Home » DOORKA-HAWEENKA » DAAWO: Gabar 10 sano jir ah oo dhashay ilmo nool taasoo la kufsaday 7-bil ka hor…

DAAWO: Gabar 10 sano jir ah oo dhashay ilmo nool taasoo la kufsaday 7-bil ka hor…

Gabar toban jir ah oo 7 bilood kahor lagu kufsaday dalka Hindiya ayaa ku dhashay isbitaal ku yaal dalka Hindiya ilmo nool oo caafimaad qaba.

ilmaha dhalay ayaa la sheegay in qalliin looga soo saaray gabar miisaankeeda lagu sheegay labo kilo iyo bar balse caafimaad qabta.

Gabadhan oo aan magaceeda iyo sawirkeedaba saxaafada loo soo bandhigin ayaan ogeyn inay ilmo dhashay,waayo waxaa loo sheegay markii ay ilmaha uurka ku sidey in caloosha uu dhagax ugu jiro.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gabadhan uu faro xumeyn kula kacay nin adeer u ahaa oo guriga kula noolaa kaasoo ay ciidamada Boolisku gacanta ku hayaan.

Waalidka dhalay gabadhan yar ayaa sheegay inaysan xitaa fiirineyn muuqaalka gabadha lagu soo qalay gabadhooda, waxaana gabadha yar oo lagu haynayo muddo toddobaadyo ah kadib la wareegi doono ururada carruurta xanaaneeya inta laga helayo qof damaanad qaada nolosheeda.

Dalka Hindiya ayaa waxaa ku badan falka kufsiga ah,balse waxaa ay haweenka la faraxumeeyay ay iska soo ridi karaan ilmaha labada bile e ugu horeysa. Hase yeeshee sharciga dalka Hindiya ayaa diidaya in la soo rido ilmo uurka hooyada ku koray illaa uu dhakhtar fasaxo.

Loading...
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com