Home » MAXAA CUSUB (page 10)

MAXAA CUSUB

DHACDO CAJIIB AH: Muwaadiniin Chiness Ah Oo Laga Diiday Passbor-ka Ay Wateen Inay Kaga Soo Baxaan South Korea (Isbedelka Muuqaalkooda Ayaana U Sabab Ah)

Seddex Gabdhood oo u dhasheen wadanka Chine ayaa awoodi waayeen inay ka gudbaan Airpor-ka waqooyiga Korea , sababtoo ah muuqaalka jirkooda iyo midka u saaran passports ayaan isku mid ahayn.

Gabdhahaan ayaa qaliin ku sameeyey wajogooda waxaana ay taasi keentay inuu bedelmo muuqaalka wajogooda , sababtoo ah waxaa la fahmi waayey cidda ay yihiin.

Inta badan dumarka kunool wadamada qaar ee Asia sida China iyo Japan ayaa mararka qaar waxay aadaan South Korea si ay halkaas uga soo sameeystaan qaliin wajiga ah balse waxaa ku adkeeneysa inay soo laabtaan marka ay qaliinka wajiga isqurxinta ay soo dhameeystaan.

Dhibaatada ugu weeyn ee qaliinka lagu qabo ayaa ah inay bedelaan muuqaalka jirkooda gaar ahaan sanka , wajiga , bishimaha , camanka iyo meelo kale  arintaas oo dhibaato xoogan ku noqonkarto.

Dhamaan warbaahinada Korea ayaa laga hadal haayaa sheekadaan sababtoo ah waxaa mar walba leeys weydiinayaa inay dadkaan yihiin dadkii saxada ahaa ee dalka ku galay Pasbordka ay wataan.

Ugu dambeeyn dadkaan ayaa bad baaday sababtoo ah waxaa la helay warqadii cadeeyneysey inay qaliin mareen(plastic surgery certificates).

Maalin ka hor qalinjebinteeda ayaa la dilay

Musiibada ka dhalatay qarixii sabtidii ka dhacay Muqdisho ma ahan mid kooban. 276 qof oo qeybaha kala duwan ee bulshada isugu jira ayaa qaraxa ku dhintay.

Dhallinyaro, odoyaal, aqoonyahano, ganacsato iyo dad kale ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay qarixii ugu xumaa ee ka dhaca Soomaaliya.

Dad badan ayuu saameeyay, waxaana suuragal ah in qofkasta oo Soomaali ah in uu garanayo qof ku dhintay qaraxaas ama ehel la yahay.

Maryam (Alle ha u naxariisto)

Maryam Cabdullahi waxay ka mid ahayd dadka doonayay in ay ka faa’ideystaan aqoontii ay jaamacadda ka soo heleen.

Anfac Cabdullahi Maxamed oo la dhalatay Maryam ayaa sheegay, “Lambarkeeda ayaan wacay, markii koobaad waa la iga qaban waayay, waan ku celiyay, wiil baa iga qabtay, wuxuuna igu dhahay Alle ha u naxariisto gabadhii lambarkan lahayd waa mayd waxayna taallaa hotel ku yaalla Soobe hortiisa.”

“Qoyska aad buu uga murugooday. Aniga waxaa murugada iiga daran waalidkeyga; aabe iyo hooyo. Alle qalbigooda ha u wanaajiyo,” ayey tiri Anfac Cabdullahi.

“Aaabe wuu soo socday, wuxuu deganaa Britain Maanta ayuu ku soo aadanaa in uu Xamar ka soo dego, laakiin maysan dhicin in uu nolol ugu imaado ee geerideeda buu ku soo aaday, gacmihiisa ayuuna ku soo aasay,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac.

Maryam waxay dhameysay kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Banaadir, xafladda qalinjebinteedana waxay ahayd 15-kii bishan. Balse maalin ka hor xilligii ay shahaadada heli lahayd ayay ku dhimatay qarixii Soobe.

