Home » Author Archives: Admin (page 71)

Author Archives: Admin

Inaad Xariir Sameyso Kama Cabsatide, Maxaad Uga Cabsataa Guurka Xalaasha Ah?

“Nolosha guurka ma doonayo, waa nolol buuqa iyo is fahan darada ay ku badantahay, laga yaabee berina inay burburto! marka ma dhib baan lugaheyga ku doontaa?”

Waa arinta ugu badan ee dhalinnyaradeena (wiil / gabar) markaad weydiiso maxaa u guursan weyday, ee uu kuugu jawaabayo sidoo kalena cabsi ku heesa! waana mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee ka hor taagan guurka.

Waxeysa ila tahay kaliya labo qodob hadii aan si fiican u fahanno waa hubaal inay cabsidaa ka baxeeso daaqada!

1-OGOW MICNAHA SAXDA EE NOLOSHA GUURKA: Marka horaba ha saarin miizaan qaldan nolosha guurka aad ka rajeyneyso, ogow nolosha guurka ineysan aheyn nolol ay wadaagayaaan laba dad oo ma qaldamayaal ah, oo aan laheen caqabad iyo dhib toona.

Qalad baa imanaya, dagaal baa imanaya, is fahan waa baa imanaya! Balse waxaad dareentaa inay guushu tahay inaad isku doorateen iska kaashiga dhibka dunidan ka jira iyo si aad u wada xalisaan dulduleelada iyo caqabadaha idinka hor yimaada waliba si wada jir ah! Taasaana ah asaaska saxda ah ama miisanka runta ah ee aad saareeso noloshaada guurka.

1- AAMIN QADARTA RABBI & DADAALKAAGA: ogow guurkan aad gashay waqtigiisa iyo qofkaad la gasheyba adigu maadan ku keensan awoodaada, calaf xag Rabbi ka yimid bay aheed, kala tagiinana Hadii xagga Rabbi ka qorantahayna waad kala tageysaan waqtigay ahaataba, balse adigu waxaa leedahay dadaalka, sidaa darteed dadaal, wanaag iyo wax walboo kheyr ahna samey si reerkaaga u dhisnaado una noqda mid raaga oo mira dhala.

FG: Waxaa ka hadalka arintan igu dhaliyey, hadalkaa aan kor ku sheegey, oo aan aad u dhibsadey, iilana muuqday cabsi iyo humaag aan waxba ka jirin, balse sheydaan uu qalbiyada dhalinyarada ah ku furay! uuna kala dagaalamayo xalaal miiradnimada!!

Ku mahadsanid aqrintaada!!

W/Q Mani Ali

TOP-Finanka Ka Soo Baxa Wajiga Qaasatan Dumarka + Sababaha Rasmiga ah ee Keena

Maqaarka ayaa leh godad yar yar oo daloola leh oo ay xiri karaan saliid, bakteeriyo iyo wasakh.Marka ay taasi dhacdo oo maqaarkaaga si joogta ay arinkaan u qabsato waxaa kaa soo baxaya finan. Finanka waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee qabsada maqaarka.Inkastoo ay finanku ahayn xaalad nolol iyo geeri u dhaxaysa  lakiin ay noqon karto xaalad xanuun daran hadii ay darsato, waxa ayna sababi kartaa dhibaato maskaxeed .Finanka oo ka soo muuqda wajiga waxay hoos udhigi karaan kalsoonida qofka ,muddo kadib,waxayna sidoo kale keeni kartaa nabaro joogto ah.Nasiib wanaag waxaa jira dawooyin wax ku ool ah kana hortagaya nabara muuqda.

Waa Maxay Astaanta Finanka?

