Home » Author Archives: Admin (page 5)

Author Archives: Admin

Maxkamadda sare ee Hindiya oo dib u eegaysa dalaaqa Muslimiinta

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa si rasmi ah u billawday dhagaysiga dacwado dhawr ah oo laga soo gudbiyay qaabka ay Muslimiintu isu furaan ee dalaaqa loo yaqaanno.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay baadhayso in furitaanka saddexda dalqadood ah uu aasaasi u yahay diinta Islaamka.

Hindiya ayaa ka mid ah meelaha ay raggu awoodaan in ay haweenka ku furikaraan in ay saddex jeer dhahaan waan ku furay ama saddexdii dalaaqood baad igaga furan tahay.

Laakiin qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ee Hindiya ayaa sheegaya in dhaqankaasi uu cunsuriyadaynayo haweenka.

Ururro badan oo Muslimiin ah ayaa maxkamadda ku dhaliilay in ay soo dhexgashay arrimo diimeed, inkastoo tallaabadan ay taageero ka haysato xukuumadda ra’iisalwasaare Narendra Modi.

Arrintan xasaasiga ah waxaa dhagaysanaya shan garsoore oo aaminsan diimo kala duwan oo kala ah Hindu, Sikh, Zoroastrian iyo mid Muslim ah.

Garsooreyaashan ayaa isku daray dacwado kala duwan oo ay soo gudbiyeen haween Muslimiin ah iyo qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Dadka ka soo horjeeda ayaa la siiyay saddex maalmood si ay u soo gudbistaan dacwadahooda, maxkamadduna waxay sheegtay in dhagaysiga soo afjari doonto 19ka bishan May.

Waxaa la filayaa in maxkamaddu ay go’aan gaarto todobaadyada soo socda.

Muslimiinta Hindiya oo ah 155 milyan oo ruux ayaa ah bulshada ugu badan ee bulshooyinka laga tiro badan yahay ee dalkaas, arrimahooda guurka iyo furniinkana waxay ku xaliyaan sharaceeda Islaamka, dawladduna faraha lama gali jirin

In Muslimiinta Hindiya ay arrimaha guurka iyo furniinka u madaxbannaanaadaan oo aysan dawladdu dhexgalin waxay soo billaabatay sannadkii 1937dii.

Sawirro: Tareen ma ku raaci lahayd 10,000 oo doolar?

Akhriso Oo Ka Faa’ideyso Acmaasha Ugu Kheerka Badan In La Sameeyo Bisha Ramadaan Gudaheeda..

Walaalayaal waxaan isku Dayeynaa Insha Allaah inaan wax ka Tilmaanno Acmaasha Wanaagsan ee Haboon inuu ku Dadaalo Qofka Muslimka ah Sameynteeda Maalmaha iyo Habeenada Bisha Ramadaan ee Barakaysan Anagoo Allaah Weydiisanayna inuu noogu Kaalmeeyo Acmaashaas Gudashadeeda, waxaana ka mid ah Acmaashaas, Qodobadan hoos ku qoran:-

1- In la Soomo.

2- In la Istaago Habeenka Salaad.

3- In Sadaqo la Bixiyo.

4- In Quraanka la Akhriyo.

5- In la Fariisto Masjidka ilaa Qoraxdu ka soo Baxeyso.

6- In lagu Nagaado Masjidka.

7- In la Cumraysto Ramadaanka.

8- In lagu Dadaalo Raadinta Habeenka Barakaysan ee Leylatul Qadarka.

9- Inla Badiyo Xusidda Alle.

10- In la Xiriiriyo Qaraabada.

QODOBKA 1AAD – IN LA SOOMO.

Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Dhamaan Camalka Bini’aadamka isagaa leh Halkii Wanaagba Toban Laabkiis ilaa 700 jeer loo Laalaabo Ajarkiisa, ilaahayse wuxuu leeyahay waa inta aan ka aheyn Soonka waayo Soonka Aniga ayaa ka Abaal Marinaaya wuxuu ka tagay waxey Naftiisa jecleyd oo dhan Cuntadiisii iyo Cabitaankiisiiba,

Daraadeey ayuuna uga tagay, Qofka Soomaa wuxuu Farxaa Laba jeer mid waa markuu Afuraayo midna waa markuu ilaahay la Kulmaayo Qiyaamaha, Qofka sooman Afkiisa Urta ka soo Baxeyso wuxuu ka Udgoon badan yahay ilaahay Agtiisa Carafta Miskiga. (waxaa wariyay:- Bukhaari iyo Muslim).

La Soco Qeybaha Danbe Maalinta Berri ah Haduu ALLE idmo

Daawo-Hooyooyinka Shiinaha ee carruurta lagu qalo oo qaab farshaxan yaab leh u farsameeya dhaawaca qalliin ee calooshooda Ka Muuqda

Dalkaasi Shiinaha waxaa caado ka noqotay in hooyooyinka lagu qalo carruurta ee dhaawaca qallin calooshooda ka muuqato in ay qaab farshaxanka loo yaqaan “Tattoo” ay ku farsameeyaan si ay u qariyaan dhaawaca caloosha.

