Home » MAXAA CUSUB (page 88)

MAXAA CUSUB

Guurka gabdhaha aan qaan gaarin oo kordhay

Sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Save the Children, todobadii ilbiriqsiba hal gabar oo da’deeda 15 jir ka yartahay ayaa loo guuriyaa.

Warbixinta ayaa sheegeysa gabdhaha ka yar 10-sano in lagu qasbo in ay guursadaan rag si aad ah uga weyn dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Yemen, Hindiya iyo Soomaaliya.

Hay’adda Save the Children ayaa sheegeysa in gabdhaha yaraanta lagu guursado ay soo jiidaneyso dhibaato soo gaarto qeyb walba oo nolasheeda ka mid ah.

Dagaalka, saboolnimada, iyo dhibaatooyinka bani’aadanimo ayaa loo arkaa in saameynta ugu weyn yihiin, iyaga oo sababa in gabdhaha lagu guursado ayaga oo aan qaan gaarin.

“Caruurta oo la guursado iyaga oo aan gaarin wakhtigaasi, waxay gabdhaha ka qaadaysaa xuquuqda aasaasiga ah sida waxbarashada, horumarka iyo caruurnimadaba, “waxaa sidaa sheegay aggaasimaha guud ee hay’adda Save the Children, Helle Thorning-Schmidt.

“Gabdhaha yaraanta lagu guursado waxa marar badan dhacda in aysan waxbarasha helin, waxa ayna u badan tahay in ay la kulmaan rabshadaha qoyska ka dhex dhca, xadgudub, iyo kufsi.

Uur ayay yeeeshaan waxaana ku dhaca cudurada galmada laga qaado oo HIV-ga ka mid yahay.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay ‘Dalalka ugu dhibka badan oo gabar ay ku noolaato’ ayaa waxa lagu eegay dhinacyada waxbarashada, gabdhaha aan gaarin guurka oo la guursado, gabdhaha da’ada yar ee uurka qaada, dhimashada foosha iyo tirada haweenka ee baarlamaanka ku jira.

Dalalka Chad, Niger, Jamhuuriyadda bartamaha Afrika, Mali iyo Soomaaliya, ayaa ku jira kaalimaha ugu hooseeya ee warbixinta.

Gabdhaha qaxootiga ayaa u sahlan in la guuriyo ayaga oo caruur ahImage copyrightGETTY IMAGES
Image captionWarbixinta ayaa sheegeysa in gabdhaha ku jira xeryaha qaxootiga iay halis ugu jiraan in loo guuriyo ayaga oo caruura ah

Warbixinta ayaa sheegeysa gabdhaha dhibaatada soo gaartay in ay u badan yihiin in ay noqdaan aroosad iyagoo caruur ah.

Warbxinta ayaa sheegeysa in qoysaska qaxooti badan ay gabdhahooda u guuriyaan, ayaga oo u arka in ay tahay qaab ay uga badbaadayaan saboolnimada iyo faro-xumeyn.

Hay’adda ayaa tusaale u soo qaadatay gabar 13 jir ah oo u dhalatay dalka Suuriya kuna nool dalka Lubnaan, ayna u bixiyeen magaca Saxar, inkasta oo aanu aheyn magceeda saxda ahaa, oo guursatay nin 20 jir ah.

Hadda waxa ay jirtaa 14-sano, waxa ayna leedahay uur laba bilood ah.

“Maalintii arooskeyga, waxaan istusinayay in ay noqneyso maalin weyn laakiin ma aheyn.

Waxa ay aheyd maalin dhib badan. Waxa ay aheyd mid murago badneyd,” Save the Children ayaa hadalkaa ka soo xigatay Saxar.

“Waxaan dareemayaa inay farxad tahay in aan cunug dhalay. Laakiin waxaan ahay cunug, cunug kale korinaya. ”

Warbxinta ayaa sheegeysa gabdhaha in sidoo kale ay dhibaato soo gaarto xilliga ay dhacayaan dhibaatooyinka bani’aadanimada sida caabuqa Ebola ee dalka Sierra Leone, ka dillaacay, kaas oo sababay markii iskuulada la xiray in qiyaastii gabdho gaaraya 14,000 ay uur qaadeen.

Hay’adda caruurta ee Qaramada Midoobay, Unicef, ayaa ku qiyaastay tirada gabdhaha la guursado iyaga oo caruur ah in ay gaarayso 700 oo milyan.