Maryam oo ku dhimatay qarixii Soobe iyo iyo Anfac oo walaasheed ah

“Maryam waxay ahayd qof ku deyasho mudan oo dadaalkeeda iyo howlkarnimadeeda ay ku beereen in ay jeclaato waa in ay dadka caawiso,” ayey sheegtay Anfac.

Maryam waxay ka shaqeyneysa cisbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna shaqo bilowday intii ay jaamacadda dhiganeysay.

“Waxay qorsheyneysay in ay bilowdo tababar ku saabsan taqasuska Hooyada iyo Dhallaanka iyo qalliinka la xiriiro. Waxay dooneysay in ay bilowdo ka dib xafladda qalinjebinteeda. waxay ahayd qof hammi leh,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac oo la dhalatay Maryam Cabdullahi.

Walaalaha wabiga iyo buuraha ka tallaaba si ay iskuul u aadaan

Si aad u daawato muuqaalkan waxaad u baahantahay barnaamijyadii ugu dambeeyay Chrome, Opera, Firefox ama Internet Explorer in kumbuyuutarka aad ku shubtid.

Haddii aad taleefoonka ka daawanaysid – waxaad u baahantahay barnaamijyadii ugu dambeeyay ee YouTube app / Android / iOS.

Grey line 2 pixels

Radhika iyo Yashoda ayaa maalin kasta iskuulkooda u gala safar qaadanaya lix saacadood. Waxa ay ku noolyihiin tuulo ku taala dhulka buuralayda Himilayas ee dalka Hindiya halkaas oo aysan jirin waddooyin iyo gaadiid.

Labadani gabdhood ma jiro wax caqabad ah oo ka hor joogsan karta in ay iskuulka tagaan, waxayna maraan dhibaato badan si ay waxbarashada u dhamaystaan.

Waji dhaqasho
Quraac

Subixii marka ay hurdada ka kacaan oo ay wajiga dhaqdaan waxa ay isku maaweeliyaan kaftan iyo qosol , balse hawsha hortaala ma ahan mid ciyaar ah.

Safarkooda iskuulka waxa uu ka bilaabanayaa lug, iyaga oo sii dhexmaraya kaymaha dhirtu magooshay, kadibna ka talaabaya wabiyada biyuhu haraacinayaan, iyo waliba buuraha dhaadheer ee ay adagtahay in la tafo.

Gabdhahan oo kala ah 14 jir iyo 16 jir ayaa waxa ay ka lix caruur ah oo safar dheer maalin kasta u aada iskuulka maalin kasta.

Tuulada Syaba

Aabayaashood ayaa subax kasta gacanta u haadiya, iyaga oo dhoolacadeynaya, balse aanan hubin waxa ay dariiqa kula kulmi doonaan.

Safarka waxa uu qaadanayaa illaa 3 saacadood sii socodka , iyo 3 saacadood oo soo noqodka ah, waana waddada kaliya ee loogu kala gooshi karo tuulada ay caruurtan degenyihiin oo lagu magacaabo Syaba ee gobolka Uttarakhand iyo magaalooyinka uu iskuulka ku yaalo ee Maneri iyo Malla.

Qariidada marka laga eego

Qeybta ugu daran ee safarka waa marka ay gudbayaan wabiga Bhagirathi , halkaas oo ay kala tallaabaan wiish ka samaysan xarko iyo biro la dhexgalo.

Waa shaqo u baahan xoog iyo tamar badan, sababtoo ah waa in ay iyaga jiidaan xarigga si wiishka uu u socdo, mararka uu roobka jiro xarigga waa ka culusyahay mararka kale, waxaana soo gaara dhaawac.

Xarigga ku xiran wiishka

Dadka tuulada waxa ay kaaga sheekeynayaan dhibaatada ay ka maraan wiishkan, qaarkood ayaa ku waayay farahooda, qaarkood ayaa ka dhacay.

Wabiga Bhagirathi

Gabdhahan waxa kale ee walwalka ku haya ayaa ah dharka iskuulka oo midabkiisu cadyahay, iyo wiishka oo leh oolyo madoow oo ay tahay in ay markasta ka illaaliyaan in ay dharka uga haloowdo.