Finanka waxaa laga heli karaa meel kasta oo jirkaaga ah. Inkastoo badana ay ka soo baxaan wajiga, qoorta, xabadka, iyo garbaha. Haddii aad leedahay finan, waxaa dareemeysaa in finanka ay caadi ahaan yihiin caddaan ama madow muuqaalka. Labada dhulluxyo madax madow iyo dhulluxyo madax cad. Dhulluxyada madaxa madow waxay u  furan yihiin dusha sare ee maqaarka. Dhulluxyada madaxa cad way ka xiran yihiin dusha sare ee maqaarka, iyaga oo la siinayo muuqaalka cad. Iyadoo dhulluxyada cad iyo dhulluxyada madow ay  yihiin noocyada ugu badan ee finanka.

Maxaa sababa Finanka?

Finanka waxay soo muuqdaan markii daloolada jirka ay xiraan saliid, bakteeriyo iyo wasakh.Majiro wax qaas ah oo keena finanka,isbedelka hoormoonka sida kuwa waqtiga baaluqa iyo uurka ,malah door bay ka ciyaaraan.waxaa jira khuraafaad badan oo ku aadan sabata keenta amaba keeni karta finanka iyo nabro inay kazoo baxaan wajiga. Inta badan waxaa la eedeeyaa cunooyink sida shukulaatada iyo kuwa saliida leh. Si kastaba ha ahaatee finan madax madow iyo kuwa wasakh ah kuli waxay soo baxaan markii duleelada maqaarka ay xirmaan, Walwalka iyo walaacu ma keeno finan, laakiin waa kaga sii dari karaa.

Sidee Guriga Loogu Daryeeli Karaa Finanka?

Waxad isticmaali kartaa mudaawaad badan si nabraha loo baabi’iyo isila markaana finanka laga taqaluso. Waxaad sameynkartaa sida tan:

  • Nadiifi maqaarka maalin walba oo ku nadiif saabuun khaqiif ah si aad u saarto saliida xad dhaafka ee saran dusha maqarka.
  • Ka foogoow koofiyadaha iyo duubabaka dhagan
  • Yareey amaba ka dhowr gacantaada wajiga
  • Si joogto u nadiifi tintaada
  • Ha taaban finanka maadama ay tani sababi karto faafida bakteeriyada iyo saliida

Sidee finanka Looga Hortagi Karaa?

Way adag tahay in laga hortago amaba la xakameeyo faafida finanka,si kastaba ha ahaato waxaad sameyn kartaa sidatan si aad uga hortagtid:

  • Ku dhaq wajigaaga labo jeer maalintii maado aan lahayn saliid
  • Nadiifi maqaarkaaga si fiican intaadan sariirta aadin
  • Qubeys jimicsiga ka dib
  • In laga fogaado dhar jirka ku dhagan

Cajiib Dowlada Hlland Oo La Filayo Sharci Dunida Ka Yaabin Doono Iney Soo Saarto..

Dawlada dalkaasi Holland ayaa wadda qorshe ay ku samaynayso sharci ogolaanaaya inuu qofku is dili karo ,sidoo kalena ay dhakhaatiirtu dili karto ,iyada oo sharcigaasi la doonaayo in la horgeeyo Barlamaanka dalkaasi Holland.

Sharcigan ayaa dhigaaya in qofku is dili karto haddii uu arko inuu dhimanaayo , sidoo kalena uu is dili karo haddii uu jiro xanuun aanu ka bogsan karayn oo dhib ku haya naftiisa, waxaanu qofkaasi adeegsanayaa dhakhaatiirta caafimaadka oo iyagu noqonaaya kuwa dilaaya ama dilkaasi fulinaaya.

Sharcigan ayaa soo dhaafay sharci sameeyeyaasha dalkaasi , iyaga oo u gudbiyey khubaro ku takhasusay cilmi nafsiga, waxaana la filayaa in toos loo ansixiyo sannadka inagu soo socda ee 2017 ka.

Wadankan Netherland ama Holland ayaa noqonaaya wadankii ugu horeeyey ee soo saara sharci ogolaanaaya in qofka la dili karo ,haddii ay jirto rajo la’aan ah inuu sii noolaanaayo ama kazoo kabanaayo xanuun ku dhacay oo dhibaato jidheed soo gaadhsiinaaya.

