Home » Heath

Heath

TOP-Lamaanaha is qaba ee Sariirta Wadaaga iyo Caafimaadka

Bismillah,….Cashirkaan waxaan kaga jawaabi doonaa su’aashii ku saabsanayd lamaanaha isqaba oo aan wadaagin sariirta jiifka iyagoo aaminsan in caafimaad darro laga qaado dumarka lala seexdo.!!

Marka hore, Ilaahay ayaa bini’aadanka u abuuray lab iyo dhedig, Isagaane ka dhigay kuwa isku baahan oo aan kala maarmin, wuxuuna quraankiisa iyo xadiithka rasuulkiisa ku sheegay in guurka iyo isutagga lamaanaha ka qaadaan kalgacal, naxariis iyo daganaansho lamaanaha dhex dhigay.

Arrinta ku saabsan in haweenku ay neefsadaan ama soo daayaan hawo xambaarsan walxo caafimaadka u daran waa khuraafaad ku dhisan dhaqan qallafsan oo lagu qarinayo dhaqamo horay u jiri jiray oo laga guuray. wax salne kuma lahan diinta iyo caafimaadka labadaba.
Rasuulkeena suuban NNKH wuxuu noo sheegay in xitaa xaasaskeena la wadaagno sariirta xilliga ay caadada qabaan, weliba aan wax walba isdhaafsiisan karno markii laga reebo jamaaca. Wuxuu kaloo rasuulkeena NNKH ka digay in laga hijroodo ama laga guuro firaashka haweentaada iyadoo lagu xiray shuruudo adag in looga hijroon karo weliba iyadoo ah muddo gaaban.

Taariikhdii hore iyo la dhaqanka dumarka:
Waagii hore, dumarka waa la yasi / quursan jiray, caruurta ayaa lala mid dhigi jiray, talo iyo tusaale lama waydiin jirin, waxaana loo arkay balaayo loo baahan yahay, waxaana taariikhdaas ka dheehan kartaa maahmaahyada soomaalida ee dumarka ku saabsan kuwaasoo qaarkood illaa iyo hadda la adeegsado iyadoo ka tarjumayso xaaladii ay ku noolaan jireen iyo qaabka loola dhaqmi jiray, taasoo u muuqato in laga sii gdubayo.

Maxaa keenay in lamaanaha waagii hore aysan isku meel seexan?

  • Waagii hore ma jirin sariir laba qof iskula seexan karto, guryahane waxay ahaayeen kuwo yaryar oo aan la dhigi jirin sariir laba qof iskula seexan karto.
  • Waxaa kaloo la aaminsanaa inay ceeb tahay in ninka ragga ah iyo xaaskiisa ay hal sariir ka soo wada toosaan subaxii iyadoo la dacaayadayn jiray qofkii ragga ku dhex sheega war dumar, ragguna way ka faani jireen arrimahaas. Soomaalidu waxay tiraahdaa “rag loogama sheekeeyo waxay dumar ku maahmaahdee…”
  • Iyadoo caruurta yaryari ay hooyada la wadaagi jireen sariirta, odaygane uu jiifsan jiray dibadda kore.

Maanta iyadoo aysan jirin baahi banaan loo jiifsado ama sariir kale ama qol kale iyo iyadoo laga sii ilbaxayo yasiddii iyo quusigii hore ee dumarka lagu hayay, caafimaad ahaan iyo diin ahaanba ma haboona in raggu ay ka guuraan sariirtooda.

Caafimaadka iyo Isla Jiifadka Lamaanaha:
Dhowr diraasadood oo lagu sameeyay lamaanaha isla jiifsada, waxay isku waafaqeen dhowr arrimood oo kala ah:

  • Isla jiifadka wuxuu xoojiyaa jacaylka lamaanaha, wuxuuna siyaadiyaa isu soo dhawaanshaha labada qofood taasoo dheerayso xiriirka iyo isla joogga lamaanaha – waxaa lagu arkay diraasadaan in lamaanaha kala seexda ama markay isku baahdaan kaliya isa soo raadsadasada in xiriirkooda badanaa u ekaado mid ku dhisan danaysi, una sahlan tahay labadaas qof inay kala tagaan.
  • Lamaanaha isla jiifsada waxaa kordha hormoonka farxadda “Happy hormone” oo caafimaad ahaanne loo yaqaano “Oxytocin”, lamaanaha waxay helaan farxad iyo raynrayn, taasoo qofka dabcigiisa saamayn ku reebto.
  • Lamaanaha sariirta wadaago waxaa la arkay inay ka hurdo fiican yihiin, ayna ku yar tahay qarawga iyo ka soo argagaxa hurdada markii lagu fiiriyo dadka kaligood jiifsada, waxay kaloo diraasadda sheegtay inay dhakhso hurdada helaan.
  • Isfahanka iyo xallinta umuuraha nolosha waxay u fududahay lamaanaha isla seexdo markii la barbar dhigo qolooyinka kala jiifsado, diraasad lagu sameeyay dalka Australia ayaa arintaan hoosta ka xariiqday.
  • Diraasad ka mid ah diraasadaha laga sameeyay arintaan waxay sheegtay in cimri degdeg laga qaado kala jiifsashada, akhriso qoraal hore oo aan kaga hadalnay waxyaabaha keeno cimri degdegga oo loola jeedo in qofka faciisa ka muuuqaal duqoobo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7911.0
  • Lamaanaha isla jiifsada waxay dareemaan ammaan iyo nabadgalyo, taasoo lagu arkay baaritaanno la sameeyay in heerarka hormoonka loo yaqaano “Cortisol” oo u sabab ah “stress-ka” iyo diiqada uu aad ugu hooseyso lamaanaha isla jiifsada.
  • Sidoo kale diraasad lagu sameeyay dad ka badan 1,000 qof oo u dhashay dalka ingiriiska waxaa lagu xaqiijiyay in lamaanaha jiifsada iyagoo isku dheggan “Cuddlers” weliba aan dhar qabin / qaawan inay ka heli og yihiin faa’idooyinka kore markii loo fiiriyo dadka sariirta uun wadaaga iyagoo dharkooda gashan – arintaan istaabsiinta jirka qaawan wa mid caafimaad ahaan jirta laguna xaqiijiyay diraasado badan oo lagu sameeyay lamaanaha isqaba iyo hooyada heysata caruurta yaryar, waxayna arrintaan kordhisaa waxa loo yaqaano “Bonding” oo ah xoojinta xiriirka jirka iyo nafsiga ee ka dhaxeeya labada qof.

