Home » Author Archives: Admin (page 79)

Author Archives: Admin

TOP-khudaarta Xoojiso Xasuusta Iyo Caqliga Bini’aadamka.

Khabiirad u dhalatay wadanka Ingiriiska ayaa soo bandhigtay khudaar iyo waxyaalo kale oo ay sheegtay inay xoojiyaan xusuusta , gaar ahaana marka la gaboobo ,iyada oo si gaar ah farta ugu fiiqday dhanka raga oo ay sheegtay inay u fiican tahay.

Khabiiraddan oo lagu magcaabo Cassandra Barnes ayaa shegtay in xuntooyinka khudaarta u badan ee ay ku jirto macdanta loo yaqaano Vitamin B 12 ay tahay mid aad ugu wanaagsan dhanka koritaanka maskaxda dadka , iyada oo sheegtay inay Vitamintu tahay shay aad ugu muhiim ah badbaadona u noqotay unugyada maskaxda.

Waxa kale oo ay sheegtay in waxyaalaha ka kooban Fatty Acids ku ay  iyaguna yihiin kuwo maskaxda ku ilaaliya xusuusta , gaar ahaana marka uu qofku aad u weynaado, waxa kale oo ay tilmaantay in khudaarta cagaarani ay tahay mid iyaduna ilaalisa joogitaanka xusuusta maskaxda.

Xoolaha nool ayay sheegtay in laga helo Vitamin 12 ka, waxa kale oo ay sheegtay in sidoo kalena laga helo Kaluunka oo isna ah mid aad u muhiim ah,.

Waxay soo jeedisay mrs Cassandra  in loo baahan yahay in aad loo isticmaalo khudaarta , gaar ahaana ta laga helo macdanta loo yaqaano Magnesium ta oo iyaduna ah mid u fiican maskaxda iyo lafahaba, iyada oo fududaysa inay Wararka kala duwan ee maskaxda u socda maskaxdu si fudud u hesho.

Waxa kale oo ay ku dartay cuntooyinkaasi Beedka oo ay sheegtay in aad looga helo macdanta lagu magcaabo Zinc , taas oo qayb weyn ka qaadatay shaqada maskaxda.

Macdanta Vitamin B-da loo yaqaano ayaa ah mid ay iyadana sheegtay inay dejiso habka Neerfaha , iyada oo door muhiim ah ka qaadata waxbarashada iyo  shaqada qaybta xusuusta iyo xifdiga ee maskaxda.

Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska Washington Post oo uu webka Kobciye.Com kazoo xigtay ayaa sidoo kalena lagu sheegtay in Chocolate ku yahay mid maskaxda siiya Iron badan oo uu cariyo  kadibna uu jidhku soo daayo  sidaasina ay maskaxdu ku hesho.

Waxyaalo kale oo kamid ah waxyaalaha la wershadeeyo ayay sheegtay in ay iyagu dhib ku keeni karaan maskaxda qofka , iyada oo ay ka kooban yihiin Macdano badan, gaar ahaana Iordine ta oo ay sheegtay inay dhib ku keento maskaxda

Kaluunka Gasaceysan Sidee Loo Sameeya,Saliida Ku Jirta Waa Maxay & Caafimaadarada uu leeyahay

Bismillah,

Waxaan kaga hadli doonaa jawaabtaada sadax qeybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:
1- Kalluunka gasacdaha ku jiro iyo qaabka loo sameeyo?
2- Halis miyuu ku yahay caafimaadka, maxaana loo dhahaa knasar ayuu keenaa?
3- Faa’idada saliida kalluunka iyo meelaha laga helo?

