Home » Ila tali

Ila tali

Haddii Gacaliyahaaga Calaamadahaan Aad Ku Aragto Jaceylkaada Wadada Guusha Ayuu Saaran Yahay .

Jaceylka ayaa ah dareen midka ugu macaan dunida , mana aha mid erayo kooban lagu sifeyn karo

Balse marka lamanaayaasha ay muddo wadda joogaan ayaa waxaa laga yaabaa in xariirka noqdo mid dabacsan taasi oo wel weli ku abuurta lamanayaasha gaar ahaan haweenka

Hadaba Maandeeq.net waxa ay ku siineysaa dhowr calaamad oo haddii aad ku aragto gacaliyaaga ku muujinaya in uusan meel kaaga socon walibana si fog aad ugu jirto qalbigiisa

* Waxa uu mar waliba hadal iyo ficilba kugu xaqiijiayaa in aad tahay qofta kaliya ee noloshiisa ah ee uusan ka maarmin

* Kama laba labeeyo in mar waliba inuu ku yiraahdo waan ku jeclahay

* Kama laba labeeyo in uu ku caawiyo , waxa uu diyaar u yahay mar waliba in uu ku garab taagnaado .

* Waxa uu kaa qeyb giliyaa dareemihiisa iyo afkaartiisa

Waxa uu joogto uga hadlaa mustaqbalkiina iyo sida looga dhabeyn lahaa riyooyinkiina mustabqaleed

* Ugu dambeyn waxa uu ku muujiyaa in aad tahay boqoradiisa

Nin iska ooyay markuu dhagaystay garaaca wadnaha gabadhiisa oo dhimatay

Waxaa la baahiyay sawirrada markii aabe uu dhagaystay wadnaha gabadhiisa oo dhimatay oo ka dhex garaacmaya xabbadka nin ay badbaadisay, arrintaasi waxay ka dhacday dalka Maraykanka.

Bill Conner ayaa baaskiil ka qaatay gurigiisa oo ku yaalla Wisconsin isaga oo boqollaal kiiloo mitir jaray si uu garaaca wadnaha gabadhiisa ugu soo dhagaysto magaalada Baton Rouge ee caasimadda u ah gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka.

Ilmo ayaa ka soo daadatay markii uu dhagaystay garaaca wadnihii ay gabadhiisu ku deeqday markii ay dhimatay oo ku jira jidhka Loumonth Jack.

Jack ayaa loo sheegay in ay maalmo uun u dhimanyihiin ka dib markii wadnaha laga qabtay.

“Wuu ogyahay in sababta uu u nool yahay ay tahay gabadhayda Abey, Abey isaga ayay ku dhex nooshahay – wadnaheeda ayaa sabab u ah in uu in uu si sax ah u taaagan yahay,” Conner ayaa sidaas u sheegay warbaahinta CBS News.

Conner ayaa isku duubay Jack ka dib markii uu la kulmay maalinta aabaha
Conner ayaa ogaaday in ay macquultahay in uu Jack la kulmi doono isaga oo baaskiil ku sii safraya

“Waan ku farxay isaga iyo qoyskiisaba, dhanka kalana waxaan mar kale la kulmay gabadhaydii.

Abbey iyo walaalkeed oo miyir daboolmay ayaa laga helay baraag lagu dabaasho oo ku taalla magaalada loo dalxiistago ee Cancun ee dalka Maksiko.

Waxaa diyaarad loo saaray magaalada Fort Lauderdale ee gobolka Florida, halkaas oo dhakhaatiirtu qalab ku xireen tan iyo intii ay uga suurtagalaysay in xubnaheeda lagu tallaalo dad kale, walaalkeed ayaase badbaaday.

Conner oo gabadha aabaheed ah ayaa sheegay in Abbey ay iyadu go’aansatay in ay xubnaheeda ku deeqdo markii ay 16 sano jirtay.

“Haddii aad saaxiibbo tihiin markaste way ku garab istaagi lahayd, dadka baahan ayayna caawin jirtay – sidaas ayay ahayd,” ayuu yiri.

Abbey Conner

Conner ayaa go’aansaday in uu baaskiilka ku maro 4000 oo kiloo mitir si uu wacyigalin ugu sameeyo xubnaha lagu deeqo una booqdo Isbitaaalka Broward Health Medical Center oo hayay maydka gabadhiisa.