Talada SomaliDoc:
Waxaan casharkaan ku soo gabagabaynayaa in raggu aysan u baran seexashada meel aan ahayn sariirta jiifka, dumarkana sidoo kale, weliba waa in sariirta jiifka ay hooyadu ka ilaalisaa inay la jiifsadaan caruurta khaasatan kuwood yaryar, taasoo ragga qaar ku kallifta inay meel kale jiifsadaan, kadibne ay la qabsadaan in la kala seexdo.!


Haddii aad u baahan tahay la talin khaas ah oo ku saabsan dhaqidda guriga iyo tacaamulka lamaanaha, fadlan igala soo xiriir boggeena Facebook:

Caafimaad buuxa iyo qoys is-jecel, mahadsanidiin.

Sheeko yaab leh: Nin Soomaali ah oo kellidiisa laga soo saaray 700 oo dhagax ah

Dhaqaatiirta mid kamid ah isbitaalada India ayaa la yaabeen mawaadin Somaliyed kadib markii mid kamid ah Keliyihiisa ay kasoo saareen boqolaal dhagax.

 Dhaqaatiirta ayaa sheegay in ninkaan uu hayay cudur inta badan aanan la arkin oo sababay in kellidiisa ay soo saarto dhagaxda faraha badan.

Bukaanka oo lagu magacaabo Abdi Rahman kana yimid magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa muddo 3 sano ah hayay dhabar xanuun isagoona booqday dhaqkhtar ka howgala magaalada Gaalkacyo, kadibna Komputer la saaray ayaa waxaa loo sheegay in dhagax yar yar iyo kuwo waaweyn ay labada kelliyood uga jiraan.

Khalliin furan oo lagu sameeyay kellidiisa bidix 8 bilood ka hor ayaa looga soo saaray 3 dhagax oo waaweyn.

 Si kastaba, khalliinkii lagu sameeyay ayaa ku reebay jeermis kana hor istaagay in khalliin looga sameeyo kellida midig.

“Waa markaas markii uu inoo yimid. kellidiisa bidix jeermis ayay qaaday khalliina laguma sameyn karin waxaan ku dajinay daawooyin kahor inta aanan khalliinka endoscopic loo yaqaan uga sameyn kellida midig” ayuu yiri V. Surya Prakash oo ka mid ah dhakaatiirta isbitaalka Virinchi, oo ah isbitaalka khalliinka lagula fuliyay Abdi Rahman sadex maalin ka hor

Dhaqaatiirta ayaa kellida midig ee Abdi Rahman ka saaray dhagax weyn kadib hadana isla kellida kasoo saaray boqolaal dhagax oo yar yar.

“Qaar kamid ah dhagaxaanta ayaa dhulka ku dhacay intii lagasoo saarayay, waxaan ku qiyaasnay inkabadan 700 oo dhagaxaan yar yar ah inta ugu badan ee aan arki jiray waxay ahaayeen 100 ilaa 150” ayuu yiri Dr. Prakash xilli uu soo bandhigayay dhagaxaan farabadan oo ku jiray baakad u eg sanduuq.

Isbitaalka ayaa iminka baaritaan ku sameeyndoona dhagaxaanta iyo waxa ay ka sameysanyihii iyo sida ay u haleeleen Abdi Rahman inkastoo dhakaatiirtu ay aaminsanyihiin inay noqon karto hido balse Abdi Rahman ayaa sheegay in qof kamid ah qoyskiisa uusan waligiis ku dhicin.

Waxyaabaha minka lagu xiro (looyaqaano aneelo)

Waxyaabaha minka lagu xiro waa qeyb kamid ah qeybaha loo isticmaalo ka hortaga dhaqtarka ayaana kuxira dumarka marka kadib uu jeermiska kadilo. Xiliga aad caadada qabtid. Wuxuu kugu xirnaan karaa ilaa sannado waxtarkiisana waa deg deg, markaad iska bixisidna bacriminta iyo caadada degdeg ayay usoo noqon.

Aneelaha maarta ah

  1. Qalab yar oo caag ah
  2. Fiilo dhuuban oo maar ah
  3. Fiilo jilicsan
  4. Labada tubo ee iskuxira ugxamaha
  5. Ugxansidayaasha
  6. Minka
  7. Siilka

Qeexid

Aneelaha waa caag jilicsan,oo ku wareegsan.

Fiilo dhuuban oo maar ah kana laalaado labo fiilo oo jilicsan.

Qaabka uu wax uqabto

  • Aneelaha maarta ah wuxuu lid ku yahay shahwada, wuxuu u diidaa inay bacramin sameeyso.
  • Ka hortagaas wuxuu wax kabadalaa qaabka minka ee uuna udiidaa inuu buulkusameeysto minka.
  • Waxtarkiisa waa sanado badana(ilaa 5 sano ama kabadan).

