Home » QOYSKA IYO NOLOSHA (page 30)

QOYSKA IYO NOLOSHA

Daawo-Hooyooyinka Shiinaha ee carruurta lagu qalo oo qaab farshaxan yaab leh u farsameeya dhaawaca qalliin ee calooshooda Ka Muuqda

Dalkaasi Shiinaha waxaa caado ka noqotay in hooyooyinka lagu qalo carruurta ee dhaawaca qallin calooshooda ka muuqato in ay qaab farshaxanka loo yaqaan “Tattoo” ay ku farsameeyaan si ay u qariyaan dhaawaca caloosha.

Arrintan ayaa waxaa u badan hooyooyinka yar-yar, waxaana ay iska xaadiyitaan goobaha faryashan si ay u qariyaan dhaawaca islamarkaana calooshooda u muujistaan.

DAAWO: Suldaanka Gabooye Oo Si Adag Ugu Hadlay Gabadhii Qoyskooda Jir Dileen

Waxaa taagan caro iyo cuqdad sii xoogeysatay oo ka dhalatay gabar dhawaan reerkeeda si arxan daran u dilay, kadib markii ay sheegtay inay guursatay wiil kasoo jeeda beesha Gabooye reerkeeda u diideen lana baxsatay.

Falkaasi foosha xun ayaa si weyn looga carooday, waxaana si gaar ah ugu hadlay Suldaanka guud ee beelaha Gabooye Suldaan Naasir Suldaan Cadi Ismaaciil ayaa si kulul ugu hadlay dhacdadii gabadha lagu jir dilay isagoo adag ugu gar naqsaday dilkii gabadha, wuxuuna ku eedeeyay beelaha kale ee dega Somaliland in ay si xun ula dhaqmaan isagoo ka codsaday in aan laga dilin dumarka wiilashooda illaahey siiyay.

 

Halka Aay Ku Duugan Tahay Quruxda Gabdhaheena Waa Halkan Ee Waalidoow Aan Kala Baxno..

Maqaalkaan aan ugu magac daray “Baridda Diinta Waa Quruxda Gabdhaheenna” wuxuu ku saabsan yahay quruxda ay leedahay marka gabdhaha la baro Diintooda Islaamka. Waxaa hubaal ah shaqsi walbo oo bini’aadam ah quruxdiisa waa Diinta Islaamka. Waqtiyaddii ugu dambeeyay waxaa jiri jirtay in Diinta Islaamka safar dheer loo mari jiray si cilmi loo soo kororsado, maanta dunidda waxaa ku dhacay isbedel, cilmigana waxaa laga heli karaa meel walbo ee aad u baahantahay inaad ku barato.

Soomaali badan ayaa cabsi ka qabtay markii ay soo galayeen wadamada reer galbeedka. Cabsidda ugu weyn ayaa ahayd siddii ay ku dambeyni lahayeen ubadkooda. Waalidiinta Soomaaliyeed welwelka ugu badnaa wuxuu ahaa inay caruurtooda ka gaaloowaan ama dhaqan xun ka qataan kadibna ku dhaco dabar go. Waalid walbo wuxuu ka fakiraa horumarka ubadkiisa.Waalidka haddii uu xunyahay xittaa marwalbo wuxuu jecelyahay in ubadkiisa u noqdo baari, diinta u barto, noloshana meel fiican ka gaaro. Waalidiinta Soomaaliyeed waxay ciyaareen dowr muhiim ah xagga barista ubadkooda Diinta Islaamka.

Dad badan ayaa aaminsan in Yurub gabdhihii tagay ay noqdeen kuwa laga quursaday balse waxaan maanta indhahayga kusoo arkay inay jiraan gabdho dadaal badan oo diinta Islaamka si fiican u fahmay, kuna kalsoon naftooda maanta. Waxaana dareemaysaa inay si wanaagsan u barbaarini karaan ubadkooda.