Waxa kale oo uu sharcigani dhigayaa in aanu is dili Karin qofka uu ku dhaco xanuun uu kazoo kaban karo ama uu ka dawoobi karo , kaas oo la hubo, waxa kale oo iyaguna jira dad kale oo uu diidaayo in la laayo ama ay is dilaan.

Wasiirka Caafimaadka dalkaasi Hollan Skhyeer oo la hadlaayey warbaahinta RIA Novosti oo uu warkan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in sharcigan uu ogolaanaayo in ay dadka waaweyn laftoodu is dili karaan , iyaga oo goobaha caafimaadka tegaaya, laakiin ay jirto da’ la ogol yahay in laysku dilo.

Daraasaddii ugu dambaysay ee lagu sameeyo dadka dalkaasi isku dila sannadkii ina dhaafay ee 2015 kii ayaa ahaa 5000 oo qof ,kuwaas oo siyaalo kala duwan isu dilay.

Cilladaha lagu dhasho

Cilladaha lagu dhasho waa dhibaatooyin dhaca xiliga u cunuga ku korayo ilmo galeenka. Cilladahaan waxey noqon kartaa kuwo yar ama kuwo weyn. Waxey saameyn karaan muuqaalka, shaqada xubnaha jirka, koriimada jirka ama maskaxda. Inta badan cilladaha lagu dhasho waxay soo ifbaxaan saddexda bill ee ugu horeeyso, marka xubnaha uurjiifka ay sameysmayaan, cilladaha qaar waa kuwo aan dhib laheyn halka qaarka kale ay ubaahan yihiin daweyn qaadata waqti dheer. Cillad daran oo lagu dhasho ayaa ah sababta ugu badan ay u dhintaan dhallaanka.

Maxaa sababa cilladaha lagu dhasho?

Cilladaha waxey ka dhalan karaan hiddo, qaab nololeedka, isticmaalidda dawooyinka qaar ama kiimikooyinka, infekshan ku dhaca hooyada xilli ay uur tahay ama intaas oo dhan oo isbaheystay. Hasa yeeshee inta badan si cad looma garan kara waxa sababay iinta.

Waa maxay halista horseedi karto iin?

Dumarka uurka leh waxey halis ugu jiraan iney uurjiifku ay lasoo deristo cillad, halistana waxey kor ugu sii kacdaa marka ay jiraan xaaladahaan soo socda.

  • Taariikh hore ee cilladaha lagu dhasho ee soo wajahday qoyska
  • Isticmaalka dawooyinka qaar, cabista khamriga ama cabidda sigaar xiliga uurka
  • Hooyo da’deedu ay kaweyn tahay 35 sano
  • Daryeel la’aan dhalmada kahor
  • Infekshan aan la daweynin sida infekshanda laisugu gudbiyo galmada

Dumarka leh xaaladaha caafimaad sida sonkoroow waxey halis ugu jiraan iney ubadkoodu uu ku dhasho cillad.

Cilladaha lagu dhasho ee caanka an

Waxaa jira 4,000 noocyo cillada ah oo la garanaayo in lagu dhasho. Waxaa loo kala qeybiyaa qaab dhismeed ama qaab shaqo. Cilladaha qaab dhismeedka qaar waxaa ka mid ah.

  • Cilladaha/iinta wadnaha
  • Dhanxaneg ama bushin dilaacsan
  • Spina bifida: xangulaha oo qeyb dhabarka banaankiisa ka muuqado

Cilladaha saameya shaqada jirka ee caanka ah waxaa kamid ah

  • Down syndrome: cillad saameysa caqliga iyo korriimada jirka
  • Sickle cell disease: cillad ku timaada unugyada guduudan/cascas ee dhiiga
  • Cystic fibrosis: xanuun dhaawac u geysta sambabaha iyo habka dheefshiidka

Sidee loo daweeyaa cilladaha lagu dhasho?