Kahortagaa wuxuu dhalinkaraa dhiig joogto ah, ama mar mar xanuun leh, ugu yaraan waxaa isku arki kartaa dhiig yar labo caado dhexdooda.

Sida loogashado iyo sida la isa gabixiyo

  • Waxaa lagu xiraa kadib markii jarmiska laga dilo siilka, waxaa haboon in la isku xiro inta aad caadada qabtid. Markii ay naagta rabto in laga siibo ama laga badalo,dhaqtarka wuxuu kaaga soo jidaayaa fiilo xariir ah.
  • waxaa lagu xiraa dumarka horey wax u dhalay. Intaas waxaa siidheer kontorool sanadle ah,latasho dhaqtarkaaga hadii uu walwal jiro:
  • Hadii uu infakshin imaado ama aad isku aragtid calaamado sida gubniin oo kale Cun cun oo kale,wasaq ama xunuun aad waligaa arkin.
  • Caadada oo kaamaqnaato
  • Xanuun aan caadi aheyn oo kaaqabto mindhicirka.

Kahortagaan guud ahaan wuu ilaaliyaa xiliga naagaha ay caadada helaan.
Nooc walba oo kahortag ah aneele ama wax kale,waxaa.
Mihiim ah inaad markasta isticmaashid salbatiibo taasoo kuu.
Noqonkarta ka hortag dhinaca cudurada sida aydhiska iyo infakshinka.

Aneelaha wuu laabmaa.(waxaa lagaliyaa minka)

  1. Dunta qalitaanka
  2. Luul maar ah
  3. Labada tubo ee iskuxira ugxamaha
  4. Ugxansidayaasha
  5. Minka
  6. Siilka

Qeexid
Aneelahaan wuxuu ka kooban yahay hal fiilo ee qalitaanka tasoo 6 luul ooyaryar maarna ah ku dhagan. Gabi ahaan wuu isku laab mi karaa wuxuna qaadanaayaa boos yar oo minka afkiisa.

Qaabka uu wax uqabto

  • Wax tarkiisa wuxuu lamid yahay midkaan horey usoo sheegnay aneelaha maarta casriga ah

Sida loogashado

  • Waxaa lagu xiraa minka salkiisa.
  • sida kuwa kale,waxaad xirankartaa markii aad koontoroola leedahay, dhaqtarkaaga qeyta dumarka, waxaana fiican in lagu gu xiro xiliga aad caadada qabtid.

Aneelahaas waxaa kujiro(Hormoon naageed)

  1. waa dhuuhormoon ku jiro
  2. Labada tubo ee iskuxira ugxamaha
  3. Ugxansidayaasha
  4. Minka
  5. Siilka

Qeexid

Aneelahaan waa wax caag ah oo jilicsan kuna wareegsan dhuuama tubo kasoo kujira hormoon. Hormoonkaas wuxuu xorkuyahay si toos ah afka minka.

Qaabka uu wax uqabto

  • Dhareerka seedaha ku yaalo minka afkiisa wuxuu adkeyaa una diidaa In shahwada aado ilaa minka.
  • Waxaa suuroobikara in shahwada ay tagi laheed gudaha minka
    Sikastaba ha ahaatee waxaa.u diidayo wax qabashadisa.
  • Ugu danbeentii.xuubka minka wuu dhuubnaan, wuxuuna diidayaa inuu buulsameeysto. Argtida hormoonka gudaha, caadada waxay noqon kartaa mid joogto ah ama marmar timaado xanuuyar leh. ama aysan kaa imaan.
  • Aneelahaas wuxuu wax tar leeyahay ilaa 5 sano hormoonkaas daraadiis ayuu waxtarkiisa ubadan yahay.

Sida loogashado

Sida aneelayaasha kale, dhaqtarka ayaa kugu xiraayo qaas ahaawaxaa fiican marka aad caadada qabtid.

Sida xaalad kasta oo kahortag ah,waxaa lagula talinaayaa salbatiibo inaad ula isticmaashid si eey u difaacdo cudurada laga qaado galmada sida aydhiska iyo infakshinka.

2013, SANTÉ SEXUELLE Suisse, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; Artcoss, association romande et tessinoise des conseillères et conseillers en santé sexuelle, faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

(Somalisch / somali / Afsoomaali – Die Spiralen / Les dispositifs intra-utérins DIU)

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch
– Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Kaniiniga ka hortaga uurka

Muxuu yahay ?

Waa kaniini uu ku jiro hormoon kooban lana mid ah kan dumarka jirkoot soo saaraan.

Qaabkuu wax u qabto

  • Wuxuu u diidaa bacriminta ugxamaha, nasiino uu galiyaa.
  • Waxay ku wareegataa xuub qafiifah oo ku yaala minka, kaasoo diyaar u ahayn inuu sameeyo ukumo.
  • Waxay adkeenee dheecaanka minka afkiisa waxayna sameysataa isbaaro lid ku ah shahwada.

Hadaba waxay ahaataba, haddii aad kaniiniga si sax u isticmaashid wuxuu ka hor tagaayaa uurka.

Isticmaalka

Marka ugu horeyso ood isticmaaleysid kaniiniga:

  • Ka bilaaw malinta koowaad ee caadada kuu timaado
    Baakadda ugu horeyso = kahortag degdeg.
  • Maalin walba qaado kaniiniga isku waqti
    (walwal la’aan waxaad iloobikartaa: ugu badnaan 12 saacadood).
  • Labada baako dhexdooda oo 21 kaniini: ka naso 7 maalmood
    22 xabo ahna: ka naso 6 maalmood

Hadaadan iloobin waad ku badbaadeysaa waqtiga nasiinada
xataa. Caadada waxey kuu imaandootaa inta aad ku jirto nasiinada, badanaa waxaa kaa imaankaro dhiig yar oo xanuunn yar la socdo.