Duurka baaxadda leh ee ay sii dhexmaraan ayaa isagana u keeni kara halis kale oo oo kaga imanaysa duurjoogta sida shabeelka.

Marka ay xarkaha jiidayaan

Illaa 200 oo tuulo oo kale sida Syaba ayaa ku yaala gobolkan oo 400 km u jira magaalada caasimadda ah ee Delhi.

Inta badan tuulooyinkan ma lahan wax waddo ah oo gasha, qaarkood oo yar ayaa leh waddo loo maro .

Yashoda waxa ay ku haminaysaa in ay noqoto booliis, halka Radhika ay doonayso in ay noqoto macalimad.

Labadan gabdhood waxa ay aad u jecelyihiin tuuladooda iyo deegaanka dabiiciga ah ee ay ku noolyihiin.

Muuqaalka qariidada ee Syaba iyo meelaha kale

Marka ay iskuulka usii socdaan waxa ay biyaha ka cabbaan biyo dhacyada. Sidoo kale marka ay fasaxa leeyihiin waxa ay deegaankan qurxoon ku ciyaaraan heesaha aflaamta Bollywood-ka iyaga oo jilaya atariishooyinka caanka ah oo kale.

Gurigooda ma lahan dhalo ama TV, balse guriga adeerkood ayuu mid u yaalaa, mararka qaarna dadka dhan ayaa dhaladaas hor fariista si ay u daawdaan.

Caruurta tuuladan ku nool waxa ay iskuulka kaga haraan sanadka 9aad, haddii ay tahay in ay waxbarashada sii wataan waa in ay halkan ka tagaan oo ay aadaan magaalooyinka waaweyn.

.

Buuraha dushooda oo ay sii maraan
Dagaandega buurta
Bocor ka baxa beeraha tuulada
Radhika
Iyaga oo ciyaaraya qolka dhexdiisa
Radhika iyo Yashoda oo la taagan waalidkood
Buuraha cagaaran ee Himilayas ee Waqooyiga Hindiya

Facebook oo iibsatay App toddobaadyo jiray

App-kan oo la dhoho thb oo laga soo gaabiyay “to be honest” ama “in daacad la ahaado” ayaa sagaal toddobaad oo kali ah jira, balse shan milyan oo jeer ayaa la dajistay.

Kuwii sameeyay App-ka ayaa sheegay in uu iskii u sii taagnaan doono balse uu hadda maalgalin badan ka heli doono shirkadda Facebook ee iibsatay.

“Waxaan ku qasbanahay in aan samayno siyaabaha ay nagu caawinayaan si aan u xaqiijino haddafka aan ka lahayn tbh, dad badanna ay noogu soo biiri lahaayeen” ayay tiri tbh.

Website tiknoolajiyadda ka warrama ee TechCrunch ayaa sheegay in App-kan cusub lakala siistay wax ka yar 100 milyan oo doolar, afarta ruux ee tbh gacanta ku hayayna ay ka mid noqon doonaan shaqaalaha Facebook.

Facebook oo war qoraal ah arrintan ka soo saartay ayaa sheegtay “in tbh iyo Facebook ay wadaagaan hadafyo isku mid ah taas oo ah in bulshada la isu keeno iyo in ay bulshadu ay wadaagto habab isu soo dhawaynaya.

In kabdan 2 bilyan oo ruux oo dunida ku kala nool ayaa Facebook isticmaala
Image captionIn kabdan 2 bilyan oo ruux oo dunida ku kala nool ayaa Facebook isticmaala

Gabadh wax ka qori jirtay dhaliisha Malta oo qarax lagu dilay

Gabadh caan ah oo qoraa ka ahayd Malta, xukuumadda jasiiraddaasna ku eedaysay wax isdabomarin ayaa ku dhimatay gaarigeeda oo qarxay, sida ay booliisku sheegeen.

