Home » MAXAA CUSUB (page 20)

MAXAA CUSUB

Aabo Salaadan Aad Maalin Kasta Tukanaysid Miyaad Marna Iska Yara Dhaafi Karin… Jawaabtan Layaabka Leh Ayuu Ku Islaamay!

Aabo Salaadan Aad Maalin Kasta Tukanaysid Miyaad Marna Iska Yara Dhaafi Karin… Jawaabtan Layaabka Leh Ayuu Ku Islaamay!

Qisadan ayaa ah mid Layaab badan oo ka dhacday Dal kamid ah dalalka aysan
Muslimiintu aanay ku badnayn.

Wiil iyo Aabihiisa oo Gaal iyo Muslim kala ah ayaa aabihii oo aan
heysanin Diinta islamka wiilkiisa ku yiri , Aabo waqti walbo Salaadan
aad tukato waa imisa Maalintii , kolkaas ayuu ku jawaabay wiilkii Shan
waqti waaye aabo oo dhib malahane maad iska soo ilaamtid.

Aabihii ayaa ku jawaabay Maalin kasta waad tukanaa Salaadahan soo
ma’aysan soo noqonayaan salaad walbo xiliga beri xigta oo kale ,
Duhur walbo waqtigaan oo kale waad dukataa berina way imaanaysaaye soo
iskama dhaafi kartid.

Wiilkii ayaa si xikmadeysan uga jawaabay wuxuuna yiri aabo , Maalin
kasta Duhurkii iyo Habeenkii waqtiyo siman ayaad Cuntada cuntaa ,
waxaad joogteeysaa cabista biyaha , Bal kawaran Maanta hadii aad iska
deyso ood beri ka dhigato Cuntada.

Aabihii dhalay wiilka ayaa durbaba dareemay xikmada uu wiilkiisa ku
hadlay wuxuuna ugu Jawaabay Aabo waa sax la iskama dhaafi karo Cuntada
waayo masii noolaan karno hadii aanan biyo iyo Cuntada ku dadaalin.

Wiilkii oo aad u faraxsan ayaa ku jawaabay Salaada iyo Adkaaraha hadii
aan iska daayo sidaas ayeey nolosheydu noqoneysaa , Allihii cuntadaan
iyo Biyahaan si nabad kugu siiyey haku caasinin ayuu wiilkii aabihiis
ku yiri.

Nasiib wanaag Hanuunka Alle ayaa iska leh waxaa suurta gashay in
Odaygii uu sidaas kusoo Muslimo.

6 Dhibaato Ee Sabab U Noqda Burburka Xidhiidhka Lamaanaha!

6 Dhibaato Ee Sabab U Noqda Burburka Xidhiidhka Lamaanaha!

Nolosha guurka ayaa waxa kusoo kordhay baryahan dambe waxyaabo badan oo kala duwan, inta badan dhallintu marka ay is guursadaan ayaa waxa dhaca in markiiba hadana ay kala boodaan labada qof, waana arrin muruugo leh in ay waqti yar gudahiis ku fikiraan in ay kala tagaan labada qof, iyaga oo ku sababaynaya in ay noloshoodu soo taabatay bartii dhammaadka oo isla markaas aanay wax iskugu hadhay jirin haba yaraaate.

Iyada oo sidaas ah ayaa hadana akhristaha sharafta mudanoow waxa ay markaste faaido u heellan tahay sidii ay bulshada uga haqab tiri lahayd dhinacyada nolosha oo idil, isla markaasna ay xal ugu heli lahayd wax kaste oo dhibaato u leh bulshada ku hadasha afka soomaaliga meel kastaba ha joogane, maantana waxaanu idiin soo xulnay 6da dhibaato ee ugu waawayn ee soo food saara lamaanaha nolosha wadaagaya, ka faaidaysi wacan:

1. Isu dhiibida dhibaatooyinka:

Iyada oo laga yaabo inay labada lamaane isu hayaan jacayl aad u wayn ayaa hadana waxyaabaha xidhiidhkooda taag darreeya waxa kamid ah isku dhiibida iyo ka war wareega dhibaatooyinka soo food saara.

waxaana in badan dhacda inaynu aragno laba qof oo aad isu jecel, marka ay nolosha guurka bilaabaan muddo yar uun ka dib in ay markiiba soo food saaraan dhibaatooyin hor leh hana u badnaato is af garasho la’aan dhexdooda soo hawaarsataba e, taasi oo laga yaabo inay isu dhiibaan dhibaatooyinkaas oo ay iska dhaadhiciyaan inaanay xallin karin.

