Home » Lamaanaha

Lamaanaha

Sidee U Raali Gilineysaa Gacalisadaada Ama Gacaliyahaaga Oo Ka Xanaaqsan , Farsamooyinkaan Raac

Haddii aad qalad ka gashay gacaliyahaaga ama gacalisadaada hadana aad dooneyso in aad raali giliso ,waxa ay Alcarabiya.com ku siineysaa habab sahal ah oo arintaas ka caawinaya

* Marka aad raali gilineyso isku day in aad diiradda saarto xaqiiqda dhibka jira ,is weydii waxa kugu qasbay in aad sameyso ama tiraahdo waxa ka xanaajiyay lamaanahaaga ,u sheeg qaladkaadkaan ookale uusan mar kale ka dhaceyn

* U Sheeg In Aad Ka Xun Tahay Waxii Dhacay : haka bakhiilin in aad qaab toos ah ugu muujiso in aad ka xun tahay waxii dhacay

* Haddii Lamaanahaaga kaa codsado in aad ka hor leexato maadaam careysan yahay /careysan tahay u sheeg in aad dooneyso in aad raali giliso ,u sheeg in aad dooneyso in xaliso dhibka dhacay , haddii weli careysan yahay/careysan tahay fadlan ixtiraam go`aankaas oo bax ka dibna kala soo hadal taleefan ama baraha bulshada

* Si Deggan Ugu Sheeg Sababaha Kugu Qasbay Qaladkaas ,waxa ay taasi kaa caawineysaa in aad ka fogaato in mar kale ay dhacdo

* Sii Fursad Ay Wax Waliba Kugu Weyiiso/Weydiiyo oo ku aadan qaladkii dhacay , xittaa qaladka haddii uu yahay mid labadiina ka mas`uul tihiin eedda ha saarin waayo xaal ayaad dooneysaa

* Haddii Qodobada Hore Xal Ku Wayso , Haka Xishoon In Dadka Hortooda Ku raali Giliso , haddii arintaas sameyso welina is adkeynayo/is adkeyneyso waxa aad caawin ka heleysaa saaxibadiina uu oranaya iska cafi
Hadaba si raali gilinta u noqoto mid guuleysata fadlan Al c a rabiya wax ay ku leedahay daacad ka ahoow talaabdadaas .
Sidoo kale kaftan haku soo darin watqiga raali gilinta taasi xaaladda ayay cakiran kartaa

TOP-Lamaanaha is qaba ee Sariirta Wadaaga iyo Caafimaadka

Bismillah,….Cashirkaan waxaan kaga jawaabi doonaa su’aashii ku saabsanayd lamaanaha isqaba oo aan wadaagin sariirta jiifka iyagoo aaminsan in caafimaad darro laga qaado dumarka lala seexdo.!!

Marka hore, Ilaahay ayaa bini’aadanka u abuuray lab iyo dhedig, Isagaane ka dhigay kuwa isku baahan oo aan kala maarmin, wuxuuna quraankiisa iyo xadiithka rasuulkiisa ku sheegay in guurka iyo isutagga lamaanaha ka qaadaan kalgacal, naxariis iyo daganaansho lamaanaha dhex dhigay.

Arrinta ku saabsan in haweenku ay neefsadaan ama soo daayaan hawo xambaarsan walxo caafimaadka u daran waa khuraafaad ku dhisan dhaqan qallafsan oo lagu qarinayo dhaqamo horay u jiri jiray oo laga guuray. wax salne kuma lahan diinta iyo caafimaadka labadaba.
Rasuulkeena suuban NNKH wuxuu noo sheegay in xitaa xaasaskeena la wadaagno sariirta xilliga ay caadada qabaan, weliba aan wax walba isdhaafsiisan karno markii laga reebo jamaaca. Wuxuu kaloo rasuulkeena NNKH ka digay in laga hijroodo ama laga guuro firaashka haweentaada iyadoo lagu xiray shuruudo adag in looga hijroon karo weliba iyadoo ah muddo gaaban.

Taariikhdii hore iyo la dhaqanka dumarka:
Waagii hore, dumarka waa la yasi / quursan jiray, caruurta ayaa lala mid dhigi jiray, talo iyo tusaale lama waydiin jirin, waxaana loo arkay balaayo loo baahan yahay, waxaana taariikhdaas ka dheehan kartaa maahmaahyada soomaalida ee dumarka ku saabsan kuwaasoo qaarkood illaa iyo hadda la adeegsado iyadoo ka tarjumayso xaaladii ay ku noolaan jireen iyo qaabka loola dhaqmi jiray, taasoo u muuqato in laga sii gdubayo.