Warbixintan Save the Children ayaa lagu soo beegay maanta oo ah maalinta caalamiga ah ee gabdhaha.

74 milyan oo doolar ayuu ku bixinayaa guurka gabadhiisa Kadib Markii aay jec….

_92465761_271ea806-e390-4536-b997-b5e781c6ab7b

Mid ka mid ah guurkii ugu qaalisaa aduunka oo shan maalmood soconaya ayaa dabaalddeggiisu ka socdaa koonfurta Hindiya gobolka Karnataka.

Maalqabeen lagu magacaabo Janardhana Reddy oo ka ganacsadda macdanta horeynna u ahaa wasiir gobolleed ayaa la sheegay in u ku bixinayey aduun lacageed oo gaaraya 74 milyan oo doolar guurka gabadhiisa oo ka dhacaya magaalada Bangalore.

Qarash bixintan caqliga ka baxsan waxay dhalisay in si wayn loo dhalliilo iyadoo malaayiin Hindi ah ay la daalacdhacayaan dhibaato ka dhalatay Bangiyada oo laga la’yahay in lacagihii nuqulka ahaa.

Eedeymaha ayaa waxaa ka mid ah in tani tahay dhaqan xun oo lagu soo bandhigayo tujaarnimada.

Laakiin sheekada yaabkeedu wuxuu yahay ninkan hantida intaas la’eg ku bixinaya guurka gabadhiisa wuxuu bannaanka ku joogaa racfaan maxkamadeed oo waxaa loo haystaa eedeymo ku salaysan musuqmaasuq, kuwaasi oo uu gaashaanka u daruuray.

Guurka waxaa amaankiisa sugaya sadex kun oo ilaallo gaar ah iyo sadex boqol oo ciidamo Booliis ah oo ay ku jiraan kuwa qaraxyada ka hortaga iyo waliba eeyaha wax uriya.

Aroos qaalli ahImage copyrightQOYSKA JANARDHANA REDDY
Image captionArooska waxaa ilaallo ka ahaa 300 Booliis ah

Guurkii dunidda ugu qaalisanaa:

Guurkan wuxuu noqon karaa mid aad u qaalisan, laakiin wuxuu ka fogyahay innuu kaligiis yahay, halkan waxaa ka mid ah guurka ugu qaalisan aduunka.

  • Vanisha Mittal, gabar uu dhalay ninka labaad ee ugu hantida badan Hindiya oo lagu magacaabo Lakshmi Mittal, ayaa ayaa guursatay Amit Bhatia xaflad la sheegay inay ku kacday 74 milyan oo doolar sanadkii 2004-tii, sida uu sheegay wargeyska Forbes oo ay BBC-du soo xigatay qoysku waxay wadanka Faransiisku u qaadeen 1000 marti ah si ay uga qayb galaan xafladda oo ka dhacday Versailles.
  • Laakiin waa hoos galiyey arooskaas kii Amiirka dhaxalka boqortooyada UK isla leh Charles & Diana, [Ameeriadii geeriyootay ee gobolka Wales] Princess of Wales. Arooskaas oo sanadkii 1981-kii dhacay waxaa ku baxay aduun lacageed oo gaaraya 37.2 milyan oo lacagta Ingiriiska taas oo maanta u dhiganta 116 milyan oo geniga kuna dhaw 150 milyan oo doolar, laakiin guurka wiilkooda William oo guursaday Kate Middleton wuxuu ku kacay 20 milyan geniga Istarliinka ah sida uu qoray wargeyska Daily Mail.
  • Lamaane u dhashay wadanka Ruushka ayaa bishii March waxaa isguursaday wiil uu dhalay milyuneerka lagu magacaabo Said Gutseriev oo guursaday Khadija Uzhakhovs arooskaas oo ka dhacay Magaalada Mosko waxaa ku baxay 1.2 milyan oo doolar sida wargeyska Mail Onliune uu qoray oo ay BBC-du soo xigatay, waxaa arooskaas ka heesay fanaaniin ay ka mid yihiin Jennifer Lopez, Sting & Enrique Iglesias.

Haweeney Mareynkanka u dhalatay oo lagu “kufsaday” dalka Hindiya

Booliska dalka Hindiya ayaa baaraya sheegashada haweeney Amerikan ah oo tilmaamtay in Delhi lagu kufsaday.