Kalluunka Qasacadaysan:
Kalluunka ugu badan ee qasacada lagu keeno waa nooca loo yaqaano “Tuna fish”, waa kalluun ay dood badani ka taagan tahay, laguna sameeyay cilmibaarisyo kala duwan, marka ugu horayso aan idiin sharxo qaabka loo sameeyo:
1- Markii kalluunka la soo dabto, madaxa iyo saynta ayaa laga gooyaa, uurkujirtane waa laga saaraa.
2- Kadib qaboojiye ayaa la geliyaa.
3- Markii la qaboojiyo ka dib, lafaha yaryar iyo qolfaha ayaa laga saaraa, waana la kariyaa.
4- Kadib isagoo la kariyay oo qalalan ayaa lagu guraa qasacyada.
5- Waxaa lagu dul shubaa dheecaan biyo ah oo cusbo leh ama saliidda cuntada lagu karsado sida caddayda oo kale (Ogow biyaha ku jira gasaca kalluunka maahan maraqiisa ama saliid kalluun, waa biyo milix leh ama saliid qudaar “Vegetable Oil”).
6- Kadib gasaca waxaa laga nuugaa hawada, waana la soo daboolaa.

Marka waa muhiim in aad ogaatid dheecaanka ku jira gasaca kalluunka maahan saliida kalluunka, mana ahan dheecaankiisa ee waa biyo ama saliid qudaar oo lagu daray inta aan la soo sajjalin.

Kalluunka Gasacadaysan Iyo Caafimaadka:
Kalluunka nooca Tuna-da wuxuu xambaarsan yahay nafaqo badan, waxaa laga helaa birta, saliida omega-3, fitamiino kala duwan iyo borotiin badan, laakiin dhakhaatiirta kuma taliso kalluunka gasacadaysan in la badsado khaasatan hooyada uurka leh, hooyada nuujiso iyo ilmaha yaryar sababtuna waxay tahay:

  • Ka Cabsashada Sunta Mercury-ga: Qasacadaha kalluunka Tunada lagu keeno waxaa badanaa lagu arkaa maadada loo yaqaano “methylmercury”, tanoo sun ku ah neerfayaasha bin’aadanka, inkastoo suntaasi jirka iska saari karo laakiin haddii jirka ku badato dhibaato ayay u gaysan kartaa, waxaana lagu gartaa kabuubyo joogto ah, gariir ama jarayn gacmaha ah, socodka oo dhib noqdo, aragga oo daciifo, xasuusta oo yaraato, sidaas awgeed ayaa loo yiraahdaa yaanan la badsan, hooyada uurka leh iyo midda nuujinayso way u gudbin kartaa dhallaankeeda, dhibaatane wuu ka qaadi karaa. taladu waxay tahay haddii aad heli kartid kalluun fresh ah oo aad kaga kaaftoomi kartid ku badalo, haddii kalane iska yaray isticmaalka joogtada ee kalluunka gasacadaysan.
  • Ka Cabsashada Maadada BPA: waa maaddo lagu sameeyo gasacyada lagu keydiyo cunnada diyaarka ah, horay ayaan uga soo hadalnay dhibaatada ay leedahay maadadaan markaan soo bandhignay caafimaad darrada yaanyada moorgaraysan ama yaanya shiishiidka, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0

Midda ku saabsan in kansar laga qaado ma ahan arrin la xaqiijiyay ama la hubo, laakiin dhibaatooyinkaan kale ee aan kor ku soo xusnay waxay dhakhaatiirta ugu kala qaybsameen 3 kooxood:

  • Kooxda 1-aad waxay ku talisaa in kalluunka gasacadaysan la cuni karo, maadaama ku sumoobidda mercury-ga aysan badanaa dhicin, laakiin in aan la badsan si suntaas aysan jirka ugu badan, dhibkeedane looga badbaado.
  • Kooxda 2-aad waxay ku taliyaan in ragga ay cuni karaan, laakiin haweenka ay ka fogaadaan sababtoo ah hadday uur qaado ama ilmo nuujiso way u gudbin kartaa uurjiifkeeda ama dhallaanka, halistane dhakhso ayay ka soo muuqan kartaa.
  • Kooxda 3-aad waxay ku taliyaan in kalluunka gasacadaysan oo idilba laga fogaado maadaama faa’idada laga helayo ay khasaaro la socon karto, laguna kaaftoomo kalluunka dabiiciga ah.