Intii uu dhexda ku sii jiray ayuu ogaaday in uu la kulmi doono Jack.

Isbitaalkii hayay maydka Abbey ayaa waraaqo u diray afar ruux oo lakala siiyay xubnaheeda si ay ula kulmaan aabaheed.

Afartaas ruux waxaa ka mid ahaa Jack oo xaaladdiisa caafimaad ay aad u sii xumaanaysay ka hor inta uusan helin wadnaheeda.

Conner (bidix) ayay ka dhimatay gabadhiisa Abbey (dhexda) halka wiilkiisa Austin (bidix) uu ku dhaawacmay dhacdada Maksiko

“Way i badbaadisay uma abaalgudikaro. Waxaan jeclaan lahaa in aan u abaalgudikaro laakiin ma awoodo,” Jack ayaa sidaas u sheegay telefeshinka WAFB. Hadda waxaan samayn karaa oo kali ah in aan jacayl la wadaago qoyskeeda ayuu intaas ku daray.

Dadkii goobjoogga ka ahaa kulanka Conner iyo Jack ayaa ku tilmaamay mid quluubta dadka taabtay.

“Wax aan la rumaysankarin ayay ahayd,” ayay BBC-da ku tiri Mary Klemenok oo u hadashay hay’adda xubnaha la isu tabaruco ka shaqaysa ee Louisiana Organ Procurement Agency.

“In Abbey ay rabtay in xubnaheeda ay ku tabarucdo marka ay geeriyooto ayaa jaanis siiyay naf kale si ay u noolaato.

“Bill ayaa dhagaystay garaaca wadna gabadhiisa ka dibna duubtay si uu u haysto inta uu noolyahay, xaqiiqo ahaanna waa arrin aad u qurux badan.” ayay tiri.

‘Qaaxada Maskaxda ayaan qabaa’

“In qaaxadda maskaxada ay kugu dhacdo aad ayay u xanuun badan tahay. Mararka qaarna waxaan damcaa in aan madaxa iska jaro oon is ag dhigo”.

Johnny Islam oo 29 jir reer London ah xanuunkan uu qabo ee Qaaxadda in uu maskaxda ku dhaco waa mid naadir ah, balse xanuunka laftiisu ma aha.

Xannuunkan ayaa wakhtiyo aad u fog dad badan ku dhici jiray, waxaana laga soo qaaday in adduunka laga cirib tiray wakhti hore.

Laakiin kiisas badan oo xannuunka ah ayaa lagu arkay magaalada London oo mar loo yaqaanay caasimaddii Qaaxada ee Galbeedka Yurub.

Xanuunkan ayaa badalay noloshii Johnny. waxaana laga yaabaa in uu u gaysto dhaawac wakhti dheer haysta amaba uu dilo.

Wuxuu yiri “Waan ka baqaa in aan bannaanka aado, waana ka baqaa in aan kaligay wax qabsado waayo wakhti kaste ayaan miyir daboolmi karaa.

“Unugyada maskaxda oo dhan ayay ku faafi kartaa, xasuustaada ayayna dhaawici kartaa, markastana wax baan iloobaa.

“Qofkaste maalin unbuu dhiman, xanuunkan in uu idilo ayaa laga yaabaa, waxkastana way dhici karaan”.

Tiknoolajiyadda taleefanka Caaqilka ah

Macluumaadkii u dambeeyay ee bakteeriyaddu wuxuu muujinayaa in xadiga Qaaxadda ee qaybo ka mid ah magaaalada London uu ka sareeyo kan qaar ka mid ah dalalka soo koraya sida, Ciraaq, Liibiya iyo xataa Yemen.

Waa caabuq bakteeriyo oo inta badan bartilmaameedsada neef mareennnada, laakiin weerari kara qaybkaste oo jirka ka mid ah, intiisa badanna waa la dawayn karaa.

Qaaxadu waxay ka mid tahay xanuunnada hawada lagu kala qaado haddii qof qaba uu kugu af qufaco ama kugu ag hindhiso.

Laakiin xaaladda Johnny ayaa naadir ah oo adag, in kabadan sanad ayuuna qaadanayaa 12 nooc oo kiniinka antibiyootigga ah ah.

