Home » DOORKA-HAWEENKA » Halka Aay Ku Duugan Tahay Quruxda Gabdhaheena Waa Halkan Ee Waalidoow Aan Kala Baxno..

Halka Aay Ku Duugan Tahay Quruxda Gabdhaheena Waa Halkan Ee Waalidoow Aan Kala Baxno..

Maqaalkaan aan ugu magac daray “Baridda Diinta Waa Quruxda Gabdhaheenna” wuxuu ku saabsan yahay quruxda ay leedahay marka gabdhaha la baro Diintooda Islaamka. Waxaa hubaal ah shaqsi walbo oo bini’aadam ah quruxdiisa waa Diinta Islaamka. Waqtiyaddii ugu dambeeyay waxaa jiri jirtay in Diinta Islaamka safar dheer loo mari jiray si cilmi loo soo kororsado, maanta dunidda waxaa ku dhacay isbedel, cilmigana waxaa laga heli karaa meel walbo ee aad u baahantahay inaad ku barato.

Soomaali badan ayaa cabsi ka qabtay markii ay soo galayeen wadamada reer galbeedka. Cabsidda ugu weyn ayaa ahayd siddii ay ku dambeyni lahayeen ubadkooda. Waalidiinta Soomaaliyeed welwelka ugu badnaa wuxuu ahaa inay caruurtooda ka gaaloowaan ama dhaqan xun ka qataan kadibna ku dhaco dabar go. Waalid walbo wuxuu ka fakiraa horumarka ubadkiisa.Waalidka haddii uu xunyahay xittaa marwalbo wuxuu jecelyahay in ubadkiisa u noqdo baari, diinta u barto, noloshana meel fiican ka gaaro. Waalidiinta Soomaaliyeed waxay ciyaareen dowr muhiim ah xagga barista ubadkooda Diinta Islaamka.

Dad badan ayaa aaminsan in Yurub gabdhihii tagay ay noqdeen kuwa laga quursaday balse waxaan maanta indhahayga kusoo arkay inay jiraan gabdho dadaal badan oo diinta Islaamka si fiican u fahmay, kuna kalsoon naftooda maanta. Waxaana dareemaysaa inay si wanaagsan u barbaarini karaan ubadkooda.

Magaaladda Elverum waxaa kunool Soomaali badan, waxaan aad ugu helay sidda wanaagsan ee gabdhaha ay u xijaabanyihiin oo waliba sidda wanaagsan oo ay diinta ugu dheganyihiin, waliba muxaadarooyinka ay u jeedinayaan. Elverum waa magaalo ka tirsan gobolka Hedmark. Aniga Cabduljabaar ahaan aqqoon siddaas u badan uma lihi magaaladda balse hadana waxaan dareemay in ay jiraan dad badan oo u kabo gashtay siddii ay u fidini lahayeen diintooda oo ay u bari lahayeen ubadkooda, iyagoo illaalinaayo dhaqankii iyo dhexelkii awoowe yaashooda.

Waxaa aad ii cajibiyay qaabka ay caruurta wax u baraan waliba iyadoo aysan jirin dowlad garab taagan oo ku taageerto xagga barista Quraanka kariimka ah.

Waxaa igu fiicnaani lahayd inaan haysto buugg iyo qalin, si aan wax badan ugu faa’ido muxaadaradda ay jeedinayeen gabdhaha munaasabadaasi iskuugu imaaday oo ka jeediyay muxaadaro kalla duwan. Dabcan waxyaabo badan kama xasuusto balse waxaan jeclahay inaan hadalo kooban ka qabtay oo ay kamid tahay gabay ay gabar Meesha ka tirasay oo ku saabsanaa xijaabka.

“gabdhaha karaamada iyo xushmada lagu xushmeeyay” wax kale ayaa sii raacsanaa balse intaas ayaan ka xasuustaa. Nuxurkiisana wuxuu ahaa qiimaha xijaabka. Gabaygana waxaan ka fahmaysaa qiimaha xijaabka uu leeyahay gaar ahaan gabadha Muslimada ah.

Hadalada wanaagsanaa ee ay gabdha Meesha ka jeediyeen waxaa iga cajibiyay inta aan ka xasuusto oo aan isleeyahay aqqoon ayaad u leedahay arrintaasi. “qalbiga Soomaalida wuu kala fogaaday waxaana loo baahanyahay in la iscafiyo, ummadda haddii iyaga dhexdooda heshiini waayaan waxaa ka faa’ideysto cadow kale oo shisheeya” middaasna waxaa sabaha marwalbo Soomaalida loogu faa’ideysto meel walbo oo ay dunidda ka joogaan.