Talada SomaliDoc: Maadaama uusan wadanka lahayn hay’ado u xilsaaran kontoroolidda badeecadaha dalka soo galo ama hay’ad caafimaad oo baarta tayada cunnada noola keeno waxaan ku talinaynaa in kalluunkaan qasacadaysan cunistiisa aan la joogtayn, hooyada uurka leh iyo midda nuujisane ay ka taxaddaraan.

Faa’iidooyin Caafimaad ee Saliidda Kalluunka:
Saliidda caafimaadka xambaarsan waxaa laga helaa kalluunka hilibkiisa ee ma ahan saliidda lagu kariyo ama midda gasacadaha ku jirto, Saliidaan waxay xambaarsan tahay faa’iidooyin ka hortag iyo mid daaweyn, waxayna wax u tartaa wadnaha, xididada dhiigga, qanjidhada, maskaxda, murqaha iyo lafaha iyo hooyada uurka leh.
Saliidaan waxaa laga helaa kalluunka badankiis, laakiin wuxuu aad ugu badan yahay kuwa loo kala yaqaano salmon, herring, mackerel, anchovies iyo sardines. Saliidaan cilmibaarisyo badan ayaa lagu sameeyay, cudurro badane waxbay u tartay, dadka ku nool meelaha aan laga heli kalluunka dabiiciga ah waxay saliidaan ka heli karaan farmashiyada iyadoo kaniin ahaan u samaysan.
Fadlan akhriso qoraal ku saabsan Faa’iidooyinka Caafimaad ee Kalluunka:http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7112.0

DAAWO: Hooyo Naafo ah oo Habeenkii ka seexan ilmo 6-jir ah oo 5-sano sariir saaran

Qoyska Wiil yar oo ku xanuunsanaya Kaam Barakacayaal oo ku yaalo magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar ayaa codsaday in laga caawiyo caafimaadka Wiilkooda oo gudaha wax looga qaban waayay.

Hooyo Caasho waa naafo oo aan awoodin socodka,waxayna heysataa Wiilka yar ee xanuunsanaya,taasi oo habeenkii ka seexan karin xanuunka Wiilkeeda.

Guddoomiye Ku-xigeemka Kaamka oo ku yaalo Qardho Aadan C/llaahi Xasan ayaa sheegay in Qoyska oo heysata daruufo aduunyo aysan awoodin iney dhaqaatiir u raadsadaan caafimaadka Wiilka yar ee xanuunsanaya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA..

Wuxuu ugu baaqay Hay’adaha gargaarka iyo cid Alla iyo cidii awoodi karta caawinaad iney si deg deg ah u gaaraan.

 

NAXDIN:Wiilal Kufsi iyo in ay Video Ka Dubaan isugu daray Gabar yar + Wiilashii oo Ayagana Gacanta u Ga….

Magaalada Galdogob oo xalay laga dareemayey mudaharaad inuu ka dhaco maanta kadib markii uu batey kufsiga joogatada ah.

Waxaa kaloo dhacdo aad u fool xun sameeyey 5 dhalinyaro ah ayagoo gabar yar kufsi u geystey hadana ka duubey video kale gaar gaar ah inta ku afduubey misna kufsi u geestey.

Markii ugu horeysey ma ahan kufsiga balse tani kufsiyadii hore wey ka duwan tahay awal dhalinyada wey abaaran ugaarsan jireen oo kufsi ama feel saari jireen gabdhaha aan u dhalan magaalada Galdogob, hadase waxey bilaabeen inay cidna u aabayeelin.

Shacabka Galdogob tani waxey u keeni kartaa colaad sokeeye ah hadii aan wax laga qaban walow hade xaalada ay mareyso afkiiba juuqda gabey dhowr ka mid ah ragii gabdhaha gaariga ku afdhuubey waxaa la sheegey in ayagana la afdhuubtay waxaana gacanta ku haya korneel Saciid Abshir Abdille ( Mr Qowdhan ).