Dookha daweynta wey ku kala duwan yihiin cilladaha, cilladaha qaar waxaa la sixi karaa wax yar kedib dhalmada halka cilladaha kale ay sameyn joogta ah ku yeelanayaan dhalaanka.

Qaababka loo daweyn karo wa hab dawo, hab qaliin, iyo hab baxnaanin ah.

Sidee looga hortagi karaa cilladaha lagu dhasho?

Cillado badan lagama hortagi karo, laakin waxaa jira wadooyin laqaado oo yareyn kara halista, dumarka raba iney qaadaan uur waxaa wanaagsan iney isticmaalaan qaadashada kaalmaatiga kaba jirka sida folic acid, vitamin k. Sidoo kale waa iney ka feejignaadaan qaadashada dawooyinka qaar oo faragelin ku sameyn kara koriimada uurjiifka.

In jirka lagu ilaaliyo miisaanka caafimaad ah waxey caayineysaa hoos udhigista dhibaatooyinka uurka. Dumarka qaba sonkoroowga waxaa looga bahan yahay iney xil iska saaraan maareynta caafimaadkooda.

Waa muhiim in hooyadu ay booqato isbitaalka si ay u hesho daryeelka dhalmada kahor.

Wax Kabaro “”kilyaha””

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale ee ubucda. Kilyaha iyo uurkujirta kale waxaa kala saara ama u dhaxeeya xuubka loo yaqaan beritoniyam kaasoo ah xuubka ku dahaaran ama ku wareejisan xubnaha loo yaqaano uurkujirta. Cabirka kilidiiba waxaa lagu qiyaasaa inay tahay 5inch, Kilida bidix ayaa ka sareysa kilada midig sababtuna waa in beerku uu u badanyahay dhanka midig oo uu boos badan kaga fadhiyo qaybta kore ee ubucda.

Bartamaha gudaha u xoodan ee killi walbaa waxaa isagu yimaada ama ay ka koobantahay qaab dhismeedyo kala duwan sida, xiddidada kilyaha iyo kanaalka ka qaada kaadida ee loo yaqaano ureter. Kilyuhu waxay jirka u qabtaan shaqooyin aad muhuum ah, waxaana ka mid ah inay:

  • In jirka ay kasaaraan wasaqda. Beerka ayaa burburiya borotiinka aynu quudano si aan uga helno tamar, burburintaas kadib waxaan ka helnaa tamar iyo walax sun ku ah jirka oo loo yaqaano Ammonia, isla beerka ayaa u badala walaxdaan sunta ahuric acid iyo urea kuwaasoo heerkooda sunta uu yaryahay. Sidaa si lamid ah murqaheenu waxay isticmaalaam borotiinka loo yaqaano creatine si aan u helno tamar waxaana habkaan ama dhamaadka habkaan la socda walax wasaq ah oo oo loo yaqaan creatinine.

Ammonia, uric acid, urea iyo creatinine waxaa lagu daraa dhiiga taasoo killidu ay filter garayso kana saarto jirka qaab kaadi ah. Waxaa jira cadad urea ah oo dhiiga ku jira mana ahan mid sun ah.

  • Killidu waxay filtar garaysaa dhiiga iyadoo ka saaraysa wasaqda waxayna ugu dib ugu celisaa isla dhiiga macaadiinta aan u baahanahay ee la filtar gareeyay, sidoo kale waxay soo daysaa dheecaano ama hormoono ka qabta jirka shaqooyin kala duwan.
  • Killidu waxay kontorooshaa biyaha aan u baahanahay inay jirka ku jiraan ama laga saarayo, waxaya dhexyaal u tahay isu dheelitirka dareeraha jirku u baayahanyahay
  • Isu dheelitirto Asidka iyo baseka jirka oo ah laba maado uu ubaahan in si weyn loo xakameeyo si dhiiga uu ushaqeeyo
  • Kilyuhu waxay qayb wanaagsan ka qaataan kontoroolida cabirka dhiiga
  • Macdanada jirkeennu u baahanyahay ayay isku dheelitirtaa waxayna masuul katahay inay jirka dib ugu celiso macdanada uu u baahanyahay.

