Home » QOYSKA IYO NOLOSHA (page 5)

QOYSKA IYO NOLOSHA

XOG QARSOON: Afar Waxyaabood Oo Aad Ugu Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Atariishada Caanka Ah Ee Kareena Kapoor(Inay La Dagaashay Bipasha Iyo Atariishooyin Kale…..

Bollywoodka waxaa laga helayaa jilaayaal caan ah kuwaas oo marka ay shaashada kasoo muuqanaya taxadir badan lasoo istaaga , balse jilaa walba waxaa uu leeyahay xog u gaar ah , waxaana ay sheekadaan ka hadleeysaa aktarada caanka ah ee Kareena Kapoor taas oo inta badan kamid ah atariishooyinka wax badan ka bedelay nolosha Bollywood-ka.

1-Maxaad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Magaca Kareena?

Related image

Kareena Kapoor awooweheeda , Raj Kapoor ayaa gabadhaan markii ay yareeyd ugu magac daray Siddhima. Balse magaca Kareena waxaa uu ku yimid in hooyada dhashay Kareena Kapoor ay aad u xiiseyneysey aqriska bug lagu magacaabo Anna Karenina gaar ahaan markii ay uurka lahayd.

Sidoo kale asxaabteda iyo qooyskeeda waxay ugu magac dari jireen Beboo. Sidoo kale waxaa ay lahayd naaneeys gaar ah , waxaana naaneeystaas u yaqaaney aabeheeda wuxuuna dhihi jiray Randhir Kapoor.

2-Kareena Kapoor Waxay Ahaan Jirtay Dagaal –yahanad.

Aktaradaan ayaa loogu bartay inay la dagaalanto asxaabteeda mararka qaar ,waxaana ay la dagaalantay shaqsiyaad caanka ah waxaana kamid ah.

Bipasha Basu sababta dagaalkaan ayaa ahaa in labadaan shaqsi ay ku kulmeen filimka Ajnabeen oo la sameeeyey 2001, wararka waxaa ay sheegayaan in Kareena Kpoor inta duubista filimkaas socotay ay Bipasha ku dheheysey ‘’Mukulaasha Madow’’

Priyanka Chopra: Sida aan la wada socono Priyanka waxaa ay ahayd gabar inta badan soo jiidasho leh sidoo kale hore usocod sameeysa , sababtoo ah waxaa ay mar walba gabadhaan sameeyneysey filimaanta dareenka leh.

Sidaasi darteeda Priyanka ayaa si toos u weerartay Kareena Kapoor iyadoo TV fadhisa waxaana ay sheegtay inaysan ka helin gabdhaha camanka waa weeyn oo hadana isku dayaya inay Fashion sameeyaan.

3-Xiriirka Jaceyla Ee Kareena Kapoor.

Image result for shahid kareena

Kareena xiriirka jaceyl ee ugu weeyn waxaa ay la sameeysey jilaaga caanka ah ee Shahid Kapoor kaasi oo ay iscalfan waayeen , sababtoo ah waxaa soo kala dhexgalay dagaal xoogan.

Sidoo kale Kareena ka hor inta aysan Saif xiriir la sameeyn waxaa ay isku dayday Hrithik Roshan, balse ugu dambeeyn waxaa gacanta ku dhigay Saif Ali Khan.

4-Guurkeeda.

Kareena with Saif Birthday Pics

Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor ayaa xiriir bilaabay 2007, kadib markii Kareena Kapoor ay  soo gaba gabeysey xiriirka kala dhexeeyey Shahid Kapoor , waxaana ay shan sano xiriir la sameeynsey Saif Ali Khan ka hor inta aan la shaacin faraanti geliskooda oo dhacay 2012.

Aktaradaan ayaa ilaa iyo hada lanool jilaaga caanka ah ee Saif Ali Khan , dhawaan ayeyna wiil u dhashay.

Haddii Aad 8-daan Arin Ku Aragto Gacaliyahaaga , Wallee Waxaa Tahay Gabarta Ugu Nasiibka Badan Dunida Oo Ducada Waalidkaa Ayaad Qabtaa

Haween badan ayaa is weydiiya sida ay ku ogaan karaan in uu maqsuud u yahay gacaliyahooda oo uu ku faraxsan yahay .

