin dhallinyaro ah oo naxariis iyo damqasho leh, waxaana ku farxay jacaylka dadkeena ay  is jecelyihiin iyo sida macaan ee noola soo dhaweeyay, walaahi ma aqaan ani waxa aan sameeyo iyo meesha aan ka raadin doono dadkaygi.

Alla ciil badanaa maanta aqoontaydi iyo dadkaygi midna ma hayo oo waxaan ahay jaahil gablan ah kaliya, waddada ii furan waxaa weeye inaan samro oon badiyo taqwada Alle.

Walaal macaane maanta kaama rabo lacag iyo hanti, ma doonayo magac iyo mansab iyo shaqaba kaliya waxaan rabaa ciddeenni inaan is helno fadlan intaas iga caawi.

Walaal miskiinkaan dhibban fadlan ka caawi inay ishelaan ciddiisii oo mar kale dib u midobaaban waa hadaad taqaan ree Dhoodaan Cabdi Maysar.

Share dhaha walaalayaal iyagaa is heli doonee

Nin Jaceyl dartiis baaskiil ugu socdaalay Qaarada Aasiya ilaa Yurub!! (SAWIRRO)

Bishii January 22, sanadkii 1977, 24-jir lagu magacaabo P.K. Mahanandia ayaa safar dhulka ah bushkuleetti ‘Baaskiil’ uga baxay magaalada Delhi ee caasimadda India isaga oo ku tagaya magaalada Boras ee dalka Sweden – si uu ula noolaado marwada uu ogaa inay tahay jeexiisa midig. Sheekadooda jaceyl ee cajiibka ah waxay noqotay mowduuca buuggii loogu iibsiga batay oo uu qoray qoraaga reer Sweden ee Per J. Andersson.

Mahanandia wuxuu si kadis ah kula kulmay Charlotte Von Schedvin sanadkii 1975. Wuxuu sida farshaxamiiste uga shaqeynayay gudaha qasriga Connaught Place oo aheyd meel dukaameysi iyo ganacsi furan oo ku taalla Delhi – Ms. Von Schedvin, oo ka timid Sweden waxay dalxiis ku joogtay Hindiya.

Maalin iyada oo si tamashleyn ah ugu socdaaleysa waddooyinka Delhi, waxay isha ku dhafatay nin farshaxamiiste ah oo ay agtaal boor lagu qoray; “10 daqiiqo ku qaada sawirkaada kuna dhiib 10 Rupees.” Waxayna go’aansatay inay tijaabiso xirfaddiisa.

Waxay ag fariisatay boorkiisa, hayeeshe halkii uu ka xejin lahaa howshiisa wuxuu bilaabay inuu gacmaha ka dhidido – iyada oo la niyad-jaban natiijada sawirka uu ka qaaday, waxay go’aansatay inay maalinta xigta kusoo laabato, balse waxba isma badalin.

Dalxiisadda Swedish-ka ayaa in yar dabadeed baranaysa in P.K. Mahanandi uu sabab muuqata u leeyahay wareerka iyo qamandhacada heysa. Ammintii uu indhaha ku qabtay iyada, wuxuu xusuustay dardaaran ay hooyadiis u sheegtay markii uu kurayga ahaa. Mahanandia wuxuu kamid ahaa beelaha Dalit – beesha ugu liidata bulshadiisa oo takoor kala kulanta kuwa sare ee Hinduuga. Waxay ku siraysatay in uu guursan doono gabar ka timid meel fog; kasoo jeedda qoys caddaan ah. Durbadiiba wuxuu ogaaday in gabadhani tahay middii ay hooyadiis uga sheekeyn jirtay.

“Markii ugu horreysay xittaa maan weydiinin magaceeda, waxaan weydiiyay haddii ay dhalatay bishii May iyo su’aalo kale oo dheeraad ah. Waxaynu iigu wada jawaabaysay haa dhamaan su’aalahayga,” ayuu dib u xusay Mr Mahanandia. “Waxaan u sheegay in la isku keen qoray oo ay noqoneyso afadayda, kadib waan warwaray aniga oo ka baqaya inay booliska aado si ay iiga dacwayso.”

Hayeeshe taasi waxay ahayd wixii ugu danbeeyey ee Charlotte ka fikirayay. Iyaduna way ku sii dhawaatay xaggiisa – tiyoo uu su’aalo cilan uu weydiinayay, wuxuu u muuqday daacad taas oo iyadana ku xanbaartay inay u foojignaato ka fikirka xiriirkiisa.

Labaduba waxay si joogta ah u kulmayeen toddobaadyadii xigay, wuxuuna xittaa ula dhaqaaqay dhinaca deegaanka uu kasoo jeedo halkaas oo ay isku guursadeen, marka loo eego qaab dhaqameedka. Cabbaar kadib, waxaa ku timid waqtigii ay asxaabteeda kula laaban laheyd dalkeeda Sweden, waxay seygeeda kaga balan-xiratay inuu ugu imaanayo magaalada warshadaha leh ee Boras. Waxay xittaa isku dayday inay kaga tagto tikidka diyaaradda, hayeeshe isaga oo hal-faanaya ayuu doorbiday inuusan ka guddoomin.

Kadibna waxay iskula socdeen joogto, hayeeshe heerkiisa dhaqaale marna muusan sameynin horumar. Mana uusan awoodin inuu diyaarad u raacdo dalka ay ku sugan tahay afadiisa; mana joogi karin la’aanteed. Wuxuu markaas iska iibiyay dhamaan agabkii u yiillay gurigiisa – isaga oo soo iibsaday baaskiil uu ku maro jidka dheer ee ku xiran cirifka Yurub looga baxo Hindiya.