Maxaa keenay in lamaanaha waagii hore aysan isku meel seexan?

  • Waagii hore ma jirin sariir laba qof iskula seexan karto, guryahane waxay ahaayeen kuwo yaryar oo aan la dhigi jirin sariir laba qof iskula seexan karto.
  • Waxaa kaloo la aaminsanaa inay ceeb tahay in ninka ragga ah iyo xaaskiisa ay hal sariir ka soo wada toosaan subaxii iyadoo la dacaayadayn jiray qofkii ragga ku dhex sheega war dumar, ragguna way ka faani jireen arrimahaas. Soomaalidu waxay tiraahdaa “rag loogama sheekeeyo waxay dumar ku maahmaahdee…”
  • Iyadoo caruurta yaryari ay hooyada la wadaagi jireen sariirta, odaygane uu jiifsan jiray dibadda kore.

Maanta iyadoo aysan jirin baahi banaan loo jiifsado ama sariir kale ama qol kale iyo iyadoo laga sii ilbaxayo yasiddii iyo quusigii hore ee dumarka lagu hayay, caafimaad ahaan iyo diin ahaanba ma haboona in raggu ay ka guuraan sariirtooda.

Caafimaadka iyo Isla Jiifadka Lamaanaha:
Dhowr diraasadood oo lagu sameeyay lamaanaha isla jiifsada, waxay isku waafaqeen dhowr arrimood oo kala ah:

  • Isla jiifadka wuxuu xoojiyaa jacaylka lamaanaha, wuxuuna siyaadiyaa isu soo dhawaanshaha labada qofood taasoo dheerayso xiriirka iyo isla joogga lamaanaha – waxaa lagu arkay diraasadaan in lamaanaha kala seexda ama markay isku baahdaan kaliya isa soo raadsadasada in xiriirkooda badanaa u ekaado mid ku dhisan danaysi, una sahlan tahay labadaas qof inay kala tagaan.
  • Lamaanaha isla jiifsada waxaa kordha hormoonka farxadda “Happy hormone” oo caafimaad ahaanne loo yaqaano “Oxytocin”, lamaanaha waxay helaan farxad iyo raynrayn, taasoo qofka dabcigiisa saamayn ku reebto.
  • Lamaanaha sariirta wadaago waxaa la arkay inay ka hurdo fiican yihiin, ayna ku yar tahay qarawga iyo ka soo argagaxa hurdada markii lagu fiiriyo dadka kaligood jiifsada, waxay kaloo diraasadda sheegtay inay dhakhso hurdada helaan.
  • Isfahanka iyo xallinta umuuraha nolosha waxay u fududahay lamaanaha isla seexdo markii la barbar dhigo qolooyinka kala jiifsado, diraasad lagu sameeyay dalka Australia ayaa arintaan hoosta ka xariiqday.
  • Diraasad ka mid ah diraasadaha laga sameeyay arintaan waxay sheegtay in cimri degdeg laga qaado kala jiifsashada, akhriso qoraal hore oo aan kaga hadalnay waxyaabaha keeno cimri degdegga oo loola jeedo in qofka faciisa ka muuuqaal duqoobo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7911.0
  • Lamaanaha isla jiifsada waxay dareemaan ammaan iyo nabadgalyo, taasoo lagu arkay baaritaanno la sameeyay in heerarka hormoonka loo yaqaano “Cortisol” oo u sabab ah “stress-ka” iyo diiqada uu aad ugu hooseyso lamaanaha isla jiifsada.
  • Sidoo kale diraasad lagu sameeyay dad ka badan 1,000 qof oo u dhashay dalka ingiriiska waxaa lagu xaqiijiyay in lamaanaha jiifsada iyagoo isku dheggan “Cuddlers” weliba aan dhar qabin / qaawan inay ka heli og yihiin faa’idooyinka kore markii loo fiiriyo dadka sariirta uun wadaaga iyagoo dharkooda gashan – arintaan istaabsiinta jirka qaawan wa mid caafimaad ahaan jirta laguna xaqiijiyay diraasado badan oo lagu sameeyay lamaanaha isqaba iyo hooyada heysata caruurta yaryar, waxayna arrintaan kordhisaa waxa loo yaqaano “Bonding” oo ah xoojinta xiriirka jirka iyo nafsiga ee ka dhaxeeya labada qof.