  • Bilaaw baakada kale isla maalintii isbuuca aad kii hore bilaawday, saasna kuwad billaha ku xigaana.

Ha ilaawin inaad baakad kale bilowdid: Nasiinadana iney 7 maalmood dhaafto ma’ahan!

Hadii…

… dhiig kaa yimaado intaad kanniiniga isticmaaleysid, Marnaba ha joojin wad kanniiniga si toos ah, wax dhib ah malahan. Hadii dhiigii uu sii socdo bisha kale, kala hadal dhaqtarkaaga.
… aad mantagtid ama shubantid, waxaa macquul ah inuu kaniinigii si fiican jirkaaga u galin iyo wax tarkiisa yaraado. Wad kanniniga isticmaalkiisa ee salbatiibo isticmaal ilaa 7 maalmood. Hadaad mantagtid 4 saacadood kadib xiligii aad qaadatay kaniiniga, isticmaal midkale (tusaalo ahaan kalanabaxso xabat
baakadka keyd ka ah).
… aad daawooyin kale qaadatid sida antibiyootikada, kan jareeska ama kan korka dejiyo
Waydii dhaqtarkaaga hadii uu kaniinigii wali wax tarleeyahay, sababtoo ah daawooyinkaas waxay dhimikaraan waxtarka kaniiniga kahortaga. Wad kaniiniga ee isticmaalna salbatiibada.
… aad wax galmo joojisit (hadii aad ninka kalatagtaan, ama waqti dheer kala maqnaataan), dhameystir baakadkii kuu furnaa intaadan kaniiniga kuligiis joojin, salbatiibana meel gar ah dhigo.
… ay caadada kugu dhicin xilgii nasiinada aad ku jirtay adigoo
– kanniiniga ilodin
– mantagin ama shubmin
– daawo kala isticmaalin
Baakad cusub bilaaw waqtigii aad bilaawi laheed, lanatasho dhaqtarkaaga ama xafiiska qorshaha qoyska.

Kaniiniga la iloobay

  • Kanniiniga halmar la iloobay wax dhib ah masameeyo haduusan dhaafin 12 saacadood.

Maxaad sameeynkaraa ?

  • Qaado kaniinigii aad iloowday mar ala markaad xasuusato, xitaa hadey labo isku maalin ama isku mar naqoto.
  • Hadii aadan samenin wax isu tag ah kadib maalinkii aad iloowday ama 7 dii maalin ee la soodhaafay, baakada wad ee isticmaalna salbatiibo ilaa 7 maalmood.

Waxaa lagama maarmaan ah hadaad kaniiniga hilmaantid inaad 7 maalmood oo joogti ah kaniinga inaad qaadatid si uu kahortaga wax utaro.

  • Haddi ad galma gashay  7 ciisho ee la so dafay, waxad la xirirta hayada qabilsan cafimadka galmada iyo qoysyada ama daqtarkaga. Waxa laga yaba in ad uu bahan tahay ka hortag ur kama ah. Taasna waxa lo bahan yahay si deg deg ah in loga hortago – marba sida wax ay yihin ugu dambeen 70 ama ila 120 sacad ka dib markad galmada sameesay bila ka hortag ur (waxad eegta ka hortag ur kama ah).
  • Inta aad sugeesid, kanniiniga wad ee hadii aad galmood sameyneysid, isticmaal salbatiibo ilaa 7 maalmood.

Weli waxaad ogaataa: in dhiig kaa imaankaro kaniinniga iloowday dartiisa.

Sida xaalad kasta oo kahortag ah,waxaa lagula talinaayaa salbatiibo inaad ula isticmaashid si eey u difaacdo cudurada laga qaado galmada sida aydhiska iyo infakshinka.

2015, SANTÉ SEXUELLE Suisse, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; Artcoss, association romande et tessinoise des conseillères et conseillers en santé sexuelle, faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

(Somalisch / somali / Afsoomaali – Die Pille / La pilule oestroprogestative)

Daawo Cusub Oo Loo Helay Ka Hortaga Kansarka Loona Adeegsan Doono Viruska AIDS-Ka

Daawooyinka cusub ee difaaca jirka ka caawin kara in ay ka hor tagaan kansarka ayaa waxay noqdeen kuwa aad loogu farxay raja wayna abuuray.

Seynisyahano kullan laba maalmood ah ku yeelanaya magaalada Paris ayaa rajeynaya in daawooyinkan loo adeegsan doono wax looga qabto viruska HIV ee keena cudurka Aids.

Viraska HIV ayaa ku noolaada unugyadda jirka oo uu isku qariyo, si aanan loo soo saarin.

Waxa la aaminsanyahay in sida ay isu shabahayaan, unugyadda keena kansarka iyo viruska dhaliya Aidska ay gacan ka gaysan karto in markaas wax laga qabto HIV-ga.

 

Seynisyahada ayaa aaminsan in tani tahay horumar wanaagsan inkastoo haddana ay bilow tahay.

Hasa yeeshee Dr Anthony Fauci oo ka tirsan xarun caafimaad oo ku taala dalka Maraykanka ayaa ka digay in daawooyiinka shaqeeya marka ay timaado cudurka Kansarka aysan shaqaynayn marka ay noqoto in lagu daawayo cudurka kansarka.

Cudurka HIV ayaa baab’iya difaaca jirka taasi oo keenta cudurka Aidska.