Haweeneyda ayaa sheegtay in qeybta sare ee hoteelka lagu magacaabo Delhi, lagu kufsaday, sanadkan horraantiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya, Sushma Swaraj, waxa uu booliska ugu baaqay in eedeysanaha ay soo xiraan.

Haweeneyda oo Hindiya booqatay bishii April, ayaa sheegtay in ninkii caawinayay intay dalxiiseysay inuu siiyay biyo ka dibna ay suuxday.

Waxay intaa raacisay inuu afar jeer kufsaday ninkaasi intey suuxsaneyd, ka dibna uu ka tagay.

Waa kiiskii ugu dambeeyay oo ka mid ah xad gudub galmo oo lagula kacay dumar dalxiis u tagay dalka Hindiya.

Ayadoo sharaxeysay sababta dacwadeeda ay u soo daahday, waxay sheegtay in ay murugo iyo niyad-jab qaaday markii dalkeeda ay ku noqotay.

Qoyskeeda xittaa lameysan wadaagin dhibaatada ku dhacday haweeneysaasi.

_92825252_9b2cea79-8ec6-4af5-b42b-3d1ed6054b89

Haweeney si lama filaan uga soo baxday doorasho ka dhacday Muqdisho+(magaca)

Doorashada Aqalka hoose ee Beelaha Banaadiriga oo maanta ay ku tartamayeen Labo Haween ah ayaa waxaa ku guuleysatay Fahmi Axmed Nuur oo heshay 51 cod.

Amaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan goobta ay ka dhaceyso doorashadaa ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray wadooyinka gala iyo kuwaka baxa xarunta Gaadiidka oo doorashada ay ka socoto.

Doorashada beelaha Banaadiriga ayaa wali ka socota Magaalada Muqdisho, waxaana maanta lagu wadaa in la doorto kuraas kale.

Meelo badan oo ka tirsan dalka waxaa si habsami leh uga socdo Doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka soo socda.

DHAGAYSO:Wareysi naxdin Badan Aabaha Labadiisa Wiil Lagu Dilay Sweden oo Sheegay Arrin Soomaalida Ka Yaabisay

Laba wiil oo Soomaali ah ayaa xalay toogasho lagu dilay magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden. Dadkan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen rasaas ay rideen dad wejiyada soo xidhay. Wiilashan oo walaalo ahaa ayaa lagu dhex toogtey maqaayad ay wax ka cunayeen sida uu aabahood u xaqiijiyey VOA.

Faysal iyo Zakariye Cartan ayaa waxaa ay ku dhasheen dalka Sucuudiga iyaga oo da’yarna la keenay dalak Sweden. Sida uu aabaha wiilasha sheegayna waxaa ay udhinteen dakano mid ka mid ah loo haystey dil la xariiro wiilal Soomaali iyo ajaanib isugu jirta oo isla dalkaas lagu diley, qaarna la xirxirey sanadki hore.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa dilkan ka waraystay aabe Cartan Cabdi Jimcaale.

Riix Halkaan ee DHAGAYSO Wareysiga 

MP3

DAAWO: Laba Wiil oo Soomaali ah oo Toogasho lagu dilay dalka Sweden iyo Sida Naxdinta badan ee wax u dhaceen

Laba Wiil oo Walaalo ah ayaa xalay lagu toogasho lagu dilay dalka Sweden, kadib markii weerar ay ku qaadeen koox dabley ah oo bistoolado ku hubeysan wejiyadana soo qarsaday.

Sida uu sheegay Booliska wuxuu falku ka dhacay xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm, iyadoo labada wiil ee
walaalaha ah ay ku dhinteen markii isbitaalka loola cararay, waxaana sidoo kale rasaasta ku dhaawacmay ruux kale oo goobta ku sugnaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka labada wiil ee Soomaalida ah, wararkii horeeyay ayaa lagu sheegay inay dilka geysteen saddex nin oo gaari ku baxsaday. Booliska magaalada ayaa wada baaritaan dheeraad ah.

Shilka Xaafadda Rinkeby  ka dhacay oo Soomaalida muddooyinkii dambe ku soo bateen, waxaa ka taagan murugo weyn, waxaana buux dhaafiyay ciidamo boolis ah.

