Home » MAXAA CUSUB (page 30)

MAXAA CUSUB

Waxbadan ka ogaaw xanuunada laga dhaxlo hurda yarida.

Hurdadu waxey muhiim u tahey guud ahaan nolosha Aadamaha, hurdo yaraantuna waxey keentaa dhibaatooyin badan oo xag caafimaad iyo xag muuqaal ahaanba laga dareemi karo.

Waxaaney dhibaatadani wax yeelo badan gaadhsiisaa shaqsiga marka ay muddo badan jirto ee seexan waa ku dhaco qofka bani aadamka ah.

Dhibaatooyinka waaweyn ee laga dhaxlona waxa ka mid ah, daal iyo tabcaan, caajis, madax wareer, cadho iyo jidh-xanuun. waxa intaa dheer xanuuno waaweyn oo ay kamid yihiin xusuus-guur, waali iyo haliso kale oo badan, hadaba qormadan waxeynu ku faaleyn doonaa qodobadaa oo faahfaahsan.

Dhimasho Dagdag ah: cilmi baadhisyo badani waxey cadeeyeen in dhimashada kusoo boodada ah ee loo yaqaan mawtalqafle uu ku badan yahey dadka hurdada yar amaba aan si fiican u seexan marka loo eego dadka seexda saacadaha loogu talo galey.

Shilalka baabuurta: hurdo yaraantu waxey keentaa in uu maskaxda jiheeyihii ka daciifo iyo daal badan taas oo qofka dhaxalsiin karta inuu naftiisa iyo nafo kaleba galaafto.

Caafimaadka: hurdo yaraantu waxey si toos ah u curyaamisaa caafimaadka iyadoo keenta cuduro badan amaba u saamaxda inay jidhka si sahlan u soo galaan kadib markii uu daciifo difaacii loogu talo galay, cuduradaas waxa ka mid ah.

Macaan
Maskaxda oo qaybi shaqeyn waydo
Cudurada wadnaha
Wadna istaag
Dhiig kar
Fahan la,aan: marka ay hurdadu yaraato waxa hoos u dhacaya heerkii soo jeedka kaas oo keenaya inuu yaraado fahanka iyo cilmi korodhsigu

Buurni: hurdo yaraanta waxey keenta hilib siyaado ah, kaasi oo ka dhasha khalkhal ku yimaada hoormoonada sheega dharaga iyo gaajada, kaas oo uu bato hoormoonka gaajada sheegayaa si siyaado ah wax loo cunayo

Saameyn jidh ahaaneed: habeen kaliya ood soo jeedo ayaad wajigaaga ka dareentaa daal iyo indho godgodnaan, haddii aan la helin hurdo ku filan waxa dhaca is badal ku yimaada dubka waxaana ka mid ah Haaraha, Coodhcoodhka iyo godad ku sameysma wajiga.

Ilawshiiyo: maskaxda Aadamuhu waxey leedahay laba kayd oo kala ah mid ku meel gaadha iyo mid rasmiya, wax kasta waxa la geeyaa kaydka ku meel gaadhka ah inta uu qofku soo jeedo, marka laseexdo ayaa wixii loo baahnaa loo gudbiyaa kaydka rasmiga ah, haddii aan la helin hurdo ku filana waxa dhaceysa in la haleeliba waayo kaydkii rasmiga ahaa, macluumaadkiina ay si sahlan u lumaan.

W/Q: Hibo Ciise

8 Faaido Oo Ku jeclaysiinaya Cunista Digirta

Digirta oo marka la kariyo Soomaalida qaarkood u taqaano “Canbuulo”, waxaa lagu sheegay faa’iidoyin cajiib badan oo caafimaadka iyo horumarka jirka bini aadimka qeyb weyn ka qaadata.

Waloow ay Soomaali badan caado u tahay cunista digirta isla markaana ay dalaga ay beertaan ugu horeyso, halka qaar kalena ayba dhankooda caay ka tahay, hadana waxaa lama huraan ah in bulshadu ogaato loona iftiimiyo faa’iidooyinka qarsoon ee digirtu leedahay, hadii uu qofku ogaan lahaana wuu joogtayn lahaa ugu yaraan todobaadkii 3 jeer.

Hadaba warbixintaan oo aynu kasoo xiganay wargeyska livestrong ayaan isku dayi doonaa in aan soo koobno wax yaabaha ugu muhiimsan uguna faa’iidada badan ee digirtu u leedahay dadka daneeya caafimaadkooda iyo horumarka noloshooda.