Wuxuu ka tagay Hindiya bishii January 22, sanadkii 1977 isaga oo maraya dalalka Pakistan, Afghanistan, Iran iyo Turkey ilaa uu ka gaaro Yurub. Mihnaddiisa farshaxanna waxay qeyb ku laheyd socdaalkiisa. Wuxuu inta uu ku jiray safarkiisa sawirro u sameynayay dadka uu la kumo – kuwaas oo iyaguna ugu deeqayay lacag iyo cunto uu jidmar kasii dhigto. In kasta oo uusan garan karin luqadda dalka uu socdaalka ku yahayba, farshaxankiisa ayaa uga dhignaa xiriir uu kula macaamilo dadka uu la kulmo.

“Marka aan daal dareemo ama aan hantaaqmo, waxaan soo xusuustaa wajigii qurxoonaa ee afadayda taas oo iga saacidaysay inaan kusii hal-adkeysto safarkayga,” ayuu yiri.

Si kastaba, bishii May 28 isla sanadkaas wuxuu gaaray qaaradda Yurub isaga oo ka galay Venice. Wuxuuna tareen ugu baxay magaalada madaxda Gothenburg, Sweden oo 70-km u jirta Boras halkaas oo gacaladiisa ay ku sugneyd.

“Markii ay i aragtay way igu soo boodday; waxaana ku dhahay waan yara shiirayaa, hayeeshe way isku kay nabtay,” ayuu yiri. Waxayna wadajir noqdeen taniyo markaas tiiyoo kala duwanaanta dhaqamada ay caqabad ku aheyd wada noolaanshahooda.

“Maan aqoonin dhaqanka Yurub, fikirna kama heysan xogteeda, laakiin afadayda ayaa igu kaalmeysay inaan la qabsado. Waxaan wali dareemayaa jaceylkii shalay – 1975,” ayuu Mahanandia u sheegay BBC-da.

Labaduba waxay isku dhaleen Emelie, oo 31-jir ah iyo Karl-Siddhartha, oo 28-jir ah.

“Waxaan sameeyey wixii ila gudboonaa si aan usoo gaaro gacalisadayda. Waxaan socdaal usoo galay jaceylkayga balse ma aheyn mid jecel socdaalka,” ayuu yiri.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

Special Event

Faraantiga Dumarka Geedkooda La galsho ee uurka Ka Hortaga (Vaginale ring) & dumarka Somaliyeed

Muxuu yahay?  vaginale ring

Waa faraanti caag ah oo jilicsan lana galiyo siilka ama geedka dumarka (vaginale ring)oo cabirkiisuna yahay 54mm waxaana ku jiro 2 harmoono oola mid ah kan dumarka soo saaraan.

Qaabka uu wax u qabto

wuxuu u diidaa bacrimin ugxanta ayuu nasiyaa wuxuu adeeg kadhigaa afka minka wuuna badalaa maqaarka minka. Si kasta ha ahaatee adigoo faraantiga si sax u isticmaalayo ayuu wuxuu qabtaa inuu kaceliyo uur.

Isticmaalka

  • Marka kuu gu horeeyo oo faraantiga laguu galinaayo ha ahaato maalinka 1 waad ee caadada ku gu dhacdo = ga gaar degdeg ah.
  • hadii aad isticmaashid maalinka 2 baad ilaa 5 naad ee caadada isticmaal salbatiibo ilaa 7 maalmood.
  • Sadex isbuuc kadib, iska bixi faraantiga samee nasiino ilaa isbuuc ah taasoo intaas dhexdeeda kugu dhici doon to caadad. weli difaac waad leedahay inta aad nasiinada kujirto.
  • Hal isbuuc kadib, midkale gasho siilka isku maalin sida maalinkii aad bilaawday.

Tusaalo ahaan

  • Marka kuugu horeeyo aad gashaneysid faraantiga arbacada ookale saacada 22h,
  • 3 isbuuc kadib iska siib maalin arbaco ah saacaduna 22h.
  • Nasiino samee mudo 7 maalmood ah,kadib mid cusub gasho hadana maalin arbaco ah saacaduna tahay 22h.
    Nasiinadu marnaba ma dhaafikarto7 maalmood.

Sida loo gashado iyo sida la isaga saaro

1. ku fidi faraantiga suulka iyo farta udhaxeyso.

2. Gali siilka dhexdiisa.

3. Hoos ugu riix iyo gadaal gadaal. Faraantiga markaas wuxuu joogi booskiisa. Hadii aad dareentid, hoos u sii riix ilaa meel dheer.

 

Hadii…

…aad dhiig baxdid 3 isbuuc oo aad faraantiga qabtid, ha iska siibin faraantuga wax dhib malahan hadii dhiigaas uu welisocdo kala hadal dhaqtarkaaga.

…aad qaadatid daawooyinkale sida antibiyootikada, kanjareeyska iyo kan dadka dejiyo. Ka hubso dhaqtarkaaga hadii aad weli kahor tag leedahay Sabab too ah daawooyinkaas waxay wax u dhimaan hortagaas. Si joogto ah u isticmaal faraantiga isticmaalna salbatiibo.

…aadan sameeyn wax galmood ah (hadii aad ninkaaga kala tagtaan, ama wax badan kala maqnaataan ) iskabixi faraantiga 3 isbuuc markey kuu dhamaato salbatiibana dhigo keyd ahaan.

…uusan dhiig kugu dhicin intii aad na siinada kujirtay wax qaladna uusan dhicin xaga isticmaalka ama xaga daawada,gasho mid cusub waxtigii loogu talagalay una sheeg dhaqtarkaaga ama qorshaha qoyska.

Hadii aad iloowdid inaad iska bixisid ama gashatid faraantiga

Exif JPEG

  • Hadii aad iloowdid 3 da isbuuc kadib inaad iska bixisid = ciyoow iska saar isla markiiba gasho midkale hana ahaado kii aad gashanlaheed maalinka kuwaad.
  • Hadii aad iloowdo mid cusub inaad gashatid aadna ahaatid faraanti la aan hal isbuuc = gasho faraanti kale islamarkiiba.
  • Iyo
    Salbatiibo isticmaal 7 maalmood
  • Haddi ad galma gashay 7 ciisho ee la so dafay, waxad la xirirta hayada qabilsan cafimadka galmada iyo qoysyada ama daqtarkaga. Waxa laga yaba in ad uu bahan tahay ka hortag ur kama ah. Taasna waxa lo bahan yahay si deg deg ah in loga hortago – marba sida wax ay yihin ugu dambeen 70 ama ila 120 sacad ka dib markad galmada sameesay bila ka hortag ur (waxad eegta ka hortag ur kama ah).