Topic: Cabidda Shaaha badan ma laga qaadaa dhiigyari !! ?

shaahdhiig

 

Bismillah,

Soomaali badan ayaa aaminsan in shaaha laga qaado dhiig yari, qaar kalane waxay aaminsan tahay in shaaha uu dhiigga kordhiyo, sidaas darteed, waxaan qoraalkaan ugu kala gar qaadaynaa labadaas koox.

Shaaha, koffeyga iyo cabitaanka shukulaatada (kookaha) intaba waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano “Polyphenols”, maadadaan waxay hoos u dhigtaa macdanta birta ee laga helo cunnada.

Sidaas awgeed waa in aadan shaaha, kaffeyga iyo cabitaanka shukulaatada aadan cabin xilliga cunnada, haddii aad cabayso waa in ugu yaraan ay hal saacad ka soo wareegataa.

Haddii ay caado kuu tahay in shaaha aad cunnad ku cabtid ama isla markibia aad ka daba cabtid waxaa hoos u dhaca maadada birta ee dhiigga laga sameeyo maadaama jirka uusan ka faa’idaysan karin birta ku jirta cunnada aad cuntay, taasina waxay keentaa dhiigyarida loo yaqaano “Iron Deficiency Anemia” oo laga wado dhiigyarida ka dhalatay bir la’aanta.

Caruurta yaryar iyo hooyooyinka uurka leh ayaa ugu baahi badan macdanta birta sidaas awgeed waa inay ka fogaadaan cabista shaaha xilliga cunnada.

Laakiin haddii aadan cunno ku cabaynin, shaaha kaligiis  oo la cabo ma keeno dhiigyari, sida aan horay uga soo hadalnayba wuxuu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo aad ka daalcan kartid halkaan:

VIDEO:Hooyo Soomaaliyeed oo noqotay askariyadda ugu darajada sareysa Soomaaliya: DAAWO

Faadumo Xasan Maxamed oo mudo aad u fog ka tirsaneyd ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa noqotay askariyadda ugu darajada sareysa haweenka Soomaaliyeed.

Haweeneydaan ayaa darajadeeda ah Colonel, waxayna ku mudeysatay kartida ay u leedahay howlaha ciidamada booliska iyo shaqadeeda.
col-fadumo-neero-2
Faadumo Xasan ayaa sheegtay in shaqada booliska ay kusoo biirtay 78-kii xiligaasi oo la siiyay xiddigle, waxayna soo martay shaqooyin kala duwan oo dhinaca howlaha booliska.

Xiligaan la joogo Faadumo ayaa ah qofka dumarka ah ee ugu sareeya booliska Soomaaliyeed, iyadoo ay geeriyooday haweeney kale oo darajada Colonel haysatay. Waxaa kaloo jira dumar kale oo iyagana loo dalacsiiyay Captain, kuwaasoo kala ah Idil Abdullahi Hassan and Rahma Salad Mohamed.

Daawo: Fadumo Qaasim “Kama hadhin Madaxwaynaha Soomaaliya, Dagaalku Wuu socdaa” iyo Waxii ay soo Aragtay

Faadumo Qaasim Dayib  oo ah Gabadh u taagan Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sheegtay inayna ka Hadhin Doorashada Soomaaliya “Dagaalku  wuu socdaa, Kama hadhin Doorashada, kama Aamusi doono Xaalada ka jirta Soomaaliya Runta ayaan sheegi doonaa, Waxaa Afkayga kasoo baxay Cabaad aan ka Cabaaday Fool-xumada dalka Ka Jirta” Ayay tidhi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faadumo ayaa marka hore Muuqaalkeeda ku Bilaabaysa Luuqada English-ka Iyadoona intaasi kadib Ku hadlaysa Luuqada Af-Soomaaliga.

Waxay sheegtay inay Soomaaliya kusoo Aragtay Saxafiyiin Calool u shaqaystayaal ah,  Sidoo kalana waxay sheegtay inay adag tahay in lala Tar-tamo Madaxwaynaha Soomaaliya, Isagoo Adeegsanaya Awoodii Dawlada. Taasina ay ka dhigan tahay Qof labada Gacmood laga xidhay oo la yidhi dagaal gal, Waxayna Xustay inay laba Xafiis ka furan doonto Nairobi iyo Muqdisho.

faadumo-qaasim

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com