Wuxuu ka qayb qaataa muuqaal dawayn, taas oo ah in uu taleefan caaqil ah iskaga duubo muuqaal isaga oo dawada qaadanaya ka dibna u diro shaqaalaha caafimaadkiisa qaabilsan isaga oo sii marinaya hannaan ammaankiisa la adkeeyay, sidaas daraadeed dakhaatiirtiisa ayaa xaqiiqsanaya in uusan dawada kala jaraynin oo uu sidii loo baahnaa u qaadanayo.

A hand dropping pills into a cup

Hannaankan markii u horaysay waxaa billaabay jaamacadda University College London iyada oo la kaashanaysa isbitaallada jaacadda University College London. bukaanada ayaana iska duuba marka ay dawada qaadanayaan iyaga oo adeegsanaya taleefan caaqil ah oo hawshaas kali ah lagu qabto.

Arrintaas ayaana lagu tilmaamay in ay wax wayn ka badali doonto dagaalka lagula jiro Qaaxada ee UK.

Natiijaddii horudhaca ahayd ayaana muujisay in 80% ay bukaanku dhamaysteen dawadii iyagoo tiknoolajiyaddaas adeegsanaya, taas ayaana wadada u xaartay in loo adeegsado kiisaska adag sida kan Johnny.

Malaayiin doolar ayaa lagu maalgaliyay isku dayga lagu cirib tirayo Qaaxada iyadoo loo arko dhibaato caafimaad oo bulsho.

Sanadkii 2015kii UK waxaa laga diiwaangeliyay 5,758 ruux oo xannuunka Qaaxadu ku cusub yahay – ku dhawaad 40% dadkaas waxay ku noo laayeen magaalada London.

Wakhtiyadan dambe waxaa hoos u dhacay guud ahaan xannuunka, laakii waxaa sare u kacay dadka halista ugu jira ama ay adag tahay in la daweeyo kuwaas oo ay ku jiraan dadka hoy la’aanta ah. kuwa daroogada sida xun u isticmaala amaba dadka xabsiyada ku jira.

Johnny Islam seen on a mobile phone screen

Helitaanka dadku uu cudurku ku cusub yahay ayaa adag – markaas waxaa xiga in ay joogteeyaan dawayn wakhti dheer soconaysa oo tan ugu yar ay tahay lix bilood oo la isku darayo antibiyootikyo kala duwan.

Bukaannada ayaa inta badan kala gooya dawada, taas oo sababta in uu xannuunku ka sii daro, bakteeriyaduna ay noqoto mid u adkaysata dawada.

Khuburada caafimaadku waxay rajaynayaan in ay arrintaas gacan ka gaysan karto muuqaalkan bukaanka lagula soconayo

Dr Alistair Story oo qayb ka ahaa barnaaamijkan muuqaalka ah ee tijaabada ah ayaa sheegay in haddii hawshan ay “gacan ka gaysato Qaaxadda ay sidoo kalena gacan ka gaysan doonto la tacaalidda xannuunada kale”.

Johnny ayaa hadda ku sii dhaw dhamaadka dawayntiisa.

Wuxuu sheegay in cillado kale u keeneen dhamaan dawooyinka uu qaadanayo, wuxuu sheegay in ay timuhu ka buubayaan, lugta bidixna ay hawlgab noqoto mararka qaar.

Wuxuu intaas ku daray in ay adagtahay in dawada la joogteeyo, uuna rajaynayo in uu isagu sidaa ku guulaystay uuna ugu dambayn ka xoroobi doono Qaaxada.

Maxay tahay doodda ku saabsan ‘caafimaadka maskaxeed’ ee Trump

Waxay u muuqataa inay tahay su’aal aan caadi ahayn oo la weydiiyo nin taajir ah oo ganacsiga ku fiicnaa.

Wuxuu siyaasadda ku soo galay olole hal mar ah, wuxuuna gaaray xafiiska ugu sareeya ee Mareykanka.

Balse, Khubarada waxay ka doodayaan caafimaadka maskaxeed ee madaxweynaha Mareykanka.

Dooda caafimaadka maskaxeed ee Trump waxay ka dhalatay warqad furan oo tobannaan qof ay u direen khubarada.

Dhaqaatiirta waxay sheegayaan in “xanaaqa iyo deganaan la’aanta” ay Trump ka dhigayaan mid aanan sii hayn karin xafiiska.

Hadalkaasi wuxuu u muuqdaa mid jebinaya sharciga muddada u yaalay khubarada caafimaadka maskaxda.

