Home » CAYILKA » AKHRISO: Sababaha keena cayilka badan iyo dhibaatooyinkiisa…(caafimaadka)

AKHRISO: Sababaha keena cayilka badan iyo dhibaatooyinkiisa…(caafimaadka)

  1. Waa ma xay cayil ka xad dhafa ka ahi (Shuluq)?
    Cayilka xad dhaaka ahi waa cudur. Waana marka qofka baruurta fara badani korto ee qofka culayskii noqdo xad dhaaf.
    Waxa ugu wayn ee keena cayilkan cudurka ah waa qofka oo cuna cunno badan iyadoo dhaq-dhaqaaqisuna yar-yahay.
    Cudurka cayilku wuxuu wax yeelaa wadnaha, sambabda, xubnaha laabma, iyo lafaha. Cudurka cayilku waxa laga yaabaa in aad is dhaawacdo oo xubnahaaga laabma iyo lafaha wax is yeesho waxaana laga yaabaa in uu ku dilo ood u dhimato.
    Waxyaabaha khatarta naftaada galinaya ee cudurka cayilku keeno waxa ka midda:
    1• Dhiigkarka: 
    2• Sonkorta ama kadimacaanka: 
    3• Cudurada wadnaha sida wadno joogsiga: 
    4• Faalijka: 
    5• Neefta (xiiqda iyo xurquunka):2. Sidee laysaga difaacaa cudurka cayilka?
    A• Adigoo dhaq-dhaqaaqa badiya oo lugeeya, ciyaara kubada cagta, tan gacanta ugu yaraan sedex goor todobaadkii .
    B• Adigoo joojiya sigaar cabida iyo tagista meelaha sigaarka lagu cabo.
    C• Adigoo cuna cuntooyin saxan oo khudrad u badan

    3. Cuntooyinkaaga oo aad saxdo :
    1• Waxaad cuntaa khudrada macaan iyo tan la kariyo oo noocyo badan isugu jirta si jidhkaagu uga helo nafaqooyinka iyo macdanta uu u bahanyahay jidhku.
    2• In aad cunto cuntooyin nafaqo leh oo kala duwan.
    3• Yarayso cunooyika ay ka mid yihiin buskudka, baradhada shiilan, macmacaanka nac-naca subagyada kala duwan, milixda, jalatooyinka kala duwan iyo cabitaanka soodhada ah.
    4• Iska yaree cunooyinka shiilan ee dufanka badan sida mac-macaanka, buskudyada, iyo keegaga.

    4. Waxyaabaha kale ee cunada caafimaad iyo sixxo ku kordhiya:
    1• Dooro cunooyinka nafaqada leh sida rootiga guduudan, bariiska aan cadaanka ahayn.
    2• Markaad cunada karinayso ha ku badinin dufanka.
    3• Markaad cunada karinayso ha shiilin. Cunada dub, huuri, kari, foornee, ama uumatee.
    4• Dooro hilibka aan baruurta lahayn ama hilibka cad sida digaaga , digiirinka iyo kaluunka (kaluunka) .
    5• Dooro caanaha aan dufanka badan lahayn  jubnadda cheese caano-fadhi iyo caanaha aan dufanka lahayn

    5. Waxyaabaha kuu kordhinaya dhaqdhaqaaqa jidhka: (jimicsiga jidhka)
    1• Lugee! Maalin walba xawaare ku soco 15 daqiiqo.
    2• Ciyaar ciyaaraha fudud.
    3• La ciyaar ama la bardoodan caruurtaada.
    4• Haraacin wiishka guriga ee kor jaranjarda.
    5• Baska ka deg hal busteejo ka hor inta aan la gadhin taada si aad u yara lugayso.
    6• Yaree TVga daawashadiisa oo socsoco marka xayaysiisku soo galo.
    7• Gaadhiga kaga tag meel suuqa ka fog si aad u lugayso xoogaa.
    8• U lugee markaad waxyaabaha yar-yar soo iibsanaysid.

    6.Mar kaad dhaq-dhaqaaqa badiyso waxay kaa caawisaa :
    1• In ay kaa yarayso khatartii cudarada sonkorta, wadnah joogsiga iyo faalidka.
    2• Inay debciso xubnahaaga laab-laabma
    3• Inay xoojiso dhaq-dhaqaaqaga
    4• Inay kaa ilaaliso lafaha is gala marka dadku gaboobo
    5• Inay kaa ilaaliso lafaha khafiifa ee dil-dilaaca osteoporosis
    6• Inaad noqoto qof faraxsan oo aan diiqo hayn.
    7• Inay kaa dhigto qof isku kalsoon oo hanawayn.
    8• Inay kaa ilaaliso wel-welka iyo welbahaarka.

.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com