1- Digirta waxaa ku jira Vitamins iyo Minerals kuwaasoo ah laba shey oo ka mid ah rukniyada jirku ku shaqeeyo, waxaa gaar ahaan digirtu qani ku tahay Vitamine B, kaasoo dhiiga cas iyo hagaajintiisa qeyb weyn ku leh.

2-Digirtu waxey qani ku tahay Fiber, kaasoo howlihiisa ay ka mid yihiin isku socodka iyo u qeybinta jirka cuntada uu qofku cuno. Digirta waxay ka hortagtaa calool fadhiga.

3-Digirtu waxay qani ku tahay iron sidaas darteed waxay ka hortagtaa dhiig yarida, tani waa sababta lagula taliyo hooyooyinka urka leh iyo caruurta oo u baahan iron badan in ku dadaalaan cunista digirta.

4- Digirtu waxey qani ku tahay Protein baruur la’aan ah, taasoo la macno ah in aad heleyso Protein kugu filan adigoo jirkaaga wax baruur ah aysan kusoo kordhin.

5- Digirtu waxay sidoo kale buuxin kartaa booska khudaarta iyo Fruits-ka.

6- Waxay la dagaalantaa xanuuno ay ka mid yihiin kansarka, dhiig karka iyo wadne xanuunka: Qiimaynta tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday inay digirtu kala tacaasho unugyada jirka in cudurka kansarku ku samaysmo iyada oo unugyadan loo diidayo inay tarmaan, waxa kale oo ay hoos u dhigtaa koritaanka baraha iyo finanka waaweyn ee maqaarka dibadda uga soo baxa.

Cilmi-baarayaal ka tirsan Harvard School of Public Health ayaa baaritaan ay sameeyeen ka dib ku sheegay in dumarka ugu yaraan todobaadkii laba jeer isticmaala digirta ay 24% uga badbaadi karaan inay jeeshaan kansarka naasaha ku dhaca. Darsin daraasado ah oo hore loo sameeyey ayaa digirta ku xiriiriyey inay hoos u dhigto halista cudurka wadnaha, macaanka nooca 2aad, dhiig-karka iyo cudurka kanskarka ee ku dhaca naasaha iyo malawadka.

7- Waxay wanaajisaa xusuusta: Digirtu waxay kobcisaa xusuusta sababtoo ah waxaa ku jira Vitamin B1 oo muhiim u ah unugyada maskaxda gaar ahaan kuwa garashada qaabilsan

8- Digirtu waxay yaraysaa cayilka: hadii aad hilib leedahay oo aad digirta ka dhigato qeyb muhiim ah oo raashinkaaga ka mid ah waxaad dareemeysaa hoos u dhac, hadii aadan marka horeba buurneyna waxaad ahaaneysa qof jirkiisu Protein  ku filan helo isagoo aysan jirkiisa ku saa’idin duhunta iyo cadiinta (baruurta)

Gabadh Mareykan Ah Oo Waalidkeed Maxkamad Ka Dacweysay Foolxumadeeda Awgeed 2Million Dollarna Magdhow u Dalbatay

Annabelle Jefferson oo ah gabadh 44jir ah oo u dhalatay dalka Mareykanka gaar ahaan California ayaa labadeeda waalid  dacwad kusoo dalacday maxkamadeed iyadoo kaga cabatay inay sabab u yihiin waalidkeed foolxumadeeda maadama oo muuqaalkeedu yahay mid ay labadooda ka dhaxashay midaasna ay sabab u noqotay in la furo sedex jeer bulshaduna ku caayan muuqaalkeeda.

 

Robert Jefferson, 82jir, and xaaskiisa Ruby Jefferson, 76jir

Annabelle ayaa tidhi “Labadooduba ilaa xad way foolxunyihiin arxan daro iyo qalad ayay ahayd inay caruur dhalaan oo muuqaalkoda foosha xun soo laba celiyaan”.

Waxay intaas ku dartay in ninkeedii u horeeyey markuu furayay maxkamada ka sheegey in subaxdii markuu wejigeeda arko lalabo qaban jirtey suuligana ku ordi jirey si uu u matago foolxumadeeda darteed waxayna tidhi “Hadalkiisa maan ilaawin wuuna i damqaa mar walba oon xasuusto”.

Waxaana xusid mudan in ninkeedi u dambeeyey uu ahaa nin aan aragiisu fiicneen oo 40% wax arki kara markii uu qalniin sameeyey ee aragiisu usoo noqday uu furey usbuuc ka dib muuqaalkeda awgeed.

Annabelle ayaa sheegtay inay sameyn doonto urur difaaca xuquuqda dadka ay isku xaalada yihiin ee muuqaalkooda lagu takooro ee raba inay waalidkood ka aargoostaan.