2. Wajiyada beenta ah oo meesha ka baxa:

Dhibaatooyinka ugu waawayn ee soo food saara lamaanaha iyana waxa kamid ah is badalka ku imaada labada dhinac ama hal dhinacba kadib marka ay is guursadaan, iyada oo ay dhalinyarada qaar adeegsadaan wajiyo been ah si ay u helaan qof ay raadsanayaan, wax aanay ahayn na iska dhigaan sidii ay muraadkooda u gaadhi lahaayeen, mana ogsoona in ay jiraan dad wajiyadooda dhabta ah ku raaci doona oo raadinaya noocaas ay igayu yihiin, taasina waxay keenta in waqti yar gudahood ku fashilmo xidhiidhka u dhaxeeya labadaas qof.

3. Dareenka in lagu dagdagay guurka:

Waxa jira in marmarka qaar lamaanuhu ama midkoodba dareemo in ay ku dagdageen go’aanka guurka oo ay ahayd inay markii hore ka fiirsadaan, taasina waxay u badan tahay dhibaatooyinka ay dareemaan labada lamaane bilo yar uun ka dib marka arooskoodu dhaco, waxaa dhacda in marmarka qaar uu mid kamid ah lamaanuhu aad u dadajiyo hawsha guurka sidii uu uga baxo dhib uu ku jiray markii hore, sida qof uu jeclaa uu rabo inuu illaawo, taasina waxay dhibaato hor leh ku keentaa noloshiisa cusub.

4. Kalsooni darro:

Kalsooni la’aanta iyo wax kala qarsashada ayaa waxay tahay dhibka ugu wayn ee lagu kala tago sababtiisa, waxaanay labada lamaane galisa dareen ah in aanuu qofkani rabin ama raali ka ahayn xidiidhka dhex maraya.

5. Is fahan darro:

Hadii ay dhibaatooyin imaadaan waxa muhiim ah in qaab loo xalliyo, hadii is khilaaf yimaadana waxa lagama maarmaan ah in la helo meel dhexdhexaad ah oo la isku afgarto, isu tanaasul la helo, hadii sidaas la helana waxaa hubaal ah in aanay waxba xumaanayn.

6. Ku dagdaga go’aanka:

Go’aanka guurka ayaa waxa uu yahay waxyaabaha ugu waawayn ee ay tahay inay labada qofba si fiican uga fikiraan, aadna ugu fiirsadaan, waayo waa bilawga nolol cusub oo aad uga duwan tii hore, waa qorshaha mustaqbal iyo caruur haduu Allah idmo, sidaas awgeed waxa muhiim ah in uu qofku ka fiirsado inta aanuu guur ku dhaqaaqin kahor.

Hadaanu nahay bahda Faaido waxaanu idiin soo gudbinay 6 dhibaato oo sabab u noqda in uu burburo guriga cusub ee labada qof yegleelaan, waxaana aanu kula talinaynaa dhamaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan kuwa afsomaliga akhriya in ay wax caadi ah tahay dhibaatooyinka soo food saara lamaanaha inta ay nolosha wadaagayaan, loona baahan yahay in xal loo sameeyo loona samro, intaas oo dhan kahorna loo fiirsado wax kaste oo lagu dhaqaaqayo.

Markuu sidaas u guursaday ayuu bilaabay inuu masaajidka laasimo, maxay ku samaysay?

arkuu sidaas u guursaday ayuu bilaabay inuu masaajidka laasimo, maxay ku samaysay?

 

Hooyo ayaa gabadhii uu wiilkeedu qabay ku tidhi: Waxaa kuu suurto gashay inaad wiilkayga ka dhigto mid joogteeya inuu salaada masaajidka ku tukado, waxaad ku guulaysatay 30 cisho kaliya waxaan anigu 30 sanno ku guuldarraystay! iyada oo ooyaysa.

