Home » Beauty

Beauty

DARYEELKA TIMAHA QALALANJO IS QURXI MAANTA

Warbixinno marar kala duwan lagu qoray wargeyska Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska iyo shabakadda Internet ka ee New Blase ayaa iyaga oo soo xiganahay xeeldheerayaal aqoon fog u leh caafimaadka iyo quruxda timaha waxa ay sheegeen cuntooyin qofka cunistooda joogteeya isbeddel caafimaad lagu arko timihiisa. Sida caadiga ah khubarada caafimaadku waxa ay caddeeyeen in nafaqada cuntada qaarkeed iyo wareegga dhiigga oo si sax ah oo caafimaad qabta u socdaa ay ka mid yihiin waxyaabaha ilaaliya quruxda iyo bixitaanka timaha.

Qormadan waxaan kusoo aruurinay qaar ka mid ah Cuntoooyinkaas ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay u fiican yihiin caafimaad timaha, gaar ahaan cuntooyinka laga helo dalkeenna.

Qodobbo Muhim u ah Daryeelka Timahaaga

Timahaagu waxay u baahan yihiin daryeel iyo ka warqab dheeraad ah sababtoo ah waa qeyb ka mid ah quruxdaada.

Timaha oo sida ugu wanaagsan loo dhaqo ayadoo laga fakarayo nooca shaambada ee loo isticmaalayo waa mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan nadaafad iyo daryeel ahaan timaha qofka.

Timuhu waa kala nooc wayna kala duwan yihiin qofba timihiisu waa dherer, midab iyo xajmi gaar ah, sidaas daraadeed daryeelkooduna sidaas ayuu ku kala duwan yahay.

Hadba sida aan u daryeelno timaheena ayay caafimaad ahaana ku xiran yihiin, sidoo kalena koritaankooda waa mid ku tiirsan ilaalintooda.

Ka fakarka iyo ku dadaalidda nadaafadda timahaaga waa masuuliyad ku saaran, sidaas daraadeed waa in aad si weyn u hubisaa xitaa noocyada shaampo, saliid iyo kareem ee aad u istimaaleysid madaxaaga.

Jaridda iyo sii deynta timaha midna ma aha wax shaqo iyo xiriir la leh dhererka iyo xoojinta timaha, kaliyana waa wax ku kooban hadba sida loo nafaqeeyo timaha loona nadiifiyo.

Mararka qaar qofka waxaa la soo gudboonaan kara xanuuno sababa in ay timuhu gurmaan ama ay sida caadiga ah ku kori waayaan, sidoo kale in ay beddelmaan midab ahaan, sidaas daraadeed waxaa laga ma maarmaan noqoneysa in dhaqtar ku taqasusay lala kaashado.

Timaha oo gurma waa xalad mararka qaar ku timaada ayadoo jirka ay ku yaraato maaddada Iron-ta ama ay fitamiinada qaar ka dhumaan jirka. Sidoo kale waxaa dhici karta in dhaxal ay ku timaado arrintaas ku saabsan timaha oo gurma.

Dad badan ayaa marka ay timahooda ku arkaan xaalad aan caadi aheyn waxaa suuragal ah in iyaga oo aan dhaqtar la tashan ay isticmaalaan dawooyinka loo adeegsado timaha.

Dhaqaatiirta iyo warbixinnada caafimaadka ee laga qoray ayaa tilmaamaya in taas ay sii keeni karto halis caafimaad oo ka badan tii markii hore uu qofku ka cabanayey.

Daryeelka iyo ka warqabka timahaagu waa muhiimaddaada koowaad sababtoo ah waa quruxdaada iyo caafimaadkaaga

Qurxi wajigaaga adigoon isticmaalin daawooyin chemicals ah (muhiim)

Ma doonaysaa inaad maqaarkaaga iyo wajigaagu qurux badnaado oo uu dhalaalo adigoon isticmaalin wax chemicals ah, balse isticmaalaya waxyaabo dabiiciya oo waxba kuu dhiimayn? 
Haddaba Waad noqon kartaa qofka aad rabtid waanad gaadhi kartaa bilicda aad rabtid adigoon isticmaalin chemicals ama creame yada dumarka lagu siro. Waxaan aad uga xumahay in uu noqday jidhka dumarku wax laga ganacsado caalamkan aanu ku nool nahay.
Iyada oo la ogaaday inay dumarku ku bixiyaan millions bilicda iyo daryeelka jidhka, Islamarkaana laga faa’iidaysanayo fursadaas oo kolba shirkadi ay soo saarayso cream ama daawo ay leeyihiin waxaas bay kaa goyn ama ka hortagi.

