Home » DIINTA

DIINTA

Fadliga 10-ka Dambe ee Bisha Ramadaan

Waxaa bilaw ah 10-kii u dambeeyay ee Ramadaan, iyadoo maalmaha tobanka ah ee u dambeeya Ramadan ay yihiin kuwo fadligeeda laga gaar yeelay bisha inteeda kale. Sida ku xusan axaadiithka ka sugan Nebiga nabadgeliyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxuu ahaa mid guntiga dhiisha isaga dhiga 10-ka dambe ee Ramadaanta, waxaanu ku dedaali jiray dhammaan acmaasha saalixa ah oo dhan, sida Qur’aan akhriska, salaada, sadaqada, dikriga iyo ducadaba.

Tobanka dambe ee Ramadaan waa kan la inoogu sheegay inuu ku jiro, habeen ka qiimo badan 1000 bilood oo u dhiganta 83 sano oo aad cibaado iyo camal suuban soo waday. Sidaa awgeed habeen ka qiimo badan oo qofka cumrigiisa soo mara ma jiro.

Nebiga nabad geliyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, kheyrka 10-ka dambe ee Ramadaan iskuma koobin jirin naftiisa oo qudha inuu ugu dedaalo, laakiin waxuu sidoo kale toosin jiray ehelkiisa, kuna dhiirigelin jiray kheyrka iyo cibaadada inay laban laabaan.

Taasina waxay ku tusaysaa in muuminka caaqilka ah keligii isku koobayn inuu dedaalka la yimaado, laakiin waxaa laynaga rabaa in qof waliba ehelkiisa iyo dhammaan qaraabadiisa iyo cid kasta oo xaq ku leh , dareensiiyo oo ku dhiirigeliyo kheyrka iyo camalka 10-ka dambe ee Ramadaan.

Qofka aan u dedaalin 10-ka dambe ee Ramadaan, waxa uu runtii iska xarrimayaa kheyr badan, iyo fursad qiimo badan oo aanu dammaanad u haysan inuu mar kale soo mari doonto. Inkastoo dadka badankiisu iska daciifaan dhammaadka Ramadaanka,haddana 10-ka dambe waa miidaanka ama garoonka lagu kala hadho, waxaana ku faro adayga inta iimaankoodu sarreeyo, kuwaasoo dareemaya mar walba qiimaha fursadaasi leedahay.

Sidoo kale waxaa ku sugan sunnada Nebigeena naxariis iyo nabad geliyo korkiisa ha ahaatee, in 10-ka dambe ee Ramadaan uu ku negaan jiray masjidka, una faaruqi jiray cibaadada Rabi subxaanahu Watacaalaa, ictikaafkuna waa qofka oo u gaar noqda daacada Rabi, isagoo rajaynaya ajarka iyo abaal marinta Rabi.

Sidaa awgeed qofka muuminka ah mar walba cumrigiisa dhabta ah waa geeridiisa kadib, waxaana habboon inuu ka faa’iidaysto fursad walba oo soo marta intuu adduunka ku nool yahay, waxaa laga rabaa qofka muslimka inuu 10-ka dambe ee Ramadaan u dedaalo, kana dheeraado adduunyada iyo hadalkeeda, ilaa waxii baahi iyo daruuri ah mooyee, sida inuu la hadlo ehelkiisa, ama waxii masuuliyadiisa hoos yimaada ka hadalkeeda, waxii intaa ka baxsan , waxay qofka dib ugu celinayaan adduunyada uu kasoo dhex baxay, waxaana ka lumaya ujeedadii ictikaafka masjidka, oo ah inuu u gaar yeelo wakhtigiisa cibaadada iyo camalka saalixa ah ee 10-ka dambe Nebigu samayn jiray.

Ugu dambeyn waxaan naftayda iyo naftiinaba kula dardaarmayaa, in fursadaas laga faa’iidaysto, oo haddii 20-ka hore ee Ramadaan wax badan aanad ka qabsan, inaad 10-ka dambe ku faro adaygto, oo aad badiso, acmaasha saalixa ah, sida Qur’aan akhriska, salaadaha, sadaqada, dikriga, iyo waxii la mid ah. Allaah subxaanahu watacaala ha ina waafajiyo kheyrka bisha Ramadaan iyo habeenka qiimaha badan eek u jira 10-ka dambe.

