Home » QOYSKA IYO NOLOSHA (page 3)

QOYSKA IYO NOLOSHA

WAREEYSI XASAASI AH: Maxaa Ka Jira In Xiriir Hoose Uu Ka Dhexeeyo Sidharth Malhotra & Jacqueline Fernandez (Aniga Iyo Sidharth Malhotra Waxan Isku Nahay….

Maalmahaan waxaa socday xan ku aadan wada socodka laba jilaa ee kala ah Sidharth iyo atariishada Jacqueline.

Bishii Agust waxa shaashadaha caalamka la saaray filimaan badan ,waxaana filimadaas kamid ahaa filimka When A Gentleman: Sundar, Susheel, Risky , waana filim ay kasoo wada muuqdeen jilaayaasha kala ah Sidharth iyo Jacqueline.

Sidharth iyo Jacqueline ayaa inta uu socdo filimka waxaa ay sameeynayaan falal mar walba su’aal la iska weydiiyo oo ah inay wax badan dareen ahaan ay baashida wadaagaan.

Sidaasi darteeda shabakada lagu magacaabo IANS ayaa Jacqueline weydiisay haddii ay joojinkarto dabeecada ay kula dhaqanto Sidharth waxaa ay ku jawaabtay.

A Gentleman: Sundar, Susheel, Risky in Jacqueline Fernandez

‘’Haddii uu yahay kiis ama wax lagu murmo oo la isku qabsado sida aan ula macaamilo Sidharth, ma aanan la shaqeeyn lahayn jilaayaal badan , maxaa yeelay hadddii la wada shaqeeyo warbaahinta xiriir ayey u bedelaan.sidaas darteeda shaqada ma joojinkaro aniga nuuc walba ay tahay.

Sidoo kale su’aal ayaa lagu celiyey oo ah ma aminsan tahay inaad cadaadis kala kulmeysid iyaga.

‘’Waxaa muhiim ah mar walba inaa shaqadeyda sii wato , maxaa yeelay xitaa adiga waad ogtahay in wararka xanta aysan run ahayn. Mana duubikartid waxaysan dadka kaa aminsaneyn , tusaale adiga waxaad baahineysid..Immisa qof ayaa adiga kugu xeran?ma laga yaabaa in si qaldan aad wax ugu tebiso si aad u qalado noloshooda? Ayey tiri atariishadaaan.

‘’Sidaas darteeda aniga iyo Sidharth waxaa nahay laba shaqsi oo saaxiibo ah , waxaan u wada shaqeeynaa si wadajir ah ,balse hada laba jeer keliya ayaan wada shaqeeynay , waana filimkii Brothers iyo Gentleman,’’ ayey Jacquelin ku darta hadalkeeda.

Judwaa 2 in Jacqueline Fernandez

Sanadkaan 2017 shirkada filimada India si wanaagsan uma shaqeeyn ganacsi ahaan , waxaana filimadii ugu sameynta badan ee la sameeyey ay yihiin keliya filimka uu soo saaray Salman Khan ee Tubelight iyo filimkii Shah Rukh Khan ee Jab Harry Met Sejal.

Sidoo kale Judwaa 2 ayaa jira kaasi oo ay jilayaan Varuun Dhawan iyo Taapsee Pannu waxaa uu sameeyey 16 maalmood oo saaran shaashada caalamka 200 crore, Sidaas Darteeda Ma Laga Yaabaa In Filimka Aad Sameeyseen Uu Saameeyntaas Lahaado?

‘’Dhaqan walba iyo Jilaa wabla si fiican ayuu shaqadiisa u qabtaa , inaad kamid ahaato filimaanta ugu saameeynta badan, waxay ku xeran tahay qaabka aad wax u jishay,’’ ayey Jecqulien ugu jawaabtay.