Magaaladda Elverum waxaa kunool Soomaali badan, waxaan aad ugu helay sidda wanaagsan ee gabdhaha ay u xijaabanyihiin oo waliba sidda wanaagsan oo ay diinta ugu dheganyihiin, waliba muxaadarooyinka ay u jeedinayaan. Elverum waa magaalo ka tirsan gobolka Hedmark. Aniga Cabduljabaar ahaan aqqoon siddaas u badan uma lihi magaaladda balse hadana waxaan dareemay in ay jiraan dad badan oo u kabo gashtay siddii ay u fidini lahayeen diintooda oo ay u bari lahayeen ubadkooda, iyagoo illaalinaayo dhaqankii iyo dhexelkii awoowe yaashooda.

Waxaa aad ii cajibiyay qaabka ay caruurta wax u baraan waliba iyadoo aysan jirin dowlad garab taagan oo ku taageerto xagga barista Quraanka kariimka ah.

Waxaa igu fiicnaani lahayd inaan haysto buugg iyo qalin, si aan wax badan ugu faa’ido muxaadaradda ay jeedinayeen gabdhaha munaasabadaasi iskuugu imaaday oo ka jeediyay muxaadaro kalla duwan. Dabcan waxyaabo badan kama xasuusto balse waxaan jeclahay inaan hadalo kooban ka qabtay oo ay kamid tahay gabay ay gabar Meesha ka tirasay oo ku saabsanaa xijaabka.

“gabdhaha karaamada iyo xushmada lagu xushmeeyay” wax kale ayaa sii raacsanaa balse intaas ayaan ka xasuustaa. Nuxurkiisana wuxuu ahaa qiimaha xijaabka. Gabaygana waxaan ka fahmaysaa qiimaha xijaabka uu leeyahay gaar ahaan gabadha Muslimada ah.

Hadalada wanaagsanaa ee ay gabdha Meesha ka jeediyeen waxaa iga cajibiyay inta aan ka xasuusto oo aan isleeyahay aqqoon ayaad u leedahay arrintaasi. “qalbiga Soomaalida wuu kala fogaaday waxaana loo baahanyahay in la iscafiyo, ummadda haddii iyaga dhexdooda heshiini waayaan waxaa ka faa’ideysto cadow kale oo shisheeya” middaasna waxaa sabaha marwalbo Soomaalida loogu faa’ideysto meel walbo oo ay dunidda ka joogaan.

Waxaan isdhihi karnaa dugsiga quraanka ee Elverum waxay ciyaareen dowr muhiim ah runtii waa wax ay ku farxaan waalidiinta dhalay gabdhahaas.

Waxaa jirta in ay cidna sheegi karin waxyaalihii ay caabudi jireen Soomaalida Diinta Islaamka kahore, maxaa yeelay waxay ahaayeen dad aad u dhaqan wanaagsan oo ku sifooway isjaceel, marti-dhoor, deris-jaceyl, Isxaq-dhoor, Shaqo-jaceyl iwm. Soomaalida oo lasheegay inay u kala degnaayeen Miyiga iyo Magaalada. Dadka Reer Miyiga ah oo ay lahaayeen dhaqan wanaagsan oo ay heshiis ku yihiin dhoorkii qoys oo isla degan, ay sameesteen Madaxyo kasoo ay ku magacaabi jireen Ugaasyo, Islaan, Suldaan, Malaaqyo, iwm.

Ciddii madaxdaas warkooda diidana wa lafogeen jiray oo latakoori jiray dadkana laga dheereen jiray kaasoo micnihiisu yahay in aan wax lala cunin, lala dhaqmin, lala Safrin, waxna lagu darsanin, lana guursanin. Sidoo kale dhaqanka xeebaha ee Reer magaalka waa ka duwanaa tan Reer miyiga waxayna ahaayeen dad lasocday Ilbaxnimada aduunka oo waxay ganacsi lalahayeen qaaradaha Aduunka oo waqtigaas hormaray sida, Aasiya iyo Yurub oo waqtigaas ugu ilbaxsanaa, waxayna lahaayeen dabaqado kala sareeyo oo xukuma Boqortooyo, Duqow, iyo In-dheer garad.