Xanuuno badan ayaa saameeya kilyahu kuwaasoo qaarkood ay noqon karaan khatar aad u sareysa, caafimaadka kilyaha oo la ilaaliyo ayaa muhiim u ah shaqada jirka maadaama ay boos aad muhiim ugu ah kaga jiraan shaqooyinka jirka.

Talo:

Kilyahu waxay inoo hayaan shaqooyin muhiim ah, waxaa wanaagsan inaan ka taxadarno waxyaabaha u keeni kara caafimaad darrada. Hadii aad isku aragto kilya xanuun waxaa lagama maarmaan ah inaad booqoto dhakhtar.

Maxaa Ka Taqanaa Cudurka Calool Xanuunka

Xanuunka laga dareemo inta u dhaxaysa xabadka iyo miskaha ayaa siguud loogu magacaaba calool xanuun, xanuunkaan ayaa lagu micnayn karaa ama loo cabiri karaa siyaabo kala duwan sida, inuu yahay xanuun aan marnaba tagayn oo joogta ah, xanuun goos goos ah oo la dareemo maalintiiba dhawr jeer, xanuun aad moodo sidii waran ku taagan goobta xanuunaysa, majiir, waxaana laga dareemi karaa qaybo badan oo ka mid ah uur ku jirta maadaama uu balaaranyahay xadiga ama xubnaha uu saamaynta ku yeelan karo. Xubnaha waaweyn ee loo yaqaano uur-kujirta xanuunkanina uu oo kasoo bilaabman karo waxaa ka mid ah, Mindhicarada, Kilyaha, beeryarada, ganaca, beerka, caloosha iyo appendix.
Maxaa sababa Calool Xanuun                        

Caabuqa iyo cudurada ku dhaca xubnaha ku jira uur-kujirta ayaa sababi kara xanuunkaan. Xanuunada sababi kara waxaa kamid ah kuwo uu keeno feyrusku, bagteeriyada, iyo waliba dulinka. Sababta ugu weyn oo loo aaneeyo calool xanuunka ayaa ah infekshinka ku dhaca uur kujirta, waxaa sidoo kale kamid ah, caabuqa, eernada, mindhiciro xiranka iyo xanuunada ku dhaca mindhicirada

Infekshinada ku dhaca dhuunta, dhiiga iyo mindhicirada ayaa sababi kara in bagteeriya ay gasho habka dheefshiidka, bagteeriyadaan ayaa keenaysa in uu isbadal ku yimaado habka shaqada ee dheefshiidka waxaana soo Ifbaxa astaamo ay kamid yihiin calool xanuun, calool istaag iyo fuuq bax. Sababaha kale ee xanuunka ayaa noqon kara gastroenteritis, laabjeex.

Calool xanuunka heerkiisu sareeyo ayaa waxaa sababi kara dhagxaanta kilyaha, infekshinka kilyaha, dillaaca ama qaraxa xubin kamid ah uur kujirta sida qabsinka taasoo keeni karta khatar caafimaad, xanuunka yimaada markii ay qaraxdo qabsinka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay kuwo ugu culus ee laga dareemo uur-kujirta.

Calool xanuunka ayaa noqon kara mid ku salaysan ama ku dhagan hal goob, iyadoo aysan jirin meel kale oo kamid ah caloosha ama ubucda oo aan xanuunayn qofka, waxaana sababi karo cillado ama xanuuno uu kamid yahay gaas calooleedka. Waxuu kaloo noqon karaa majiir ama qabatimo hadba dhan u wareegaya oo qofku uusan xamilayn istaaga waxaana la socon karan fuuqbaxcalool istaag, dhuuso ama dibiro. Dumarka ayaa waxaa u dheeraan kara xiliga caadada majiirka minka oo keeni kara xanuun lagu masleeyo majiir.