Jacqueline Fernandez ayaa warar xan ah laga sheegaa iyada iyo Sidharth Malhotra oo wada shaqeeyey maalmihii ugu dambeeyey , balse atariishadaan ayaa si aan ka gambasho lahayn u bayaanisay wax walba oo ku aadaanaa xanta Bollywood-ka.

DARAASAD CAJIIB AH: Ma Ogtahay In Xulashada Dumarka Ee Dhanka Ragga Farqi Weeyn U Dhexeeyo 2016 & 2017? Maxaase Isbedelay (Ragga Gaagaaban Ayey U Shidan Tahay)

Iska ilow dhirirka , Midabka madow iyo quruxda , badin xilligaa gabdhaha aduunka waxaa ay guursanayaan raga caaqiliinta ah iyo sidoo kale kuwa gaagaaban , kuwa midabka madow ,balse maxay tahay sababta?

Daraasad cusub lasameeyey ayaa lagu ogaaday in xilligaan badnaa haweenka ay aad u xiiseeyaan inay guursadaan raga gaagaaban.

Match.com ayaa sameeyey daraasadaan waxaana uu tirikoob ku sameeyey webkaan malaayiin dad ah kuwaas oo qooysas leh , gaar ahaan waxaa la weydiinayey dooqa haweenka iyo sida ay u jecel yihiin inay xiriir jacey ula sameeyaan nimanka gaagaaban.

Qof walba waxaa uu baxsaday aragti gaar , sidoo kale qof walba waxaa uu jeclaa inuu dookhiisa ku qanciye weydiiyaha , balse waxaa la ogaaday inta badan dookha soo jiidasha leh ee dumarka.

Inta badan daraasada natiijadeeda sanado kadib waxaa la xaqiijiyey in inta badan dumarka aan xiiseeyn nimanka dhaadheer , waxaa ay doonayaan inay helaan wiil STYLE Ah kaasi oo dhirir ahaan aan dhaafsaneeyn 1.3cm

Sanadkii 2016 Tusaale daraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday in raga dhirirka leh saameeyn ka dareemaan dumarka, waxaana yaraaday xiriirka guur ee lala sameeyo.

‘’Waxaa macquul ah in waxyaabo badan la isweydiinayo kuna saabsan dareenka , ma raga gaagaaban ayaa ka dareen fiican kuwa dhaadheer,yaase sheekadaas dumarka u damaanad qaadaya ,’’ waxaa sidaas yiri Lee Johnson oo 32 sano jir ah kana mid ahaa dadkii daraasada ka doodayey.

‘’Waxaan arkay rag badan oo guursanayaan dumar gaaban.ma waxay taasi lamicno tahay inaadan habeenkii u galmoo Karin, laakiin xaqiiqda ayaa ah in la iska ilaaliyo hadalada laab lakaca ,’’

Sidoo kale sanadkaan 2017 ayaa markale la sameeyey daraasada , waxaana la helay nambar ka duwan midkii sanadkii hore ee dhanka guurka iyo dookha,sababtoo ah inta badan dumar sanadkaan waxaa ay xiriir la sameeyaan raga gaagaaban.

Ragga waxaa  la ogaaday in dhirirka aysan ku xalin dumarka balse waxaa ay inta badan ka  fiiriyaan meelo kala duwan waxaana kamid ah (Indho deeraley , Indho Buluug ah, Timo Dhaadheer, IWM.

MURUGO BADAN OO FARXAD KA DAMBEEYSEY: Hooyo 18 Jeer Ilmo Kasoo Halaabeen Oo Ugu Dambeeyn Umushay Iyadoo Jirta Da’da 48.

Duniaadaan la joogo ruux walba waxaa uu doonayaa inuu helo mid kamid ah riyooyinkiisa ugu wanaagsan oo ah inuu helo caruur , balse mararka qaar waxaa dhacda inuu qofka lakulmo musiibo rabaani ah.