Hadaba si kastaba arrinta ha ahaatee markii uu Suubanaha uu soo diray Jacfar bin Abii-dhaalib si uu xeebaha Soomaliya usoo gaarsiiyo Diinta Islaamka isaga iyo asxaabtii uu hoggaaminayay oo dhamaa 83 oo Rag ah iyo 18 Dumar ah. Kuwaa ayey ahaayeen dadkii ugu horeeyay oo soo gaarsiiyay Diinta Islamka Dalka Soomaaliya, si wanaagsan ayay uqaateen una soo dhaweeyeen Soomaalida waqtiga joogtay, lamana maqlin wax ka horyimid ama diiday Diinta Islaamka. Saxaabadii suubahana uu soo diray (n.n.k.h.) illaa iyo waxay gaareen magaalada Muqdisho, waxayna markii hore kasoo dageen magaalada Saylac. Mudo fara badan ayay joogeen Dalka Soomaaliya oo xataa Gabdho ka guursadeen.

Soomaaliya oo waqtigaas kadib ay noqotay mid Diinta Islaamka u ah dhaqan iyo tacliin ay bartaan, ayna u horseeday inay Soomaaliya noqoto meel loo cilmi raadsado, waxaana marba marka kadanbeysa kusii kordhinayay cilmiga Islaamka. Dadkii ganacsatada ahaa ee imaan jiray bisha Disembar magaalada Muqdisho. Waxaana fiditaanka Diinta Islaamka qayb wayn ka qaatay dad Muslimiin ah oo Carab ubadnaa oo soo dagay xeebaha Soomaaliya iyo kuwii hore u deganaaba.

Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa in Soomaalida ay yihiin dad diintooda jecel, saadaashuna markii aan fiiriyay waxaa ii muuqda in Soomaalida ay wali hoggaanka u qabani doonta xagga fidinta Diinta Islaamka. Maanta la joogo waxaad arkaysaa in Diinta Islaamka ay noqonayso Diimaha ugu badan ee aadka usoo galayaan dadyowga kale. Sidda ay sameeyeen tirokoobo badan balse aan lagu kalsoonaani karin in Diinta Islaamka ay noqoni doonto diinta ugu tirada badan yihiin dadkiisa. Sababta aan u leeyahay tirokoob aan lagu kalsoonaani karin maxaa yeelay waxaan aaminsanahay waqtigaan la joogo tirada Muslimiinta lagu sheegay inay ka badan yihiin. Waxay saadaasha sheegaysaa in Dadka Muslimiinta ay noqoni doontaa 2.2 Bilyan sanadka marka uu noqdo 2050 ama kahorba.

Aabe gabadhiisa kufsaday iyo Hooyadiis oo dishay gabadhii uu Kufsaday!

Gabar 5 sano jir ah ayaa waxaa kufsaday aabaheyd waxaana gabadhaasi falka kufsiga dabadeed dilay Ayeeyadeed si ay u duugto dambiga uu wiilkeeda galay ee ah in uu kufsaday gabadhiiisa.

Falkan ayaa wuxuushnimada ah ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Javulake-Vani oo ka tirsan Degmada Nashik ee Gobolka Maharashtra ee ee Dalka Hindiya.

Booliska maharsahtra ayaa warbaahinta maanta u sheegay in ay xireen aabahaas falkaasi fool xumada ah ku kacay iyo hooyadiis oo geesatay falka dilka ah iayadoo doonaysay in ay badbaadiso wiilkeeda oo ay u aragtay in ay kaliya ku badbaadin kartay in ay gabadhaasi ay disho.

Falkaan ayaa dhacay haweenkii jimcada kadib markii Sachin Shinde uu guriga kusoo laabtay isagoo ka imaaday shaqada waxuuna kufsaday gabadhiisa oo 5 sano jir aheyd, shinde hooyadiis haweenayda lagu magacaabo Amusaya ayaana dishay gabadha.