Laakiin xaqiiqdu wax ay tahay in cream ama daawo bilaa chimecals ahi aanay jirin, Markay ugu yartahay waxaa lagu daraa walxaha ka ilaaliya inuu shaygu uusan qudhmin gaadhina karo ama ooli karo mudo badan iyo waliba midabada. Waa markay uugu yartahay chemicals yada lagu daro cosmatics ka maanta.
Kuwaas waxaa inoo dheer chemicals khatar ah oo lagu isticmaalo, saabuunaha, shampoo yada, make up yada iyo cosmetic yada oo dhan oo keeni kara xanuuno xunxun sida cancer iwm.

Haddaba si aynu iskugu qurxino wax yaabaha dabiiciga ah waxaa lagama maarmaan ah inaad markeeda hore aad tahay qof cuna cunto isku dheeli tiran oo u badan khudaarta, caanaha, kaluunka, digiraha iwm.

Ogowna waxaa dhici karta wax aad xasaasiyad ku leedahay xaga cunitaanka inuu maqaarka waxba u dhimin, ama wax aanad xasaasiyad  ku lahayn waxaa dhici karta inuu maqaarka wax u dhimo oo aad ka xajiimootid. Haddaba inta aanad korkaaga  marin wax ogow jidhkaagu nooca uu yahay iyo waliba waxa uu dhibsanayo.

Waxaad iska soo qaadi kartaa dhiig aad ku ogaanaysid xasaasiyada jidhka ama ku tijaabi meel jidhkaaga ka mid ah oo bal eeg inaad xasaasiyad ku leedahay.
Intaanad wajiga waxba marin fadlan farahaaga sifiican u maydh, wajigana biyo diiran oo cad ku maydh. Waxaad u samaysaa wajigaaga tuwaal yar oo naacim ah oo u gaar ah oo markasta nadiif ah.
Ogowna inaad wax walba wajigaaga ku tijaabisid waxaa ka fiican inaad baratid wajigaagu nooca uu yahay si aad uula macaamishid waxa ku munaasabaya.

Wax yaabahan hoos ku dhigan oo dhami waa wax aad tukaanka cuntada ama jikadaada ka heli kartid oo wali ku siinaya nafaqooyin, nadaafad iyo bilic.

Waxayna kugu caawinayan in uu caafimaadkaagu hagaago haddii uu Allah(swc) kuu qadaro. Markasta isku dar inaad samaysatid in kugu filan markaas uun oo waxba ka dhigin.

Waxa freshka ah baa ka fiican waxa la dhigo, maadama aanu iska ilaalinayso inay bakteeriya ku dhalato.

Wajiga daalan.
Waxaad u baahan tahay :
• Beed/ukun inteeda cad
• Malab saafi ah
• Boorash/ oat meal
Qiyaasta adigu qiyaaso in wajgaaga ama jidhkaaga ku filan. Isku wadda dar kuligood, boorashka yara tun(ridiq) ka dib radi. Kadibna wajiga oo aad biyo cad ku maydhay mari oo ku daa ilaa 25 min kadibna kaga maydh biyo badan oo cad oo meel dhaxaad ah.

Wajiga qalalan:
Waxaad u baahan tahay :
• Avocado
• Malab
• Oliven oil (saliid saytuun)

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad oo qandhac ah.

Wajiga aadka u qalalan:
Waxaad u baahan tahay:
• Strewberries
• Double cream
• Malab
• Oliven oil (saliid saytuun)
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.

Wajiga iskugu jira mid daalan oo waliba qalalan:
Waxaad u baahan tahay:
• Beedka inta huruuda/jaalaha ah
• Malab
• Oliven oil
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad. Indhahana khiyaar qabow saaro.

Wajiga qoyaya
• Waxaad u baahan tahay:
• Boorash/ oat meal
•(saliid saytuunka) Oliven oil
• Avocado
• Khiyaar/ cucumber
•Yoogar/ Yogurt
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.

Wajiga subaga leh:
Waxaad u baahan tahay:
• Liindhanaan/ lemon
• Beed inta cad
• Malab
Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.

markad dawooyinka wajiga marinayso ka ilaaasho indhahaaga/
Waxaan rajaynayaa inay ku anfacaan. Waxaan rajaynayaa inaad iska eegtid wixii xasaasiyad ah inshaAllah.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com