Home » LOVE » DAAWO: Mataano Malawadka Iyo Dhabarka Isaga Dheganaa La Kala Fujiyay

DAAWO: Mataano Malawadka Iyo Dhabarka Isaga Dheganaa La Kala Fujiyay

Mataano Toban bilood jir ah oo u dhashay Bangladesh, ayaa lagu guuleystay in la kala saaro xubnahooda, iyadoo qalinkaasi uu qaatay mudo sacado ah.

Mataanahaan oo lagu kala magacaabo Tofa and Tahura ayaa isaga dheganaa dhabarka iyo malawadka, waxayna dhaqaatiirtu sheegeen in qaliinkaan uu ahaa kii ugu horeeyay ee lagu guuleysto gudaha dalka Bangladesh.

Dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaalka Dhaka Medical College Hospital ee dalka Bangladesh ayaa guushaan u arka mid dhiirigelisay qaliimo badan oo caruur boqolaal ah ay iskugu dhegan yihiin, inkastoo qaliimo hore oo sidaan oo kale u fuliyeen lagu guuldareysan jirin, maadaama dhabarka iyo malawadka ay adag tahay in labada mataano ee isku dhegan labadooda la badbaadiyo.

  

 

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com