Daphne Caruana Galizia oo 53 jir ahayd ayaa la sheegay in ay dhimatay ka dib markii gaarigii ay wadatay uu qarxay wax yar uun ka dib markii ay ka baxday gurigeeda oo ku yaalla Bidnija oon aan ka fogayn Mosta.

Warbaahinta gudahu waxay sheegtay in mid ka mid ah wiilasheedu uu maqlay qaraxa uuna bannaanku ku soo orday.

Ra’iisulwasaare Joseph Muscat oo ay Caruana Galizia horraantii bishan ku eedaysay wax isdabomarin ayaa cambaareeyay dilkeeda.

“Anoon ka labolabaynaynin ayaan cambaaraynayaa weerarkan arxandarrada ah ee lagu qaaday shaqsiga iyo xorriyatul qawlka,” ayuu yiri isga oo fariintiisa telefishinka laga siidaayay.

“Qof walba wuu ogyahay in Caruana Galizia ay si adag u dhaliili jirtay aniga iyo siyaasadaydaba, sida ay dad kalaba ku ahayd.

Daphne Caruana Galizia ayaa la sheegay in la dilay markii ay gurigeeda ka baxdayLahaanshaha sawirkaLINKEDIN
Image captionDaphne Caruana Galizia ayaa la sheegay in la dilay markii ay gurigeeda ka baxday

Laakiin wuxuu carrabka ku adkeeyay “in aan sinaba wax qiil ah loogu heli karin ficilladaas oo kale.

“Ma nasan doono inta caddaalad looga helayo arrintaas”.

Habeennimadii Isniintana kumannaan dad ah ayaa xuskeeda isugu soo baxay magaalda Sliema ee loo tamashle tago.

Tlefeshinka Malta ayaa baahiyay in Caruana Galizia ay booliiska dacwad gaystay labo toddobaad ka hor iyada oo sheegtay in loo soo hanjabay, balse wax faahfaahin ah kuma aysan darin.

Booliiska ayaa hadda billaabay baaritaan ku aadan dilkeeda.

Wargays ayaa ku warramay in burburka gaarigii ay wadatay oo kiro ahaa uu ku firirsan yahay waddada hareerteeda iyo goobaha ka agdhaw.

Booliiska iyo khuburada maydadka baara ayaa tagay goobta uu shilku ka dhacayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionBooliiska iyo khuburada maydadka baara ayaa tagay goobta uu shilku ka dhacay

U Gaar Ragga : 7-daan Arin Guurkaada Ayay Bur-buriyaan Ee Ka Taxadar Inta Aadan Waayin Gacalisadaada

Rag badan ayaa is weydiiya waxa durba ku keena fashilka guurkooda xittaa haddii ay dhacdo in waqti yar uun ay ka so wareegatay

Hadaba qubarada arimaha qoyska Maandeeq.net ayaa ku xasuusineysa in ay jiraan arimo yar oo durba fashlin kara guurkaada ee ninyahoow ka taxadar

* Inkastoo ay muhiim tahay tix gilinta waalidkaada hadana ma wanaagsana in go`aan waliba oo qoyskaaada ah in aad ula laabato waalidkaada .

* In aadan ihtimaam siin gacalisaadada oo aad iska indho tirto waayo gabarta waxa ay dooneysaa nin daryeela oo dhageysta

* In aadan laheyn hami , waliba uusana kugu jirrin qorshe ah in ujeedooyin badan oo qoyskaada ah aad ka mira dhaliso

* In maseerkaada(hinaase) badan yahay oo aad tahay shakiloow taasina waxa ay maandeeq.net ku leedahay guurkiina ayaa ku bur buraya
* In aad la haysto ka dhigto gacalisaadada

* Qiyaanada waa sababaha ugu weyn ee bur burkaqoyska keena

Ugu dmabeyn in aad u muujin ixtiraam oo aadan tix gillin aragtideeda waliba aadan ka qeyb gallin maamulka musatqbalkiina

Aqriste haddii warbixintaan ku qanacday ha iloobin in aad asxaabtaada Facebook iyo Whats Appla sii wadaagto

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com