Hadii si shil ah faraantiga kaaga soobaxo maxaad sameyneysaa?

  • Biyo raaci faraantiga biyo qaboow ama qandac (marnaba ha isticmaalin biyo kulul) ee dib ugasho siilka ama iska badal.

Hadii faraantiga uu siilka banaankiisa yaalay mudo 3 saacadood kayar, wax tarkiisii weli wuu leeyahay.

Hadiise uu banaanka joogay 3 saac in kabadan, wax tarkiisa lama hubo:

  • Faraantiga ku cesho isticmaalna salbatiibo ilaa 7 maalmood.

Hadii aan ku jirno

  • Isbuucii koowaad ood gashatay faraantiga: Isticmaal salbatiibo ilaa 7 maalmood weydiisana kahortag deg deg ah hadii ay galmo dhacday, (xitaa hadii ay tahay xiliga nasiinada).
  • Isbuuca 2baad: Isticmaal salbatiibo 7 maalmood sida caadiga aheydna ku wad.
  • Isbuuca 3xaad: Isticmaal salbatiibo 7 maalmood ee marka ugu danbeyso si dhaqso leh ugasho mid cusb ilaa 3dex isbuuc (nasiino ha sameeyn).

    Caadadana dib ayay u dhici doontaa faraantiga 2aad kadib.

Sida xaalad kasta oo kahortag ah,waxaa lagula talinaayaa salbatiibo inaad ula isticmaashid si eey u difaacdo cudurada laga qaado galmada sida aydhiska iyo infakshinka.

2015, SANTÉ SEXUELLE Suisse, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; Artcoss, association romande et tessinoise des conseillères et conseillers en santé sexuelle, faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

(Somalisch / somali / Afsoomaali – Der Vaginalring / L’anneau vaginal)

Kaniiniga ka hortaga uurka

Muxuu yahay ?

Waa kaniini uu ku jiro hormoon kooban lana mid ah kan dumarka jirkoot soo saaraan.

Qaabkuu wax u qabto

  • Wuxuu u diidaa bacriminta ugxamaha, nasiino uu galiyaa.
  • Waxay ku wareegataa xuub qafiifah oo ku yaala minka, kaasoo diyaar u ahayn inuu sameeyo ukumo.
  • Waxay adkeenee dheecaanka minka afkiisa waxayna sameysataa isbaaro lid ku ah shahwada.

Hadaba waxay ahaataba, haddii aad kaniiniga si sax u isticmaashid wuxuu ka hor tagaayaa uurka.

Isticmaalka

Marka ugu horeyso ood isticmaaleysid kaniiniga:

  • Ka bilaaw malinta koowaad ee caadada kuu timaado
    Baakadda ugu horeyso = kahortag degdeg.
  • Maalin walba qaado kaniiniga isku waqti
    (walwal la’aan waxaad iloobikartaa: ugu badnaan 12 saacadood).
  • Labada baako dhexdooda oo 21 kaniini: ka naso 7 maalmood
    22 xabo ahna: ka naso 6 maalmood

Hadaadan iloobin waad ku badbaadeysaa waqtiga nasiinada
xataa. Caadada waxey kuu imaandootaa inta aad ku jirto nasiinada, badanaa waxaa kaa imaankaro dhiig yar oo xanuunn yar la socdo.

  • Bilaaw baakada kale isla maalintii isbuuca aad kii hore bilaawday, saasna kuwad billaha ku xigaana.

Ha ilaawin inaad baakad kale bilowdid: Nasiinadana iney 7 maalmood dhaafto ma’ahan!

Hadii…

… dhiig kaa yimaado intaad kanniiniga isticmaaleysid, Marnaba ha joojin wad kanniiniga si toos ah, wax dhib ah malahan. Hadii dhiigii uu sii socdo bisha kale, kala hadal dhaqtarkaaga.
… aad mantagtid ama shubantid, waxaa macquul ah inuu kaniinigii si fiican jirkaaga u galin iyo wax tarkiisa yaraado. Wad kanniniga isticmaalkiisa ee salbatiibo isticmaal ilaa 7 maalmood. Hadaad mantagtid 4 saacadood kadib xiligii aad qaadatay kaniiniga, isticmaal midkale (tusaalo ahaan kalanabaxso xabat
baakadka keyd ka ah).
… aad daawooyin kale qaadatid sida antibiyootikada, kan jareeska ama kan korka dejiyo
Waydii dhaqtarkaaga hadii uu kaniinigii wali wax tarleeyahay, sababtoo ah daawooyinkaas waxay dhimikaraan waxtarka kaniiniga kahortaga. Wad kaniiniga ee isticmaalna salbatiibada.
… aad wax galmo joojisit (hadii aad ninka kalatagtaan, ama waqti dheer kala maqnaataan), dhameystir baakadkii kuu furnaa intaadan kaniiniga kuligiis joojin, salbatiibana meel gar ah dhigo.
… ay caadada kugu dhicin xilgii nasiinada aad ku jirtay adigoo
– kanniiniga ilodin
– mantagin ama shubmin
– daawo kala isticmaalin
Baakad cusub bilaaw waqtigii aad bilaawi laheed, lanatasho dhaqtarkaaga ama xafiiska qorshaha qoyska.

Kaniiniga la iloobay

  • Kanniiniga halmar la iloobay wax dhib ah masameeyo haduusan dhaafin 12 saacadood.

Maxaad sameeynkaraa ?

  • Qaado kaniinigii aad iloowday mar ala markaad xasuusato, xitaa hadey labo isku maalin ama isku mar naqoto.
  • Hadii aadan samenin wax isu tag ah kadib maalinkii aad iloowday ama 7 dii maalin ee la soodhaafay, baakada wad ee isticmaalna salbatiibo ilaa 7 maalmood.