Sheekadaan waxaa ay taabaneysaa haweeneey 18 jeer kasoo dheceen caruur ama kasoo halaabeen sababtoo ah waxaa ay xanuun ka dareemeysey RIXIMKA(Min-Galeenka), waana sababta 18 uur oo ay qaaday ay kaga soo halaabeen.

Laakiin waxaa wanaagsan mar walba inaadan ka quusan rajada sababtoo ah Lauren Warneford ayaa hada ugu dambeeyn hooyo noqotay iyadoo jirta da’da 48, waxaana ay ahayd dhacdadii ugu yaabka badneey , sababatoo ah waa murugo badna oo farxad ka dambeeysey.

IVF (In Vitro Fertilization) waa halka ay uurka ka qaadaan dumarka (RIXIM) , waxaana ku baxday Warneford mingaleenkeeda in ladaweeyo £80,000 balse waa laga quustay.

Laba sano kadib markii laga quustay inay markaan caruur helikarto , laakiin waxaa ay qooyskaan heleen caruur.

Mark oo ah aabaha qooyskaan oo 55 sano jir ah ayaa aad ugu farxay in isaga iyo marwadiisa u rumowday riyadooda.

Ugu dambeeyn waxaa la ogaaday in haweeyeydaan gudaha caloosheeda ay ku jirtay Bectaria baabi’ineysey ukxaanta minida , laakiin waa ay dhimatay bectariyadaas waana sababta hada ay uurkaa u qaaday.

‘’Ma joojinkarin ilmada mar walba oo ilmaha iga soo daataan,  kama rajo dhegeyn  wax badan,’’ ayey tiri.

Sheekadaan ayaa noqondoontaa mid mar walba xusuus u noqonta qooyskaan, sababtoo ah waxaa qooyskooda kusoo biiray caruur.

JACEYLKA DAACAD U NOQDO:Gabar Isbitaal u tagtay si ay hal kelli u iibsato kaddibna u guursato wiil ay jeceshahay

Jaceylkeedu xuduud ma lahan, waayo waxay xitaa damacday in ay hal kelli iska iibiso si ay nin ay jeceshahay ugu guursato.

Gabadhan 21 jir ah oo u dhalatay waddanka Hindiya oo ku nool deegaanka Bihar ayaa horey loo soo furay, waxaana ay timid Isbitaal ku yaalla magaallada New Delhi ee caasimadda Hindiya si ay iib ugu hesho hal kelli oo ay isbitaalka ka codsatay in laga saaro kaddibna loo lacageeyo, iyadoo xilligaasi qorsheheedu ahaa in ay hesho lacag dhan Rs 1.8 lakh oo u dhiganta 2,668.45 dollar si ay ugu guursato wiil ay jeclaatay.

Markii ay Isbitaalka timid ayaa waxaa loogu yeeray lambarka dumarka caawiya ee 181 Women Helpline, waxaana lagu war geliyay booliska kaddib markii looga shakiyay in ay si sharci darro ah uga ganacsanayso keliyaheeda.

Kooxda DCW ayaa soo gaartay Isbitaalka oo wareystay haweeneydii, waxaana ay u sheegtay in ay ka soo carartay deegaankeedii Bihar kaddib markii reerkeedii u diideen wiil ay jeclaatay, sidaa awgeedna ay isbitaalkan u timid si ay u iibsato hal kelli oo meherkeeda isaga bixiso.

La taliyeyaal dhinaca booliska ka socday ayaa kula taliyay gabadhan in ay dacwad ku soo oogto ninka ay sheegtay inay guursanayso, balse way diidday waana la fasaxay, balse Booliska ayaa warbixin u diray qolyaha u dooda xuquuqda dumarka ee Bihar iyagoo ka codsaday in ay ka caawiyaan gabadhaasi sidii ay kiis dacwad ah ugu soo oogi lahayd ninka xiriirku ka dhexeeyo.

ishasacabkamari

W/Q: Haaruun Yuusuf Khasaaro.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com