Home » CAYILKA » Cayilka siyaadada ah oo ku faafaya carruurta iyo da’yarta caalamka

Cayilka siyaadada ah oo ku faafaya carruurta iyo da’yarta caalamka

Waxaa toban jibaar sare u kacay cayilka siyaadada ah ee fuula carruurta iyo dhallinyarada da’da yar, afartankii sano ee u dambeeyay, taas ayaa ka dhigan in 124 milyan oo gabdho iyo wiilal isugu jira oo adduunka ku nool ay aad u cayilan yihiin, sida ay muujinayso cilmibaaris cusub oo la sameeyay.

Cilmi baaristan lagu qoray Lancet ayaa ah middii ugu baaxadwaynyd ee nooceeda ah waxayna u muuqataa in cayilka siyaadada ah uu ku faafayo in kabadan 200 oo dal.

Marka la fiiriyo UK tobankii ilmood ee dadoodu u dhaxayso 5 ilaa 19 mid ka mid ah ayaa aad u cayillan.

Carruurta aadka u cayillan ayay u badan tahay in ay sii cayilnaadaan marka ay waynaadaan, taas oo u keenaysa halis caafimaad oo baxad leh, sida ay khuburadu sheegayaan.

Carruur cunto laacaya

Baaritaanka Lancet ayaa lagu beegay maalinta cayilka adduunka.

Muasasadda cayilka Adduunka ee WOF ayaa ka digaysa in dawaynta xanuunnada ka dhasha cayilka siyaadada ah in ay adduunka kaga bixi doonto 920 bilyan sannad kasta meesha lagu gaaro 2025ka.

Khariidaddan hoos ka muuqata waxay tilmaamaysaa cayilka wiilasha

Shaxda wiilasha, Guduudka ayaa tilmaamaya dalalka ugu badan ee cayilka siyaadada ah ka jiro, waxaa soo raaca jaalaha, cagaarka iyo buluuguna waxay ka dhigan yihiin in cayilka siyaadada ah ee dhallaanku uu ka hooseeyo 5%Lahaanshaha sawirkaNCD RISK FACTOR COLLABORATION
Image captionShaxda wiilasha, Guduudka ayaa tilmaamaya dalalka ugu badan ee cayilka siyaadada ah ka jiro, waxaa soo raaca jaalaha, cagaarka iyo buluuguna waxay ka dhigan yihiin in cayilka siyaadada ah ee dhallaanku uu ka hooseeyo 5%

Khariidaddan hoos ka muuqata waxay tilmaamaysaa cayilka gabdhaha

Shaxda wiilasha, Guduudka ayaa tilmaamaya dalalka ugu badan ee cayilka siyaadada ah ka jiro, waxaa soo raaca jaalaha, cagaarka iyo buluuguna waxay ka dhigan yihiin in cayilka siyaadada ah ee dhallaanku uu ka hooseeyo 5%Lahaanshaha sawirkaNCD RISK FACTOR COLLABORATION
Image captionShaxda wiilasha, Guduudka ayaa tilmaamaya dalalka ugu badan ee cayilka siyaadada ah ka jiro, waxaa soo raaca jaalaha, cagaarka iyo buluuguna waxay ka dhigan yihiin in cayilka siyaadada ah ee dhallaanku uu ka hooseeyo 5%

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com