Waxaa kaloo la sheegey gabadha vidieo ga laga duubey in aysan reeraheeda marna aqbali doonin wax xaal mastuur ah balse ay sheegeen hadii 3 qodob lasameeyo inay xaajo ogalaan doonaan

1 Waa in dhalin yaradaas inta laqaawiyo magaalada lagu wareejiyaaa

2 Waa in gabardha xaqeedi oo ah in magteeda labixiyo ama lacag fara badan labixiyaa

3 Dhalinyaradaas xabsi 15 sano ah lagu xiraa

Waraarkii ugu danbeeyey mid ka mid ah dhalayadii falka foosha xun ku kacdey in xabada lagu duftey uu dhaawac yahay

W/Q: Garaad Baaley

Hilibka warshadaysan oo ay u badan tahay ‘in uu uga daro’ xanuunka neefta

Cunnidda hilibka la warshadeeyay ayaa laga yaabaa in uu uga sii daro caalamadaha xanuunka Neefta sida ay sheegayaan cilmi baareyaal.

In hilib la cuno in kabadan afar jeer todobaadkii ayaa halis ah, sida ay muujinayso cilmi baaris lagu sameeyay ku dhawaad kun ruux oo Faransiis ah, sida ay daabacday jariiradda Thorax.

Cilmi baareyaashu waxay rumaysan yihiin in waxyaabaha lagu daro hilibka oo loogu talagalay in ay ka ilaaliyaan bakteeriyada in ay wax u dhimaan neefmareenka.

Laakiin khabiirradu waxay sheegayaan in aan arrintan wali la xaqiijinin, loona baahan yahay in baaritaanno cusub lagu sameeyo.

 

Taas badalkeeda waxay ku talinayaan in intii ay dadku hal cunto ka walwali lahaayeen ay quutaan waxyaaabo aan caafimaadka wax u dhimaynin iyo cuntooyin kala noocnooc ah

Hilibka qasaacadaysan amaba la warshadeeyay ayaa horay loola xiriiriyay xanuunka Kansarka.

Jaamacada Oxford ayaa bixinaysa waxbarasho koorsooyin lacag la’aan ah ee ‘Mooc’

Jaamacada Oxford ayaa ku dhawaaqday inay bixinayso markii ugu horaysay koorsooyinka internetka ee Mooc – “massive open online course” iyadoo kaashanaysa jaamacadaha Maraykanka ee bixiya koorsooyinka internetka.

Koorsooyinka oo lacag la’aan ah ayaa aad looga jeclaaday boqolaal jaamacadood waxayna leeyihiin malaayiin arday.

Laakiin ilaa hadda Oxford ma aysan bixinayn koorsooyinka Mooc.

Waxay bixin doontaa koorsooyin dhaqaalaha iyadoo kaashanaysa habka internetka ee edX, ee ay abaabuleen jaamacada Harvard iyo Massachusetts Institute of Technology.

Koorsooyinka Mooc ee soo baxay sanooyinkii ugu danbeeyay ayaa ahaa wax ku cusub waxbarashada sare, gaar ahaan Maraykanka.

Taageerayaasha waxbarashada noocan ayaa ku dooday in waxbarashada internetka ay helayaan dad badan si raqiis ah, halka dadka dhaleecaynaya ay sheegeen in waxbarida faslka iyo fikrad isdhaafsiga aan laga samayn karin internetka.

Waxay sidoo kale ka digeen ardayda tirada badan ee ka haraysa waxbarashada Mooc iyo in ardayda aysan helayn shahaadada degree-ga.

‘Meel ka baxsan fasalada Oxford’

Jaamacada Oxford ayaa koorsooyin ku bixisa internetka, oo ay ka mid yihiin kuwo ay ku bixiso iTunes U iyo kuwa ay bixiso kuliyadeeda sii wadashada waxbarashada (department for continuing education.)

