Home » MAXAA CUSUB » SAWIRRO-HINDIYA: Daad ku dhuftay gobolka Gujarat oo 120 qof ay ku dhinteen

SAWIRRO-HINDIYA: Daad ku dhuftay gobolka Gujarat oo 120 qof ay ku dhinteen

Boqol iyo labaatan qof ayaa ku naf weyday daad ku dhuftay gobolka warshadaha badan, Gujarat ee dalka India, dadkaasi oo u badan cuuryaamiin iyo dad waayeel ah.

Daadadkaan ayaa waxay ka dhasheen roob mahiigaa ah oo todobaadyadii u danbeeyay ka da’ayay galbeedka dalka India, waxaana khasaare kala duwan uu gaarsiiyay roobabkaan la socda daadadka hal milyan qoys.


Roob iyo daadadka ayaa saameeyn ku yeeshay garoonka ugu weyn Gujarat ee Ahmedabad, iyo in ka badan 150 warshado oo joojiyay wax soo saarkooda.

Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa sheegay in 50,000 qoys in ka badan ay guryahooda ka barakaceen oo daadadku khasaare gaarsiiyeen.Ciidamada milatareri India ayaa gurmadka ugu weyn ka geysanaaya gobolka Gujarat, waxaana socda gurmad lagu gargaarayo dadka daadadku saameeyeen

Loading...
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com