Waxaan isdhihi karnaa dugsiga quraanka ee Elverum waxay ciyaareen dowr muhiim ah runtii waa wax ay ku farxaan waalidiinta dhalay gabdhahaas.

Waxaa jirta in ay cidna sheegi karin waxyaalihii ay caabudi jireen Soomaalida Diinta Islaamka kahore, maxaa yeelay waxay ahaayeen dad aad u dhaqan wanaagsan oo ku sifooway isjaceel, marti-dhoor, deris-jaceyl, Isxaq-dhoor, Shaqo-jaceyl iwm. Soomaalida oo lasheegay inay u kala degnaayeen Miyiga iyo Magaalada. Dadka Reer Miyiga ah oo ay lahaayeen dhaqan wanaagsan oo ay heshiis ku yihiin dhoorkii qoys oo isla degan, ay sameesteen Madaxyo kasoo ay ku magacaabi jireen Ugaasyo, Islaan, Suldaan, Malaaqyo, iwm.

Ciddii madaxdaas warkooda diidana wa lafogeen jiray oo latakoori jiray dadkana laga dheereen jiray kaasoo micnihiisu yahay in aan wax lala cunin, lala dhaqmin, lala Safrin, waxna lagu darsanin, lana guursanin. Sidoo kale dhaqanka xeebaha ee Reer magaalka waa ka duwanaa tan Reer miyiga waxayna ahaayeen dad lasocday Ilbaxnimada aduunka oo waxay ganacsi lalahayeen qaaradaha Aduunka oo waqtigaas hormaray sida, Aasiya iyo Yurub oo waqtigaas ugu ilbaxsanaa, waxayna lahaayeen dabaqado kala sareeyo oo xukuma Boqortooyo, Duqow, iyo In-dheer garad.

Hadaba si kastaba arrinta ha ahaatee markii uu Suubanaha uu soo diray Jacfar bin Abii-dhaalib si uu xeebaha Soomaliya usoo gaarsiiyo Diinta Islaamka isaga iyo asxaabtii uu hoggaaminayay oo dhamaa 83 oo Rag ah iyo 18 Dumar ah. Kuwaa ayey ahaayeen dadkii ugu horeeyay oo soo gaarsiiyay Diinta Islamka Dalka Soomaaliya, si wanaagsan ayay uqaateen una soo dhaweeyeen Soomaalida waqtiga joogtay, lamana maqlin wax ka horyimid ama diiday Diinta Islaamka. Saxaabadii suubahana uu soo diray (n.n.k.h.) illaa iyo waxay gaareen magaalada Muqdisho, waxayna markii hore kasoo dageen magaalada Saylac. Mudo fara badan ayay joogeen Dalka Soomaaliya oo xataa Gabdho ka guursadeen.

Soomaaliya oo waqtigaas kadib ay noqotay mid Diinta Islaamka u ah dhaqan iyo tacliin ay bartaan, ayna u horseeday inay Soomaaliya noqoto meel loo cilmi raadsado, waxaana marba marka kadanbeysa kusii kordhinayay cilmiga Islaamka. Dadkii ganacsatada ahaa ee imaan jiray bisha Disembar magaalada Muqdisho. Waxaana fiditaanka Diinta Islaamka qayb wayn ka qaatay dad Muslimiin ah oo Carab ubadnaa oo soo dagay xeebaha Soomaaliya iyo kuwii hore u deganaaba.

Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa in Soomaalida ay yihiin dad diintooda jecel, saadaashuna markii aan fiiriyay waxaa ii muuqda in Soomaalida ay wali hoggaanka u qabani doonta xagga fidinta Diinta Islaamka. Maanta la joogo waxaad arkaysaa in Diinta Islaamka ay noqonayso Diimaha ugu badan ee aadka usoo galayaan dadyowga kale. Sidda ay sameeyeen tirokoobo badan balse aan lagu kalsoonaani karin in Diinta Islaamka ay noqoni doonto diinta ugu tirada badan yihiin dadkiisa. Sababta aan u leeyahay tirokoob aan lagu kalsoonaani karin maxaa yeelay waxaan aaminsanahay waqtigaan la joogo tirada Muslimiinta lagu sheegay inay ka badan yihiin. Waxay saadaasha sheegaysaa in Dadka Muslimiinta ay noqoni doontaa 2.2 Bilyan sanadka marka uu noqdo 2050 ama kahorba.

Loading...
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com