Home » MAXAA CUSUB » Qaxooti aragga la’ oo darajada koobaad ka galay jaamacad ku taalla UK

Qaxooti aragga la’ oo darajada koobaad ka galay jaamacad ku taalla UK

Xilli Aphra ay daawanaysay wiilkeeda Allan oo ka qalin jebinaya jaamacadda Cambrige bishii lasoo dhaafay, ayay dib u xasuusatay wakhtigii uu dhashay.

Aad baan uga xumahay in wiilkaagu indhool yahay”, deriskeedii Baqdaad ayaa sidaas ku yiri.

Aphra ayaa noqotay hadal haynta ugu badan magaalada, sababtoo ah xaalada gaarka ah ee uu wiilkeedu ku suganyahay.

“Ciraaq sannadkii 1995-tii- Saddam Xusseen ayaa madaxwayne ka ahaa, dagaalkii gacanka ayaa dhammaaday saddex sano kahor, shacabkuna waxay la daalaa dhacayeen cuna qabatayntii dalka la saaray.

Isaga oo ah ilma yar oo indha la’, Allan Hennessy rajadiisu waxay ahayd mid hoosaysa.

Mudaaharaad ka dhacay Baqdaad sannadkii 1992Lahaanshaha sawirkaKARIM SAHEB/AFP/GETTY IMAGES
Image captionMudaaharaad ka dhacay Baqdaad sannadkii 1992

Hadda wuxuu dhex lugaynayaa iskuulkiisa oo ku yaalla Cambrige, Allan wuxuu leeyahay kalsooni iyo aftahannimo:

“Hadda waxaan ku hadlaa dhowr lah-jadood” ayuu yiri

“Haddii aan lahadlo qof ka yimid Ciraaq, waxaan kula hadlaa Carabi, ‘Asalaam-Calaykum.’

“Markaan Cambridge joogo, waxaan leeyahay cod dheer”

Allan Hennessy was born totally blind in Iraq after the Gulf War.

Isaga oo jira 22 sano, ayuu Allan ka tallaabsaday caqabado badan oo soo wajahay, taasi oo ku adkaan lahayd dad badan oo kale.

Haddaba, sidee wiil indhoola ah oo ku dhashay dal ay colaado ka jiraan uu u noqday ardayga ugu sarreeya mid kamid ah jaamacadda ah ugu horeeya adduunka?

Allan and camelsLahaanshaha sawirkaALLAN HENNESSY
Image captionAllan oo geel saaran

Qoyska Allan ayaa haystay nolol dhex-dhexaad ah markay joogeen Ciraaq, aabihiisna wuxuu ahaa Sheekh.

Laakiinse Isbitaalada Ciraaq uma helin rajo ah in Allan uu aragtidiisa helo.

“Aabahay waxa uu ku dadaalay in uu ii helo dawo, laakiinse ma jirin dhakhaatiir takhasus u leh xanuunkayga- waxayna ku celiceliyeen inaan weligay indhoole ahaan doono.”

Markii uu Allan ahaa Lix sano jir, ayaa aabihiis sheegay in uu jiro fursad uu wiilkiisu ku caafimaadi karo

” Aabahay ayaa gaday gaarigiisii, dhul uu lahaa iyo dhammaan wax walba oo gacantiisa ku jiraysi uu iigu helo dawo- waxaanuna ka baxnay Ciraaq”.

Qalliin ayaa looga sameeyey ishiisa bidix isaga oo ku sugan LondonLahaanshaha sawirkaALLAN HENNESSY
Image captionQalliin ayaa looga sameeyey ishiisa bidix isaga oo ku sugan London

Fursadu waxay ahayd qalliin London loogu sameeyo Allan si araga loogu soo celiyo ishiisa bidix.

“Hooyaday waxay xasuusataa markii ugu horraysay ee aan arko iyada- markii ugu horaysay oo aan isha kawada xiriirnay. waxaa kasoo qubatay ilmo tiro badan.

“Intaas wixii ka danbeeyey waxaan ku socday arag oo aan haystay”. ayuu sii raaciyay Allan

Allan iyo qoyskiisaLahaanshaha sawirkaALLAN HENNESSY
Image captionAllan iyo qoyskiisa

Allan Hooyadii iyo caruur walaalihiis ah ayaa magangelyo siyaasadeed ka helay Ingiriiska, laakiinse nolosha qaxootinimo waxay ku ahayd mid dhib badan.

