Home » Beauty » AKHRISO: Sida Ugu Fudud Ee Loo Daaweyn Karo Finanka Wejiga Kaaga Soo Baxo

AKHRISO: Sida Ugu Fudud Ee Loo Daaweyn Karo Finanka Wejiga Kaaga Soo Baxo

Dadka qaba finanka wejiga waxay la kulmaan boqollaal shay, oo isugu jira kareem iyo waxyaabo kale, oo loo sheego in ay saaraan finanka.

Qiimahoodu wuu kala duwan yahay, qof kastaana wuu iibsan karaa.

Balse dooqa muxuu yahay, noocee ugu wanaagsan oo aad raadin lahayd, sideese ku garaneysaa nooca daawada u ah finanka?

BBC Newsbeat ayaa weydiisay Dr Anjali Mahto, oo ah dhaqtar ku taqasustay cudurada maqaarka ku dhaca. Waxay ka hadashay waxa ugu fiican uguna fudud ee finanka lagu daaweyn karo.

Maadooyiinkee raadin lahayd? 

“Waxaad heli kartaa wax ka kooban AHAs (alpha hydroxy acids) iyo BHAs (beta hydroxy acids),” ayey tiri Dr Mahto.

“Maxay yihiin AHAs iyo BHAs. Waa waxyaabo ah kiimiko aad u fudud oo haragga ka saaraya waxa dhalinayo finanka.

“Waxay daawooyiinkaasi si wax ku nool ah u xallinayaan qeybta sare ee haragga ee unugyadooda ay ka dhinteen, waxayna fureysaa doloolada wejiga ee xirmay.

“AHAs-ka caanka ah waxay ka kooban yihiin dareeraha ‘lactic acid’ iyo ‘glycolic acid’. BHAs-ka caanka ahna waxay ka kooban yihiin daawada ‘salicylic acid’.

“Sidoo kale waxaad raadin kartaa daawada Zinc oou wanaagsan ka hortagga finanka iyo bararka ay dhaliyaan.

“Daawada loo yaqaano Niacinimide, xaqiiqdii aad bay u fiican tahay. Waxaa loo arkay in ay yareyneyso saliidda wejiga ku badan, sidoo kale waxay daaweyneysaa oo ay soo celineysaa midabka, waxayna baabi’ineysaa calaamada iyo baraha madow ee finanka ku reebaan wejiga.

“Sidoo kale waxaa jiro cadeyn muujineysa in saliidda geedka caleenta ay wax tar fiican leedahay, haddii aad dooneyso in wejigaaga uu ku noqdo sidii “dabiiciga ahayd”.

“Marka aad eegto qeybta dambe ee daawada, waa muhiim in aad aqriso in maadooyiinkaas ay ku jiraan. Waxaa lagu qoraa qeybta kore. Hadaba waad ogaan kartaa in walxahaas ay waxtar leeyihiin]”.

Muddo intee la eg ayey qaadaneysaa in daawada ay waxtarto? 

“Waa in aad adeegsataa ugu yaraan dhowr isbuuc,” ayey tiri.

“Finanka waxay sameysmaan 30 daqiiqo kaste. Daaweyn kaste oo aad sameyneyso waa in aad joogteysaa.

“Waa in aad isticmaashaa hal nooc oo ah daawada wejiga lagu dhaqdo oo leh AHA ama BHA, haddii aadan si joogto ah u isticmaalin, waxaa suuragal ah in godadka wejiga markale ay xirmaan.

“Waa in aad ku celcelisaa daaweynta, haddii kale ma heleysid faa’idada”.

Balse, Dr Mahto waxay sheegtay in aysan jiri daawo la hubo oo qofkaste uu faa’iido kal helayo, dadkana ay kala duwan yihiin.

Waxay sidoo kale sheegtay, “haddii daawada ama kareemka aad isticmaaleyso aysan ku jirin maadooyiinka AHA ama BHA, qarash ha ku bixinin”.

Daawada kulul finanka makaga sii dartaa?

Si kooban – maya. Waa in aad mararka qaar isticmaashaa waxyaabaha kulul.

“Saliidda iyo biyaha wejiga ku jiro iskumid ma’aha,” ayey tiri Dr Mahto.

“Wejigaaaga wuxuu noqon karaa mid aan biyo lahayn, hadana saliid badan weli ay ka soo baxeyso.

“Arrinta kale waxay tahay, daawada kulul waxay daaweyneysaa waxyaabaha shaqada ka hor istaagaya unugyada wejiga.

“Kareemyada saliidda badan leh iyo weji saliid leh, weligey kuma taliyeen in la isu dhoweeyo. Waxaad u baahan tahay kareem aan saliid lahay oo sida gel-ka ah.”

Yaa ka faa’idi karo waxyaabaha sida fudud lagu helo ee lagu daaweeyo finanka wejiga?

Isticmaalka daawada waxaad billaabi kartaa markaad isku aragto finan. Dadka badankoodu waxay ku bilowdaan markey qaangaaraan.

“Waxaa jiro hormoono sare u qaadaya saliidda wejiga ka soo bexeyso.

“Haddii qofka uu ogaado in wejigiisu saliid badan soo saarayo, ama uu ogaado in doloolada ay xirmayaan, ama baro madow oo af cad leh uu wejiga yeesho, markaasi waa xilliga aad u baahan tahay inaad bilowdo daryeelka wejigaaga.”

Goormaan u baahanahay in aan dhaqtar arko?

“Haddii aad daawo isticmaasho laba isbuuc oo aadanna arag isbedel,” ayey tiri Dr Mahto.

“Haddii aad ogaato in noocyada finanka ay isu bedelayaa casaan, halkii ay madow ama caddaan ka noqon lahaayeen.

“Haddii finanka ay ku cabsigelinayaan, haddii aad dareento in aad dadka ka hartay, oo wejigaagana gaduud uu noqday.

“Haddii finanka ay kugu ridaan kalsoonidaro, haddii ay kaa hor istaagaan in aad iskuul aado, ama dadka aad dhexgasho, taasi waxay muujineysaa in ay qasab tahay in aad dhaqtar aragto.” ayey tiri.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com