Home » MAXAA CUSUB (page 3)

MAXAA CUSUB

Hay’adda caafimaadka Adduunka Oo Sheegtay In Fayrus Dilaa Ah Oo E Eg Ebola Uu Ka Dilaacay Meel U Dhexeysa Uganda iyo Kenya ::

Hay’adda caafimaadka adduunka ee ‘WHO’ ayaa shalay oo jimco ahayd soo saartay warbixin sheegeysa in Feyrus halis ah oo dilaa ah oo lagu magacaabo ‘Marburg Virus’ uu ka dillaacay Bariga Uganda meel u dhow xuduudda dalkaasi la wadaago Kenya.

Waxa ay sheegtay hay’addu in ay la shaqeyneyso kooxaha caafimaadka Uganda si loo baaro Feyruskan naadirka ah ee dilaaga ah, iyadoo illaa iyo haatan la xaqiijiyay in ay u dhinteen 2 qofood, halka boqolaal kalena oo la ildaran xanuunkanna laga soo sheegay goobaha caafimaadka, waxaana goobta cudurkani ka dillaacay ee Kween ay 300km kaga beegan tahay waqooyi bari ee caasimadda Kampala.

Xaaladdii ugu horreysay ee Feyruskan ayaa machadka Feyruska baara ee Uganda (Uganda Virus Research Institute) uu ku dhawaaqay 17-ka bishan Oktoobar waxayna ahayd haweeney 50 jir ah oo u geeriyootay cudurkan.

Xanuunkan ayaa u eg cudurka Ebola, waxaana qofka ku dhacaya Qandho, matag iyo dhiig bax oo loo dhimanayo.

Baaritaan ayaa weli lagu wadaa Feyruskan ‘Marburg’, iyadoo magaca uu xambaarsan yahay xanuunkani asalkiisu ka yimid magaallada Marburg ee waddanka Jarmalka sanadkii 1967-kii, halkaas oo ay ku geeriyoodeen shaqaale Jeermiska Feyruskan ka qaaday Daanyeerka Cagaaran ee Afrika oo ay meel shaybaar ah ku baarayeen.

WARBIXIN: Golmaal Again Iyo Lacagaha Laga Rajeeynayo Maalinta 2aad Inuu Shaqeeyo Iyo Suurta-galnimada Rikoorada Uu Jebindoono.

Todobaadkaan dabaal dega Dilwali In dadka Bollywoodpka ay daawadeen filim cajiib kaas oo ah filim shactaro badan , sidoo kale filimkaan waxaa uu yahay mar walba filim xamaasad leh oo shactaro badan.

Golmaal Again ayaa maalintii labaad saaran tiyatarada aduunka waxaana filimkaan uu noqday flim taxanihiisa ay dadka aad u jeclaadeen.

Golmaal Again oo Ajay Devgan hogaaminaya ayaa maalintiisa koowaad Bollywood-ka ku bilowday sis are leh , waxaana fiimmkaan sidoo kale laga yaabaa inuu saameeyn xoogan ku yesho Box Office-ka.

Filimka Golmaal Again ayaa maalintii koowaad ee lasaaray tiyaatarada waxaa uu shaqeyey lacag dhan 30.14 crores taasi oo ka dhigan inuu noqday filimka 2aad ee India lacagah ugu badan ka shaqeeyey , sidoo kale waxaa uu noqday filimkii labaad ee Ajay Devgan usoo xareeyey lacago badan kadib Singham Returns kaas oo shaqeeyey 32 crores.

Sidoo kale filimkaan ayaa noqday filimka 3aad ee maalinta Dilwali lasaaro tiyaatarada India hadana keenay lacag badan , waxaa keliya ka horeeyaan laba filim oo kale.

Saadaasha iyo lacagaha laga soo saaridoono maalinta kowoaad ayaa lasaadaalinayaa, waxaana la saadaalinayaa in fiimkaan labada maalin marka la isku daro lacagah uu shaqeeyey inuu noqondoono 58-59 crores.

Taasi oo ka dhigan in maalinta koowaad ee filimkaan uu shaqeeyndoono lacago gaarayaan ku dhowaad 28-29 crores.

Jilaayaal caan ah ayaa filimkaan kasoo muuqdeen waxaana kamid ah Ajay Devgn, Parineeti Chopra, Arshad Warsi, Shreyas Talpade, Tusshar Kapoor, Kunal Kemmu, Sanjay Mishra, Tabu and Johnny Lever.

DARAASAD: Immisa Saacadood Oo Hurdo Ah Ayaa Habeenkii Ku Filan Ruuxa Bani’aadka & Faa’idada Hurdada Habeenkii

Daraasad cusub ayaa la sameeyey taasi oo muujineysa muhiimada uu bani’aadamka u leeyahay jiifka habeenkii,waxaana la sheegay haddii uu kaa qaldamo jiifka habeenkii inaad dhibaato ku sugan tahay.

Waxaa macquul in dad badan aysan habeenkii helin hurdo ku filan sidoo kale dadkaan waxaa ay inta badan sameeyaan inay soo jiidka waqti ku qaataan.

Wax ka badan 1,000 oo u dhashay wadanka America ayaa lagu sameeyey daraasadaan , waxaana kasoo baxday natiijo cajiib ah.

Daraasadaan waxaa sameeyey mahadcadka arimaha bani aadamnimada ee Mattress Brand iyo sidoo kale waxaa  ku lug yeeshay qaar kamid ah odiyaashii hore.

Qof walba  ayaa lagu sameeyey waxaana la ogaaday in haweenkii hursada ay u baahan tahay in la hagaajiyo.

Qaar kamid ah dadka ugu mashquulka badan aduunka waxaa ay u jiifanayaan daal dartiisa , waxaana daalkaas ku qasbaya inay siyaabo kala duwan u jiifsadaan.

Daraasdaan waxaa ay sheegeysaa dadka habeenkii aan seexan hurdo ku filan inaysan helin caafimaad taam ah , waxaa laga doonayaa inay seexdaan habeenkii ugu yaraan 8 saaacadood.

Kadib markii natiijada la ogaaday waxaa qof walba la weydiiyey su’aasha dhabta ah iyo sida ay wax u socdaan, waxaana la sheegay inay iyagoo fir fircooni dareemaan , waxaa uu sidoo kale qofka uu helayaa Energy ku filan.

Ugu dambeeyn Qubarada sameeyey daraasadaan waxaa soo jiidiyeen in hursada habeenkii ay ka caafimaad badan tahay hurdada maalintii.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com