Qabatimada ama majiirka la xiriira ilma galeenka xiliga dumarku ay la kulmayaan caadada, ayaa lagu tiriyaa calool xanuunka ugu badan ee ay dareemaan haweenku waxaana si gaar ah loogu asteeyaa xanuunka qaybta hoose ee uur-kujirta. Sidoo kale waxaa lagu tirin karaa misko xanuunka.

Xanuun laga wada dareemo ubucda ama caloosha ayaa noqon kara mid la xiriira caabuq ku dhaca qaar kamid ah xubnaha uur kujirta, sida caabuqa ku dhacaappendix-ta, Crohn’s disease, dhaawac soo gaara uurkujirta, xanuunada ku dhaca mindhicirada, infekshinka ku dhaca kaadi mareenka, iyo gastroenteritis.

Xanuunka ku salaysan hal goob ayaa waxaa sababi karo marxalado kala duwan oo uu ka midyahay uurka lagu qaado meel ka baxsan minka (Ectopic pregnancy), xirinka mindhicarada, caabuqa appendix-ta.

Sidee looga horagi karaa Calool Xanuun                     

Waxaa jira tilaabooyin aan u baahnayn daawo taasoo loga hortagi karo calool xanuunka, waxaana kamid ah, in la cuno cunno nadiif ah oo isu dheelintiran xadigeeduna uusan badnayn, in lajoogteeyo cabida biyaha waxaana haboon in biyaha lacabo 30 daqiiqo kahor ama kadib xiliga cunnada, sidoo kalena la joogteeyo xiliyada aan cunnada la cunayn, jimicsigu waa hab kaalinta koowaad uga jira ka hortaga cilado ama xanuuno badan oo uu kamid yahay Calool xanuunku, cunada la cuno xiliga la seexanayo ayaa ah midaan u wanaagsanayn guud ahaan caafimaadka jirka waana mid keeni karta xanuuno ay kamid yihiin Laabjeexa iyo GERD waxaana muhiim ah in ugu yaraan 3 saac kahor xiliga hurda la joojiyo cunida.

Hadii aad isku aragto calool xanuun aan tagayn kana sii daraya xiliba xiliga ka danbeeya kaasoo ay la socdaan astaamo ay kamid yihiin saxarada oo dhiig la socdo, culayska jirka oo yaraada, qandho ama xumad heerkeedu sareeyo, matag oo dhiig la socdo, lalabo ama laqanyo, kalarka maqaarka iyo indhaha oo isbadalay, barar ama dibiro laga dareemayo caloosha iyo neef qaadasha ama saarida oo hoos udhacday, ula xariir sida ugu dhaqsaha badan goobta caafimaad ee kuugu dhow lana socodsii dhaqtarka dhamaan astaamaha iyo xiliyada aad dareentayba. Sidoo kale hooyooyinka uurka leh ama naasnuujinaya waxaa lagama maarmaan ah inay la xiriiran dhaqtar hadii ay isku arkaan calool xanuun uu la socdo culayska jirka oo yaraada

 

Cabdilaahi Cabdi Muuse ( shicib )

Xikmado Gaaban Oo Nolosha Bini’aadamka Sare U Qaadayo, Ka Faa’ideyso..

Kuwo murugaysani maaha inay wax kasta waayeen , laakiin waxay la muurugoonayaan wax ka maqan oo ay tebeyan.

Sid aad guul u gaadho fikirkaaga iyo ficilkaaga raaci talo saarashada Allah (sw).

Haka werwerin waxay dadku kugu sheegayaan waayo waxaad tahay aadame gef badan.

Waxa badan haku mashquulin fikirka arin dhib kugu haya, laakiin Allah (sw) weydiiso dhenbi dhaaf, maxaa yeelay denbi dhaafku wuxu furaa albaabo aanu fikirku furin.

Ma jiraan dad ka cabanaya maskaxahooda , laakiin ogow maskaxda ayaa ka horaysa jidhka iyo wax kasta.