Talada SomaliDoc:
Waxaan casharkaan ku soo gabagabaynayaa in raggu aysan u baran seexashada meel aan ahayn sariirta jiifka, dumarkana sidoo kale, weliba waa in sariirta jiifka ay hooyadu ka ilaalisaa inay la jiifsadaan caruurta khaasatan kuwood yaryar, taasoo ragga qaar ku kallifta inay meel kale jiifsadaan, kadibne ay la qabsadaan in la kala seexdo.!


Haddii aad u baahan tahay la talin khaas ah oo ku saabsan dhaqidda guriga iyo tacaamulka lamaanaha, fadlan igala soo xiriir boggeena Facebook:

Caafimaad buuxa iyo qoys is-jecel, mahadsanidiin.

U Gaar Dumarka: 4-taan Qodob Sameey ,Gacaliyahaaga Indhihiisa Haweeney Kale Ma Soo Qabanayaan

Haween badan ayaa is weydiiya sid aay raggooda ugu yeelan lahaayeen kuwo aan laheyn indho iyaga ay ku arkaan mooyee , Alcarabiya ayaa hadaba ku siineysa talo gaaban oo aadan ninkaada kaga yeelan karto mid maqsuud kugu ah

1- Jooji Warbixinta Maalin Laha Ah: Marka uu guriga uu yimaado durba haku furin sheekada xaalka waxii guriga ka dhacay maalintaas gaar ahaan intii uu maqnaa oo haka hor geyn dood iyo calaal

2- Jooji Daba Galka : Haka badin fariimo qoraaleedka iyo wicitaanka ee aad ku dooneyso in aad ku ogaato xaalkiisa inta uu guriga uu ka maqan yahay

Ogoow ragga qaarkood waa dhibsadaan arintaas , ( fariimo qoraaleed haddii ay tahayna haka bad badin oo asbuucii 3 jeer kaliya u dir)

3:Yareey Ganuunaca : haween badan ayaa u arka arintaas mid ay kaga heli karaan ragga wax walibna oo ay doonayaan ,been ayaa lagu sheegay ayay Alcarabiya ku leedahay ee gabaryaheey yareey ganuunaca oo ku qanac waxa ay awooddiisa tahay

4- Hana noqon qof dalab badan tanina ragga badan ayaa ka qaada madax xanuun

Nin Jaceyl dartiis baaskiil ugu socdaalay Qaarada Aasiya ilaa Yurub!! (SAWIRRO)

Bishii January 22, sanadkii 1977, 24-jir lagu magacaabo P.K. Mahanandia ayaa safar dhulka ah bushkuleetti ‘Baaskiil’ uga baxay magaalada Delhi ee caasimadda India isaga oo ku tagaya magaalada Boras ee dalka Sweden – si uu ula noolaado marwada uu ogaa inay tahay jeexiisa midig. Sheekadooda jaceyl ee cajiibka ah waxay noqotay mowduuca buuggii loogu iibsiga batay oo uu qoray qoraaga reer Sweden ee Per J. Andersson.

Mahanandia wuxuu si kadis ah kula kulmay Charlotte Von Schedvin sanadkii 1975. Wuxuu sida farshaxamiiste uga shaqeynayay gudaha qasriga Connaught Place oo aheyd meel dukaameysi iyo ganacsi furan oo ku taalla Delhi – Ms. Von Schedvin, oo ka timid Sweden waxay dalxiis ku joogtay Hindiya.

Maalin iyada oo si tamashleyn ah ugu socdaaleysa waddooyinka Delhi, waxay isha ku dhafatay nin farshaxamiiste ah oo ay agtaal boor lagu qoray; “10 daqiiqo ku qaada sawirkaada kuna dhiib 10 Rupees.” Waxayna go’aansatay inay tijaabiso xirfaddiisa.

Waxay ag fariisatay boorkiisa, hayeeshe halkii uu ka xejin lahaa howshiisa wuxuu bilaabay inuu gacmaha ka dhidido – iyada oo la niyad-jaban natiijada sawirka uu ka qaaday, waxay go’aansatay inay maalinta xigta kusoo laabato, balse waxba isma badalin.

Dalxiisadda Swedish-ka ayaa in yar dabadeed baranaysa in P.K. Mahanandi uu sabab muuqata u leeyahay wareerka iyo qamandhacada heysa. Ammintii uu indhaha ku qabtay iyada, wuxuu xusuustay dardaaran ay hooyadiis u sheegtay markii uu kurayga ahaa. Mahanandia wuxuu kamid ahaa beelaha Dalit – beesha ugu liidata bulshadiisa oo takoor kala kulanta kuwa sare ee Hinduuga. Waxay ku siraysatay in uu guursan doono gabar ka timid meel fog; kasoo jeedda qoys caddaan ah. Durbadiiba wuxuu ogaaday in gabadhani tahay middii ay hooyadiis uga sheekeyn jirtay.

