Home » CAYILKA » Qalliin cayil dhimis ah oo lagu sameeyay haweenay 500kg ah

Qalliin cayil dhimis ah oo lagu sameeyay haweenay 500kg ah

Haweenay u dhalatay dalka Masar oo la aaminsan yahay inay tahay qofka ugu buuran dunida oo ahayd 500kg, ayaa lagu sameeyay qalliin culeyskeeda lagu dhimayo.

Qallliinka ayaa lagu sameeyay cisbitaal ku yaalla dalka Hindiya.

Afhayeen u hadlay maamulka cisbitaalka Sayfee ee Mumbia, wuxuu sheegay in Eman Axmed Cabdi El Aty, oo 36 sano jir ah, uu culeyskeeda is dhimay 100kg, ka dib qalliinka.

“Waxaan isku deyeynaa inaan si wanaagsan u caateyno si ay ugu noqoto Masar, sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay cisbitaalka.

Qoyskeeda waxay sheegeen inaysan guriga ka bixin muddo 25-sano ah. Bishii January ayaa Hindiya lagu geeyay diyaarad gaar ah.

Afhayeenka wuxuu BBC-da u sheegay in la filayo in ay sii caatowdo bilaha soo socda.

Qalliinka waxaa fuliyay koox dhaqaatiir ah oo uu hogaaminayo dhaqtar ku taqasusay dhimista cayilka oo lagu magaacaabo Dr Muffazal Lakdawala.

Eman Axmed Cabdi El Aty, ka hor intaan la qalin

Qoyska Eman Axmed Cabdi El Aty waxay sheegeen inay ku dhalatay 5kg, ka dibna uu ku dhacay caabuq ah in jirka uu bararo.

Markii ay jirtay 11-sano, culeyskeeda ayaa kordhay, waxaana ku dhacay xanuunka wadnaha, waxayna noqotay qof sariirta iska saaran.

Waxaa xanaaneynayay hooyadeed iyo walaasheed.

Si kastaba, Dr Lakdawala wuxuu BBC-da u sheegay bishii December, in uu aaminsan yahay in haweenayda uusan ku dhicin caabuqa jir bararka ah, balse uu haleelay xanuun dhaliyo cayilka.

Xanuunkaasi oo lagu magacaabo lymphoedema, wuxuu sababaa in cagaha ay bararaan.

line break

Muxuu yahay qalliinka lagu sameeyay?

Mandhecerada caloosha

Qalliinka dhimista cayilka waxaa loo adeegsadaa in lagu dhimo culeyska dadka sida xad dhaafka ah u cayila.

Dadka noocaas ah ee u baahdo in la qalo waxaa la sheega in halis ay ku jiraan, jirkoodana ay ku jirto baruur xad dhaaf ah.

Labada qaab ee lagu yareeyo cayilka ee qalliinka uu maro:

  • Mindhicirada caloosha: Mid ka mid ah mindhicirada la yareeyo si qofka uusan ugu baahan cunto badan, caalooshana u yaraato. Haddii uu wax yar cuno wuu dhergayaa, marka qalliinka noocaas ah lagu smaeeyo.
  • Marrinka mindhicirada: Qalliinka noocan ah waxaa lagu bedelaan meesha ay cuntada mareyso, si raashiin yar uu qofka ugu baahdo, uuna wax yar uga dhergo.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com