Ilaa iyo imika suuragal ma aha in la daaweeyo cudurka Aidska, balse dadka qaba cudurka Aidska ayaa waxa ay qaataan daawooyiin ka Kaaba dhanka noolasha .

RAG & DUMAR:Finaanka Dilay Quruxda Wajigaaga oo aadan Waxbadan ka ogeyn Sababha Keenay(Findoob (Acne))

Waa maxay Findoob?
Finanka ugu badan ee wajiga ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa “Acne”, Afka soomaaligane waxaa lagu dhahaa “Findoob” waa nabro yaryar oo ka soo baxa sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dufan maqaarka subkiya, qanjirradaas ayaa ka xirma afka kadibna way bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.
Findoobka wuxuu ku dhacaa wiilasha iyo gabdhaha intaba, wuxuuna u badan yahay xilliga ay qaangaarayaan.

Meeqo nuuc ayuu u kala baxaa Findoobku?

  • Marka ugu horeysa uu finka soo bixi rabo waxaa la dreemaa meel jirka aan la sinnayn oo ka soo kacsan, waana astaanta ugu horayso ee la dareemo inta finka uusan soo bixin, waxaana afka qalaad lagu dhahaa “Comedones”, waxay arintaan dhacdaa markii dulduleelada wajiga ee aadka u yaryar ay bilaabmaan in ay xirmaan, waxaana jira waxyaabo badan oo xeri kara kuwaasoo hoos aan ku faahfaahin doonno waxaana loo yaqaanaa “Comedogenic”, sidaa darteed waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad wajiga u isticmaali rabtid waa inay noqdaan “non-comedogenic” taasoo macnaheeda ah “dulduleelada wajiga aanan xirayn”. shirkadaha qaarkood way ku soo qoraan waxyaabaha ay sameeyaan oo maqaarka loo adeegsado.
  • Waxaa ku xiga oo dadka qaar isku arkaan fin afka hore ka furan, waxaana loo arkaa sidii dhibco madmadaw oo kale oo wajiga ku firdhisan waxaana loo yaqaanaa “Blackheads”, markii aad loogu dhawaadane waa sida godad yaryar oo aad moodid in la dulduleeliyay.
  • Waxaa kaloo jira finan afka ka daboolan oo kuusma, waxaana ku jira wax cad oo jilicsan oo dadka qaar ay iska tuujin karaan, waxaana loo yaqaanaa “whiteheads”, tan wax dhib ah badanaa ma reebto markii la tuujiyo, maalmo ka dib way baaba’daa, caadi ayuuna wajiga ku soo laabtaa, waxay badanaa lagu arkaa sanka dhinacyadiisa iyo garka.
  • Mararka qaar meelihii dufanka ku xirmay ayaa caabuq yeesho, waxaana lagu fahmi karaa in xanuun la dareemo markii la taabto, haddii la tuujiyane wuu ka sii daraa oo barar iyo xanuun ayuu keenaa, finankuna si dhakhso ah ayay ku faafaan, wayna gaduudataa meesha la tuujiyay, waxayna reebtaa haar ama madaw wajiga ku hara, waana muhiim in aadan tuujin fin xanuun leh oo jirkaaga ka soo baxa, tani waa khalad ay dad badani ku dhacaan, finka markuu sidaan noqdo waxaa loo yaqaanaa “papules” ama “Pimples” lamana taabto.
  • Haddii aad tuujisid finkii hore wuxuu isku badalaa wax loo yaqaano “Pustules”, tanoo ah fin malax gashtay, weli waa muhiim in aadan taataaban oo aadan ka dhiijin malaxdaas, haddii kale wajiga wuu kaa hallaabayaa, waxaa jira daawooyin loo qaato markay xaaladdu halkaa gaarto waana muhiim in aad dhakhtar maqaar la xiriirtaa, laakiin inta ka horayso siyaabo dabiici ah ayaa loola tacaalaa sida aad ku arki doontaan qeybta hoose.
  • Haddii finka ay wax ka soo bixi waayaan oo uu sii bararo wuxuu isku badalaa xaalad loo yaqaano “nodules” qofka wuxuu wajigiisa yeelanayaa kuus kuus tira badan, waana qasab in aad dhakhtar la xiriirtid markay sidaan noqdaan.
  • Waxaa qofka la dhihi karaa wuxuu qabaa Findoob markii ugu yaraa 20 fin ay soo baxaan, taasoo haddii si khalad ah loola tacaalo reebi karo haaro wajiga ku samaysma.

Maxaa keeno Findoobka?
Inkastoo waxyaabaha toos u keeno finankaan aan la garanayn laakiin waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo dadajiya ama saacida soo bixitaankiisa oo ay ka mid tahay:

  • Daawooyinka qaar, sidaa darteed waa isticmaalka daawooyinka aan laguu qorin khaasatan kuwa korka la mariyo.
  • Heerka hormoonnada qofka (hormoonnada kacsan ee loo yaqaano “Androgens” ayaa lala xiriiriyaa soo bixidda finanka wajiga ee u badan dhalinyarada, xilliga qaangaarka ama waqtiyada haweenka ay uurka leedahay, saas ayaana loogu magac daray).
  • Jeermiska (waxaa la sheegaa in ay jirto bakteeriyo badanaa lala xiriiriyo in ay ka qeyb qaadato samaysanka haaraha wajiga markii finanka ay soo baxaan ka dib) in bakteeriyo ay ku dhalatay finka wajiga waxaa lagu fahmaa in finkii uu xanuun yeeshay, midabkiisane uu isbadalay.
  • Qanjirrada dufanka wajiga oo aad u shaqeeya (Haddii qanjirrada soo daayo dheecaanka subkiya maqaarka ay aad u shaqeeyaan, waxay keeni kartaa in saliidda ku xiranto sidaasne ay finan ku samaysmaan)
  • Diiqada (welwelka iyo fekerka) – Fakarka, stresska ama walwalka waxaa lala xiriiriyaa findoobka.
  • Hurdo yarida ama hurdo xumida waxay ku jirtaa waxyaabaha ka qeyb qaato findoobka.
  • Cabitaan yarida: dadka badanaa aan cabin biyaha caadiga ah way ka finan badan yihiin dadka aadka u cabo biyaha, waana arrin cilmibaaris lagu ogaaday sababtoo ah, dadka jirkoodu uu leeyahay biyo ku filan badanaa ma xirmaan qanjirrada dufanka ee jirka ku yaallo.
  • Cunnooyinka qaar waxaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin findoobka sida shokolaatada, caanaha, cunada leh karbohaydareetka, Vitamiinka A iyo E-ga.
  • Allarjiga iyo xasaasiyadda: dadka qaarkiis wuxuu jirkood falcelin ka sameeyaa cunnada qaarkood ay isticmaalaan, waxayna tani keenaa finan wajiga ka soo baxo

Yuu ku badan yahay Findoobka?
Acne waa dhibaato ay ka sheegtaan in ka badan 85% dhalinyarada mana ahan cudur halis ah, dhibaatada ugu weyn uu keeni karane waa wajiga oo haaro yeesho, dhaawac nafsaani ah, niyad jab iyo ka go’idda bulshada (tan oo u badan gabdhaha).

Sidee looga hortagaa Findoobka?

  • Nadaafadda waxay dowr weyn ka ciyaartaa furidda afka qanjirrada saliidda ee xirmay si aysan finan cusub u samaysmin.
  • Si joogto ah wajigaaga biyo nadiif ah ugu dhaq, adigoo aadan isticmaalin saabuun ama kiimiko kalaba.
  • Finanka ka daa gacmahaaga, hana tuutuujin, waxa ku jirane haka soo saarin.
  • Ka fogow cunnooyinka warshadaysan ama kuwa bacaysan
  • Jooji isticmaalka sigaarka iyo daroogada kale.

Findoobka ma leeyahay daawo?
Findoobka waxaa loo isticmaalaa daawooyin badan oo ay ka mid tahay bamaatooyin la marsado laakiin waxaa kugu haboon in aad u tagto dhakhtar maqaar si loo arko finankaaga noocooda iyo heerka ay marayaan sida aan ku soo faahfaahiyay qeybta kore. Waxaa kaloo jira xanuuno maqaar oo dhowr ah oo u eg Findoobka oo lagu daaweeyo daawooyin ka duwan.

Siyaabaha dabiiciga ah ee loola tacalo “Findoobka”?
Waxaa jira waxyaabo badan oo dabiici ah oo lagula tacaalo markuu findoobka cusub yahay, dadkuna way ku kala duwan yihiin siday ugu fiicnaadaan, sidaa darteed waxaan halkaan ku xusi doonaa waxyaabaha waxtarkooda la xaqiijiyay, fadlan haddii aad tahay dadka allerjiga qabo waxaa lagaa yaabaa in waxtarka daawo dhireedkaan sidii la rabay inaad ku noqon wayso ee la xiriir dhakhtarkaaga.

  • Khalka Tufaaxa ee aan la sifayn “Unfiltred Apple Cider Vinegar”: waxaa badanaa lagu darsadaa cunanda sida saladka, wuxuuna wax ka taraa findoobka, wuxuu qallajiyaa saliidda badan ee wajiga, wuxuuna furaa qanjirrada xidhan, wuxuuna la dagaallamaa bakteeriyada wajiga ku dhalato, laakiin waa in aad xad yar ka isticmaashaa markaad wajiga ku dhaqanaysid, kadibne biyo ka dambaysiisaa. waxaa laga helaa dukaamada qaarkood isagoo diyaar ah.
  • Malab iyo qorfe la isku shiiday: sida aan horay uga soo hadalnay labadaan daawo waxay aad ula dagaallamaan caabuqa noocyadiisa kala duwan khaasatan kuwa maqaarka ku dhaca. 2 qaaddo oo malab ah iyo 1 qaaddo oo qorfe ah ayaad isku shiidaysaa markay xanjo camal noqdaan ayaad ku dhajinaysaa meelaha nabraha ay kaaga yaallaan muddo 10 daqiiqo ah, kadibne waad ka dhaqaysaa. Ogow waa in malabku uu yahay mid dabiici oo saafi ah.
  • Babayga: sidaan horay uga hadalnay geedka babayga, waxaa ku jira maaddo loo yaqaano “papain” taasoo ka hortag u ah caabuqa iyo samaysanka malaxda khaasatan markuusan aad u bislaan. markaad qolofta iyo maraha ka saartid, babayga waad shiidaysaa adigoo biyo ku darain, markuu cajiin oo kale noqdo ayaad marsanaysaa wajiga, 15 daqiiqo ka dib waxaad uga dhaqaysaa biyo qandac ah.
  • Qolofta oranjada ayaa la shiidayaa markay budo noqoto ayaad ku daraysaa biyo yar si ay u noqoto waxa wajiga lagu dhajin karo, waxay kaa caawin doontaa in unuygada dhintay ee maqaarka ay kaa nadiifiso, qanjirrada xidhanne inay furto, 20 daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
  • Geedka dacarta: sidaan horay uga soo hadalnay faa’idooyinka geedkaan waxaa ka mid ah in maqaarka uu daawo uga yahay cudurro badan, wuxuu yareeyaa bararka, finanka iyo caabuqa ku dhasho wajiga. dhareerka geedka ayaa la marsadaa wajiga, waxaadna isticmaashaa nooca caleemaha balballaaran ee qodxaha leh, markaad kala dhambashid caleenta waxaad ugu dhax tagi doontaa wax sidii maro cad oo khafiif ah, oo dhareer badan leh, taasi ku tirtiro wajiga, muddo 30 daqiiqo ka dibne ka dhaq wajigaaga dhareerka qallalay.
  • Qolofta mooska: Mooska waxaa ku jira maaddo loo yaqaano “Lutein” sidaan horay uga soo hadalnay wuxuu jirka ka saaraa sunta, wuxuuna ka hortag u yahay hurka iyo balbalka maqaarka ku dhasho, qolofta dhinaceeda gudaha ee jilicsan ayaad wajiga ku tirtiranaysaa, kadibne 30 daqiiqo ka dib waad iska dhaqaysaa.
  • Qiiqa: biyo kulul oo liin lagu daray markii wajiga aad ku uumisid ama qiiqa uu kugu baxo waxay si dagdag ah ku furaan qanjirrada xidhan ee dufanka leh, isku dabool muddo 10 daqiqo ah biyo kulul oo liin lagu dhiijiyay, maalintiiba hal mar samee sidaan muddo usbuuc ah.
  • Cunista toonta: fadlan wajigaaga toon ha u dhawaynin, laakiin cunnada ku darso tan waxay difaac kaa siin doontaa ka hortagga caabuqyo tira badan oo aan horay u faahfaahinay, fadlan dib u booqo qoraalkii toonta aan kaga hadalnay.