“Markii ugu horreysay xittaa maan weydiinin magaceeda, waxaan weydiiyay haddii ay dhalatay bishii May iyo su’aalo kale oo dheeraad ah. Waxaynu iigu wada jawaabaysay haa dhamaan su’aalahayga,” ayuu dib u xusay Mr Mahanandia. “Waxaan u sheegay in la isku keen qoray oo ay noqoneyso afadayda, kadib waan warwaray aniga oo ka baqaya inay booliska aado si ay iiga dacwayso.”

Hayeeshe taasi waxay ahayd wixii ugu danbeeyey ee Charlotte ka fikirayay. Iyaduna way ku sii dhawaatay xaggiisa – tiyoo uu su’aalo cilan uu weydiinayay, wuxuu u muuqday daacad taas oo iyadana ku xanbaartay inay u foojignaato ka fikirka xiriirkiisa.

Labaduba waxay si joogta ah u kulmayeen toddobaadyadii xigay, wuxuuna xittaa ula dhaqaaqay dhinaca deegaanka uu kasoo jeedo halkaas oo ay isku guursadeen, marka loo eego qaab dhaqameedka. Cabbaar kadib, waxaa ku timid waqtigii ay asxaabteeda kula laaban laheyd dalkeeda Sweden, waxay seygeeda kaga balan-xiratay inuu ugu imaanayo magaalada warshadaha leh ee Boras. Waxay xittaa isku dayday inay kaga tagto tikidka diyaaradda, hayeeshe isaga oo hal-faanaya ayuu doorbiday inuusan ka guddoomin.

Kadibna waxay iskula socdeen joogto, hayeeshe heerkiisa dhaqaale marna muusan sameynin horumar. Mana uusan awoodin inuu diyaarad u raacdo dalka ay ku sugan tahay afadiisa; mana joogi karin la’aanteed. Wuxuu markaas iska iibiyay dhamaan agabkii u yiillay gurigiisa – isaga oo soo iibsaday baaskiil uu ku maro jidka dheer ee ku xiran cirifka Yurub looga baxo Hindiya.

Wuxuu ka tagay Hindiya bishii January 22, sanadkii 1977 isaga oo maraya dalalka Pakistan, Afghanistan, Iran iyo Turkey ilaa uu ka gaaro Yurub. Mihnaddiisa farshaxanna waxay qeyb ku laheyd socdaalkiisa. Wuxuu inta uu ku jiray safarkiisa sawirro u sameynayay dadka uu la kumo – kuwaas oo iyaguna ugu deeqayay lacag iyo cunto uu jidmar kasii dhigto. In kasta oo uusan garan karin luqadda dalka uu socdaalka ku yahayba, farshaxankiisa ayaa uga dhignaa xiriir uu kula macaamilo dadka uu la kulmo.

“Marka aan daal dareemo ama aan hantaaqmo, waxaan soo xusuustaa wajigii qurxoonaa ee afadayda taas oo iga saacidaysay inaan kusii hal-adkeysto safarkayga,” ayuu yiri.

Si kastaba, bishii May 28 isla sanadkaas wuxuu gaaray qaaradda Yurub isaga oo ka galay Venice. Wuxuuna tareen ugu baxay magaalada madaxda Gothenburg, Sweden oo 70-km u jirta Boras halkaas oo gacaladiisa ay ku sugneyd.

“Markii ay i aragtay way igu soo boodday; waxaana ku dhahay waan yara shiirayaa, hayeeshe way isku kay nabtay,” ayuu yiri. Waxayna wadajir noqdeen taniyo markaas tiiyoo kala duwanaanta dhaqamada ay caqabad ku aheyd wada noolaanshahooda.

“Maan aqoonin dhaqanka Yurub, fikirna kama heysan xogteeda, laakiin afadayda ayaa igu kaalmeysay inaan la qabsado. Waxaan wali dareemayaa jaceylkii shalay – 1975,” ayuu Mahanandia u sheegay BBC-da.

Labaduba waxay isku dhaleen Emelie, oo 31-jir ah iyo Karl-Siddhartha, oo 28-jir ah.