Shinde hooyadiis ayaa waxaa dilka kadib ay aaday saldhiga booliska oo ay ku wargelisay in gabadhii ayeeyada u aheyd ay ka maqan tahay oo la afduubtay, si ay u baabi”iso raad dambiyeedka laga yaabo in uu kusoo baxo in ay dishay gabadha ay ayeeyada u aheyd.

Markii dambe Booliska ayaa bilaabay baaritaano lagu baadi goobayo gabadha lagu wargeliyey in la afduubte balse la dilay waxayna markii dambe ka heleen hoyga ay daganeed oo ay ayeeyadeed ku duugtay, kadib markii la wareysatay oo wax laga weydiiye gabdha aabaheed iyo ayeeyadeed waxa ay qirteen in falkaasi arxan darada ah ay iyagu geesteen.

Su’aal: Maxaa keeni karo caano yarida hooyada?

Hooyooyin badan ayaa aaminsan in caanaha naasahooda in ay ku yaryihiin ilmahooda, sababtane waxay tahay iyagoo aaminsan waxyaabo qaldan oo ay ku ogaadaan in caanaha ay yaryihiin ama ay badan yihiin.

Tusaale ahaan, hooyooyinka qaar ayaa waxaa calaamad u ah in hadduu cunuggu dilqaynin in naasahooda caanaha ku yaryihiin.

Hooyooyinka qaar ayaa aaminsan in haddii naasaha aysan caano ka keeni karin markii cunugga afkiisa ka bixiso ay caano la’aan tahay.

Qaar baa aamisan haddii naasaha culees aysan ka dareemin in caanaha ay ku yaryihiin.

Intaasba waa qalad in wax looga qiyaas qaato.

Ilaahay wuxuu ugu talagalay hooyo kasta in cunuggeeda caano ku filan in uu naaska u galiyay, midda kale ma ahan macnaheeda in caanaha ay meesha ku jiraan markuu cunugga nuugane ay faaruqaayaan oo in ay soo buuxsamaan in loo sugo ay tahay.

Haddii hooyadu ay caafimaad qabto, badanaa naasaheeda way ku jiraan caano ku filan cunuggeeda, way dhici kartaa haweenka qaar in ay caanaha naasahood ku yaryihiin waxaana lagu ogaan karaa in weli ay arkayaan in cunugga uu baahan yahay ama ay dareemayaan muddo badan oo isku xigxigta in cunugga uu u baahan yahay in naaska la jaqsiiyo.

Kuwaas waxaa u keeni karo caana yarida waxyaabahaan soo socdo:
1- In hooyada naasaheeda ay yaryihiin oo aysan lahayn unugyada caanaha sameeya oo ku filan.
2- In hooyada ay qabto dhibaatooyin xagga hormoonnada sida in sonkor qabto oo kale ama ay qabto xanuunka thyroid-ka, dhiig-kar ama fiix ay ku leedahay ugxan sidaha oo soo deynayo hormoono.
3- In hooyada hadda kah or qalliin looga sameeyay naasaha.
4- In hooyada ay qaadato kaniini uur ka hortag.
5- In hooyada ay qaadato daawooyin yarayn kara caanaha naaska ama geedo daaweed.
5- In hooyada aysan garanaynin qaabka iyo sida cunugga loo jaqsiiyo naaska ama iyada qaab fadhiisadka uu ka qaldan yahay ama cillad abuuris xagga feerah ay qabto. (maxaa yeelay naasaha waxay sameeyaan caano intii uu u baahan yahay ama uu ka nuugo cunugga)
6- In hooyada aysan habeenkii cunugga nuujin (habeenkii oo aan la nuujin cunugga waxay keensanaysaa in soo saarka caanaha naasaha ay yaraadaan)
7- In hooyada ay cunugga ku bilawday wax aan caanaha naasaha ahayn maalmaha ugu hooreeyaba oo cunugga inta uu naaska ka cabayo ay yartahay sdiaasne soo saarka caanah ay ku yaraadeen.