Maxaa talo i siinaysaa?
Iska ilaali in aad marsatid kareem ama daawo dhakhtar uusan kuu qorin, waxaa dhici karto in ay wajiga kaa foolxumayso ama kugu reebto haaro aan kaa fuqi doonin ama dhaawac maqaarka in aad is gaarsiisid. Fadlan la xiriir dhakhtar haddii finanka wajigaaga ay ka sii darayaan ama is badalayaan.


Akhriso qoraalkaan: Siyaabaha loo baaba’iyo Haaraha Wajigahttp://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6318.0

Layaab:Nin asagoo qalliin ku jira gitaar garaacanayey(VIDEO)

Muusikiiste Hindi ah ayaa miiska qalliinka ku garaacay Gitaar si dhakhaatiirta uu uga caawiyo inay ka daweeyaan xanuun ka hayey murqaha faraha.

Abhishek Prasad ayaa la weydiistay inuu Gitaarka garaaco mar kasta oo dhakhaatiirtu ay doonayaan inay wax ka daweeyaan qayb maskaxda ka tirsan oo koontaroosha dhaqdhaqaaqa.

Xaaladda uu qabay ayaa ah mid keenta xanuun murqaha ku dhaca, ama dhaqdhaqaaqyo soo noqnoqda, ama qaabab aan caadi ahayn oo lagu arko addimada qofka.

Qalliinka ka dib si caadi ah ayuu gitaarka u garaacayeyLahaanshaha sawirkaIMRAN QURESHI
Image captionQalliinka ka dib si caadi ah ayuu gitaarka u garaacayey

Mr Prasad wuxuu BBC u sheegay in qalliinka ka dib uu si caadi ah gitaarka u garaacayey. Wuxuu intaa ku daray in todobaad ka dib ay dhakhaatiirtu ka fureen tolmadii ay madaxiisa toleen qalliinka ka dib.

Xanuunka qabtay Mr Prasad ayaa ka hor joogsaday inuu dhaqaajiyo Far-dhaxaadda, Far-yarada iyo tan u dhaxaysa ee gacantiisa bidix.

Waxaa xusid mudan in aan la suuxin intii uu qalliinku socday oo uu xusuusto marxlad walba.

How to Treat Scalp Scabs

Are you constantly scratching your head? If yes, it could be due to scabs on your scalp.

Scabs are raised, crusty areas or patches on the scalp. Some are yellowish, while others are dark brown, reddish or black. They are often itchy and can bleed sometimes.

This problem can be an embarrassing nuisance, especially if the itchiness is relentless and you simply must scratch away.

scalp scabs

Frequently, scalp scabs are due to dry scalp. The problem also may be a symptom of another skin condition that is affecting the scalp, such as contact dermatitis, dandruff, psoriasis, seborrheic eczema, lichen planopilaris, ringworm, lice, and shingles, to name a few.

In some cases, scabs can occur as a result of various hair treatments and styling, such as braiding, bleaching and coloring your hair using dyes.

Most scabs will disappear on their own, but you can use home remedies to treat the symptoms and quicken the healing process. However, if the scabs cover your whole head or the problem is chronic, it is important to see your doctor to find out the cause and ensure proper treatment.

how to treat scalp scabs

Here are the top 10 ways to treat scalp scabs.

1. Warm Compress

To get rid of scalp scabs, you need to soften flakes using a warm compress. As the scabs become soft, they will start reducing in size. A warm compress is also effective in reducing itchiness.

warm compress for scalp scabs

  1. Soak a towel in comfortably hot water and squeeze out the excess water.
  2. Wrap the warm towel around your head.
  3. Leave it on for 10 to 15 minutes to allow the heat to soften the scabs.
  4. Comb your hair to get rid of any loose scabs.
  5. Do it once daily.

2. Apple Cider Vinegar

When it comes to treating scabs on the scalp, apple cider vinegar is a good remedy.

apple cider vinegar to treat scalp scabs

It has powerful antibacterial and antifungal properties that can help fight many of the causes of this problem. Plus, it balances the pH level of the scalp, which can help relieve itching and dryness.