Arrintan ayaa waxaa u badan hooyooyinka yar-yar, waxaana ay iska xaadiyitaan goobaha faryashan si ay u qariyaan dhaawaca islamarkaana calooshooda u muujistaan.

DAAWO: Suldaanka Gabooye Oo Si Adag Ugu Hadlay Gabadhii Qoyskooda Jir Dileen

Waxaa taagan caro iyo cuqdad sii xoogeysatay oo ka dhalatay gabar dhawaan reerkeeda si arxan daran u dilay, kadib markii ay sheegtay inay guursatay wiil kasoo jeeda beesha Gabooye reerkeeda u diideen lana baxsatay.

Falkaasi foosha xun ayaa si weyn looga carooday, waxaana si gaar ah ugu hadlay Suldaanka guud ee beelaha Gabooye Suldaan Naasir Suldaan Cadi Ismaaciil ayaa si kulul ugu hadlay dhacdadii gabadha lagu jir dilay isagoo adag ugu gar naqsaday dilkii gabadha, wuxuuna ku eedeeyay beelaha kale ee dega Somaliland in ay si xun ula dhaqmaan isagoo ka codsaday in aan laga dilin dumarka wiilashooda illaahey siiyay.

 

Xikmado Xul iyo Xaqiiq ah Oo Doorka-haweenka idiin soo xulay…..

1. Kama dhigi kartid kumana qasbi kartid qof inuu ku jeclaado. Waxa aad sameyn karto waa in aad noqoto qof la jeclaado. Wixi soo hara iyagay u taal

2. Calaamada Qaangaarnimada dhabta ah waa markii qof ku dhibaateeyo ka dibna aad isku daydo in aad xaaladooda fahanto iyo waxa ay sidan u sameynayaan inti aad isku dayi lahayd in aad ka aargoosato

3. Si taxadar leh u dhageyso sida qof u hadlo kolkuu qof wax kaaga sheegayo qof kale. Tani waa sida ay kaaga waramayaan markey dad kale kaala hadlayaan

4. Maalintu in ay kuu noqoto mid kheyr oo danahaaga kuu wada qabsoomaan waxay ku xiran tahay subixi markaad hurdada ka toosto wixi aad ku bilowdo; halki aad ku bilaabi lahayd fb fiirin, email ka jawaabid, war dhageysasho, ku bilow Allihi ku siiyay fursada labaad nolosha in aad u sujuudo, xusto, ku shugrido, aadna duceysatid

5. Mar kasta aadan fahmin dhibta nolosha ku heysata, indhaha isku qabo, neefso, gacmaha kor u taag, ka dibna dheh: “Ilaahow waan ogahay in wax kasta qorshahaaga ku socdaan, wax kastana sabab ku dhacaan, Ilaahow iga caawi sidi aan uga gudbi lahaa marxaladan”

6. Ha murugoon hadii dad aad abaal badan u gashay kugu jisaaraan ama cadow kugu noqdaan. Xusuuso, Alle oo dadkan abuuray, nimco badan siiyay, ayay in badan ku caasiyeen, aysan adeecin awaamiirtiisa. Maxaad filaysaa adigoo ah maskiin daciif ah?

7. Waa caafimaadka waxa ah hantida dhabta ah ee ma aha xoogaa dahab ah ama lacag ah. Lacagtu waxay kuu iibin karaan sariir qaali ah laakiin kuuma iibin karto hurdo iyo si nabad ah inaad ugu seexato. ku dedaal daryeelka naftaada

8. Haddii adigoo ah Nin Xaas leh, aad is aragto inay aad kuu soo jiitaan Gabdhaha School-ka dhigta, Xaaskaaga u iibi dharka Schoolka,

Sheeko Jaceyl Taxane Ah:Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ( Qeybta 1-aad )

Sheekadaas waxa ay todobaadkii mar ku soo baxeysaa shabakada arimaha qoyska ee Alcarabiya ,waxaana loogu magac daray Qadarta Eebe Qofna Haku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtee ,( Qeybta 1-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Waxa uu Ahaa Nin Degan oo Qadarinta Aadanaha Aad ugu Wanaagsan, Waligii isagoo Qof ay is Heystaan Lama Arag, Mana aheyn Qof Dabeecadda Ka Aradan.

Sidoo Kale Waxa uu Tusaale u Ahaa Qoys Ka Kooban 12 oo isugu Jira Wiilal iyo Gabdho, Deriskiisa Waxa ay la yaabi Jireen Sida Basharkani Alle ugu Galeystay Dabeecadan Dahabka ah, Laakin Waxa uu Ahaa Nin Ay Lixdiisa Lixaad Kala Dhantaalan Yihiin.