Maxay tahay arrinta hadaba?

Doodda la xiriira caafimaadka Trump maaha mid cusub, waxayna soo billaabatay ka hor doorashadii bishii November ee uu ku guuleystay.

Balse, inta badan dhaqaatiirta caafimaadka maskaxda waxay diidanaayeen inay si waadax ah uga hadlaan.

Waxay taasi ka dhalatay sharci muddo soo jiray oo u yaalla ururka dhaqaatiirta Cilmu-nafsiga ee Mareykanka APA, kaas oo la billaabay 1973.

Sharcigaas wuxuu dhaqaatiirta ka mamnuucayaa inay shacabka u bandhigaa wax ku saabsan shaqsi aysan la kulmin.

Xeerkaas waxaa la sameeyay ka dib markii wargeys uu kumannaan qof u bandhigay in musharrixii Jamhuuriyiinta ee 1964-tii, Barry Goldwater, uu maskax ahaan fiyowaa.

APA ayaa sheegtay sanadkii tagay inay “masuuliyaddaro ay tahay iyo dhibaateyn iyo anshax xumo”, in laga hadlo caafimaadka maskaxeed ee musharrixiinta.

Dhaqaatiirta Cilmu-nafsiga ayaa looga digay inay mala awaal sameeyaan

Balse hadda, qaar ka mid ah khubarada ayaa si shaacsan u hadlay, waxayna qaar ka mid ah saxiixeen dalab ah in Trump xafiiska laga saaro.

Waxay soo jeedinayaan in Trump uu qabo xanuunka “Isla weynida shaqsiyadeed (NPD)”.

Dadka qabo xanuunka noocaas ah waxaa lagu gartaa calaamada soo socda:

  • Islaweyni, naxariisdaro, iyo inay raadiyaan in la jeclaado
  • Waxay aaminsan yihiin inay dadka ka sareeyaan ama ay u qalmaan in si gaar ah loola dhaqmo
  • Waxay raadiyaan in si weyn loo xushmeeyo loona dhageysto
  • Waxay dhibaatoodaan marka la eedeeyo ama ay guuldareystaan

Hadda maxaa cusub?

Warqad loo diray wargeyska The New York Times ayaa 35 ka mid ah dhaqaatiirta maskaxda waxay ka digeen “xanaaqa dareenka ah iyo xasilloonidarada shaqsiga” inay ka muuqdaan hadallada Trump.

Waxay tilmaameen in taasi ay ka dhigeyso “inuusan u qalmin inuu si nabad ah ugu adeego shacabka Mareykanka”.

Waxay sheegeen inay aamusnaanta ku qasabtay sharciga Goldwater, laakiin hadda la joogo xilligii la hadli lahaa.

“Aamusnaanta waxay sababtay inay guuldareysato walaacii ay muujiyeen warbaahinta iyo xubnihii Congress-ka. Haddase aad loogu baahan yahay hadal”.

Warqadda waxay sheegeysaa in Trump uu muujiyay inuusan ogoleyn kala duwanaanta fikradaha.Lahaanshaha sawirkaAP
Image captionWarqadda waxay sheegeysaa in Trump uu muujiyay inuusan ogoleyn kala duwanaanta fikradaha.

Qoraalka warqadda waxaa lagu yiri: “Khudbadaha Mr Trump iyo ficilladiisa waxay muujinayaan inuusan dulqaadan karin uusanna ogoleyn in aragtidiisa laga soo horjeesto. Fal-celintiisa waa mid caro ku dheehan. Ereyada uu adeegsado iyo dhaqankiisa waxay soo jeedinayaan inuu naxariis laawe yahay”.


Maxay tahay doodda?

Taasi marka laga soo gudbo, khubarada qaar ee cilmu-nafsiga waxay ku doodayaa “xanuunka” Trump lagu sheegay inuu “aflagaado ku yahay dadka cudurada maskaxda ku dhaca qaba”.

Dr Allen Frances warqad uu u qoray wargeyska NYT wuxuu ku sheegay “in cuduradda dhabiiciga ah ee ugu badan” ee Mr Trump ay yihiin “islaweyni shaqsiyadiisa wax u dhibtay”.

“Wuxuu noqon karaa qof hadalladiisa ay isla weynida ka muuqato, laakiin tani kama dhigeyso in maskax ahaan uusan fiyoobeen, sababtoo ah ma qabo xanuunnada keena in qofka dhimirka looga dhaco”.