DAAWO XIISAD KULUL:- Maxaa kala qabsaday labadaan Sheekh ee Soomaalida ugu caansan?

Baryahan Waxaa magaalada Hargeysa ee Somaliland ku sugnaa Shiikh Cabdulxaq oo dadka ka daweeya sixirka, isha iyo jinka, imaanshiyihiisu waxa ay salka ku haysey dabiibida dadka xanuunadaa la il daran, balse waxa aad uga soo horjeestey Culimada ku nool Hargeysa oo ay qaar ku tilmaameen in uu jinka la shaqaysto.

  Culimada ka soo hor jeesatey waxaa ka mid ah Sheekh Aadan Siiro.

Halkaan Ka daawo Muuqalka video-ga 

Xilliga Afurka Qofka Maxaa Wanaagsan Inuu Ku Afuro Iyo Ducada La Akhristo Wakhtiga Afurka.

AFURKA RUUXA SOOMAN.

Wakhtiga Afurka: Haddii Ruuxa Sooman uu Hubsado in Wakhtigii Afurka la gaaray waxaa Waajib ku ah inuu Afuro, haddaba Ruuxa Sooman waxa uu ku Afuraayo waxaa ugu Fadli Badan Timir,

Sida Sunada ahna Waxaa ugu yar Saddex Xabo, Haddii Timir la waayo Xoogaa Biyo ah.

Haddaba Nabigeena CSW, Kama Sugnaanin waxaan Labadaas ka aheyn ee Cunay ama Cabay Salaada Maqrib ka Hor, Markuu Tukadana wuxuu Doono ayuu Cuni jiray.

DUCADA LA AQRISTO MAARKA LA AFURAAYO:

Axaadiista ku soo Aroortay Ducada la Aqristo Marka la Afurayo waxaa ugu Saxiixsan Ducadaan:-

( ذهـب الظمـأ وابتلـت العـروق وثبت الأجـر إن شاء الله ),

waxaana Wanaagsan Ducadaan iyo waxii kale ee uu Rabbi Weydiisanayo Adduunyadiisa iyo Aaqiradiisa inuu ku Ducaysto.

======================================

(ILAAHOOW SOONKA KHEERKIISA NA SII)
W.Q:- Macoow Ustaad.

Akhriso Oo Ka Faa’ideyso Acmaasha Ugu Kheerka Badan In La Sameeyo Bisha Ramadaan Gudaheeda..

Walaalayaal waxaan isku Dayeynaa Insha Allaah inaan wax ka Tilmaanno Acmaasha Wanaagsan ee Haboon inuu ku Dadaalo Qofka Muslimka ah Sameynteeda Maalmaha iyo Habeenada Bisha Ramadaan ee Barakaysan Anagoo Allaah Weydiisanayna inuu noogu Kaalmeeyo Acmaashaas Gudashadeeda, waxaana ka mid ah Acmaashaas, Qodobadan hoos ku qoran:-

1- In la Soomo.

2- In la Istaago Habeenka Salaad.

3- In Sadaqo la Bixiyo.

4- In Quraanka la Akhriyo.

5- In la Fariisto Masjidka ilaa Qoraxdu ka soo Baxeyso.

6- In lagu Nagaado Masjidka.

7- In la Cumraysto Ramadaanka.

8- In lagu Dadaalo Raadinta Habeenka Barakaysan ee Leylatul Qadarka.

9- Inla Badiyo Xusidda Alle.

10- In la Xiriiriyo Qaraabada.

QODOBKA 1AAD – IN LA SOOMO.

Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Dhamaan Camalka Bini’aadamka isagaa leh Halkii Wanaagba Toban Laabkiis ilaa 700 jeer loo Laalaabo Ajarkiisa, ilaahayse wuxuu leeyahay waa inta aan ka aheyn Soonka waayo Soonka Aniga ayaa ka Abaal Marinaaya wuxuu ka tagay waxey Naftiisa jecleyd oo dhan Cuntadiisii iyo Cabitaankiisiiba,

Daraadeey ayuuna uga tagay, Qofka Soomaa wuxuu Farxaa Laba jeer mid waa markuu Afuraayo midna waa markuu ilaahay la Kulmaayo Qiyaamaha, Qofka sooman Afkiisa Urta ka soo Baxeyso wuxuu ka Udgoon badan yahay ilaahay Agtiisa Carafta Miskiga. (waxaa wariyay:- Bukhaari iyo Muslim).