Hadaba Maandeeq.net ayaa ku siineysaa hab sahal ah oo aad ku ogaan karto arintaas ee haddii aad ku aragto ogoow noloshaada guur aad ayuu ugu faraxsan yahay

* Joogto ayuu kuu dhunkadaa oo uu ku xabad giliyaa mar waliba oo uu xaafadda ku soo laabto, waxa ay taasi kuu muujineysaa in uu ku faraxsan yahay in uu ku arkay mar kale

* Joogto ayuu kuula soo xariiraa gaar ahaan marka uu shaqada ku maqan yahay waxa uuna ku sheegaa mar waliba oo uu ku soo waco in uu ku xiisay , lambarkaagana uguma diiwaan gashna kaliya magacaada ee tilmaamo ay ka mid yihiin nolosheyda , xabiibi iyo kuwo la mid ah ayaa ugu qoran

* Waxa uu mar waliba kuu sheegaa in uu ku jecalahay , haddii arintaas aad aragto ninkii riyada ayaad haystaa waayo ragga qaarkii eraygaas waxa uu ka soo go`aa xilliga haasawaha iyo biloowga guurka balse haddii weli uu sidaas uu ku leeyahay waxa ay Maandeeq.net ku leedahay ninkii nolosha ayaad heshay .

* Haddii uu u taagan yahay caawintaada nolosha guriga iyo banaankeedaba iyadana waa tilmaan xooggan oo muujineysa in uu ku jecel yahay waxa ayna taasi tahay cadeyn in noloshaada guurka ay tahay mid ay farxad ku dheehan tahay.

* Waxa uu mar waliba jecel yahay in aad nasato oo waxa uu heegan u yahay in uu kaa qabto howsha guriga iyo midda caruurta la xariirta waxa uu diyaar u yahay in dhib waliba uu isaga kaaga sokeeyo wallee haddii gacaliyaaga sidaas yahay Maandeeq.net waxa ay ku leedahay ducada waalidkaa ayaa kugu dhacday

* Mar waliba qalbigiisa wuu kuu furan yahay ,waxa uu kaala qeyb qaataa farxad iyo murago middii kula soo gudboonaata , waa nin dareensan in aad tahay hoygiisa iyo meesha uu soo magan galo ,waxa ayna tani marqaati ka tahay in noloshaada ay tahay mid farxad ay ku dheehan tahay

* Arayada amaanta kaama xasdo iyo mahad celinta , kulamaa uu isha kula raaco wax auu ku sheegaa in aad tahay gabadha ugu qurxoon xittaa haddii ay kaa jajaban tahay mana ka laba labeyeo in uu ku mahad celiyo mar waliba oo aad arin u sameeyso.

* Ugu dambeyn waxa uu ku siiyaa ihmtimaam(daryeel) weyn, jaceyl aan daryeel laheyn dhadhan malaha waxa ayna tani muujineysaa in guurkaada yahay mid farxad wehel la ah .

Waxa ay Manadeeq.net ka afeefaneysaa in warbxintaan aynu uga dan laheyn in aan isku dirno qoyayska Somaliyed balse waa xaalad guud oo gabartii dooneysa in ay imtixaan ka qaado nolosheeda guurka ku ogaaneyso si ay u saxdo haddoo ay wax ka qaldan yihiin

Aqriste haddii aad warbxintaan ku qanacday hanaga bakhiillin in aad u soo gudbiso asxaabtaa Facebook , Whats App iyo Twiter-ka

DHACDO CAJIIB AH: Muwaadiniin Chiness Ah Oo Laga Diiday Passbor-ka Ay Wateen Inay Kaga Soo Baxaan South Korea (Isbedelka Muuqaalkooda Ayaana U Sabab Ah)

Seddex Gabdhood oo u dhasheen wadanka Chine ayaa awoodi waayeen inay ka gudbaan Airpor-ka waqooyiga Korea , sababtoo ah muuqaalka jirkooda iyo midka u saaran passports ayaan isku mid ahayn.

Gabdhahaan ayaa qaliin ku sameeyey wajogooda waxaana ay taasi keentay inuu bedelmo muuqaalka wajogooda , sababtoo ah waxaa la fahmi waayey cidda ay yihiin.

Inta badan dumarka kunool wadamada qaar ee Asia sida China iyo Japan ayaa mararka qaar waxay aadaan South Korea si ay halkaas uga soo sameeystaan qaliin wajiga ah balse waxaa ku adkeeneysa inay soo laabtaan marka ay qaliinka wajiga isqurxinta ay soo dhameeystaan.

Dhibaatada ugu weeyn ee qaliinka lagu qabo ayaa ah inay bedelaan muuqaalka jirkooda gaar ahaan sanka , wajiga , bishimaha , camanka iyo meelo kale  arintaas oo dhibaato xoogan ku noqonkarto.

Dhamaan warbaahinada Korea ayaa laga hadal haayaa sheekadaan sababtoo ah waxaa mar walba leeys weydiinayaa inay dadkaan yihiin dadkii saxada ahaa ee dalka ku galay Pasbordka ay wataan.

Ugu dambeeyn dadkaan ayaa bad baaday sababtoo ah waxaa la helay warqadii cadeeyneysey inay qaliin mareen(plastic surgery certificates).

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com