Magaciisu Waa Waasuge Waxa uu Deegaan Ahaan Kasoo Toosaa Xaafadda Laba Dhagax ee Magaalada Muqdisho, Waxa ay Maalin Si Kaftan ah Ereyo Shukaansi ah isku Tuur Tuureen Gabar isla Xaafadooda Daganeyd Laakin Wa ay Ka Biyo Diiday Waxa ayna Ugu Jawaabtay ” ADIGAN LUGAHA GO,AN HALKEEN KU GEYNAYAA KUWII LUGAHA LAHAA AYAAN MEELAAN KALA GEEYA LA,AHAY OO KALA QARINTOODA KU DAALEE” Markii ay intaasi ugu Jawaab Celisay ayeey Kor iyo Hoos inta u Fiirisay iyada oo indhaha Kala Gedineysa Bartii ugu Dhaqaajisay.

isagi Waxa uu u ekaaday Sidii Ruux La Madax Maray Waxa uuna Marti u Noqday Badweynta Murugada Halkaas oo Lagu Casuuma Dadka Wakhtigu Ka Hiiliyay, isaga oo Marba Dhan Mowjadaha Murugada u Baacsanayaan ayaa Waxa Qalbigiisa Ku Soo Dhacday Heesta ay Wada Qaadaan Xasan Aaden Samatar iyo Alle Ha u Naxariistee Xaliimo Khaliif Magool oo Beyt Ka Mid ah Heestaasi Oraneysay

#Xalaytaba Caweyskii

#Canabeey Daruuraha

#Cimidh Bey Ahaayeen

#Caawana Laguma oga

#Wakhtigii Ku Ciiliyo

#Cisigiyo Wanaaguba

#Weys Daba Caraabaan

#Waxaana Kuu Cadeyn Kara

#Caamiyaha Indhaha Lihiyo

#Ma ogtahay Curyaankuba

#Caga Looma Waayine

#Ceynkaa Waxa Loo Yidhi

#Kuwa Cararaye Ladan

#ineey Ku Cibri Qaataan

#ee Caashaqa Ha Baayicin

La Soco Qeybta 2-aad

Halka Aay Ku Duugan Tahay Quruxda Gabdhaheena Waa Halkan Ee Waalidoow Aan Kala Baxno..

Maqaalkaan aan ugu magac daray “Baridda Diinta Waa Quruxda Gabdhaheenna” wuxuu ku saabsan yahay quruxda ay leedahay marka gabdhaha la baro Diintooda Islaamka. Waxaa hubaal ah shaqsi walbo oo bini’aadam ah quruxdiisa waa Diinta Islaamka. Waqtiyaddii ugu dambeeyay waxaa jiri jirtay in Diinta Islaamka safar dheer loo mari jiray si cilmi loo soo kororsado, maanta dunidda waxaa ku dhacay isbedel, cilmigana waxaa laga heli karaa meel walbo ee aad u baahantahay inaad ku barato.

Soomaali badan ayaa cabsi ka qabtay markii ay soo galayeen wadamada reer galbeedka. Cabsidda ugu weyn ayaa ahayd siddii ay ku dambeyni lahayeen ubadkooda. Waalidiinta Soomaaliyeed welwelka ugu badnaa wuxuu ahaa inay caruurtooda ka gaaloowaan ama dhaqan xun ka qataan kadibna ku dhaco dabar go. Waalid walbo wuxuu ka fakiraa horumarka ubadkiisa.Waalidka haddii uu xunyahay xittaa marwalbo wuxuu jecelyahay in ubadkiisa u noqdo baari, diinta u barto, noloshana meel fiican ka gaaro. Waalidiinta Soomaaliyeed waxay ciyaareen dowr muhiim ah xagga barista ubadkooda Diinta Islaamka.

Dad badan ayaa aaminsan in Yurub gabdhihii tagay ay noqdeen kuwa laga quursaday balse waxaan maanta indhahayga kusoo arkay inay jiraan gabdho dadaal badan oo diinta Islaamka si fiican u fahmay, kuna kalsoon naftooda maanta. Waxaana dareemaysaa inay si wanaagsan u barbaarini karaan ubadkooda.

Magaaladda Elverum waxaa kunool Soomaali badan, waxaan aad ugu helay sidda wanaagsan ee gabdhaha ay u xijaabanyihiin oo waliba sidda wanaagsan oo ay diinta ugu dheganyihiin, waliba muxaadarooyinka ay u jeedinayaan. Elverum waa magaalo ka tirsan gobolka Hedmark. Aniga Cabduljabaar ahaan aqqoon siddaas u badan uma lihi magaaladda balse hadana waxaan dareemay in ay jiraan dad badan oo u kabo gashtay siddii ay u fidini lahayeen diintooda oo ay u bari lahayeen ubadkooda, iyagoo illaalinaayo dhaqankii iyo dhexelkii awoowe yaashooda.

Waxaa aad ii cajibiyay qaabka ay caruurta wax u baraan waliba iyadoo aysan jirin dowlad garab taagan oo ku taageerto xagga barista Quraanka kariimka ah.

Waxaa igu fiicnaani lahayd inaan haysto buugg iyo qalin, si aan wax badan ugu faa’ido muxaadaradda ay jeedinayeen gabdhaha munaasabadaasi iskuugu imaaday oo ka jeediyay muxaadaro kalla duwan. Dabcan waxyaabo badan kama xasuusto balse waxaan jeclahay inaan hadalo kooban ka qabtay oo ay kamid tahay gabay ay gabar Meesha ka tirasay oo ku saabsanaa xijaabka.