Ma jeclid in qaladka kaa dhaca lagu canaanto, ama laguu saxo sida ugu adag. Adiguna iska jir arinkaasi, u sax dadka khaladkood si degan.

Qofka yidhaahda “ Aduunyadan jeclaanaya, Allaha si dhab ah ayaan u jeclaanaya, been ayuu sheegayaa” Imaamu Shaafi.

Musharax Ilhaan Cumar oo la kulantey Soomaalida Ohio- SAWIRO

Ilhaan Omar oo ah gabar Soomaaliyeed oo Musharaxa Xisbiga Dimuqradiga ugu soo baxay tartankii Aqalka Hoose ee Baarlamanka gobolka Minnesota, isla markaana u taagan dhamaystirka doorashada ama wareegii labaad ee doorashada oo dhacaysa Bisha November ee sanadkan 2016 ayaa waxa ay soo gaarta magaalada Columbus Ohio.

Ujeedada Socdaalka Ilhan waxa uu salka ku hayaa sidii ay dhiirogalin u siin lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha iyo Kuliyadaha gobolka Ohio, iyada oo ku boorinaysa in ay horey u socdaan isla markaana ay ka dhabeeyaan riyadooda iyo mustaqbalkooda.

Kulankan ay kula hadlaysay dhalinyarada waxaa soo buux dhaafiyay dadweyne kala gadisan oo ku faraxsan imaatinka Ilhan Omar ee Ohio iyo Ahmiyada kulankan ay kula hadlaysay dhalinyarada uu u leeyahay iyaga.

 Waxa ay ka sheekaysay marxaladihii kala duwanaa ee ay nolosheeda soo martay iyo xaaladihii is bad badalka badnaa ee xiligii ay ku jirtay doorashadii lagu kala reebayay musharaxiinta aqalka Hoose ee xisbiga Dimuqradiga. kaas oo ay iyadu ku soo baxday.

Ilhan waxa ay ugu yeertay waalidiinta Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan ubadkooda oo aysan ka dhigin kuwa iska kora un.

Soomaalida Mareykanka ayay ku tilmaantay kuwo u bisil waxqabad ku qotoma isbadal iyo in ay yihin dad dhaqanka ku adag.

Waxay amaantay una Mahadcelisay dhalinyaro badna oo uu ku jiro hami isbadal oo ay ku soo galayaan siyaasada dalkan.

Waxaa la weydiiyay Su’aalo dhoowr ah oo qaarkood ay ka jawaabtay qaarna ay ka gaabsatay waxa ay ilhan ugu danbayn ka codsadatay dadkii meesha fadhiyay in ay .

Dhalinyaro badan ayaa balan qaaday in ay garabsiinayaan Ilahan isla markaana ka qeyb qaadanayaan ololaha doorashadeeda soo socota dhanwalba.

Waxay booqandoonta dhoowr gobol oo ay Soomaali badna ku noolyihiin.

img_0026 img_0135 img_0239 img_0267 img_0271 img_0272 img_0285 img_0322 img_0375 img_0239-copy img_0267-copy img_0271-copy img_0272-copy img_0285-copy img_0289-copy img_0322-copy img_0375-copy

DHAGEYSO Wareysi lala yeeshay Gabadhii ugu horeeysay ee loo doortay aqalka sare

5 Oktoobar waxaa la qabtay doorashadii ugu horraysay ee xubnaha ka mid noqonaya aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashadan oo ka dhacaysa xarumaha maamul goboleedyada ayaa Sabtidii magaalada cadaado ee dawlad goboleedka galmudug lagu qabtay tii ugu horraysay.

Ilaa 5 qof ayaa iminka la xaqiijiyey inay noqdeen dadkii ugu horreeyey ee ku biiray aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka mid ah gabadhii ugu horraysay ee aqalkaas xubin ka noqota, waana Zamzam Daahir Maxamuud.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO:

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com