Qiso Cajiib ah Welibana Jaceyl Ah Dareen Culusna Xambaarsan “Qisada Maanta”.

Qiso jaceyl oo saameyneysa qof waliba oo aqriya ,qisadaan ayaa noqotay mid aad usoo jiidatay laabteyda igaarsiisayna heer xaadeyda ay istaagto intaan dunida Qiso Cajiib ah Welibana Jaceyl Ah Dareen Culusna Xambaarsan “Qisada Maanta”.

Qiso jaceyl oo saameyneysa qof waliba oo aqriya ,qisadaan ayaa noqotay mid aad usoo jiidatay laabteyda igaarsiisayna heer xaadeyda ay istaagto intaan dunida ku noolaa aqbaarada adduunka aqrinaayey Aallad kasto wax lagu qoro qisadan oo kale wali dhaayaheygu meyqaban
Waa qiso qof waliba uu qudhiisa la dhacaayo haddii qadarta ALLE iyo nasiibka uusiin lahaa ma uusan ka beyreen dariiqeeda

Qisadan oo aheyd mid u dhaxeysa wiil iyo gabar muslimiin ah kuwaa oo is jeclaa muddo dhan lix sano (سبحان الله) ayaa waxaa dhacday in mid waliba niyadiisa ay ku beeranto wal wal iskuna yiraah ALLE subxaanahu watacaalaa kama raalli ahan xiriirkaan aan ku dhisneyn shareecada islaamka asagoo mid waliba qudhiisa (nafsan ahaantiisa) go’aan ku qaatay in uu isaga tanaazulo arinka. midna kan kale lama uusan tashan labadoodiiba mid walibana waxa uu raacay wadadiisa isaga oo inankii isaga safray magaladii ay ku nooleed gacalisadiisa.
waxa ay ayaamaha socdaan waqtiga iyo waayahaba isguraan waxaa dhacday in wiilkii uu noqdo xaafidul qur’aan iyo daaci diinta islaamka faafiyo waxa uu sheegay wiilkii in uu mar waliba dareemayey xanuun ku wajahan kasoo dheeraanshaha gabadhii ay isjeclaayeen waxaana uu ALLE niyadiisa ku beeray in uu iska guursado si uu uga nafiso culeyskaan
waxaa uu arkay gabar aad uwanaagsan diiniyan iyo aqlaaqiyanba dadka ku hareersana ay aad u amanayaan gabadhaa oo iyadu madarasad ku dhex tiilay masjidka ku barta hablaha qur’aanka kariimka ee qowlkii EEBBE
inankii ayaa hooyadii usoo diray gabadha si ay uga soo eegto waxaana ay wiilkii hooyadii ugu bishaareysay in ay tahay gabar ay ka muuqato diinta islaamka nuurkeeda
durbadiiba waxa uu bilaabay inankii adeegyadii loogu talagalay guurka waxaana uu habeen yimid gurigii ay daganeyd inantii si uu u eego wajigeeda
gabadhii ayaa bilaawday in ay iska qaado indho shareerkii maxaaa dhacay?
Markii uu eegayba wajigeeda waxa uu ogaaday in ay tahay gabadhii uu jeclaa ee uu ALLE dartii isaga soo haajiray
iyadiina markii ay eegtay waxa ay ogaatay in maanta caalimkaan horfadhiya ee ka doonaayo guurka in uu yahay gacaliyaheedii hore halkaana waxa ku ahaaday wanaag oo idil

MUUQAAL: Gabadh Soomaali ah oo filimo dukumentari ah sameyso iyo waxa ku dhaliyey

Markanna waa warbixin ka mid ah taxanaha BBC-da ee100 dumar ah, taxanahan ayaannu diiradda ku saarnaa dhibaatooyinka haweenka caalamka haysta iyo sida xal loogu heli karo.

Maantana waxaan idiin haynaa wareysi aannu la yeenay gabadh Soomaaliyeed oo filimo dukumentari ah ku soo saarta afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga.

Fatxiya Maxamed Cabsiye, oo horay ugu soo shaqeysay xirfadda saxaafadda ayaa Mareykanka ku sameysa sheekooyin xiiso badan oo muuqaal ah oo uu ka mid yahay Dikumentari ay ugu magac dartay Riyadii burburtay, kaas oo ay ka sameysay dhalinyarada Soomaalida ah ee ku dhalatay Mareykanka misana Soomaali u aaday inay ku biiraan ururka Al-Shabaab.

Fatxiya waxaa wareystay weriyaha BBC-da ee Mareykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine oo marka hore waydiiyay waxa ku dhaliyay inay filimaanta sameyso.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com