Waxaa habboon oo hooyooyinka in lagula taliya ah in inta aysan go’aan gaarin in caanaha naasaha ay ku yaryihiin in la ogaado haddii ay jirto cillad yaraysay oo la xallin karo.
Waxaad kaloo ogaataa, caana yarida kuma xirna in hooayda ay cayilan tahay ama caato ay tahay.

Waxaan jeclaan lahaa hooyooyinka ku dagdaga in ilmahodoa ay caano xoolo ama caano warshad kula carara iyagoo naas nuujin kara in ay akhristaan faaidada ku jirta naas nuujinta: f

Daawo-Lammaane aroos kooda dhulka kala cararary oo buurta ugu dheer dunida ku dhigtay

Lamaane is jecel oo lagu kala magacaabo James Sissom iyo Ashley Schmieder ayaa guurkooda waxa ay u quuri waareen in ay ku dhigtaan dhulka iyagoona la aaday buurta adduunka ugu dheer ee lagu magacaabo mount everest islamarkaana baraf ka buuxo.

Arrintan ayay uga gol-lahaayeen sidii loo hadal-hayn lahaa guurkooda islamarkaana taariikh u reebi lahaayeen. Guurkan ayaa noqday mid qarashkiisu aad u sarreeyo.

Qiimo Intee La’eg Ayay Gabdhuhu Ku Lahaayeen Soomaalidii Horre?

Soomaalidii horre aad bay gabdhuhu agtooda qiima wayn ugu lahaayeen colaada. Soomalidu isku laysana ka mid ahaan jirtay markii gabadh wax layeelo hadduusan si deg-deg ah waxa qoladaasi codsatay aan loo bixin. Waxaa dhici jiray dagaal rag badan lagu waayo waxaana markasta labixin jiray xaal. Waxaa la odhan jiray “iga ayaan badanaa ninka gashaanti adhi raacsaday” oo loola jeedo “gabadha saas uqiima badan miyaa adhi laraacinayaa, sowlagama yaabo in rag xoog badani dhabar garaacdaan?”. Wuxuuna ahaa dhaqan jiray oo ragga qaar ayaa haday gabadhaha arkaan kaxaysan jiray markay reerkooda geeyaana inta aabaheed u yeedhaan nooma heri odhan jiray taasoo aabuhu kuqasbanaa oo hadduu duudo xeer ku noqon ama in isagana mar un gabadh loodiidi doono cid qoladooda ahi labaxday.

Intaa kadib waxaa dhici jirtay in gabadhaha qaar laga bixiyo geel gaadhaya boqol halaad, faras iyo waliba xoola kaloo badan. Qaarna waxaa laga bixin jiray konton geel ah, qaarna shan iyo labaatan qori iyo faras iyagu waa geed ka go’an haddii ninka guursadaa uu yahay mid caydha oo aan xoola saas u badan lahayn. Markuu guursado geela yarad ka ah reerkoodaa labixin jiray oo kalla lasiin jiray.

Mida kale gabdhuhu waxay ahaayeen safaarad madax banana oo haddii ay colaadi dhacdo waxaa dhacda labada qollee colka ahi inay gabadha darteed u heshiiyaanoo xoola iyo dhaanba inta lakexeeyo oo reeraha ceelasha degan loo tago ayaa la odhan jiray “col waa nahay laakiin gabadhaas hebla ah eed naga qabtaan nagu waraabiya oo aan biyaha ku cabno”. Sidaas ayayna safaarad u ahaydo gabadha ragay ehelka yihiin meeshay doonaan ayay iyagu wax ka soo qabsan jireen lamana taaban jirin, colaaduna way iska dami jirtay kolkaaba oo waa wax dhaqan ah.

Waxa kaloo jirtay in Soomaalidu gabdhaha iyo geelaba jeclayd, haddaan dhanka kale eegno way jireen gabdha la kufsada laakiin lama arag laman maqal gabadh ninka badani kufsado mana dhici jirin haddii nin gabadh kufsaday la ogaado gabadhaasna xaal iyo xumayn baa laga bixin jiray.