“Waxaan sameeyey wixii ila gudboonaa si aan usoo gaaro gacalisadayda. Waxaan socdaal usoo galay jaceylkayga balse ma aheyn mid jecel socdaalka,” ayuu yiri.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

Special Event

Faraantiga Dumarka Geedkooda La galsho ee uurka Ka Hortaga (Vaginale ring) & dumarka Somaliyeed

Muxuu yahay?  vaginale ring

Waa faraanti caag ah oo jilicsan lana galiyo siilka ama geedka dumarka (vaginale ring)oo cabirkiisuna yahay 54mm waxaana ku jiro 2 harmoono oola mid ah kan dumarka soo saaraan.

Qaabka uu wax u qabto

wuxuu u diidaa bacrimin ugxanta ayuu nasiyaa wuxuu adeeg kadhigaa afka minka wuuna badalaa maqaarka minka. Si kasta ha ahaatee adigoo faraantiga si sax u isticmaalayo ayuu wuxuu qabtaa inuu kaceliyo uur.

Isticmaalka

  • Marka kuu gu horeeyo oo faraantiga laguu galinaayo ha ahaato maalinka 1 waad ee caadada ku gu dhacdo = ga gaar degdeg ah.
  • hadii aad isticmaashid maalinka 2 baad ilaa 5 naad ee caadada isticmaal salbatiibo ilaa 7 maalmood.
  • Sadex isbuuc kadib, iska bixi faraantiga samee nasiino ilaa isbuuc ah taasoo intaas dhexdeeda kugu dhici doon to caadad. weli difaac waad leedahay inta aad nasiinada kujirto.
  • Hal isbuuc kadib, midkale gasho siilka isku maalin sida maalinkii aad bilaawday.

Tusaalo ahaan

  • Marka kuugu horeeyo aad gashaneysid faraantiga arbacada ookale saacada 22h,
  • 3 isbuuc kadib iska siib maalin arbaco ah saacaduna 22h.
  • Nasiino samee mudo 7 maalmood ah,kadib mid cusub gasho hadana maalin arbaco ah saacaduna tahay 22h.
    Nasiinadu marnaba ma dhaafikarto7 maalmood.

Sida loo gashado iyo sida la isaga saaro

1. ku fidi faraantiga suulka iyo farta udhaxeyso.

2. Gali siilka dhexdiisa.

3. Hoos ugu riix iyo gadaal gadaal. Faraantiga markaas wuxuu joogi booskiisa. Hadii aad dareentid, hoos u sii riix ilaa meel dheer.

 

Hadii…

…aad dhiig baxdid 3 isbuuc oo aad faraantiga qabtid, ha iska siibin faraantuga wax dhib malahan hadii dhiigaas uu welisocdo kala hadal dhaqtarkaaga.

…aad qaadatid daawooyinkale sida antibiyootikada, kanjareeyska iyo kan dadka dejiyo. Ka hubso dhaqtarkaaga hadii aad weli kahor tag leedahay Sabab too ah daawooyinkaas waxay wax u dhimaan hortagaas. Si joogto ah u isticmaal faraantiga isticmaalna salbatiibo.

…aadan sameeyn wax galmood ah (hadii aad ninkaaga kala tagtaan, ama wax badan kala maqnaataan ) iskabixi faraantiga 3 isbuuc markey kuu dhamaato salbatiibana dhigo keyd ahaan.

…uusan dhiig kugu dhicin intii aad na siinada kujirtay wax qaladna uusan dhicin xaga isticmaalka ama xaga daawada,gasho mid cusub waxtigii loogu talagalay una sheeg dhaqtarkaaga ama qorshaha qoyska.

Hadii aad iloowdid inaad iska bixisid ama gashatid faraantiga

Exif JPEG

  • Hadii aad iloowdid 3 da isbuuc kadib inaad iska bixisid = ciyoow iska saar isla markiiba gasho midkale hana ahaado kii aad gashanlaheed maalinka kuwaad.
  • Hadii aad iloowdo mid cusub inaad gashatid aadna ahaatid faraanti la aan hal isbuuc = gasho faraanti kale islamarkiiba.
  • Iyo
    Salbatiibo isticmaal 7 maalmood
  • Haddi ad galma gashay 7 ciisho ee la so dafay, waxad la xirirta hayada qabilsan cafimadka galmada iyo qoysyada ama daqtarkaga. Waxa laga yaba in ad uu bahan tahay ka hortag ur kama ah. Taasna waxa lo bahan yahay si deg deg ah in loga hortago – marba sida wax ay yihin ugu dambeen 70 ama ila 120 sacad ka dib markad galmada sameesay bila ka hortag ur (waxad eegta ka hortag ur kama ah).

Hadii si shil ah faraantiga kaaga soobaxo maxaad sameyneysaa?

  • Biyo raaci faraantiga biyo qaboow ama qandac (marnaba ha isticmaalin biyo kulul) ee dib ugasho siilka ama iska badal.