La Soco Qeybaha Danbe Maalinta Berri ah Haduu ALLE idmo

Su’aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?

Hooyooyin badan ayaa aaminsan in caanaha naasahooda in ay ku yaryihiin ilmahooda, sababtane waxay tahay iyagoo aaminsan waxyaabo qaldan oo ay ku ogaadaan in caanaha ay yaryihiin ama ay badan yihiin.

Tusaale ahaan, hooyooyinka qaar ayaa waxaa calaamad u ah in hadduu cunuggu dilqaynin in naasahooda caanaha ku yaryihiin.

Hooyooyinka qaar ayaa aaminsan in haddii naasaha aysan caano ka keeni karin markii cunugga afkiisa ka bixiso ay caano la’aan tahay.

Qaar baa aamisan haddii naasaha culees aysan ka dareemin in caanaha ay ku yaryihiin.

Intaasba waa qalad in wax looga qiyaas qaato.

Ilaahay wuxuu ugu talagalay hooyo kasta in cunuggeeda caano ku filan in uu naaska u galiyay, midda kale ma ahan macnaheeda in caanaha ay meesha ku jiraan markuu cunugga nuugane ay faaruqaayaan oo in ay soo buuxsamaan in loo sugo ay tahay.

Haddii hooyadu ay caafimaad qabto, badanaa naasaheeda way ku jiraan caano ku filan cunuggeeda, way dhici kartaa haweenka qaar in ay caanaha naasahood ku yaryihiin waxaana lagu ogaan karaa in weli ay arkayaan in cunugga uu baahan yahay ama ay dareemayaan muddo badan oo isku xigxigta in cunugga uu u baahan yahay in naaska la jaqsiiyo.

Kuwaas waxaa u keeni karo caana yarida waxyaabahaan soo socdo:
1- In hooyada naasaheeda ay yaryihiin oo aysan lahayn unugyada caanaha sameeya oo ku filan.
2- In hooyada ay qabto dhibaatooyin xagga hormoonnada sida in sonkor qabto oo kale ama ay qabto xanuunka thyroid-ka, dhiig-kar ama fiix ay ku leedahay ugxan sidaha oo soo deynayo hormoono.
3- In hooyada hadda kah or qalliin looga sameeyay naasaha.
4- In hooyada ay qaadato kaniini uur ka hortag.
5- In hooyada ay qaadato daawooyin yarayn kara caanaha naaska ama geedo daaweed.
5- In hooyada aysan garanaynin qaabka iyo sida cunugga loo jaqsiiyo naaska ama iyada qaab fadhiisadka uu ka qaldan yahay ama cillad abuuris xagga feerah ay qabto. (maxaa yeelay naasaha waxay sameeyaan caano intii uu u baahan yahay ama uu ka nuugo cunugga)
6- In hooyada aysan habeenkii cunugga nuujin (habeenkii oo aan la nuujin cunugga waxay keensanaysaa in soo saarka caanaha naasaha ay yaraadaan)
7- In hooyada ay cunugga ku bilawday wax aan caanaha naasaha ahayn maalmaha ugu hooreeyaba oo cunugga inta uu naaska ka cabayo ay yartahay sdiaasne soo saarka caanah ay ku yaraadeen.

Waxaa habboon oo hooyooyinka in lagula taliya ah in inta aysan go’aan gaarin in caanaha naasaha ay ku yaryihiin in la ogaado haddii ay jirto cillad yaraysay oo la xallin karo.
Waxaad kaloo ogaataa, caana yarida kuma xirna in hooayda ay cayilan tahay ama caato ay tahay.

