Home » MAXAA CUSUB (page 4)

MAXAA CUSUB

KUFSI: Fannaanad Caan Ah Oo Sheegtay In tababaraha Koonfur Afrika Uu Kufsaday

Heesaaga caanka ah ee Jennifer Ferguson oo sidoo kalena noqotay xildhibaan baarlamaanka dalka Koonfur Afrika ka tirsan ayaa ku eedaysay tababaraha xulka kubadda cagta dalkaas Danny Jordaan inuu kufsaday.

Jennifer waxay sheegtay in macallinka layliya xulka qaranka Koonfur Afrika uu ku kufsaday Hotel ku yaalla magaalada Port Elizabeth muddo laga joogo 24 sannadood.

Jordaan oo ahaa agaasimihii qaban-qaabada koonka adduunka 2010 lagu qabtay Koonfur Afrika ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedaymaha loo joodiyey, hase yeeshee Ms Ferguson oo wakhtigan ku nool waddanka Sweden ayaa abaabushay olole loogu magac daray #MeToo oo lagu faafiyey baraha bulshada, kaas oo ay kusoo bandhigayso eedaymaha ay u jeedinayso macallinka.

Waxay sheegtay in tababaruhu uu soo weeraray wakhti ay farxad badan dareemaysay, markaas oo iyadoo aan filayaynin lagu daray murashaxiinta dimuquraadiga ah ee ka tartamaya xisbiga ANC sannadkii 1994-kii.

Waxay xustay in Jordaan oo ka mid ah dadka caanka ah ee magaca ku dhax leh xisbiga ANC, sidoo kalena ahaa madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Koonfur Afrika inuu kula kacay kufsi iyadoo ku sugan Hotel uu casuumad ugu sameeyey.

“Wuu ii xoog sheegtay, si xanuun badan ayaanu ii kufsaday. Markii uu kufsiga dhamaystay, si degdeg ah ayuu u baxay isagoon kelmada i odhanin.” sidaas ayay tidhi Jennifer Ferguson.

 

“Hadalkaygan ugama jeedo inaan kaga aarsado Jordaan iyo malaayiinta lamidka ah ee ragga Koonfur Afrika, hase yeeshee, waxaan ku caawinayaa oo aan dhiirigelin uga dhigayaa hablaha inay hadlaan oo aanay dareemin inay kaligood yihiin.” ayay ku dartay.

Ms Ferguson ayaa wakhtigii uu taroorku ka jiray Koonfur Afrika, waxay dhalleecaysay milaterigii caddaanka ahaa ee dalka awooddiisa haystay, waxaanay taasi kelliftay in heesaheeda laga mabnuuco idaacadda dawladda.

Qaabkii uu u qabsoomay koobkii adduunka 2010 lagu qabtay Koonfur Afrika oo uu maamulayay hawlaha Mr Jordaan ayaa uu ku helay ammaan ballaadhan.

UGAAR AH DUMARKA:Waa tee magaalada ay khatarta ugu badan kala kulmaan haweenka?

Caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa lagu sheegay inay tahay magaalada ugu khatarta badan ee ay halisaha kala kulmaan haweenka.

Daraasaddan ayaa lagu helay ra`yi ururintii ugu horreysay ee caalami ah ee laga sameeyay waxa ay haweenku kala kulmaan magaalooyinka, taas oo laga qaaday in ka badan 10 milyan oo qof.

Ra`yi ururintan ayaa laga sameeyay 19 magaalooyin waaweyn halkaas oo khubarrada arrimaha haweenka la weydiiyay sida haweenka looga difaaco tacaddiyada jinsiyadeed.

Magaalada London ayaa noqotay magaalada weyn ee u roon haweenka, waxaana soo raaca magaalooyinka Tokyo oo Japan ah iyo Paris oo Faransiiska ah.

Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa sheegay in haweenku ay haatan door weyn ku leeyihiin bulshada London, ayna ka qayb qaataan sida adeegyada dadweynaha, fanka, ganacsiga iyo siyaasadda.

Dadka u ololeeya xuquuqda haweenka ee magaalada Qaahira ayaa takoorka haweenka ay la kulmaan u aaneeyay caadooyinka qarniyo jirsaday ee Masar ka jira, iyagoo sheegay in tallaabo walba oo horumar ah oo lagu caawinayo haweenka ay aad u adagtahay.

Waxaa sidoo kale xaddidan fursadaha ay haweenku u helaan daryeel caafimaad oo wanaagsan, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Shahira Amin, oo ah weriye can ah oo Masar u dhalatay ayaa sheegtay in wax walba oo magaalada ku saabsan ay ku adagtahay haweenka, sida xitaa inay waddooyinka maraan oo u sababi karta inay la kulmaan tacaddi.