Hadii faraantiga uu siilka banaankiisa yaalay mudo 3 saacadood kayar, wax tarkiisii weli wuu leeyahay.

Hadiise uu banaanka joogay 3 saac in kabadan, wax tarkiisa lama hubo:

  • Faraantiga ku cesho isticmaalna salbatiibo ilaa 7 maalmood.

Hadii aan ku jirno

  • Isbuucii koowaad ood gashatay faraantiga: Isticmaal salbatiibo ilaa 7 maalmood weydiisana kahortag deg deg ah hadii ay galmo dhacday, (xitaa hadii ay tahay xiliga nasiinada).
  • Isbuuca 2baad: Isticmaal salbatiibo 7 maalmood sida caadiga aheydna ku wad.
  • Isbuuca 3xaad: Isticmaal salbatiibo 7 maalmood ee marka ugu danbeyso si dhaqso leh ugasho mid cusb ilaa 3dex isbuuc (nasiino ha sameeyn).

    Caadadana dib ayay u dhici doontaa faraantiga 2aad kadib.

Sida xaalad kasta oo kahortag ah,waxaa lagula talinaayaa salbatiibo inaad ula isticmaashid si eey u difaacdo cudurada laga qaado galmada sida aydhiska iyo infakshinka.

2015, SANTÉ SEXUELLE Suisse, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; Artcoss, association romande et tessinoise des conseillères et conseillers en santé sexuelle, faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

(Somalisch / somali / Afsoomaali – Der Vaginalring / L’anneau vaginal)

Daawo-Ra’iisul wasaaraha dalka Canada oo la kulmay wiil yar oo isaga loogu magac-daray

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau, ayaa la kulmay wiil yar oo isaga loogu magac-daray. Wiilka yar ayaa magiciisa waxaa uu yahay Justin Trudeau Adam Bilan, waxaana uu ka dhashay qoys Qaxooti ah oo kasoo cararay wadanka Suuriya haddana ku nool dalka Canada.

Qoyska Suuriyaanka ah ayaa sheegay sababta Ra’iisul wasaaraha ay ugu magac dareen wiilkooda in ay tahay si ay ugu mahad celiyaan siyaasiga dalkiisa magangelyada siiyey wiilka yar ee dhashay.

Wiilka oo hadda ah labo-bilood jira ayaa Sabtigii lasoo dhaafay la kulmay Ra’iisul wasaaraha, waxaana lagu qaabilay Qasri ku yaalla magaalladda Calgary.

https://www.hiiraan.com/images/2017/July/
Wiilka yar ee lagu magacaabo Justin Trudeau Adam Bilan, ayaa bishii May ku dhashay magaalladda Calgary, waxaana qoyskiisa iyo laba carruur ah oo ay wateen ay kasoo qaxeen dalka Suuriya mudo bilooyin hadda laga joogo, waxaana ay ay kasoo cararreen magaalladda Dimishiq ee caasimada dalka Suuriya.

Markii qoyskani ay gaareen Montreal bishii February ee sanadkii hore, Ra’iisul Wasaare Trudeau, garoonka kuma uusan soo dhoweyn sidii Qaxootigii kale ee Suuriyanka ee tagay dalkaasi, balse waalidka ilmahan yar dhalay ee lagu kala magacaabo Maxammed iyo Cafraa Bilan ayay la noqotay in ay si uun ugu mahad celiyaan Ra’iisul wasaaraha, waxaana wiilkii u dhashay lamaanahaasi ay ugu magac-dareen Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau.

UGAAR AH DUMARKA:Ooridii Auunka ugu Wanaagsaneed”Xaaskii Aayaha Nolosha”

Shalay markii uu shaqada ka yimid, aad ayuu u daallanaa. Sidoo kale, shantii maalmood ee ka horreysayna, maalin walba isagoo sidaas u daallan ayuu guriga imanayay. Xalay daalkii hayay iyo jewigii uu guriga ugu yimid oo la isku daray awgii, hurdo aad u fiican ayuu seexday.