“gabdhaha karaamada iyo xushmada lagu xushmeeyay” wax kale ayaa sii raacsanaa balse intaas ayaan ka xasuustaa. Nuxurkiisana wuxuu ahaa qiimaha xijaabka. Gabaygana waxaan ka fahmaysaa qiimaha xijaabka uu leeyahay gaar ahaan gabadha Muslimada ah.

Hadalada wanaagsanaa ee ay gabdha Meesha ka jeediyeen waxaa iga cajibiyay inta aan ka xasuusto oo aan isleeyahay aqqoon ayaad u leedahay arrintaasi. “qalbiga Soomaalida wuu kala fogaaday waxaana loo baahanyahay in la iscafiyo, ummadda haddii iyaga dhexdooda heshiini waayaan waxaa ka faa’ideysto cadow kale oo shisheeya” middaasna waxaa sabaha marwalbo Soomaalida loogu faa’ideysto meel walbo oo ay dunidda ka joogaan.

Waxaan isdhihi karnaa dugsiga quraanka ee Elverum waxay ciyaareen dowr muhiim ah runtii waa wax ay ku farxaan waalidiinta dhalay gabdhahaas.

Waxaa jirta in ay cidna sheegi karin waxyaalihii ay caabudi jireen Soomaalida Diinta Islaamka kahore, maxaa yeelay waxay ahaayeen dad aad u dhaqan wanaagsan oo ku sifooway isjaceel, marti-dhoor, deris-jaceyl, Isxaq-dhoor, Shaqo-jaceyl iwm. Soomaalida oo lasheegay inay u kala degnaayeen Miyiga iyo Magaalada. Dadka Reer Miyiga ah oo ay lahaayeen dhaqan wanaagsan oo ay heshiis ku yihiin dhoorkii qoys oo isla degan, ay sameesteen Madaxyo kasoo ay ku magacaabi jireen Ugaasyo, Islaan, Suldaan, Malaaqyo, iwm.

Ciddii madaxdaas warkooda diidana wa lafogeen jiray oo latakoori jiray dadkana laga dheereen jiray kaasoo micnihiisu yahay in aan wax lala cunin, lala dhaqmin, lala Safrin, waxna lagu darsanin, lana guursanin. Sidoo kale dhaqanka xeebaha ee Reer magaalka waa ka duwanaa tan Reer miyiga waxayna ahaayeen dad lasocday Ilbaxnimada aduunka oo waxay ganacsi lalahayeen qaaradaha Aduunka oo waqtigaas hormaray sida, Aasiya iyo Yurub oo waqtigaas ugu ilbaxsanaa, waxayna lahaayeen dabaqado kala sareeyo oo xukuma Boqortooyo, Duqow, iyo In-dheer garad.

Hadaba si kastaba arrinta ha ahaatee markii uu Suubanaha uu soo diray Jacfar bin Abii-dhaalib si uu xeebaha Soomaliya usoo gaarsiiyo Diinta Islaamka isaga iyo asxaabtii uu hoggaaminayay oo dhamaa 83 oo Rag ah iyo 18 Dumar ah. Kuwaa ayey ahaayeen dadkii ugu horeeyay oo soo gaarsiiyay Diinta Islamka Dalka Soomaaliya, si wanaagsan ayay uqaateen una soo dhaweeyeen Soomaalida waqtiga joogtay, lamana maqlin wax ka horyimid ama diiday Diinta Islaamka. Saxaabadii suubahana uu soo diray (n.n.k.h.) illaa iyo waxay gaareen magaalada Muqdisho, waxayna markii hore kasoo dageen magaalada Saylac. Mudo fara badan ayay joogeen Dalka Soomaaliya oo xataa Gabdho ka guursadeen.

Soomaaliya oo waqtigaas kadib ay noqotay mid Diinta Islaamka u ah dhaqan iyo tacliin ay bartaan, ayna u horseeday inay Soomaaliya noqoto meel loo cilmi raadsado, waxaana marba marka kadanbeysa kusii kordhinayay cilmiga Islaamka. Dadkii ganacsatada ahaa ee imaan jiray bisha Disembar magaalada Muqdisho. Waxaana fiditaanka Diinta Islaamka qayb wayn ka qaatay dad Muslimiin ah oo Carab ubadnaa oo soo dagay xeebaha Soomaaliya iyo kuwii hore u deganaaba.

Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa in Soomaalida ay yihiin dad diintooda jecel, saadaashuna markii aan fiiriyay waxaa ii muuqda in Soomaalida ay wali hoggaanka u qabani doonta xagga fidinta Diinta Islaamka. Maanta la joogo waxaad arkaysaa in Diinta Islaamka ay noqonayso Diimaha ugu badan ee aadka usoo galayaan dadyowga kale. Sidda ay sameeyeen tirokoobo badan balse aan lagu kalsoonaani karin in Diinta Islaamka ay noqoni doonto diinta ugu tirada badan yihiin dadkiisa. Sababta aan u leeyahay tirokoob aan lagu kalsoonaani karin maxaa yeelay waxaan aaminsanahay waqtigaan la joogo tirada Muslimiinta lagu sheegay inay ka badan yihiin. Waxay saadaasha sheegaysaa in Dadka Muslimiinta ay noqoni doontaa 2.2 Bilyan sanadka marka uu noqdo 2050 ama kahorba.

Habkee ugu Wanaagsan ee aan Kuwada Sheekeysan karnaa(Shugaansiga Saxda ah)

WQ:Najma Saciid

Hadalku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha qofka bini aadamka ah uu ku cabiro dareenkiisa sidajacayl uu u hayo qof kale . carro. rabitaan. diidmo. sidoo kale waxaa jira in weedhaha loo adeegsanayo marka lala hadlayo hooyo/aabe. walal. Zowjka/zowjada saaxiib ,ay kala duwan yihiin mid walbana leeyahay hab gaar ah.

Habkee ula hadlaysaa markaad la hadlayso wiil aad wada sheekaystaan? Habkeedse ula hadlaysaa markaad la hadlayso gabar aad wada sheekaysataan? Kalmadaha aad adeegsanaysowaa sideee? Habkee u wada hadlaynaa? wax walboo kugu soo dhaca maku oranaysaa uu jecel yahay inaa ku tiraahdo/ay jeceshahay inaa ku tiraahdo?mise waxaa jira weedho aan haboonayn inaad adeegsato? weedhahaa aad isticmaalayso markaad la hadlayso Ninkaaga /Xaaskaaga iyo weedhaha aad adeegsanayso markaa la hadlayso qof kale farqi intee le,eg ayaa u dhexeeya?Erayada macaan erayada soo jiidashada leh erayada dareenka qofka kicinaya iyo erayada caadiga ah ee ay isku oran karaaan dadkoo dhan waa kala duwan yihiin .hadaba Maxaa ugu wacan dhalinyaro badan inay adeegsadaan erayo loogu talagalay dad xalaal isu ah inay isku yirahadaanmarkay wada hadlayaan (shukansanayaan) siiba Netka Soo lagama wanagsana in nin aan kuqabin aad ku tiraahdo GACALIYE ,ABOOWE MACAANE , XABIIBI.QAALI. DAWADII NAFTAYDOOW,MA SEEXDO DARAADAA ADAAN KUGU FEKERAA WAAN KUU XIISAY

sidoo kale aad ku tiraahdo gabar aadan qabin GACALISO ,ABAAYO MACAANTO,XABIIBTI,QAALI,DAWADII NAFTAYDAAY,xalay waxan ku riyooday inagooo!! Inta la soo xafido erayo iyo gabayo yaab leh la is dhaafsado waxay is waydiin karaan dad badan maxa ku jaban? waa wanaag uune,, erayadan isticmaalkooda wax weyn ayay keeni karaaan hadaan laga feejignaan booskooodiina la dhigin, waxa dhacda inaa tiraahdo afkaa iga bartay anoo iri ayaan is arkayaa wax xumaan iyo soo jiidashana kama wado iyo khiyano iyo been toona waa iga daacad qalbigeey ka soo go,eeen !!.qaar kale waxay Xujo ka dhigtaan Waan is jecel nahay,Waa isu doonanahay Waan is rabnaa, waxaaba jira qaar markaa ku tiraahdo erayadaa isticmaaleyso looguma talagalin inaa aniga igu tiraahdo la soo booda waa ku Rabaa oo waan ku danaynayaasoomaha maxaa ka micno ah hadaaan isku niraahno!! Wax walba markii Caadi laga soo qaado waxaa caadi noqda Waxaan caadi ahayn!! Gabdhaha qaaar waxa jira Codkoodu aad u macaan yahay aad u dabacsan yahay markay kalmad yiraahdaan aad loola dhaco ku suuxinayo codkoodu hmmm. Ama ha ugu talagaleen ama yaysan ugu talageline

ha ilaaliyaan gabdhuhu hadlkooda iyo codkoodaba yayna jilcin intii karaankooda ahna ha isku dayaan inaysan u noqon sabab Midka qalbigiisu jiran yahay inay Damac geliyaan. waxaa jirtay gabar codkeedu aad u dabacsanaa aadna u macanaaa markay is tiraahdo dukaan wax ka soo iibso nimanka dukaanka iibiya wada eegaan lana dhacaan codkeeda kuna yirahadaan cod macaanidaa .!!. laakin iyada ujeedadeedu maaha ku soo jiido codkaaga Raggaan ee waaa codAllaah u dhaliyay maalinkii danbe waxan go,aansaday bay tiri inan waxan rabo ku qoro warqad kadibna u dhiibo ninka wax iibinaya anigoon la hadal sidaasna uga soo iibsado waxaan rabay iyagoo i mooda inan dhego la,ahay anoo Fitnayn cidna. si aan uga badbaado inan ka mid noqdo kuwuu yiri Allaah