Waxaa lagama maarmaan ah hadaad kaniiniga hilmaantid inaad 7 maalmood oo joogti ah kaniinga inaad qaadatid si uu kahortaga wax utaro.

  • Haddi ad galma gashay  7 ciisho ee la so dafay, waxad la xirirta hayada qabilsan cafimadka galmada iyo qoysyada ama daqtarkaga. Waxa laga yaba in ad uu bahan tahay ka hortag ur kama ah. Taasna waxa lo bahan yahay si deg deg ah in loga hortago – marba sida wax ay yihin ugu dambeen 70 ama ila 120 sacad ka dib markad galmada sameesay bila ka hortag ur (waxad eegta ka hortag ur kama ah).
  • Inta aad sugeesid, kanniiniga wad ee hadii aad galmood sameyneysid, isticmaal salbatiibo ilaa 7 maalmood.

Weli waxaad ogaataa: in dhiig kaa imaankaro kaniinniga iloowday dartiisa.

Sida xaalad kasta oo kahortag ah,waxaa lagula talinaayaa salbatiibo inaad ula isticmaashid si eey u difaacdo cudurada laga qaado galmada sida aydhiska iyo infakshinka.

2015, SANTÉ SEXUELLE Suisse, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; Artcoss, association romande et tessinoise des conseillères et conseillers en santé sexuelle, faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

(Somalisch / somali / Afsoomaali – Die Pille / La pilule oestroprogestative)

AKHRISO Qiso Aduunka Gilgishay, Askari Maraykan ah oo Dilay 2746 Qof

Gaashaanle Dillard Johnson oo ka mid ah Ciidamada Dhulka ee dalkaasi Maraykanka ayaa loo aqoonsaday ninkii tirada ugu badan dad ciidamada Maraykanka ka soo hor jeeda ku dilay adduunka guudkiisa kii ugu badnaa kadib markii la xaqiijiyey isna uu qirtay in uu qudha ka jaray in ka badan 2746 qof oo Ciraaqiyiin ah mudadii shanta sano ahayd ee uu ku sugnaa hawl-galka ciidamada Maraykanka ee dalka Ciraaq oo ahayd mudadii u dhaxaysay sannadihii 2005 illaa 2010, kaasi oo wakhtigan la sheegay in uu ku sugan yahay dalka Maraykanka oo uu dib ugu laabtay isaga oo dhinaca kalena la sheegay in uu la il daran yahay xanuun nafsaani ah oo ku dhacay kadib hawl-galkaasi Milatari ee uu sannadaha badan ugu maqnaa dalka Ciraaq.

 Dillard Johnson oo ka mid ahaa ciidamada gaarka ah ee hawl-gallada dagaalka Ciraaq ee dalka Maraykanka ayaa taariikhda ku galaya ninkii dhiigga ugu badan ku daadiyey dagaalada ay abid taariikhda soo galeen ciidamada dhulka ee dalkaasi Maraykanku waxaanu dhawaan soo saaray buug uu ugu magac daray ‘Carnivore’ oo uu kaga warramayo xaaladda dagaalkii dalkaasi Ciraaq ee ay Maraykanku ku qabsadeen iyo tirada dadka uu ku dilay gacantiisa isaga oo sheegay in aanay mudadii uu Ciraaq ku sugnaa oo dhammayd shan sano aanay soo marin maalin kali ahi oo aanu qudha ka jarin qof ama Laba Ciraaqiyiin ah tirada uu dalkaasi Ciraaq ku dilayna ay gaadhay oo la xaqiijiyey in ay dhan yihiin 2746-qof oo uu kalidii rasaas ku dilay.

Qisada ninkan askariga ah ayaa bilihii ugu dambeeyey si weyn loogu baahinayay warbaahinta caalamka gaar ahaan tan dalka Maraykanka kadib markii uu askarigani soo saaray buuggiisa uu ula baxay Carnivore kaasi oo xambaarsan qisooyin layaab leh oo uu Ciraaq ka sameeyey isaga oo ka mid ahaa ciidamadii Maraykanka ee dalkaasi Ciraaq ku duulay.

Askarigan Dillard Johnson ee dilaaga ahi waxa uu sheegay in hawl-galkii ugu horreeyey ay guuto uu ka mid ahaa Ciraaq ka sameeyeen uu dil ka gaystay ay ahayd hawl-gal gaar ah oo isaga loogu saaray in uu ka fuliyo gaadhi bas ahaa oo ay saarnaayeen dad Ciraaqiyiin ahi kuwaasi oo uu isagu gacantiisa ku dilay 13 qof oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa baskaasi oo marayay jid ku yaalla magaalada Al-samaawah ee ku taalla Koonfurta dalkaasi Ciraaq. Falkan ayuu ku sheegay in uu ahaa mid ay ku raadsanayeen kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka kula jiray ciidankiisa dalkaasi Ciraaq iyada oo gaadhigaasi baska ahi ku soo dhawaaday gaadhigii gaashaannaa ee ay wateen ciidanka uu ka mid ahaa.

Gabadh Wariye ah oo ka tirsan Telefishanka Fox News oo waraysi la yeelatay Dillard Johnson, sidoo kalena uu idiin soo turjumay Wargeyska FOORE,  ayaa waydiisay dareenkiisa uu wakhtigan qabo maadaama uu laayay tiro xadkaasi le’eg oo Ciraaqiyiin ah oo aan la wada odhan Karin waxa ay ahaayeen dad cadaw ku ahaa Maraykanka waxaanu isaga oo arrinkaasi ka jawaabaya yidhi: “Dareenkayga kadib marka aan dilo Ciraaqiyiintu waxa uu iiga dhignaa mid ka wanaagsan haddii aan laayo ugaadha Garanuugta ama deerada. Markii aan ahaa 13 Jir waxaan ku toogasho bartay ugaadha Deerada iyo Garanuugta sidaa darteed in aan Ciraaqiyiin laayo ayaan kaga faxsanahay in aan laayo Deero” Waxaanu Dillard Johnson u sheegay Telefishanka Fox News in ka hor intii aannu ka mid noqon ciidamada dhulka ee dalka Maraykanka uu ahaan jiray nin ugaadhsada duur-joogta oo ku toogasho barta.