“Waxay ahaayeen kuwo ku raaxaysta noloshooda markay joogeen Ciraaq, laakiinse markii duruuftu isbedeshay, waxay ku khasbanaadeen in ay qoxooti noqdaan.

“Kuma aanan hadli karin English, waxaana ku noolayn guryo ay leedahay dawladda hoose ee London- waxay la kulmeen nolol aan ahayn tii ay yaqaaneen”.

Allan iyo walaaladiisLahaanshaha sawirkaALLAN HENNESSY
Image captionAllan iyo walaaladiis

“Jihadi John” oo ku biiray ururka isku magcaabay dawladda islaamiga ah, ninkaasi oo kasoo baxay muuqaalo isaga oo qoorta ka jaraya maxaabiis ayaa isna ku noolaa isla xaafadaas.

Walow Allan aanu ku faraxsanayn ka sheekaynta waxyaabaha la xiriira ciidammada, haddana waxay muujinaysaa noloshiisii uu soo maray caruurnimadiisii iyo tan ay ku noolyihiin carruurta Cambridge.

“Marka dadku Jaamacadda ila dhigta i waydiiyaan noloshayda, waxay u maleeyaan in aan soo maray nolol adag”.

“Markaan dib u eego noloshii ay soo mareen qoyasaskaygu markii ay joogeen Ciraaq, ayaan dareemaa inaan ahay qof nasiib badan”.

Allan with his familyLahaanshaha sawirkaALLAN HENNESSY

Allan maaha qof sameeya wax walba oo loo sheego.

“Waxaan ku noolaa noloshayda, mana aaminsani inaan ahay indhool.

“Waxaan kaxaysan jiray baaskiilkayga, waxaana fuuli jiray dhismayaasha”

Sida carruur badan oo kale, Allan ma ahayn arday ku fiican meel kasta.

“Waxaan xagga danbe ka geli jirtay wax walba. waxaan Ukunta ku tuuri jiray gawaarida iyo shaqaalaha” ayuu yiri Allan

Wuxuu mar walba Allan aaminsanaa in uu wax fiican samayn doono.

“Ka dib markii aan qaatay shahaadada GCSE, waxaan i gashay rajo cusub, waxaana ogaaday in ardayda kaalmaha sare gala, ay fariistaan meel aan ka fiican halka aan anigu fariisto”.

Allan reading

2012 ayuu xereeyey in uu kulliyada sharciga ka barto jaamacadda Cambridge.

Wuxuuna ka mid noqday todobada arday oo araga la’ kuwaas oo la aqbalay sanadkaas, waana qofkii ugu horeeyey qoyskiisa ee jaamacad gala.

“Noloshayda oo dhan waxaa la ii sheegay jiray inaan awoodin, weligayna waxba samayn doonin. Muuqaalka dadka laxaadkooda la’ waa mid la liiday, aan helin kaalmo, halgalkanka ugu wayn ee noloshayda soo maray waa in aan ka awood roonaado dhibaatadan”.

Allan skydivingLahaanshaha sawirkaALLAN HENNESSY

Allan ayaa saddex sano ku qaatay Iskuulka Fitzwilliam waxaana uu sheegay in wax badan noloshiisa iska bedeleen muddadaas.

Maxay noloshiisu noqon lahayd haddii uu sii joogi lahaa Ciraaq?.

“Ma heli lahayn waxbarashaydayda Jaamacadeed ee Cambridge- la imana arkeen.

“Qoyskaygu waxay Ciraaq kusoo mareen nolol adag, haddana waxaa la wareegay qaybo kamid ah ururka Daacish

“Waxayna u badnaan lahayd inaanan hadda noolaadeen”.

Allan oo la jooga hooyadiis markii uu qalin jebinayayLahaanshaha sawirkaALLAN HENNESSY
Image captionAllan oo la jooga hooyadiis markii uu qalin jebinayay

Markii uu qalin jebiyay xagaagan, Allan ayaa isu rajaynaya in uu helo deeq waxbarasho oo kulliyada sharciga ah.

“Haddii aad kaalinta koowaad ka gasho qaybta hore ee Jaamacadda gaar ahaan kulliyada sharciga ee Cambridge, waxaa kuu furmaya jaanisyo kala duwan oo nolosha ah”.

“Laakiinse markaad indho la’dahay. Muslimiinta ku nool UK, waxaa jira wax badan oo aad qabsan karto, safarku hadda ayuu bilawday.”

Loading...
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com