(Ha jilcnina oo ha dabcinina hadalkiina si uusan idiin damcin midka qalbigiisu jiran yahay) suratu Axzaab 32 waxaa la sii raaciyay aayada inteeda danbe hadal Macruuf ahna ku hadla. adigu ma ogid markaa ninkaan ku leedahay Macaane Gacaliye siduu noqonaayo qalbiigiisu sidoo kale adna ma ogid gabdhaan markaa ku tiraahdo Xabibti siduu noqonaayo qalbigeedu.dadka is shukaansanaya maaha dad isku xalaal ah oo waxay doonaan isku dhihi kara sidoo kale kuwa isku doonnan maaha dad isu xalaal ah.waxaa loo baneeyay waa inay ka hadlaaan wixii dantooda ahiyo inay ka wada hadlaan mustaqbalkooda Waa inuu Caqligu kulmiyaa labada is doonaysa ee guur xalaal ah iska raba ,hadii caqliga meesha laga saaro oo xaalku noqdo waan jeclahay way i jeceshahay lagana gudbo xuduudii loo dhigay wada hadalkooda waxaa dhacaysa wax aanciribtiisa la mahdin . waqtiga isbarashaduna waa waqti loo gogol xaarayo sidii loo dhisi lahaa Guri ee maaha waqti guri la wada joogo.Hadeey sidaa tahay waxa lagama marmaan ah inan hadalkeena kontaroolno inagoo raacayna ku hadla hadal Macruuf ah, 2da qof ee isu doonnanguur iska

raba sheeko u socoto dabcan waa dad is doortay hadey niyadooda wanaajiyaana waxaa xaqiiq ah in Alle wax walba waafajinayo sidaan wada ognahay islaamku wuxuu leeyahay qaacido taasoo ah inuu ka hortago wax walba intaysan dhicin sameeyana sababihii loo xakamayn lahaaa waayocudurku intuusan ku dhicin qofka hadii la xakaameeyo lana sameeyo ka hortag waxaa dhab ah inuu yaraanayo faafitaankiis((Alwiqaayatu khayrun minal cilaaj)).2da isu doonan waxaa ka xaaraam ah (Khalwah)Inay isla kali noqdaan. is Taabasho. Sidoo kale Eegis midba kan kale ka eego intii sharcigu u baneeyay mahee, Waxaa sahlan inaa iska ilaaliso Taabasho iyo eegmolaakiin ma sahlana sidaa u kantarooli lahayd waxa afkaaga ka soo baxaya ilaa aad la timaado mooyeee dadaaal badan iyo ka fiirsasho badan.

Hadaba walalayaal waxan qoraalkaan yar ugu talaglay inan isku baraarujino inan ka dhigno hadalkeena mid ilaashan aynaan isaga hadal wixii nagu soo dhacaba. siiba marka telefon lagu wada hadlayo wuxuu ku dhiiradaa qofku wax uusan oran karin markuuu qofka si toos ula hadlayo.waxaa laga yabaa waxay ka xishoon lahaayeen labada is shukaansanaysa inay isku yiraahdaan marka ay Telefonka isticmaalayaan ama Netka , Iska jir gabar walbaay ama wiil walboow inaa shaqsi aan xalaal ku ahayn (isqabin) ku tiraahdo erayo aan banaanayn ama codkaaga jilciso adoo is leh soo jiido qofkaan ama telefon ha ahaato ama Net,e waxaa laga yabaa inaa tiraahdo waan jeclahay wiilkaan/gabdhaan markaa qofkaa jeceshahayna waa inaad ku tiraahdo erayo macaan..si aad u muujiso jacaylkaad u qabto, diinteenu jacaylk ma diidana waana diin jacayl laakin jacaylka dhabta ah waa kan dhowrsoon wuxuu na barayaa in jacaylka labada is qabaa uu yahay midaan la barbar dhigi karin jacayl kale siduu Rasuulku salalahu calayhi wasalim ku yiri xadiis micnihiisu ahaa sidaan ((Ma arag Jacayl la mida sida kuwa is qaba )) kuwa isku doonan ha u dhigtaan dib waxay isku oranayaan hadeer, erayada ay dhici karto inay ku danbaabaaan hadeer ay ajar ka helayaan xiligaa ay xalaasha isu yihiin

markaa naftiina iyo taydaba waxan kula dardaarmayaa inan inagoo is leh qofkaan qanciya oo soo jiita aan ka careysiino Allaah waayo markaa ku ag wareegto waxan laguu banneyn waxaa suurtagal ah inaad ku dhacdo Xaraam,waana sababtaa waxa loo diidayo wax walba oo cawaaqibtiisu xuntahay in loo dhowaado.. Allaah markuu ka hadlayay Zinada ma dhihin ha zinayzanina ee wuxuu yiri ha u dhowaanina Zinada! halkaas waxaa nooga cad wixii ku gaarsiin lahaa ama wadooyinkii ku gaarsiin lahaa inaa ku dhacdo Zinnada ka fogoow.