Marwadiisu saaka aroornimadii ayay toostay, isagu se illaa xilli danbe oo barqadii ah wuu hurdaa. Marwadu markii ay kacdayba, waxay hore u gashay hawl maalinle ah oo saacadahaa inta badan u bilaabanta. Waxa hurdadii ka soo kacay laba carruur ah oo ay lammaanuhu dhaleen. Waa wiil iyo gabadh. Isla markii ay carruurtu soo tooseen, ayay marwadu albaabka qolka uu saygeedu hurday soo celisay. Carruurtii ayay gacanteeda ugu fool-dhacday, ugu cadayday dhar qurux badanna ugu gelisay. Iyada iyo labadeedii carruur ahaa, qolka fadhiga ayay galeen. Waxyar kaddib, quraac ay goor hore ugu sii diyaarisay ayay siisay. Isagu (ninkii), weli wuu hurdaa. Weliba, hurdadu way u macaan tahay. Dhawr jeer ayay marwadu iyadoo shanqadh-tiranaysa qolka hurdada soo gashay. Kolba waxay yara qooraansanaysay, bal in uu saygeedu soo toosay.

Kolkolna, inta ay ku dhowaato ayay hubsanaysay in uu bed-qab ku hurdo! Marka ay neeftiisa oo aan khuuro ahayne hurdo fiican ah dhugato, ayay dib uga laabanaysay. Marka la eego sida ay jabaqda uga ilaalinayso, waxa la moodaa in ay ku caawinayso in uu sii hurdo. Wax uu jiifo oo degganaan iyo qalo la’aan u gama’sanaadaba, goor danbe ayuu kacay. Hareeraha ayuu eegay, wuxuu arkay in marwadiisii ay dhinaciisa ka maqan tahay. Saacadda ayuu eegay, waa barqo dheer, qiyaastii tobankii subaxnimo iyo wax la jira. Wuu soo sara fadhiistay dhegahana raariciyay bal in uu maqlo shanqadha xaaskiisa iyo labadiisa carruur ah. Waxyar dabadeed, wuxuu maqlay ooridii iyo labadii carruur ahaa oo qolka fadhiga sawaxankooda oo ciyaar farxadeed lagu ladhay ka baxayo. Wuu sara kacay oo u dhaqaaqay dhanka suuliga amma musqusha. Qacdiiba, indhihiisu waxa ay qabteen biyo diirran, tuwaal/shukumaan, saabuuntii cadayga iyo cadar is dhinac yaalla oo si gaar ah loo sii diyaariyay. Intuu aad u farxay ayuu bilaabay is dhaq’dhaqid iyo cadayasho.

Qolkii hurdada ayuu ku laabtay. Kabadhka in uu maryo kala soo baxo ayuu u holladay, intaanu furin ayuu se arkay dhar miiska yar ee sariirta ku xiga loogu sii diyaariyay. Intuu aad markale u farxay, ayuu hawl yaraan ku dhacay maryihii. Mararkii ay ooridiisu u soo gal galaysay, weliba markii ay ku soo dhowaanaysay ee ay hubinaysay in uu bed qabo, wuu dareensanaa oo la socday, hayeeshee in uu tooso diyaar uma ahayn! Wuu tallaabsaday oo u dhaqaaqay dhankii qolka xaaskiisa iyo carruurtiisu ku jireen. Albaabka ayuu si tartiib ah u riixay. Judhiiba, inantiisii curad ayaa aragtay. “Aabboo” intay si farxad leh u tidhi ayay xaggiisa u soo orodday. Isla ilbidhiqsigiiba, wiilkiisii yaraana waa ku soo orday.

Hab ayuu siiyay labadiisii carruur ahaa. Isha ayuu sii laliyay, dabadeedna wuxuu arkay marwadiisii oo dhar aad u qurux badan ku lebbisan, weji farxad leh iyo niyad-samaanina ka muuqato. Intaanu hadlin ayay kelmedo naxariis leh ku salaantay, isagoon weli soo dhaqaaqinna intay kacday dhanka jikada oo qolka ka soo horjeedda u tallaabsatay.

Daqiiqad badhkeed wax ka yar, ayay soo laabatay iyadoo sidda anfaco quraac ah oo sameynteeda ay wakhti gaar ah gelisay. Miiska ayay saartay. Shaah, biyo, cabbitaan kale iyo suufkii faraha la iskaga tirayayna way ag dhigtay. Dedaalkaa kooban, haddana qiimaha sarreeya, dhaqsaha iyo sida ay iskaga xil-saarayso ayuu dhugtay. Isagoo taagan, welina aan u soo tallaabsan dhankii miiska, ayuu xasuusta dib u yara celiyay. Wuxuu maankiisa ka daawaday, markii uu hurday sidii ay jabaqda iyo qaylada carruurtaba uga dhawraysay, sidii ay u hubinaysay in uu bed qabo ee ay khuuradiisa dhegta ugu soo dhoweynaysay, goortay kacday ee ay wax walba u sii diyaarisay, carruurta iyo nafteedaba sida ay u bishay ee u sii qurxisay iyo waliba farxadda ay ku qaabbishay markuu soo kacay.