Waxaan jeclaan lahaa hooyooyinka ku dagdaga in ilmahodoa ay caano xoolo ama caano warshad kula carara iyagoo naas nuujin kara in ay akhristaan faaidada ku jirta naas nuujinta: f

VIDEO:Wax Ka Baro Sakaatul fidriga & Muslimiinta

Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxammed, intaa ka dib. Islaamka wuxuu waajibiyey Arrimo laga doonayo qofka sheegta inuu la yimaado oo ay ugu horeyso Salaada, Zakada, Soonka iyo Xajka oo ah qofkii awooda sahay iyo gaadiid, intaasiba waxay qofka ku waajib noqonayaan markuu ku dhawaaqo shahaadada, qaar ka mid ah arrimahaasi waxaa dhacda in laga cafiyo qofka awood la’aan darteed, taas oo iyana noqon karta Soonka sida qofka xanuun aan caafimaad lahayn hayo ama gabow aan la soomi Karin ama haweeneyda uurka leh ama ilmaha nuujinaysa, iwm. Waajibyadaasi waxaa ka mid ah qaar aan marna iyo sinaba looga cafinaynin sida Salaada waxaa kaliya oo laga cafiyaa waa.
. Inuu yahay qof aan miyir lahayn.
Inuu caruur yahay.
Inuu hurdo ama halmaan uga tagtay
Salaada oo markuu soo kaco ama uu xusuusto laga doonayo inuu la yimaado oo soo gudo. Haddaba Zakada oo ka mid ah waajibyadaas waxay u qaybsantaa laba nooc oo kala ah.

Zakada xoolaha (Dahab, Qalin, iyo xoolo nool) oo leh laba shardi oo kala ah in xoolahaasi intaad haysatay uu ka soo wareegay sannad iyo inay gaareen xadigii(qiimaha) lagu bixin lahaa.

Zakaatul-Fidri oo bisha Ramadaan dhamaadkeeda la bixiyo ka hor intaan
Salaada Ciidda la tukanin. Waajibnimada Zakaatul-Fidriga Wuxuu oranayaa Cabdulaahi Bin Cumar Binul-Khadaab inuu Nabigu waajibyeelay Zakaatul-Fidriga (Zagada Soonka) dadka oo dhan (Muslimiinta ah) taas oo ah Suus Timir ah ama Qamadi ama Sabiib, waxay waajib ku tahay qof walba oo xor ama addoon ah, Lab ama dheddig ah, ku yar ama wayn. Sidoo kale dhamaan iskuma diidana Culumada Islaamku inay waajib tahay. Shuruudaha Zakaatul-Fidriga waa:

Inuu qofka bixinayaa yahay Muslim, kama marna dhinaca kale qofka la siinayo inuu yahay Muslim.
Qofka bixinaya inuu haysto wax ka badan cunnadiisa maalinta ciidda isaga iyo hadduu dad masaruufaba, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa iwm. In la siiyo ama ay gaarto miskiinka Zakadan intaan Salaada Ciidda la tukanin ka hor wixii uu qofku bixiyo salaada ciidda ka dib waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidri sida uu Nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee inooga sheegay xadiith saxiix ah.

Goormay waajib noqonaysaa in la bixiyo ? Waxay isku waafaqeen dhamaan Culumada Islaamka in la bixiyo wixii ka horeeya Salaada Ciidda ka hor, intee laga hormarinayaa? Waxay ka yiraahdeen haddalo badan waxaase fiican dadkeena dibada ku nool in wakhti la gaarsiin karo masaakiinta aynu sii bilowno uruurinta waajibkaasi si aanu hubaal ugu gudano waajibkaasi Ilaah inagu waajib yeelay.

Waxaad arkaysaa dadka qaar intaan Salaada la tukanin ku oranaya waxaanu wadnaa Zakaatul-Fidrigii sideenu yeelayaa?
Wakhtigaasi waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidri, sababtoo ah su’aasha meesha taal ayaa waxay tahay yaa gaarsiin kara miskiin wakhtigaas, haddii aanu ku noolaan lahayn dhulkeenii ama dhulka Muslimiinta kaleba waxaa sahal noqon lahayd inaanu helno miskiin la siiyo, laakiin hadda maya. Waxaa dhacda inaanu aragno dadka dibada ku nool hooyo kaligeed ah oo wadata ilmaheedii, aabihiina uu dhintay ama ay kala tageen, xaaladeedu maxay noqonaysaa?