Gabadhii wiilku qabay ayaa waxay tidhi: Hooyo ma maqashay sheekada dhagaca iyo dahabka??

Waxa jiri jiray dhagax aad u wayn oo wadada dadku maraan xidhay, maalinkii dambe ayaa nin kamid ah dadku dar Ilaahay u go’aansaday inuu dhagaxaasi wadada ka suuliyo, waxa uu isku dayay inuu jajabiyo dhagaxii, waxa uu dubbe la dhacay 99 mar kadibna wuu daalay.

Nin ayaa isaga oo fadhiya soo maray markaasuu ku yidhi keen saaxiib ku caawiyee, inta uu dubbihii ka qaatay ayuu hal mar ku dhuftay kadibna waabuu kala dhacay.

Waxa layaab noqday in uu dhagaxii markuu burburay kasoo daatay dahab fara badan, labadii nin ayaa isku qabsaday kadib waxay u tageen qaadi.

Kii koowaad ayaa yidhi: Badhkayga ha i siiyo ninkani, waxaan dhagaxa garaacay 99 mar kadibna waan daalay.
Kii labaad ayaa yidhi: Waa inaan sida uu dahabku u dhan yahay anigu wada helaa, waayo anigaa kala jabiyay dhagaxa.

Qaadigii ayaa waxa uu yidhi: Ninka koowaad waxa uu leeyahay dahabka % 99 halka uu ninka labaad ka leeyahay % 1, waayo hadii aanuu ninkani 99 mar garaaceen, dhagaxu muu burbureen.
Hooyadu waxa ay wiilkeeda la hadlaysay 30 sanno, bishii ugu dambaysay ayuu ka wareegay, sidaa awgeed ajarka inta badan iyada ayaa iska leh.

Cudur Halis ah oo Laga Qaado Gabaha siksaan la’aanta aad xirato

Haddii aad xirato kabaha, siksaan la’aan, waxaad halis ugu jirtaa in cagaha ay ku googo’aan.

Jaamacad laga barto cudurada haragga oo ku taalla London, waxay sheegtay in dhallinyarada uu ku batay cudurka ku dhaca faraha lugaha. Waxay taa ka dhalatay kabaha oo ay xirtaan siksaan la’aan.

Emma Stephenson oo dhaqtar ah ayaa sheegtay in ay aragto dhallinyaro aad u badan oo 18-25 jir ah, oo xirta kabo siksaan la’aan ah oo ay ka qaadi karaan xanuuno.

Arrinta iskaalsho la’aanta waxaa ku badan dadka caanka ah.

Waxaa ka mid ah fanaanka Sam Smith oo markastaa la arko asigoo iskaalsho ama sharabaad la’aan ah.

Singers and Songwriters Sam Smith and Jimmy NapesLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Sidoo kale dadka dharka xayeysiiya ayaa la arkaa ayagoo xiran kabaha ciyaaraha ama lagu ordo oo siksaan la’aanna ah.

Tinie Tempah wuxuu ku guuleystay ninka ugu lebiska fiican, wuxuuna maalin kaste dadka soo hor istaagaa isagoo siksaan aan xirnayn.

Balse miyuu garanayaa in arrintan ay caafimaad daro leedahay?

Tinie TempahLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionTinie rocking, ninka aan xirnayn siksaanta

“Dhidibka badan iyo kuleylka wuxuu sababa caabuqa faraha ku dhaca ee fangas,” ayey tiri Emma Stephenson.

Sida ay qabto Emma, dhibaatada ka dhalata soksi la’aanta waa mid aysan ku farxin dhallinyarada waxa cusub raadinaya.

“Mid ka mid ah dhibaatadii ugu xumayd ee aan arkay waxay ku dhacday nin 19-jir ah oo ka shaqeynayay meel gawaarida lagu sameeyo. Wuxuu yeeshay lugo dhidid badan oo dil-dilaacay.”

Dabcan, way adag tahay in qof la mid ah Conor McGregor oo feeryahan caan ah loo sheego in fangas uu ku dhacay, maadaama uusan siksaan xiran.