Markale ayuu xasuusta sii dhex maaxay; wuxuu yaqiinsaday, maalin walba goorta uu guriga ka baxayo sida hagar la’aanta ah ee ay uga hawl-gasho cuntadiisa, lebbiskiisa iyo wixii agab uu u baahan yahay in uu goobta shaqada u sii qaato. Isla jeerkii ayuu si qiiro leh u xasuustay, illaa maalintii ay guri wada yeesheen marwadiisu siday ugu heellanayd, ugu qanacsanayd isaga mar walba iyo dedaalkaa saaka u muuqdaa sida uu u yahay mid maalin leh oo ooridiisu u yeellan tahay. Xasuusahan inta uu dhex muquuranayaa kama badna ilbidhiqsiyo, marka la miisaamo se ka culculus buuraha Golis.

Isagoo ay ka muuqato shucuur iyo qiiro gooni ah, ayuu si maskaxda ku durugsan u jalleecay ooridiisa. Wejigeeda muxubbo iyo riyaaq ayaa ka muuqda, waa ay taagan tahay, faraqeeda waxa haysta wiilkeedii yaraa, dhankiisa ayay soo eegaysaa, waxaanad mooddaa mawjadda u daaran saygeeda in ay daalacanayso.

Midkoodna ma hadlayo way se is dhawrayaan! Dareenkiisa guduhu isagoo ka soo xoog badanaya, indhihiisuna ay ilmo soo godlanayaan, ayuu haddana xasuustay; maalmo badan oo hore u soo maray, una aawanaa sida maanta oo kale, markuu quraacday, lebbistay isna cadriyay in uu bannaanka iskaga baxay oo asxaabtiisa gaarka ah wakhti la soo qaatay. Maalin kasta oo uu sidaas yeelay, marwadiisu ma dhibsan, kama hadlin kamana ay xumaane raalli ayay kaga ahayd. Maantadan lafteeda, waxa u qorshaysan in uu baxo oo asxaabtiisa la kulmo. Badhaadhaha, wanaagga tiro-dhaafay iyo galladaha uu ku qabo ooridiisa ayaa wax walba kala weynaaday. Inta uu is hayn kari waayay, ilmadii naxariistu keentayna ragax ka soo tidhi, ayuu si daacad ah is-xakamayn la’aanna ah u yidhi: xaaskayga qaaliga aheey, xabiibi waan ku jecelahay! Marwadii, inta ay muusootay, muraaqootay, maankeeduna garawsho u siiyay kaalinta ay ninkeeda iyo qoyskeedaba ugu jirto in uu u ogyahay, xiddigaha dushoodana farxadi geysay ayay xaggiisa u dhaqaaqday.

Waxa ay ku tidhi….. FG: waa curis sheekadu, waxa se hubaal ah, qoysaskeenna qaar badan in noloshoodu sidaa u dhisan tahay.

VIDEO:Wiil 16 jir ah iyo ayeeyo 71 sano jir isguursaday oo ku hanjabay inay is dili doonaan haddii jaceylkooda la hor istaago

Waa arrin la-yaab leh in ayeeyo 71 sano jirta iyo wiil 16 jir ah is caashaqaan, kadibna isguursada, waxaase kasii daran markii ay ku hanjabeen in ay is dili doonaan haddii la hor istaago jaceylkooda.

Wiilka yar oo lagu magacaabo Selamat Riayadi, 16 sani jir ah iyo Rohaya oo 71 sano jirta ayaa ayaa xaflad ay ku qabsadeen Galbeedka Koonfureed ee gobolka Sumatra, iyadoo ayeeyada aroosada si waali ah isku tirtirtay iskana badisay mikup si ay usoo jiidato 16-ka calmaday.Lamaanahaan ayaa qeybaha bulshada kala kulmay hidalgo kala duwan, iyadoo ay bulshada kasoo horjeesteen in wiilkaan yar uu guursado ayeeyo 71 sano jirto, laakiin waxaa ay sheegeen in ay nafta is dhaafin doonaan haddii aan la isu ooglaan.

Lamaanahaan oo diin ahaan Muslimiin ah, ayaa shareecada Islaamka oo gobolakaasi iyo qeybo ka mid ah Indonesia looga dhaqmo ay qabtaa in guurka noocaan ahi u baahan yahay dib u eegis in lagu sameeyo.

Warbaahinta Indonesia ayaa soo tabisay in lamaanahaan ay doonayaan in ay is dilaan haddii aan la nabad gelin jaceylkooda.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com