Dillard Johnson oo wakhtigan da’diisu tahay 48 jir ayaa la dhibtoonaya xanuun qulub iyo isku buuq ah oo ku habsaday tan iyo markii uu ka soo laabtay hawl-galkii Milatari ee uu ugu maqnaa dalkaasi Ciraaq waxaanu ka mid yahay kumannaan askari oo markii ay hawl-gallo dibadda ah ka soo laabteen dalkaasi Maraykanka ku dhibtoonaya oo xanuuno kala duwani ku habsadeen kuwaasi oo u badan xanuuno nafsaani ah. Dillard Johnson ayaa la sheegay in ay xaaladda ku sii xumaysay kadib markii uu qoyskiisii ka burburay ee ay haweenaydiisa kala tageen waxaana xusid mudan in mudadii uu ciidanka dalkiisa ka mid ahaa la siiyay in ka badan 37 Billadood oo loogu aqoonsaday geesi dagaal.

Daawo Cusub Oo Loo Helay Ka Hortaga Kansarka Loona Adeegsan Doono Viruska AIDS-Ka

Daawooyinka cusub ee difaaca jirka ka caawin kara in ay ka hor tagaan kansarka ayaa waxay noqdeen kuwa aad loogu farxay raja wayna abuuray.

Seynisyahano kullan laba maalmood ah ku yeelanaya magaalada Paris ayaa rajeynaya in daawooyinkan loo adeegsan doono wax looga qabto viruska HIV ee keena cudurka Aids.

Viraska HIV ayaa ku noolaada unugyadda jirka oo uu isku qariyo, si aanan loo soo saarin.

Waxa la aaminsanyahay in sida ay isu shabahayaan, unugyadda keena kansarka iyo viruska dhaliya Aidska ay gacan ka gaysan karto in markaas wax laga qabto HIV-ga.

 

Seynisyahada ayaa aaminsan in tani tahay horumar wanaagsan inkastoo haddana ay bilow tahay.

Hasa yeeshee Dr Anthony Fauci oo ka tirsan xarun caafimaad oo ku taala dalka Maraykanka ayaa ka digay in daawooyiinka shaqeeya marka ay timaado cudurka Kansarka aysan shaqaynayn marka ay noqoto in lagu daawayo cudurka kansarka.

Cudurka HIV ayaa baab’iya difaaca jirka taasi oo keenta cudurka Aidska.

Ilaa iyo imika suuragal ma aha in la daaweeyo cudurka Aidska, balse dadka qaba cudurka Aidska ayaa waxa ay qaataan daawooyiin ka Kaaba dhanka noolasha .

VIDEO:Rag & Dumar:Matahay Qof Gaaban Talo Muhiim ah oo aad ku dheeraan kartid

Barnaamijkaan waxa aynu ku soo bandhigaynaa qaabka aad ku kordhin karto dhererkaaga, inkastoo hidde raaca dherarka iyo joogaba 80% labada waalid uu qofka bini’aadamka ah ka yimaado.

Hase ahaatee, haddii ay jiraan cuduro ama waxyaabo kale oo dherarka qofka hoos u dhigo looga badbaadi karo tallaabooyinkaan warbixintaan ka hadleyso, iyado cunooyin kuu sahlaaya inaad dherarkaada kordhiso.

Nin Gurigiisa Maktabad uga dhigay carruurta danyarta si ay wax ugu bartaan! (Daawo Sawirada)

Howl-gab xisaab-yaqaan Filipines ah, Hernando Guanlao, wuxuu helay waddo cajiib ah oo uu ku qaato waqtigiisa nasiinada u badan – wuxuu maktabad yar ka sameeyey ardaaga hore ee gurigiisa isaga oo ilmaha danyarta ah buugaagta ku siiya lacag la’aan.

Maktabadda yar ee Hernando waxay aad muhiim ugu tahay bulshada uu ku dhex nool yahay halkaas oo carruur badan ay uga haraan tacliinta si ay u kaalmeeyaan reerahooda. Wuxuu sheegay inuu maktabadda u furay si uu u sharfo waalidiintiisa maadaama dhaxalka kaliya ee ay kaga tageen uu yahay – inuu jeclaado wax-barashada.

“Sida Filipines-ka kale oo aan heli karin fursad ay ku aadan meel kale, waxaan rabay inaan wax u sameeyo kahor intaan gaarin da’da 70-jirka,” ayuu yiri. “Buugaagtuna waa waddadayda aan ku caawinayo, sidaas darteed ma dareemayaan cidlo iyo inay waayeen fursadooda. Buugaagtu waxay ii sheegayaan inay rabaan in la aqriyo; loo gudbiyo kuwa kale ee doonaya inay aqristaan.”

Aqristayaasha waxaa loo oggol yahay inay amaahdaan inta buug ee ay doonayaan; soona celiyaan markii ay kasoo bogtaan. Marka loo eego Hernando, “Sharciga kaliya waa inaysan jirin shuruuc.”

Hernando wuxuu dhaqdhaqaaqan cusub bilaabay sanadkii 2000. Wuxuuna ururinyay buugtii uu wax ku baran jiray taniyo carruurnimadiisa. Taasna waxay ugu danbeyn u suura-galisay inuu iskugu keeno meel qura – maktabadda gurigiisa. Ol’olihiisa wuxuu helay baraarug guud. Wuxuu joogto u helaa deeq buugaag ah oo ku jira baakado waaweyn – isaga oo aan codsan. Taako kasta oo gurigiisa kamid ah hadda waxaa buuxiyay buugaag. Walina way isasoo tarayaan tiradooda had iyo jeer.