Ugu yaraan konton halaad iyo wixii kolba lagu heshiiyo hadaaban ninkaas la dilin. Midda kalle dhanka xilqarinta Soomaalidu way kufiicnaydoo waxaa dhacdooyinka qaar hal reer oo wada degan ayaa laga yaabaa inayna arinta qaarkood ogaanin. Raga hawsha wada mooyee ceebta waa laqarin jiray oo lama faafin jirin guurkuna wuxuu ahaa qaali oo markaan miyiga eegno sidda badanaaba ah konton geela, qaarbaa laga dhiibi jiray ama qudha waad hilaada qaas, inkastoo lababa meeshay iska hesho ay ahayd.

Hadii aan sheeko dhextaal ah kudarsano qormadeenaan. Waxaa jirtay nin gobolka Soomaali galbeed udhashay oo jabhada ONLF madax u ahaa in ay wada hadleen ra’isul wasaarala Itoobiya Melez Zenawi xiligguu xukunka kucusbaa wuxuuna warqad u diray ninkaas oo magaciisa la odhan jiray Maxamed Cumar. Waxaana warqada ciwaan loogu dhigay “Waxaa Illa Quman Inaad Isa-soodhiibtaan Si Aan Wadanka Nabad Ugu Wada Joogno”

Balse jawaabtii uu bixiyay Maxamed Cumar waxay ahayd sidda tan, “Anagu waxaanu leenahay diin qaali ah oo aan ogolayn in gaal na maamusho ama gumaysato, waxaa kaloonu leenahay rag qabwayn oon ogolayn in la adoon sado, waxaa kaloonu leenahay gabdha qaali ah oon ogolayn in la isticmaar sado”

Laakiin jawaabtuu Melez Zenawi soo celiyay ayaa ahayd sidda tan “Dhulkiina qaali nimadiisu waatan idiin daba socono illaa waligiin Diintiinana ma ogolin inay na ag joogto oo ay jaar nala ahaato illaa inay dimoqraadi noqoto mooyee, raguna waaba kuwa aan rabo inaan ka qoodhsado” oo uu ulla jeedo in kiniisaddiyo masaajidku isku ag oolli karaan mooyee.

“Raguna waaba kuwa aan rabo inaan ka qoodhsado” oo uu ulla jeedo inay noo guursadaan gabdhaha naga gaagaaban si ay rag qoodh badan udhalaan.

Waxa kaluu siiraaciyay gabdhihiinana haka dhigina kuwo ciidamadanadu ku kufsadaan hawlgal kasta oo dhulkiina ah, waan ognahay waa dhul qiimo badan waana sababta aan isugu haysanee aan ku heshiino. Maxamed Cumar waa kadiiday wuxuuna ugu jawaab celiyay “taas dhimasho iyo jihaad noobanaan baan kaxignaa, waxaana lagaa horkeeni raggii dhulka lahaa” Melez ma uusan quusan, laakiin su’aal ale oo uu ciiwaan uga dhigay “immissaa ragaad igga horkeenaysaa?” ku dhashay ayuu way diiday. Wuxuuna ugu jawaabay Maxamad Cumar isagoo faanaya wuxuu ku yiri “konton halaad ka badan iyo kayarba”. Melez-na wuxuu yidhi “hadaba ragaas waxaan ka horkeenayaa kuwa shanriyaal oo Itoobiya kudhashay ee intaan khasaaruhu kugu badan aan heshiino”.