  1. Mix 2 tablespoons of raw, unfiltered apple cider vinegar into 1 cup of warm water.
  2. Use this solution to wash your hair.
  3. Gently massage it around the scalp for 5 minutes.
  4. Rinse it out with water.
  5. Use this remedy once or twice a week.

Note:  If the problem is sever, you can use a solution of equal parts of apple cider vinegar and warm water. However, do not use undiluted apple cider vinegar, as it can be harmful for your scalp.

3. Warm Oil Massage

To reduce itchiness and dry scalp, a warm oil massage is very effective. Oils, such as coconut or olive oil, create a barrier that helps keep your scalp moisturized. Hence, it is an effective way to treat scalp scabs.

warm oil massage for scalp scabs

  1. Warm up ¼ cup of extra-virgin olive or coconut oil.
  2. Use the warm oil to gently massage your scalp for 5 to 10 minutes.
  3. If needed, use a comb to work the oil into your hair.
  4. Put on a shower cap and let the oil work overnight.
  5. The next morning, wash your hair and scalp with a mild shampoo.
  6. Repeat this simple remedy 3 times a week.

4. Aloe Vera Gel

Another good remedy is aloe vera gel.

The gentle and soothing nature of aloe vera eases pain and itchiness, while also protecting the scabs from getting infected. Plus, it works as a deep conditioner to moisturize a dry scalp.

aloe vera gel to get rid of scalp scabs

It also helps maintain the scalp’s pH balance.

  1. Cut open an aloe vera leaf and remove the gel. Optionally, you can add a little vitamin E oil, or simply squeeze the oil from 2 vitamin E capsules in it.
  2. Use your fingers to spread the fresh gel onto the sores and scabs on your scalp.
  3. Leave it on your scalp for at least 1 hour.
  4. Finish by washing your hair with a mild shampoo.
  5. Do this 2 or 3 times a week.

5. Tea Tree Oil

Tea tree oil, with its powerful natural antifungal, anti-inflammation and antibacterial properties, can be used to treat itchiness associated with scalp scabs.

It also cleanses, removes infectious organisms and revitalizes the scalp.

tea tree oil to treat scalp scabs

  • Mix 10 drops of tea tree oil into ¼ cup of almond oil. Massage the mixture onto your scalp and allow it to sit for about 5 minutes. Then, shampoo your hair as usual. Repeat 2 or 3 times a week.
  • Alternatively, add 10 to 20 drops of tea tree oil to ½ cup of baby shampoo and use it to wash your hair daily until the condition of your scalp improves.

6. Jojoba Oil

Jojoba oil can also reduce the symptoms of scalp scabs and promote healing. Its moisturizing nature helps restore the balance of natural oils on your scalp, which is essential to fight dry scalp and scabs.

jojoba oil to treat scalp scabs

Plus, this oil is very rich in antifungal compounds.

  1. Before going to bed, put a small amount of jojoba oil on your scalp.
  2. Massage it around your scalp for a few minutes.
  3. Leave it on overnight.
  4. The next morning, wash your hair with a mild shampoo.
  5. Repeat this remedy once or twice a week.

SAWIRRO+VIDEO: Weerar Nooc Cusub Ah Oo Ka Bilowday Magaalada London

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa magaalada London ka dhacay dhowr weerar oo loo adeegsaday aashito “Acid” dadka wajiga looga shubayo, iyadoo falkaani ay geysanayeen dhalinyaro yar yar oo qaarkood ku socday mootooyin.

In ka badan 30 kiis oo dad lagu weeraray acid wajiyada looga shubay ayaa ka dhacay bariga magaalada London, waxaana goobaha caafimaadka ay qaabileen 20 qof oo wajiyada halis ka gaartay.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay wiil 15 jir ah iyo mid kale oo geystay qaar ka mid ah weeraradaan, waxaana maxkamad lasoo taagaya 17-ka bishaan ee Isniinta.

Weerarkaan cusub oo qalqal geliyay dadka, gaar ahaan muslimiinta inkastoo aan lala xiriirin midib iyo diin midna.

Halkaan Ka Daawo Sida Ashitada Loogu Shubayo

 

 

DAAWO-Ficilo Maalin Kasta Dadku Sameeyaan Oo Keeni Kara Madhaleysnimada: VIDEO

Ilaahey SW ayaa haaya ubadka oo ciddii uu doono siiyo, ciddii uu doonana u diida, hase ahaatee Ilaahey uu shey walbo sabab u yeelay. Waxaa jirta cilmi baaris caafimaad oo ay sameysay jariirada caafimaadka ee Women’s Health oo daah qaaday falal si maalinle ah loo sameeyo oo keeni kara madhaleysnimada, gaar ahaan ragga.

Daraasadaan ayaa caddeynaaya sababo badan oo keeni kara madhaleysnimada kuwaasi oo aan badankood ka war heyn dadka, waxaana ka mid ah daawashada faraha badan TV-yada oo yareyn karto xadiga minada ama shahwada ragga ku jira.

Baaritaanadii lagu sameeyay 1200 dhalinyaro caafimaadkoodu wanaagsan yahay oo qaarkood in badan daawada TV-yada, halka qaarkood si badan u isticmaala Laptop-ka lagu ogaaday in kawa maalintiiba shan saac daawado TV-yadu in jirkooda kusii yaraaneyso shahwadu.

Dasaarada Women’s Health waxay sheegtay in isticmaalka Computerada desktop-ka aysan saameyn badan laheyn marka la barbar dhigo Laptop-ka, waxaana arrin qatar ah lagu tilmaamay in dhabta la saarto Laptop-ka, kaasoo halis u keeni kara xididada marinka minada.

 

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com