Marka loo eego wariyaha fogaan-aragga al-Jazeera, Marga Ortigas, caasimadda Manila ee Philipine waxaa ku yaalla 50 maktabado ah kuwaas oo qof kasta si fudud uusan u tiigsan karin. “Waxaa jira lacag iyo xeerar ku adag oo ku horgudban qof kasta inuusan booqan matktabadaha,” ayay tiri Marga. “Hayeeshe halkan kama jirto sharciyadaas oo kale.”

Sidaas darteed, maktabadda Hernando waxay muhiim u noqotay danyar badan oo ay kamid tahay 14-jirta Stella Monsanto taas oo waalidkeeda aysan awoodin inay wax-barashada ka dhiibaan. Waxay qoyskeeda ka kaalmeysaa nolol maalmeedka, waqtigeeda kalana waxay ku sugan tahay maktabadda si ay wax ugu aqrisato.

“Markaad wax aqriso, waxaad iska hilmaamaysaa waqtiga,” ayay tiri. “Waayo bogaga buug kasta wuxuu ku geynayaa meel kale oo kugu cusub si aad wax uga barato.”

Hernando wuxuu xiisaynayaa inuu ku ballaariyo mashruuca maktabaddiisa meelo ka baxsan caasimadda Manila. Sanadkii 2012, BBC-da ayaa warisay inuu buugaag badan ugu deeqay nin kale oo daneynayay inuu maktabaddiisa oo kale ka hir-galiyo gobalka Bicol. Wuxuu sidoo kale jaallihiisa ka caawiyay inuu sameeyo mashruuca ‘Buug iyo Doon’ si loo caawiyo dadka ku nool jaziiradaha Sulu iyo Basilan.

“Maadan sameynin caddaalad haddii buugaagta aad iska dhigto meel,” ayuu yiri. “Buug waa in la aqristaa mar iyo marar badan. Waxay leedahay nolol. Waxay leedahay farriin. Waxaad ku tahay dhameystir daryeelkooda.”

Dadaalka Hernando Guanlao uu sara ugu qaadayo tacliinta ilmaha dan-yarta waxay na xusuusinaysaa dadka fariidka ah ee kasoo muuqday samafalkan oo kale sida Kamal Parmar, oo ah shaqaale warshad kaas oo bilaabay dugsi wax lagu baro ardayda ku nool isku raranta Ahmedabad iyo Saber Hosseini, oo ah bare u dhashay dalka Afghanistan kaas oo baaskiilkiisa ka dhigay maktabad buugaagta loogu daabulo xaafadaha fog ee ay ku nool yihiin dadka dan-yarta ah.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.







RAG & DUMAR:Finaanka Dilay Quruxda Wajigaaga oo aadan Waxbadan ka ogeyn Sababha Keenay(Findoob (Acne))

Waa maxay Findoob?
Finanka ugu badan ee wajiga ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa “Acne”, Afka soomaaligane waxaa lagu dhahaa “Findoob” waa nabro yaryar oo ka soo baxa sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dufan maqaarka subkiya, qanjirradaas ayaa ka xirma afka kadibna way bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.
Findoobka wuxuu ku dhacaa wiilasha iyo gabdhaha intaba, wuxuuna u badan yahay xilliga ay qaangaarayaan.

Meeqo nuuc ayuu u kala baxaa Findoobku?

  • Marka ugu horeysa uu finka soo bixi rabo waxaa la dreemaa meel jirka aan la sinnayn oo ka soo kacsan, waana astaanta ugu horayso ee la dareemo inta finka uusan soo bixin, waxaana afka qalaad lagu dhahaa “Comedones”, waxay arintaan dhacdaa markii dulduleelada wajiga ee aadka u yaryar ay bilaabmaan in ay xirmaan, waxaana jira waxyaabo badan oo xeri kara kuwaasoo hoos aan ku faahfaahin doonno waxaana loo yaqaanaa “Comedogenic”, sidaa darteed waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad wajiga u isticmaali rabtid waa inay noqdaan “non-comedogenic” taasoo macnaheeda ah “dulduleelada wajiga aanan xirayn”. shirkadaha qaarkood way ku soo qoraan waxyaabaha ay sameeyaan oo maqaarka loo adeegsado.
  • Waxaa ku xiga oo dadka qaar isku arkaan fin afka hore ka furan, waxaana loo arkaa sidii dhibco madmadaw oo kale oo wajiga ku firdhisan waxaana loo yaqaanaa “Blackheads”, markii aad loogu dhawaadane waa sida godad yaryar oo aad moodid in la dulduleeliyay.
  • Waxaa kaloo jira finan afka ka daboolan oo kuusma, waxaana ku jira wax cad oo jilicsan oo dadka qaar ay iska tuujin karaan, waxaana loo yaqaanaa “whiteheads”, tan wax dhib ah badanaa ma reebto markii la tuujiyo, maalmo ka dib way baaba’daa, caadi ayuuna wajiga ku soo laabtaa, waxay badanaa lagu arkaa sanka dhinacyadiisa iyo garka.
  • Mararka qaar meelihii dufanka ku xirmay ayaa caabuq yeesho, waxaana lagu fahmi karaa in xanuun la dareemo markii la taabto, haddii la tuujiyane wuu ka sii daraa oo barar iyo xanuun ayuu keenaa, finankuna si dhakhso ah ayay ku faafaan, wayna gaduudataa meesha la tuujiyay, waxayna reebtaa haar ama madaw wajiga ku hara, waana muhiim in aadan tuujin fin xanuun leh oo jirkaaga ka soo baxa, tani waa khalad ay dad badani ku dhacaan, finka markuu sidaan noqdo waxaa loo yaqaanaa “papules” ama “Pimples” lamana taabto.
  • Haddii aad tuujisid finkii hore wuxuu isku badalaa wax loo yaqaano “Pustules”, tanoo ah fin malax gashtay, weli waa muhiim in aadan taataaban oo aadan ka dhiijin malaxdaas, haddii kale wajiga wuu kaa hallaabayaa, waxaa jira daawooyin loo qaato markay xaaladdu halkaa gaarto waana muhiim in aad dhakhtar maqaar la xiriirtaa, laakiin inta ka horayso siyaabo dabiici ah ayaa loola tacaalaa sida aad ku arki doontaan qeybta hoose.
  • Haddii finka ay wax ka soo bixi waayaan oo uu sii bararo wuxuu isku badalaa xaalad loo yaqaano “nodules” qofka wuxuu wajigiisa yeelanayaa kuus kuus tira badan, waana qasab in aad dhakhtar la xiriirtid markay sidaan noqdaan.
  • Waxaa qofka la dhihi karaa wuxuu qabaa Findoob markii ugu yaraa 20 fin ay soo baxaan, taasoo haddii si khalad ah loola tacaalo reebi karo haaro wajiga ku samaysma.