“Sheekadaan waa sheeko in badan aan maqlay waxaadna halkaa ku ogaan kartaa inay qiimaha ay gabdhaheenu leeyihiin, rageenina uu noqday ragga adduunka ugu qaalisan”

Xishoodka gabdhuhu qaalibay ahaayeen, wayna xishood badnaayeen, shaaha may cabi jirrin lamana arki jirin gabadh afka wax ku haysa oo cunto cunaysa sadex shay mooyee “biyo, xanjo iyo maydhax”. Intaa kalloo dhan xiligga ragu joogo gabdhuhu may isticmaali jirin inay isqariyaan mooyee. Codkooda kor umma qaadi jirrin, talaabada xoog umaysan qaadi jirin, hadal aan fiicnayn kumay hadli jirin, way isdadi jireen, ixtiraam dheeraad ah ayaa laga dareemi jiray.

Waxaa jirtay xilligii Ingiriisku dhulka kala gonayay inay niman cadaan ahi kula kulmeen wadada awaare dhanka Hargeysa kasoo gasha. Gabadh Soomaaliyeed oo haan caano ah wadatay ayaa waxay la kulantay niman gaalo cadaan ah oo gaajeysan. Nimankii mid kamid ah ayaa wuxuu ku yiri “caano iga iibi” balse ma aysan wadanin weel loogu shubo caanaha. Waxay ku cabeen aaggaan. Gabadhii waxay tidhi “mid kalaan tolane haanta aad taabateen lanoqon maayee qaata ama tuura” siddii bayna kaga tag-tay haantii qabada ahayd.

“Haanta qabada loo yaqaano haamaha lamid ma’aha waayo iyada geed lagama qoro sidda kuwa kale, balse laakiin geedka qabada ah baa laga tolaa, oo waa qaali ugu yaraan dhawr bilood baa lagu tolaa taasina waxay kutusinaysaa”.

Inay gabdhaheenu qab-waynaayeen oo ay yasi jireen dad aan maanta qiimayno oo aan ushaqayno. Gabadhaas reer miyiga ahina waxay tidhi “haan uu gaal cadaan ahi taabtay walee gacan tayda masaaro”

Dhanka hawl qabadnimada way dhaamin jireen illaa masaafo ka badan boqol kiloomitir oo loo dhaxo habeenno iyagoo kudhaantayn jireen “Markay socdaan dhabiyo goonle dhaan la iiga rarayoo dhukaamayeey siddii hal dhuuganayd”. Iyo xilli ay awrka la hadli jireen oo ay odhan jireen “cadaawe cadaawoow adna caynku kugooyeey anna caata ireebtee mid keenee cabanaayoo cagta loodabciyaayeey”. Muddo dheer marka lasocdo markay reerka ay yimaadaan waxaa dhici jirtay in ay fadhiisan kariwaayaan kadibna larido ama sitartiib ah loo fadhiisiyo oo ay xubnaha lugaha laabi taanku ku adkado. Hawshu waabad nayd geediga fog baa kamida.

Guul ooman iyo guul cokan baa kamid ah. Guri dhiskiyo hawshii reerkaa kamid ah, beertiyo tabacii baakamida. Manaafacaad badan bay gabdhuhu qaban jireen. Midakale gabdhuhu xuduud mala hayn oo meelna lagama celin jirin illaa Jabuuti, Jig-jiga, Hargeysa, Gaarissa, Muqdisho intaba ninkay ka hesho ee Soomaaliyeed way ka guursan jirtay.

Meeshay damacdo inay tag-tana ciddii kama celin jirinoo ubad ay wax utahay umbaa degannaa waadna garan kartaa illaa imika raadadkii way sii muuqdaan dib markaad ufikirto qof walba ehelkii waa ka heli meelkastuu tago mana kala gu i’karo waxaana taa inoo sabab bee yay dumarkeena oo dhammaantood hooya Soomaaliyeed ah iyagana sababay inay luuqadaan kuhadalaa faafto oo ilma walba ababiyay halkaa haynoo joogto maanta.

Waxaan u mahadcelinayaa marka hore Allaah marka xigana, waxaan u mahadcelinayaa aqqoon yahaan keyga, marna ah macalinkeyga Cabduljabaar Sheekh Axmed oo ii fududeeyay in qoraalkani idin soo gaadho si aad u aqridaan.

………………Dhamaantiin waad mahadsantihiin

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com