UFC champion Conor McGregorLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Hadaba, haddii aad dooneyso in aan ku socoto cago bannaan oo caafimaad qaba, seddax talo ayey Emma kuu haysaa:

Waxkastaa waa casri. Marka iska yaree muddada aad xirnaaneyso kabo, siksaan la’aan.

Cagahaaga ku buufi daawada jeermiska disha ka hor intaadan kabaha xiran.

Eeg meelkastoo ku xanuunta, dhaqtarna la tasho.

DAAWO: Mucjiso Nin Somali ah Oo La Nool Waraabaha Iyo Sheeko Dhexmarta

Wariye Cabdisalaam hereri ayaa dhawaan wuxuu la kulmay nin la sheegay in uu waraabaha la hadlo xidhiidh fiicana uu la leeyahay waraabaha.

 Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Nuur Amare ayaa wuxuu sheegay in uu sifiican u fahmo waraabaha ama dhurwaagu marka uu ciyayo isagoo yarna haybad loo siiyay.

Xasan ayaa wuxuu ka warbixiyay arrimo Diiniyan dadka ka yaabiyay oo in badan oo dadka kamid ah ka jaha wareeriyay.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka:

Arrintan ugu yaabka badan ayaa waxay tahay godad uu sheegay in ay yihiin 28 god oo midba macno gooni ah u taaganyahay isla markaasna uu ku xidigiyo.

Xasan ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in uu ku xeeldheeryahay daawo dhaqameedka ama daawo dhireedka wuxuuna daaweeyaa dadka iyo xoolaha intaba.

Xasan ayaa wuxuu sheegay sidoo kale in uu dadka dabiibo isagoo ku akhriya quraan gaar ahaan mucawadataynka balse wuxuu sheegay mararka qaarkood in uu la hadlo qolyo ay is afyaqaanaan isla markaasna ay xaliyaan arrinka kooxaha ku madax adkaada.

Xaaskii Hore ee Trump oo Ku Kajantay Inay Tahay Marwada 1-aad

Xaaskii hore ee madaxweyne Donald Trump ee Ivana, ayaa Isniintii ku kaftantay inay tahay marwada koowaad maadaama ay ahayd xaaskii u horreysay ee Trump.

Melania Trump, oo ah marwada koowaad ee dhabta ah ayaaney arrintaasi farxad galinin.

Wareysi ay warbaahinta ABC barnaamijkiisa Good Morning America, la yeeshay Ivana Trump ayay ku sheegtay in inkastoo ay haysato telefoon toos ah oo ay Aqalka Cad kula hadasho, ay haddana isku dayeyso inaysan aad u wic wicin ninkeedii hore, maxaa yeelay bay tiri “ma doonayo inaan keeno wax hinaaso ah ama wax la mid ah maxaa yeelay waxaan ahay marwadii u horreysay ee Trump. waxaan ahay marwada kowaad waa sax.

Afhayeenka Afhayeenka Melania Trump, Stephanie Grisham, ayaa hadalkan ugu yeertay “inuu yahay mid lagu raadinayo in lagu soo jiito indhaaha shacabka.

Grisham ayaa sheegtay in marwada koowaad “ay jeceshahay inay ku noolaato Washington, DC sharfna ay u tahay doorka u yeelatay inay noqoto marwada koowaad ee Maraykanka. Iyadoo sheegtay in Malenia ay qorsheyneyso in darajadeeda iyo doorkeeda ay u adeegsato inay ku caawiso carruuta, laakiin aanay ku iibin buugaag.

Ma cadda in madaxweynuhu uu ka warqabay xaaladdan. Wuxuu maalintii Isniinta ciyaarayay cayaar golf ah oo uu la yeeshay Senator ka tisan xibiga Jamhuuriga ee Lindsey Graham.

Madaxweynuhu waxa uu guursaday Ivana Trump sanadkii 1977-dkii waxaana ay kala tageen 1992-dii. Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah oo kala ah, Donald Trumka yar, Ivanka iyo Eric.

Ivana Trump ayaa hadda wadda buuggeega cusub ee ay uga hadleyso korinta ilmaha Trump ee la yiraahdo Raising Trump.

Melania waa xaaskii saddexaad ee uu guursado Trump iyo hooyada Barron Trump.