qofkii Dab ku cayaara inuu ku gubto waa wuxuusan seegayn, waxan ku sooo koobayaa iska jir wiil aanku qabin,gabar aadan qabin inaa weedhahaan soo shegnay u adeegsato markaad la hadlayso qasab maaha inaa meesha keento hadal kicin kara qofka dareenkisa ama laga wada hadlo sheeko Gogosha reer is qaba u gaar ah .

waxaa ku oran kartaa hadal wanaagsan dhowarayana xuduuda Alle aan Kontaroolno hadlkeena inagoo nafteena tababarayna kuna toosinayna inay barato wax walboo anfacaya aduunkeeda iyo aakhiradeedaba. Nafta hadaan khayrka lagu hogaamin iyadaa xumaanta kuu hogaaminaysa..

Intaas ayaan ku soo koobayaa waxaan Rabbi ka rajaynayaa inaa noqono kuwii hadalka maqla kiisa wanaagsana raaca aamin.aamin

WAREYSI:Xaaskii Osama Binladin oo Sheeko Yaableh Ka sheegtay Seygeedii geeriyooday

waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa warbixin ku saabsan xaaska Osama Bin ladon oo ka sheekeysay qaabkii odaygeeda loo dilay, waxaana soo turjunay warbixin dheer oo uu ka diyaariyey wargeyska Daily Mail ee laga leeyahay dalka Ingiriiska.

 QODOBADA UGU MUHIIMSAN SHEEKADA

Maskaxdii Argagixisada Osama bin Laden ayaa wuxuu habeenkaas la joogay xaaskiisa ugu yar Amal bin Laden iyo caruurtooda, waxayna joogeen guri ku yaalla dalka Pakistan.

Bin Laden waxaa la dilay 2011kii, waxaana dilay Ciidanka Mareykanka ah ee SEAL, iyagoo ku dilay qol ay xaaskiisu kula jirtay.

Amal ayaa sharraxaad ka bixisay sida iyada iyo wiilkeeda yar Hussein ay u arkayeen seygeeda oo la dilayo.

Qoyska Osama bin Laden ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilkii ay Millateriga USA u geysteen aasaasihii Uruka al-Qaeda, kaasoo sidoo kale ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii 11kii September 2001dii, inta badan waxay ka sheekeeyeen waxa ay dareemeen markii ay arkeen iyadoo la tooganayo Osama bin Laden.

Amal bin Laden, oo aheyd xaaska afaraad ahna gabadha ugu yar ee dhaxday ninkaan ugu sarreeyey liiska dadka ay raadinayeen Sirdoonka Mareykanku muddo tobaneeyo sanno ah, ayaa waxay si gaar ah uga sheekeysay xusuusta ay ka heysato habeenkaas uu seygeedii ku dhintay gacmaha ciidanka SEAL Special Forces.

(From left) Fatima, Abdullah and Hamza, three of Osama bin Laden's grandchildren; and Hussein, Zainab and Ibrahim, three of the five children he had while on the run with Amal, his fourth and youngest wife. Hussein was in the room when his father was shot dead

Osama bin Laden, Amal bin Laden iyo lixdooda caruurta ah ayaa waxay ku noolaayeen guri amni ah, cidna aysan ka warqabin inay halkaas ku nool yihiin, oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, markii la dilayey bin Ladin 2dii bishii May sanandkii 2011kii.

Gabadhaan lagu magacaabo Amal bin Laden ayaana wax walba oo dhacay habeenkaas uga sheekeysay buugga loogu magac daray The Exile: The Flight of Osama bin Laden, kaasoo ay qoreen Cathy Scott-Clarke iyo Adrian Levy isla markaana lagu daabaco majaladda Sunday Times UK.

Si la mid ah Amal bin Laden iyo caruurteeda, waxaa gurigaas kula noolaa xaaska labaad ee bin Laden gabadha lagu magacaabo Khairiah, xaaskiisa seddaxaad Seham iyo wiilkiisa 22 sanno jirka ah Khalid.

Xaaskiisii ugu horreeyey Najwa oo guursatay iyadoo dhallinyaro ah una dhashay 11 caruur ah, ayaa ka tagtay seygeeda ka hor inta uusan weerarkaani dhicin.

Saacaddu waxay ku beegneyd shan saac (11pm) oo habeennimo, casho iyo salad ka dib, bin Laden wuxuu u jiiftay si dhaqsi ah, xaaskiisa afaraad Amal bin Laden ayaana hareer jiiftay.

Bannaanka guriga ayaa mugdi ahaa, waxaana u sabab aheyd koronto la’aan, waana arrin caan ka ah magaalada Abbottabad, laakiin Amal waxay daaha ka qaaday inay habeenkaas walwal gaar ah dareentay mugdiga awgiis.

Amal bin Laden ayaa daaha ka qaaday inay maqashay shanqarta kobaha ciidanka, ka dibna ay eegtay daaqadda markaasoo ay dhaqdhaqaaqa dareentay.