Laakiin ilaa hadda ma aysan samayn koorsooyinka lagu bixiyo Mooc oo ay bixiyaan haydaha internetka, sida edX iyo Coursera ee Maraykanka iyo FutureLearn ee UK.

Koorsooyinaka edXImage copyrightHARVARD X
Image captionOxford ayaa ku biiraysa edX ee waxbarashada internetka ee ay dhigtaan sagaal milyan oo arday

Hay’adahan ayaa bixiya koorsooyin internet oo lacag la’aan ah, oo ay heli karaan ardayda meel walba oo ay joogaan adduunka.

Jaamacada Oxford ayaa hadda ku dhawaaqday inay bilaabayso inay u qorto ardayda koorso bilaabanaysa Febraayo 2017-ka, oo magaceeda la yiraahdo: “From Poverty to Prosperity: Understanding Economic Development”.

Waxay ka mid noqon doontaa koorsooyinka internetka ee lagu bixiyo edX , oo ay dhigtaan sagaal milyan oo arday, waxaana lagu dhigtaa 900 oo koorsooyin oo ay bixiyaan jaamacadaha Harvard, MIT, Berkeley ee Maraykanka, Peking ee Shiinaha, Sorbonne ee Faransiiska, Edinburgh iyo Imperial College London ee UK.

Koorsdaa ayaa ka hadli doonta qaybta ay dowladda ka qaadato horumarka dhaqaalaha waxaana hogaamin doona Sir Paul Collier, oo ah professor maadada economics iyo public policy ee kuliyada Blavatnik ee iskuulka cilmiga dowladda.

Ngaire Woods, oo ah gudoomiyaha Blavatnik, ayaa sheegay in koorsooyinka internetka ay yihiin “sida ugu fiican ee lagu faafin karo tacliinta oo ka baxsan fasalada Oxford”

Prof Woods ayaa sheegay in kuliyadda ay muhiimada saarayso sidii loo hormarin lahaa dowladda, taasna waxay ku xiran tahay “shaqaale tacliin leh, macalimiin, hal abuurayaal ganacsi, suxufiyiin, iyo bulshada”.

Madaxa Coursera ee waxbarashada internetka, oo ay dhigtaan in ka badan 20 milyan oo arday, ayaa dhawaan saadaalisay in shan sano gudahood ay jaamacadaha waawayn bixin doonaan shahaadada degree-ga oo internetka lagu baranayo.

Dumarka ilmaha lagu qalo oo laga deyriyey

Saynisyahanno ayaa sheegaya in joogteynta qallinka dumarka lagu sameeyo marka ay dhalayaan uu cawaaqib ku yeelanayo horumarka uu jirka bani aadmigu sameeyo.

Waxay qiyaas ku bixiyeen in kiisaska ku saabsan carruurta aan makaanka si habboon uga soo bixi karin, maaddaama miskaha hooyada ay ciriiri yihiin, ay sare u kaceen min 30 kunkiiba sannadihii lixdameeyadii, ilaa 36 kunkiiba wakhti xaadirkan.

Su’aasha ay saynisyahannadu is weydiinayeen muddo dheer ayaa ah sababta aysan miskaha dumarku wakhtiga intaa le’eg u korin. Arrintaas ayaa lala xiriirinayaa ayadoo hooyooyinku ay hidde-sidayaashooda u gudbiyaan gabdhaha ay dhalaan, jiilba jiil, ayadoo dhinaca kalena carruurta dhalata marba marka ka dambaysa ay noqonayaan kuwo kobocsan oo caafimaad qaba.

Is le’ekaansho la’aantaas ayaa la leeyahay waxay sababtaa in dumarka qaar ay door bidaan in ilmaha lagu qalo ayagoo ka cabsi qaba inay umul raacdaan, oo ilmuhuna ku dilmaan.

Laakin cilmi baareyaal ku sugan jaamacadda Vienna waxay ka dardaar werinayaan in xaaladdu haddii ay sidas ku sii socoto ay yaraan doonto tirada dumarka sida caadiga ah u foosha.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com