Gabar Toban jir ah oo Adeerkeed Kufsi ilmo uga dhalay Magaalada K…

Gabadh yar oo reer Hindiya ah oo la kufsaday iyadoo 10 jir ah ka dibna gabadh dhashay bishii Agoosto, waxaa ilmaha ka dhalay mid ka mid ah adeeradeed, sida ay booliisku sheegeen.

Booliiska ayaa dacwado ku soo oogaya ninka laga shakisan yahay – oo ah adeerkeed, isaga oo ku eedaysan in uu kufsaday gabdha yar.

Adeerkeed ayaa xabsi ku sii jiray laguna dacweeyay in uu gabdha kufsaday.

Balse booliiska ayaa billaabay in ay baadigoobaan nin kale oo adeer u ah gabadha, ka dib markii uu is yeelan waayay dheecaanka hidasidaha adeerka xiran iyo gabadha yar ee bilooyinka dhallan.

Neelambari Vijay oo masuul ka ah baaritaanka ay booliisku wadaan ayaa BBC-da u sheegtay in aysan ku dagdagaynin in ay dacwado ku soo oogaan adeerka labaad oo ah wiilka ka yar ninka adeerka u ah gabadha ee xabsiga ku jira.

“Waa run oo hidda sidaha DNA-ga loo yaqaanno waxay isku mid noqdeen midka adeerka labaad”. Ayayse tiri.

Hindiya waxaa ku nool 400 milyan oo carruur ahLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionHindiya waxaa ku nool 400 milyan oo carruur ah

Maxkamad deegaankaas ku taalla ayaa dacwaddan dhagaysan doonta galinka dambe ee Talaadada.

Adeerkii marka koobaad la qabtay ayaa ku sii jiri doona xabsiga maadaama oo la rumaysan yahay in uu gabadha kufsaday.

Dhacdadan murugada badan ayaa toddobaadyo haystay ciwaannada saxaafadda adduunka iyo midda Hindiyaba, sida ay ku soo warramayso weriyaha BBC, Geeta Pandey oo ku sugan Delhi.

In gabadha yar ay uur tahay waxaa la ogaaday bishii Luulyo, markii ay ka cabatay in ay calooshu cuncunayso, waalidkeedna ay isbitaal geeyeen.

Maxkamad ku taalla Chandigarh ayaa diiday in la soo rido ilmaha uurka ku jira, ka dib markii gudi dhakhaatiir ah ay sheegeen in hawshaas ay halis aad u badan ka dhalan karto.

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Hindiya ayaa sidoo kale ayiday go’aankaas iyadoo u cuskatay isla talada dhakhaatiirta.

Sharciga dalka Hindiya ma ogola in ilmaha la iska soo xaaqo marka uu 20 todobaad dhaafo, haddii aysan dhakhaatiirtu caddaynin in nolosha hooyadu ay halis ku jirto.

Laakiin sannadihii u dambeeyay maxkamadaha waxaa soo gaarayay dacwado racfaan lagaga qaadanayo go’aankaas, si la isaga soo xaaqo uur 20 bilood ka badan jira, sababtuna waxay tahay in carruurta qaarkood aysan is ogaan karin in ay uur qaadeen.

Qolyaha xuquuqda carruurta u dhaqdhaqaaqa oo si joogta ah ula kalmi jiray hooyadan toban jirka ah ayaa sheegay in ay ogaansho la’aantaas tahay waxa ku dhacay gabadhan yar.


Baaxadda ay leedahay tacaddiga Hindiya ka dhaca

Ilmo 16 sano ka yar ayaa 155 daqiiqo ee kaste la kufsadaa, 13kii saac ee kastana ilmo 10 sano ka yar

In kabadan 10,000 oo carruur ah ayaa la kufsaday sannadkii 2015kii.

240 oo milyan oo gabdhood oo ku nool dalka Hindiya ayaa la guursaday iyaga oon gaarin 18 sano

53.22% carruurta dhigatay iskuullada dawladda waxay sheegeen in lagula ka cay noocyo ka mid ah tacaddiyada

50% dadka tacadiyada gaystay waa qof ay carruurta is yaqaannaan ama waa kuwa xannaaneeya.

Xigashada macluumaadkan: Dawladda Hindiya iyo Unicef

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com