Wixii intaas ka dambeeyey Bin Laden ayaa jiifka kasoo kacay, wuxuuna arkay Ciidanka SEAL Special Forces oo isku hareer kasta ka taagan guriga.

Bin Laden wuxuu yiri, sida laga soo xigtay xaaskiisa afaraad Amal bin Laden: “Ciidanka Mareykanka ayaa soo socda”. – Waxay aheyd baaq uu u dirayo qoyska oo dhan, ka dibna Ciidanka SEAL Special Forces ayaa dhankasta isaga yeertay iyadoo rasaas guriga lagu furay.

Markii ay rasaastu bilaabatay, labadooda ayaa gacanta isqabsaday waxayna raadsadeen meel ay ku gambadaan. Amal oo xusuusaneysa wixii markaas dhacay waxay tiri: “Wuxuu ahaa habeen gudcur ah, waxaana nagu adkaatay inaan wax aragno”.

Children from left to right: Fatima, Saad, Omar, Mohammed, Osman and Abdul Rahman

Laba diyaarad oo kuwa qumaatiga u duula ah iyo 24 askari oo si gaar ah u tababaran ayaa habeenkaas oo weeraray guriga Bin Laden. Sida ay sheegtay xaaskiisa labaadna waxaa biyaanada labaad ee gurigaan ku jiray Seham iyo Khalid kuwaasoo arki karay weerarka ay Ciidanka Mareykanku kusoo qaadeen Bin Laden.

Bin Laden ayaa u yeeray wiilkiisa si uu ugu yimaado, kaasoo xirnaa bijaano ama dharka lagu jiifto wuxuuna Khalid usoo qaaday aabihiis qori nuuca AK-47 ah, inkastoo ay Amal ka warqabtay in uusan wiilkaani xabad ridin tan iyo 13 sanno jirkiisii.

Amal iyo Seham ayaa ka dib aaday dhanka caruurtooda si ay u aamusiyaan maadaama ay barooranayeen. Waxayna waxayna xambaareen intii itaalka yareyd halka kuwa kale ay gacanta qabteen si ay meel badbaado ah guriga uga raadsadaan.

Markii ay maqleen sida ay Ciidanka USA ee sida gaarka ah u tababaran usoo jebiyeen albaabka guriga, ka dib waxaa xiggay qeylada bin Laden kaasoo ku yiri qoyskiisa: “Aniga ayey i doonayaan ma ahan adinka.” – Sababta uu baaqaas ugu dirayo ayaana aheyd inay hoos u degaan.

Laakiin gabdhihiisa waa weyn Miriam iyo Sumaiya ayaa saarnaa dabaqa sarre halka Seham iyo wiilkiisa Khalid ay hoos u degayeen. Amal waxay daaha ka qaaday inay aaminsan tahay inuu qof ka mid ah qoyskooda khiyaamay isla markaana uu wax walba kala soo shaqeeyey Ciidanka USA.

Mid ka mid ah Ciidanka SEAL Special Forces, oo ku hadla Afka Carabiga ayaa wuxuu toogtay Khalid Bin Laden, maadaama uu u fahmay sida shaqsi u yeeray oo kale, sida ay daaha ka qaaday Amal. Iyadoo gabadhaha Sumaiya iyo Miriam ayaa isku deyey inay goobta ka baxsadaan laakiin waxaa isku horgooyey isla ninkii ku hadlayey Afka Carabiga.

Robert O’Neill oo ahaa hogaamiyaha Ciidanka SEAL ayaa wuxuu aaday qolkii uu ku jiray Bin Laden, iyadoo Amal ay hor istaagtay si ay ninkeeda u difaacdo, laakiin shaqsi kale ayaa rasaas kusoo riday, iyadoo sidaas SEAL ay qolka ku galeen. Amal oo xaaladdaas xusuusaneysa ayaana sheegtay inay xanuun badan dareentay oo dhanka lugaha u badan ka hor inta aysan sariirta ku dhicin.

O’Neill oo ahaa shaqsigii toogtay Bin Laden, oo dhacdadaas ka hadlaya ayaana yiri: “Markii aan ku dhuftay xabadda hore ayaan dareemay inuu dhimanayo”.

Amal oo habeenkaas dhaawacantay ayaana tilmaantay inay niyadda gashatay inay dhiman doonto sidaas darteed ay indhaha xiratay iyadoo isku deyeysa in aysan neefsan si aysan ciidanka SEAL u dhammeystirin.

Markii hore gabadha Bin Laden ee Miriam ayaa magaca qaldan sheegtay, laakiin Sumaiya ayaa ku dhahday: “U sheeg runta, kuwaani ma ahan ciidan Pakistan ah”. Ka dibna Miriam ayaa ku qeylisay: “Kani waa aabaheey, waana Osama bin Laden”.

Hussein bin Laden oo ah wiilka ugu yar ee uu dhalay oo habeenkaas arkayey aabihiis oo la dilayo, ka dibna Meydkiisa ay qaadanayaan Ciidanka SEAL ayaa wacad inuu ka aarsan doono Mareykanka.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com