Haddii ilmahaasi yihiin agoon isla markaasina ay hooyadaasi haysato xoolo waa inay Zakada ka bixisaa ilmaheeda ajar ayeyna ka helaysaa iyadoo ilmaheeda ay yihiin. Haddiise uu aabihii nool yahay isla markaasi ay ilmihii haysato hooyadood aabahaasi waxaa ku waajib ah inuu bixiyo Zakaatul-Fidriga hadduusan bixin isagaa hor Allaah ku dambaabaya loona haystaa, markaasi ay sidaasi tahay hadday hooyadu ka bixiso waxay leedahay ajarkeeda. Waxaa dhacda dadka qaar inay is weydiidaan ilmihii siqiirka ahaa ee dhintay ama dhiciska ahaa ma laga bixin karaa? Maya waajib kuguma aha waxaa kugu waajib ah qofka nool lab iyo dheddig ku yar iyo mid wayn wuxuu ahaadaba in laga bixiyo qof dhintay ama aan dhalanin oo uurka ku jira midna waajib kuguma aha inaad ka bixisid, laakiin haddii ilmuhu kuu dhasho bisha Ramadaan gudeheeda ama intaan la tukanin Salaada Ciidda waa inaad ka bixisaa Zakaatul-Fidriga. Sababta loo waajibiyey Zakadan ayaa waxay tahay in qofka Soonkiisii laga nadiifiyo wixii xumaan iyo wasakh ah ee gaaray, Allaah waxaanu ka baryeynaa inuu naga aqbalo Soonkeena, Salaadeenna,nagana dhigo kuwii liibaana adduun iyo aakhiraba.

WQ: Sh. Bashiir Yuusuf Shiil
Imaamka Masaajidka Khaalid Bin Al-Waliid,Toronto,Canada

Qiso Gaaban Oo Inoogu Filan Cibro Qaadasho – Fitnada Weligaa Ha Toosin..

Nin ayaa soo maray nin xakiim ah waxaa uu ka codsaday inuu la taliyo , waxa uu ku yidhi orod oo labada baabuur dhexdooda lugee oo laba saacdood maqnow, ka dibna igu soo noqo.

Ninki sidii ayu yeelay laakiin markii uu dhex marayay labada buurood dhexdooda ayuu dhalaal yar arkay oo ushiisa ku dhuftay qarax siigo badan kacayay ayaa dhacay, ka dibna wuu iska dhaafay. Wuxu gaadhay Awr meel barwaaqo ah dhex fadhiya oo aan waxba cunayn gaajo haddana la il daran.

Haddan wu iska dhaafay wuxu gaadhay awr meel barwaaqo ah daaqaya oo jidhkiisa bahalo cunayaan oo aan dareemayn isla markaana aan dhiig ka socon.

Markii uu soo noqday ee uu yimi ninkii ayuu sadexdii arimood u sheegay waxaana uu ugu jawaabay  , dhegaxan aad usha ku dhuftay waa fidnada way hurdaa lama toosiyo weliga iska jir fidno inaad sabab u noqoto, Awrkan barwaaqada ku dhex gaajoody waa bakhaylka sidaasi ayu xoolihiisa ug gaajoonaya cidna waxba uga siinayn. Awrka kale waa deeqsiga sidaas ayu xoolihii cuna, oo dadka kale u siinaya oo aanu dareemayn. Iska jir bakhaylnimada.

Dumar culimo ah oo soo saaray fatwo naadir ah

Culimo diinta Islaamka taqaana oo dumar ah ayaa soo saaray fatwo naadir ah oo ku saabsan carruurta la guursado.

Fatwadan oo aan sharci ahaan u dhaqangalaynin ayaa loo arkaa in ay saamayn wayn yeelan doonto, waxay ka soo baxday kulan saddex maalmood ka socday Indonesia oo ay lahaayeen dumarka culimada ah.

Dumarkan culimada ah waxay dawladda ugu baaqeen in ay da’da ugu hoosaysa ee ay gabdhuhu ku guursan karaan laga dhigo 18 halka ay hadda ka tahay 16.

Aqlabiyadda dadka Indonosia waa Muslimiin waxaana ka dhaca guurka ugu badan ee carruurta adduunka soo wajahda.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef waxay sheegtay in afartii gabdhood ee reer Indonesia ahba midood la guursado inta aysan 18 sano gaarin.

Shirkan wuxuu ka dhacay jasiiradda Java island, waxaana lagu tilmaamay kulankii koobaad ee ay haween intaas la eg oo culimo ah ay ka qaybgalaan.

Fatwooyinka si joogto ah ayaa looga soo saaraa Indonesia balse caadiyan waxaa soo saara guddiga culimada oo ah waaxda ugu saraysa ee arrimaha diinta Islaamka ee dalkaas, xubnaha gudigaasina badankood waa rag.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com