Maxaa keeno Findoobka?
Inkastoo waxyaabaha toos u keeno finankaan aan la garanayn laakiin waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay:

  • Daawooyinka qaar, sidaa darteed waa isticmaalka daawooyinka aan laguu qorin khaasatan kuwa korka la mariyo.
  • Heerka hormoonnada qofka (hormoonnada kacsan ee loo yaqaano “Androgens” ayaa lala xiriiriyaa soo bixidda finanka wajiga ee u badan dhalinyarada, xilliga qaangaarka ama waqtiyada haweenka ay uurka leedahay, saas ayaana loogu magac daray).
  • Jeermiska (waxaa la sheegaa in ay jirto bakteeriyo badanaa lala xiriiriyo in ay ka qeyb qaadato samaysanka haaraha wajiga markii finanka ay soo baxaan ka dib) in bakteeriyo ay ku dhalatay finka wajiga waxaa lagu fahmaa in finkii uu xanuun yeeshay, midabkiisane uu isbadalay.
  • Qanjirrada dufanka wajiga oo aad u shaqeeya (Haddii qanjirrada soo daayo dheecaanka subkiya maqaarka ay aad u shaqeeyaan, waxay keeni kartaa in saliidda ku xiranto sidaasne ay finan ku samaysmaan)
  • Diiqada (welwelka iyo fekerka) – Fakarka, stresska ama walwalka waxaa lala xiriiriyaa findoobka.
  • Hurdo yarida ama hurdo xumida waxay ku jirtaa waxyaabaha ka qeyb qaato findoobka.
  • Cabitaan yarida: dadka badanaa aan cabin biyaha caadiga ah way ka finan badan yihiin dadka aadka u cabo biyaha, waana arrin cilmibaaris lagu ogaaday sababtoo ah, dadka jirkoodu uu leeyahay biyo ku filan badanaa ma xirmaan qanjirrada dufanka ee jirka ku yaallo.
  • Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.
  • Allarjiga iyo xasaasiyadda: dadka qaarkiis wuxuu jirkood falcelin ka sameeyaa cunnada qaarkood ay isticmaalaan, waxayna tani keenaa finan wajiga ka soo baxo

Yuu ku badan yahay Findoobka?
Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go’idda bulshada (tan oo u badan gabdhaha).

Sidee looga hortagaa Findoobka?

  • Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrada saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.
  • Si joogto ah wajigaaga biyo nadiif ah ugu dhaq, adigoo aadan isticmaalin saabuun ama kiimiko kalaba.
  • Finanka ka daa gacmahaaga, hana tuutuujin, waxa ku jirane haka soo saarin.
  • Ka fogow cunnooyinka warshadaysan ama kuwa bacaysan
  • Jooji isticmaalka sigaarka iyo daroogada kale.

Findoobka ma leeyahay daawo?
Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finankaaga noocooda iyo heerka ay marayaan sida aan ku soo faahfaahiyay qeybta kore. Waxaa kaloo jira xanuuno maqaar oo dhowr ah oo u eg Findoobka oo lagu daaweeyo daawooyin ka duwan.

Siyaabaha dabiiciga ah ee loola tacalo “Findoobka”?
Waxaa jira waxyaabo badan oo dabiici ah oo lagula tacaalo markuu findoobka cusub yahay, dadkuna way ku kala duwan yihiin siday ugu fiicnaadaan, sidaa darteed waxaan halkaan ku xusi doonaa waxyaabaha waxtarkooda la xaqiijiyay, fadlan haddii aad tahay dadka allerjiga qabo waxaa lagaa yaabaa in waxtarka daawo dhireedkaan sidii la rabay inaad ku noqon wayso ee la xiriir dhakhtarkaaga.