Wuxuu intaa ku daray: Mr Trump wuxuu si xun u qabaa walwal iyo islaweyni, si weyn ayaana taasi loogu abaalmariyay, halkii lagu ciqaabi lahaa islaweynida, naf-jecleysiga, iyo naxariis la’aanta.”

England: Dadka jira 50 ilaa 70 ayaa lagula talinayaa inay u fiican tahay inay shaqeeyaan

Sarkaal sare ee caafimaadka ayaa ku baaqday in dadka da’dooda tahay 50 ilaa 70 ay sii wadaan shaqada si ay caafimaad u helaan.

Warbixin cusub oo soo baxday oo ku saabsan caafimaadka dadka dhashay inta u dhaxaysa 1946 ilaa 1964, ayay Prof Dame Sally Davies, ku sheegtay faa’iidada caafimaad ee jir iyo mid maskax ee laga helo shaqada.

Waxay sheegtay shaqada inay caawiso dadka inay dareemaan inay wax ku guulaysteen ooaysan cidlo ahayn.

33% dadka Britishka ah ee shaqeeya ayaa ka waynaan doona 50 sanadka markuu yahay 2020.

Prof Davies ayaa sheegtay : “Dadka ayaa noolaanaya waqti dheer, sidaas darteed shaqo gabida ayaa u keenaysa fursad dadka da’dan ah inay noqdaan dad qabta shaqo badan.

” Dadka badankood waxay u tahay fursad ay ku qabtaan shaqooyin adag, ma aha sidii ay awal ahaan jirtay oo aan wax badan la qaban jirin.

” Inaad shaqada wado, ama aad samayso iskaa wax u qabso, ama aad ku biirtid kooxo bulshada, ayaa suurto galinaysa dadka inay ka shaqaysiiyaan maskaxdooda iyo jirkooda.

Older couple walking their dog

Maxay yihiin dadkan jira 50 ilaa 70?

Waxay dhasheen ilaa 20 sano wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee adduunka markii uu aad u kordhay tirada carruurta ee ay reerka ay dhalaan, waxayna hadda jiraan 50 ilaa 70 sano.

Dumarkan iyo raggan waqtigaas dhashay ayaa arkay isbadal badan noloshoodii.

Waxay koreen iyagoo aan haysan kombuter ama xitaa TV, laakiin waxay haysteen internet, mobile iyo baraha bulshada.

Waqtigan noloshooda, inay caafimaadkooda dhawraan, inay shaqeeyaan iyo inay bulshada ka mid ahaadaan ayaa muhiim ah si ay xiligan da’dooda ay u caafimaad qabaan.

Warbixin cusub ayaa sheegtay in Facebook uusan u fiicnayn caafimaadka

Inaad waqti badan aad ku jirtid baraha bulshada ayaa waxay kuu keeni kartaa masayr iyo inaad ku faraxsanaan waydo noloshaada, ayay sheegtay daraasaad cusub.

Daraasaada ay samaysay Jaamacada Copenhagen ayaa sheegaysa in isticmaalka barta bulshada ay keenayso dareen masayr.

Waxay gaar ahaan ka digtay dhibka ka imanaya fiirinta barta bulshada oo aan lahayn xiriirka.

Daraasaadka ayaa ku talinaya in laga nasto barta bulshada.

Daraasada oo ay ka qayb qaateen 1,000 qof oo u badan dumar, ayaa sheegtay in “isticmaalka badan ee barta bulshada sida Facebook ay kuu keenayso dhib caafimaadkaaga maskaxda iyo sida aad ugu faraxsan tahay noloshaada”.

 

‘Nolol qiyaali ah oo la isbarbardhigayo’

Baarayaasha ayaa ka digay masayr iyo farxada oo yaraata markii aad fiirinaysid dadka kale sheekooyinkooda barta bulshada, oo ay keento ” nolol qiyaali oo la isbarbardhigayo.”

Inaad dadka xiriir la samaysid oo aad kula hadashid barta bulshada ayaa wanaagsan, ayay sheegtay daraasada oo lagu daabacay joornaalka Cyberpsychology.

Si kale oo loo wanaajin karo caafimaadka maskaxda, waa in la joojijiyo isticmaalka barta bulshada hal toddobaad, ayay sheegtay warbixinta.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com