Magaalada Karachi ee dalka Pakistan, Kinshasa oo ku taalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo caasimadda Hindiya ee Delhi ayaa ku soo xiga Qaahira, sida daraasadda lagu sheegay.

Magaalooyinka Delhi iyo magaalada Brazil ku taalla ee Sao Paulo ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ugu daran ee ay haweenku kala kulmaan tacaddiyada jinsiyadeed iyo kufsi.

Inkasta oo magaalada Delhi lagu xusay daraasadda haddana waxaa ka jira shuruuc adag oo ku wajahan dembiyada kufsiga kaddib markii sanadkii 2012 ay koox burcad ah haweeney ku kufsadeen gudaha bas ay saarneyd, kiiskaas oo caro sababay.

WAREEYSI XASAASI AH: Maxaa Ka Jira In Xiriir Hoose Uu Ka Dhexeeyo Sidharth Malhotra & Jacqueline Fernandez (Aniga Iyo Sidharth Malhotra Waxan Isku Nahay….

Maalmahaan waxaa socday xan ku aadan wada socodka laba jilaa ee kala ah Sidharth iyo atariishada Jacqueline.

Bishii Agust waxa shaashadaha caalamka la saaray filimaan badan ,waxaana filimadaas kamid ahaa filimka When A Gentleman: Sundar, Susheel, Risky , waana filim ay kasoo wada muuqdeen jilaayaasha kala ah Sidharth iyo Jacqueline.

Sidharth iyo Jacqueline ayaa inta uu socdo filimka waxaa ay sameeynayaan falal mar walba su’aal la iska weydiiyo oo ah inay wax badan dareen ahaan ay baashida wadaagaan.

Sidaasi darteeda shabakada lagu magacaabo IANS ayaa Jacqueline weydiisay haddii ay joojinkarto dabeecada ay kula dhaqanto Sidharth waxaa ay ku jawaabtay.

A Gentleman: Sundar, Susheel, Risky in Jacqueline Fernandez

‘’Haddii uu yahay kiis ama wax lagu murmo oo la isku qabsado sida aan ula macaamilo Sidharth, ma aanan la shaqeeyn lahayn jilaayaal badan , maxaa yeelay hadddii la wada shaqeeyo warbaahinta xiriir ayey u bedelaan.sidaas darteeda shaqada ma joojinkaro aniga nuuc walba ay tahay.

Sidoo kale su’aal ayaa lagu celiyey oo ah ma aminsan tahay inaad cadaadis kala kulmeysid iyaga.

‘’Waxaa muhiim ah mar walba inaa shaqadeyda sii wato , maxaa yeelay xitaa adiga waad ogtahay in wararka xanta aysan run ahayn. Mana duubikartid waxaysan dadka kaa aminsaneyn , tusaale adiga waxaad baahineysid..Immisa qof ayaa adiga kugu xeran?ma laga yaabaa in si qaldan aad wax ugu tebiso si aad u qalado noloshooda? Ayey tiri atariishadaaan.

‘’Sidaas darteeda aniga iyo Sidharth waxaa nahay laba shaqsi oo saaxiibo ah , waxaan u wada shaqeeynaa si wadajir ah ,balse hada laba jeer keliya ayaan wada shaqeeynay , waana filimkii Brothers iyo Gentleman,’’ ayey Jacquelin ku darta hadalkeeda.

Judwaa 2 in Jacqueline Fernandez

Sanadkaan 2017 shirkada filimada India si wanaagsan uma shaqeeyn ganacsi ahaan , waxaana filimadii ugu sameynta badan ee la sameeyey ay yihiin keliya filimka uu soo saaray Salman Khan ee Tubelight iyo filimkii Shah Rukh Khan ee Jab Harry Met Sejal.

Sidoo kale Judwaa 2 ayaa jira kaasi oo ay jilayaan Varuun Dhawan iyo Taapsee Pannu waxaa uu sameeyey 16 maalmood oo saaran shaashada caalamka 200 crore, Sidaas Darteeda Ma Laga Yaabaa In Filimka Aad Sameeyseen Uu Saameeyntaas Lahaado?

‘’Dhaqan walba iyo Jilaa wabla si fiican ayuu shaqadiisa u qabtaa , inaad kamid ahaato filimaanta ugu saameeynta badan, waxay ku xeran tahay qaabka aad wax u jishay,’’ ayey Jecqulien ugu jawaabtay.

Jacqueline Fernandez ayaa warar xan ah laga sheegaa iyada iyo Sidharth Malhotra oo wada shaqeeyey maalmihii ugu dambeeyey , balse atariishadaan ayaa si aan ka gambasho lahayn u bayaanisay wax walba oo ku aadaanaa xanta Bollywood-ka.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com