  • Khalka Tufaaxa ee aan la sifayn “Unfiltred Apple Cider Vinegar”: waxaa badanaa lagu darsadaa cunanda sida saladka, wuxuuna wax ka taraa findoobka, wuxuu qallajiyaa saliidda badan ee wajiga, wuxuuna furaa qanjirrada xidhan, wuxuuna la dagaallamaa bakteeriyada wajiga ku dhalato, laakiin waa in aad xad yar ka isticmaashaa markaad wajiga ku dhaqanaysid, kadibne biyo ka dambaysiisaa. waxaa laga helaa dukaamada qaarkood isagoo diyaar ah.
  • Malab iyo qorfe la isku shiiday: sida aan horay uga soo hadalnay labadaan daawo waxay aad ula dagaallamaan caabuqa noocyadiisa kala duwan khaasatan kuwa maqaarka ku dhaca. 2 qaaddo oo malab ah iyo 1 qaaddo oo qorfe ah ayaad isku shiidaysaa markay xanjo camal noqdaan ayaad ku dhajinaysaa meelaha nabraha ay kaaga yaallaan muddo 10 daqiiqo ah, kadibne waad ka dhaqaysaa. Ogow waa in malabku uu yahay mid dabiici oo saafi ah.
  • Babayga: sidaan horay uga hadalnay geedka babayga, waxaa ku jira maaddo loo yaqaano “papain” taasoo ka hortag u ah caabuqa iyo samaysanka malaxda khaasatan markuusan aad u bislaan. markaad qolofta iyo maraha ka saartid, babayga waad shiidaysaa adigoo biyo ku darain, markuu cajiin oo kale noqdo ayaad marsanaysaa wajiga, 15 daqiiqo ka dib waxaad uga dhaqaysaa biyo qandac ah.
  • Qolofta oranjada ayaa la shiidayaa markay budo noqoto ayaad ku daraysaa biyo yar si ay u noqoto waxa wajiga lagu dhajin karo, waxay kaa caawin doontaa in unuygada dhintay ee maqaarka ay kaa nadiifiso, qanjirrada xidhanne inay furto, 20 daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
  • Geedka dacarta: sidaan horay uga soo hadalnay faa’idooyinka geedkaan waxaa ka mid ah in maqaarka uu daawo uga yahay cudurro badan, wuxuu yareeyaa bararka, finanka iyo caabuqa ku dhasho wajiga. dhareerka geedka ayaa la marsadaa wajiga, waxaadna isticmaashaa nooca caleemaha balballaaran ee qodxaha leh, markaad kala dhambashid caleenta waxaad ugu dhax tagi doontaa wax sidii maro cad oo khafiif ah, oo dhareer badan leh, taasi ku tirtiro wajiga, muddo 30 daqiiqo ka dibne ka dhaq wajigaaga dhareerka qallalay.
  • Qolofta mooska: Mooska waxaa ku jira maaddo loo yaqaano “Lutein” sidaan horay uga soo hadalnay wuxuu jirka ka saaraa sunta, wuxuuna ka hortag u yahay hurka iyo balbalka maqaarka ku dhasho, qolofta dhinaceeda gudaha ee jilicsan ayaad wajiga ku tirtiranaysaa, kadibne 30 daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
  • Qiiqa: biyo kulul oo liin lagu daray markii wajiga aad ku uumisid ama qiiqa uu kugu baxo waxay si dagdag ah ku furaan qanjirrada xidhan ee dufanka leh, isku dabool muddo 10 daqiqo ah biyo kulul oo liin lagu dhiijiyay, maalintiiba hal mar samee sidaan muddo usbuuc ah.
  • Cunista toonta: fadlan wajigaaga toon ha u dhawaynin, laakiin cunnada ku darso tan waxay difaac kaa siin doontaa ka hortagga caabuqyo tira badan oo aan horay u faahfaahinay, fadlan dib u booqo qoraalkii toonta aan kaga hadalnay.

Maxaa talo i siinaysaa?
Iska ilaali in aad marsatid kareem ama daawo dhakhtar uusan kuu qorin, waxaa dhici karto in ay wajiga kaa foolxumayso ama kugu reebto haaro aan kaa fuqi doonin ama dhaawac maqaarka in aad is gaarsiisid. Fadlan la xiriir dhakhtar haddii finanka wajigaaga ay ka sii darayaan ama is badalayaan.


Akhriso qoraalkaan: Siyaabaha loo baaba’iyo Haaraha Wajigahttp://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6318.0

Waa maxay sababta asalka u ah Rajo-dhigida?

Alla maxaan aduunyo qanac la’aan ka jirto ku noolnahay! Qofna kuma qanacsana waxa uu heysto dunidan. qof kasta waxaa ku jira jamasho wuxuusan heysan. Maxay sidaa u tahay? Sababtoo ah waxaan jecelnahay is bar-bar dhigid & ku dayasho.

Dadka qaar baa cadeynaya jirkooda si madabkoodu u noqdo Cadaan. Dad badan oo cadaana waxay rabaan inay helaan midab madow bunni ah. Kuwaa u dhimanaya inay dhuubtaan si ay ugu ekaadaan kuwa model-ka ah, qaar kalaa jecel in miisaan u kordho oo buurtaan. Dad badan ma garanayaan waxa ay sameynayaan keliya waxay arkeen cid kale oo sameynaysa.

 Dhalin badan ayaa timahooda madow neceb oo midabeeya halka waayeel badan ay madoobeyaan. Qaar baa u dhimanaya inay shaqo helaan halka kuwa kale ay karaahiyeysteen shaqadooda. Kuwaa dhib kasta u mara inay lacag helaan, kuwa kale ayaa wax ay ku qabtaan waaya markay lacagta heleen kuna ciyaara. Dad badan baa u murugooda inay dhoofaan marki ay tagaan halki ay rabeena ku duceysta yaa mar uun ku celiya.

Is bar-bar dhigid & ku dayasho waa cudur. Miyaysan ahayn waqtigi aan joojin lahayn arrintaa, kuna farxi lahayn sida aan nahay & waxa aan heysano.

Ogow, si kastoo aad si adag u shaqeyso ama u dedaasho waxaa jira dad kaa hanti badan, dad kaa qurux badan, waxaa jira dad kaa liita, dad kaa dhibaato badan.

Ha is bar-bar dhigin cidna. Naftaada ha bar-bar dhigin naf kale. Mushaharkaaga mid kale. Caruurtaada caruur kale. Gurigaaga guri kale. Gaarigaaga gaari kale. Mobile-kaaga mid kale. Jooji ku dayashada. Bilow Nolol. Waxaa hubaal ah inaad habkan ku noqoneysid qofka ugu farxada badan. Had & jeer xusuuso! Waxa ugu adag aduunka waa inaad isku daydo inaad noqoto qof kale oo aadan ahayn.

I aamin! Waxa ugu fudud aduunka aad sameyn karto waa inaad qofkaa tahay ahaatid. Faraxsanow kuna noolow noloshaada dhabta ah. Waxaa jira sabab uu Alle SWT kaaga dhigay sida aad tahay, kuu siiyay waxa aad heysato.

Xusuusnow: Is bar-bar dhigida waxay waxyeelaysaa xiriirka kaala dhexeeya naftaada, kan dadka kale & tan ugu muhiimsan xiriirka Alle. Waxay kaa dhigtaa mid aan ku mahad-celin nimcada Alle kugu maneystay.
Ahow qofka aad tahay. Ku qanacsanow waxa aad heysato.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com