Home » QOYSKA IYO NOLOSHA (page 20)

QOYSKA IYO NOLOSHA

cuntooyinka sida weyn u kobciya xasuusta iyo garaadka qofka

sida caadada ah cuntada qofka aadamaha ahi qaataa waxa ay saamayn ku leeyihiin caafimaadka qofka, tusaale ahaan cuntadooda qaar waxa ay jidhka ku keenaan xanuuno iyo waxyaabo halis galiya caafimaaadka shakhsiga ah, sidaasi si lamida ayaa cuntooyinka qaarkood jidhka u leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo aad u sarreeya.

cuntooyinka faa’iidada caafimaad ee badan u leh jidhka aadamaha gaar ahaan cuntooyinka kor u qaada xasuusta iyo garaadka qofka, cuntooyinka laga soo saaro noolaha ku nool badda, iyo waliba noocyo ka mid ah khudaarta cagaaran oo iyagana la ogaaday inay si weyn u kordhiyaan xasuusta iyo guud ahaan maskaxda kuwaas oo ay ka mid yihiin:-

furuutiska, khudaarka cagaaran, kalluunka, cuntooyinka midhaha ah ee galka leh iyo kuwa salliida laga miiro sida geedka saytuunka. dhamaantood waa kuwa door weyn ka qaata unkidda maadooyin cunteed oo kobciya garaadka qofka.

kalluunka waxa lagu tilmaamaa cunto asaasi u ah kobaca maskaxda aadamaha waxaana ku jira saddex maaddo oo loo yaqaano OMIGA3 oo si weyn uga qayb qaata korriinka maskaxda, maadooyinkaani waxa ay hoos u dhigaan xaddiga badan ee dufanka ah ee dhiigga raaca, kuwaasi oo dhibaato caafimaad sababa.

liin macaanta, muuska, rumaanka, cinabka, tufaaxa, tamaandhada iyo xab-xabku dhamaantood waxa ay ka mid yihiin liiska cuntooyinka kobaca iyo koritaanka maskaxda kow ka ah.

Wax ka baro faaidooyinka geedka mucjisada ah ee Baamiyaha

Baamiyaha ayaa waxa uu kamid yahay qudaarta sida fudud loo heli karo isla markaana lagu macaaneeyo cuntooyinka kala duwan ee aynu quudano, isaga oo faaidooyin ballaadhan u leh guud ahaan jidhka qofka, hadaba faaido.com oo u guur gashay faaidooyinka uu leeyahay geedkani cagaaran ayaa waxa kamid ah kuwan:

La dagaallanka cudurka macaanka (Sonkorawga):
Geedkani cajiibka ahi waxa uu ka hortagaa cudurka macaanka, isaga oo unugyada uu ka kooban yahay ka shaqeeyaan sidii saamiga sonkorta ee uu u baahnyahay dhiiga qofku isu dheelli tira.
Ka hortaga caajiska iyo daalka:
Cilmi baadhis badan oo lagu sameeyay geedkan mucjisada ah lagu sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in waxyaabaha uu ka koobanyahay ay ku jiraan laba nooc oo loo yaqaan afka ingiriisiga (Antioxidants), kuwaasi oo kor u qaada heerka (Glycogen) ta beerka, waana shiidaalka uu u baahan yahay jidhku in uu ku shaqeeyo si karti iyo firfircooni ku lamaantahay.
Hoos u dhigida subagawga halista badan (Cholesterol):
Baamiyuhu wuxuu gacan wayn ka gaystaa hoos u dhigitaanka subagawga beerka iyo wadnaha qofka.
Amiteedka oo uu isu dheelli tiro:
Baamiyuhu waxa uu isku dheelli tiraa amiteedka ruuxa, taasi oo iyana qayb libaax ka qaadata hoos u dhigida culayska ama cayilka aan loo baahnayn.
Ka hortaga cudurrada ku dhaca beerka:
diraasadaha aan kala go’a lahayn ee lala beegsaday geedkan oo lagu tijaabiyay tiro farabadan oo jiir ah ayaa waxa lagu helay in quudashada baamiyuhu uu ka hor tago cudurrada ku dhaca beerka iyo maskaxda.
Inkaste oo aanay intan ku koobnayn faaidooyinka geedkani ayaa hadana waqtiga oo nagu yar awgeed waxa ay bahda faaido kusoo koobaysaa faaidooyinka kale ee geedkani leeyahay qodobbadan hoos ku qoran:

Ka hortaga hoos u dhac ku yimaada jirka.
Hoos u dhigida warwarka iyo walbahaarka.
Hoos u dhigida khatarta cudurka Kansarka.
Kor u qaadida difaaca jirka.
Iyo ugu dambaynti qurxinta muuqaalka guud ee qofka.

Nala Baro Mid Kamid Ah Halyayyada Islaamka (Abu-Bakr Al Sidiiq)

Magaca: Cabdullahi bin Cismaan bin Caamir Al-Qurashi Al-Tamimi. Reer Tamiim bin Murra.

Naanaysta Aabihii: Abii Qaxaafa.

Magaca Hooyada: Umul Khayr bint Sakhar.

Hooyadii iyo aabihii waxay ahaayeen Ilmaadeer.

Taariikhda Dhalashada: 2 Sanno kadib Caamul Fiil (Sannadkii Abraham Al Ashram Uu kabcada kusoo weeraray maroodiyaasha, Allahna uu ku halaagay shimbiro dab ah).

Abu-bakar waxa uu kamid ahaa dadkii ugu soo horeeyay diinta Islaamka, waxa uu maamuus iyo sharaf ku dhex lahaa Quraysh, isagoo ahaa dadka ugu aqoonta badan dadka iyo abtirsiintooda. Abubakar waxa uu u adeegsaday maamuuskaas iyo sharaftaa uu Quraysh ku dhex lahaa faafinta diinta Islaamka. Gacantiisa waxa ku Islaamay asaxaab fara badan oo jannada loogu bushaareeyay iyaga oo ifka jooga sida “Subayr bin Cawwam, Dalxa ibn Cubaydullaah, Sacad bin Waqaas, Cabdirraxman bin Cawf iyo Cusmaan bin Caffaan ” dhamaantood Allah raalli ha ka noqdee.

Abubakar waxa uu rafiiq la noqday Rasuulka SCW safar iyo daganaanshiiyoba, waxa saaxiibtinimadooda marqaati ka ah Qur’aanka Allah SWT (( Markii ay saareen kuwii gaaloobay labadoodii, iyaga oo ku dhex jira godka, xilli uu ku yidhi saaxiibkii ha murugoon Allah ayaa inala jira.))

Xadiis saxiix ah waxa uu Rasuulku SCW ku yiri markale (( Hadii aan khaliil cid ka dhiganayo waxaan ka dhigan lahaa Abubakar, balse Allah ayaa iga dhigtay khaliil).

Abu bakar waxa uu ahaa ruuxa raga uu Nabigu SCW ugu jecelyahay, xadiiska ku jira Bukhari iyo Muslim ee uu warinayo Camru ibn Alcaas waaka leh Nabigu ku leh SCW (Cida aan ugu jecelahay dadka waa Caaisha, ragana waa Aabeheed, kadibna cumar iyo…)

Abubakr waxa uu islaamka usoo hooyay guulo badan waxa uu ahaa deeqsi maalkiisa iyo muruqiisaba ku bixiyay sidii kalmada Allah ay u korrayn lahayd, waxa uu noqday khaliifkii koowaad ee Muslimiinta taasina ayaa inoogu filan makaanada uu Islaamka ku leeyahay.

Abubakr Al Siddiiq waxa uu Allah raalli ha ka noqdee dhintay Jumadil Awwal sannadkii 13 Hijriga, isaga oo da’diisu tahay 63 Jir.

Taariikhda iyo barashada Abu-Bakar laguma soo koobi karo maqaal yar, balse si akhristayaasha Faaido.com aanay u daalin, waxa aynu kusoo gaabasan doonnaa intaas.

Maqaalkan waxa laga soo dheegtay kitaabka “Al Isaaba” ee uu qoray Caalimka Ibn Xajar Allah ha u naxariistee.

 

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com