Home » QOYSKA IYO NOLOSHA (page 44)

QOYSKA IYO NOLOSHA

DAAWO: Gabar caqli badan oo Ragga Soomaaliyeed Su’aal addag hordhigtay”Ninka Guursanaya Sharuudahaan ku Xirtay”

Gabar caaqilad ah ayaa gabay qiiro leh ku cabirtay ninka ay guursaneyso hadii Alle idmo,waxayna cabirtay astaamaha ay ninka ku xulan lahayd.

Gabay oo ay ugu magac dartay (Garaad sami) ayay ku cabirtay erayo qurux badan oo astaan ama xeendaab u noqon kara wiilka isku daya inuu gabadhaasi u geed fariisto.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dadka Suugaanleyda ah ayaa tibaaxay in sanadihii ugu danbeeyay uu dhalan rog ku imaanayay dhaqanka suuban ee Somalia,kaasi oo isku badalay mid laga soo mid guuriyay reer galbeedka.

Guurka ama haasaawaha ayaa noqday mid ku xiran reer galbeedka siday dhaqmaan,waxaana soo baxay erayo badalay oo ku aadan sida la isku shukaansado.

 

Saameynta Furniinka Koowaad Uu Ku Leeyahay Guurka Iyo Talladii Ragga Lagula Taliyay.

Cilmibaadhis cusub ayaa ragga guur meerka ah kula dardaarantay in aanay sidii hore u dhici jirtay isku mashquulin quruxda duleed iyo muuqaalka ee ay dumarka ka eegaan fariidnimada, xirfadda iyo tan uguba sii muhiimsan oo ah in ay calafka ka raadiyaan dumarka ka yar ugu yaraan Shan sano, arrintaas oo ay daraasaddu sheegtay in ay u horseedayso fursado waaritaan iyo guul uu qoysku ku negaado.

Cilmibaadhistan uu Kobciye.com ka soo xigtay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, laakiin marka hore lagu faafiyey majaladda Elsevier ee Yurub u qaabilsan cilmibaadhista ee ‘European Journal of Operational Research’ ayaa lagu sheegay in baadhis madax bannaan oo muddo shan sano ah lagu sameynayey kun xaaladood oo guur, iyada oo la eegayo qaabka lammaanuhu u wada macaamilaan, nooca xidhiidh ee ka dhexeeya iyo xasiloonida qoyska, in lagu lagu ogaaday in shuruudaha ugu fiican ay tahay in gabadhu ay ninka ka da’ yaraato ugu yaraan Shan Sano iyo in ay fiican tahay in labada qof midkoodna aanu hore u soo marin furniin, waxaa kale oo iyaduna muhiim ah in gabadhu ay noqoto mutacallimad waxbarashadeedu heer fiican joogto.

Dr. Emmanuel Fragniere oo ah saynisyahan ka tirsan jaamacadda Bath ee dalka Ingiriiska kana mid ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in lammaanaha oo midkood guur hore soo maray ay inta badan khatar ku tahay waaritaanka guurka dambe, in kasta oo ay hoosta ka xariiqeen in haddii labadooduba ay furniin hore soo mareen ay inta badan ka duwan tahay marka uu mid keliyi soo maray, oo tan dambe ay marar badan keento in waayo-aragnimadaas hore ay uga faa’idaystaan in guurkoodu waaro.

Ugu dambayntii cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in ay muhiim u tahay waaridda qoyska, haddii uu ninku gabadha ku doorto jacayl, qurux, qiyam, aragti, dookh iyo caadooyinka ay wadaagaan, laakiin ay ka sii fiicnaanayso haddii intaas uu ku si idaro in uu ka eego dhinaca da’da in ay ka yaraato iyo weliba heerka aqooneed ee gabadha, arrimahan oo sii yaraynaya fursadda furniinka.

VIDEO:Qurxinta iyo Xanaaneenta Lugaha

cagahaaga oo ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah jirkaaga waxayna kaalin mug leh ka qaatan quruxda jirkaaga, sidaasi darteed waxay u baahan yihiin in aad ka fikirto daryeelkooda iyo nadaafadooda,

Hadaba qodobadaan daryeelmagazine.com halkaan kusoo bandhigayo ayaan ku eegi donaa talaabooyinka saldhiga u ah ee ka caawin doono nadaafada iyo quruxda cagahaaga:

Haweeneyda ugu culus dunida oo lagu suubinayo qalliin miisaankeeda lagu yareynayo

Haweeney Masri ah, oo la rumeysan yahay inay tahay qofka ugu culus dunida miisaankeeduna yahay 500kg (1,102lb) ayaa loo duulin doonaa wadanka Hindiya si loogu suubiyo qalliin miisaankeeda lagu yareynayo.

Hessa Ahmed, 36,jir ah ayaa lagu qaadi doonaa diyaarad khaas ah ilaa Mumbai halkaas oo la qorshaynayo inuu Dr Muffazal Lakdawala qaliinka ku suubinayo.

  

Safaaradda Hindiya ee Qaahira ayaa markii hore u diiday codsiga fiisaha haweeneydaas oo aan awoodin inay halkaas shaqsi ahaan u safarto.

Ka dib markii dhakhtarka qalliinka uu u diray fariin Wasiirka arimaha dibada India ayaa xaalada is beddeshay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka India Sushma Swaraj, qudheedana isbitaalka ku jirto islamarkaana sugaysoqaliin kilyaha ayaa si degdeg ah uga jawaabtay dalabka islamarkaana caawimaad u fidisay.

Qoyska Ahmed ayaa sheegay in iyadu aan awoodin in ay guriga ka baxdo muddo 25 sano ah hadda iyadoo sheegatay inuu miisaankeeda yahay 500kg.

Haddii sheegashada ku saabsan iyada miisaankeeda uu run yahay, markaas waxay ka dhigantahay iyada inay tahay haweenayda adduunka ugu culus islamarkaana rikoorka Guinness kala wareegi doonta hawenayda hadda haysata ee Pauline Potter wadanka Maraykanka, taasoo miisaankeedu yahay 292kg (643lb) .

UGAAR AH DUMARKA:Astaamaha Halista Ah ee Dumarka uurka Leh & Talooyin Muhiim Ah

Haddii aad qabto ama la kulanto mid ka mid ah calaamadahan hoos ku xusan isbitaalka gaar:

Calaamadaha Khatarta” ah waxaa ka mid ah:

  • Xanuun joogto ah oo dhabarka hoose ah
  • Dhiig ama xinjiro ah oo farjiga ka imaada
  • Qoyaan siyaado ah oo hoosta ka yimaado
  • Ibida “madheerta” oo buqda ama dillaacda
  • Majuujin ama “kor u dhifasho ilmaggaleenka”
  • Cunugga oo dhaqaaqiisu yaraado
  • Qandho
  • Matag iyo/ama shuban isku xig-xiga
  • Xanuun markaad kaadshayso
  • Suuxdin iyo siririd
  • Madax-xanuun joogto ah
  • Indho-madoobaad

Halkaan ka akhriso qoraal faahfaahsan oo ka hadlayo astaamaha aan dabiiciga ahayn ee hooyada uurka leh isku aragto iyo siyaabaha loola tacaali karo:

 

Topic: Dhibaatooyinka uurka (Pregnancy problems)

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com